Home » Warar »

Bulshada Soomaaliyeed oo lagu dhiirigeliyey in ay kor u qaadaan naasnuujinta

Nayroobi, Kenya, 30 Luulyo 2010 – Bulshada Soomaaliyeed waa in ay kor u qaaddaa naasnuujinta si loo hubiyo in carruurta yaryar ugu bilaabato nolol wanaagsan oo deggan, Wakiilka UNICEF ee Soomaaliya, Rozanne Chorlton ayaa hadalkaas tiri bilowgii Toddobaadka Naasnuujinta Adduunka. Toddobaadka ayaa sanadkan diiradda saaraya faa’iidooyinka naasnuujinta iyo sidoo kale kaalinta ay bulshada iyo waaxda caafimaadku ka ciyaari karaan kor u qaadisteeda.

Dalkan oo ah mid ay shantii carruur ahiba uu midkood dhinto inta uusan shan sano jirsan, ayaa ay naasnuujintu u leedahay awood ay geeridan hoos ugu dhigto ilaa 20%, iyo sidoo kale in ay hoos u dhigto suurtagalnimada in carruurta ay ku dhacaan cudurro. Daahinta waqtiga loo bilaabayo naaska iyo isticmaalka caanaha carruurta ee nadaafad-xumada lagu diyaariyey, caana-booraha iyo caanaha xoolaha ayaa qayb ka ah waxyaabaha keenaya nafaqo-xumada guud ee ba’an ee heerarkeedu gaarayaan 19 boqolkiiba.

Soomaaliya ayaa aan carruurta la siinin caanaha naaska oo keliya wax ka badan laba ilaa saddex maalmood ka dib marka ay dhashaan. Keliya 5.3% carruurta yaryar ayaa caanaha naaska oo keliya la siiyaa Soomaaliya lixda bilood ee ugu horreysa noloshooda. Haddii tiradaan la badin lahaa, ayaa carruurta Soomaaliyeed waxa ay heli lahaayeen faa’iidooyin caafimaad oo aad u wanaagsan, iyo nafaqooyin muhiim ah iyo in weliba ay ka badbaadaan cudurrada dilaaga ah sida oof-wareenka. Ilaalinta ay naasnuujintu ay carruurta ka ilaaliso cudurrada waxa ay sii muhiimsan tahay marka uu ilmuhu ka yar yahay lix bilood, laakiin waxa ay gaareysaa ilaa marka ay ugu yaraan yihiin laba sano jir. Qur’aanka ayaa sidoo kale ku taliyey in ilmaha la nuujiyo 24 bilood.

UNICEF ayaa shaqaalaha caafimaadka iyo bulshooyinka ka taageereysa in ay helaan aqoontii, xirfadihii iyo kheyraadkii ay ku caawin lahaayeen hooyooyinka dhowaan dhaley iyo dhiirigelinta naasnuujinta ee Soomaaliya. “Wax badan ayaa lagu gaari karaa in bulshada loo sheego in hooyooyinku ay ilmaha u bilaabaan naasnuujinta saacad gudaheed marka ay dhashaan oo aaney carruurtoodana siinin lixda bilood ee ugu horreysa noloshooda cunto iyo cabitaan aan ahayn caanaha naaska, haddii aan sidaas loogu talin caafimaad ahaan,” ayaa ay tiri marwo Chorlton. “UNICEF waa hay’adda ugu weyn ee adeegyo biyo, waxbarasho, caafimaad iyo nafaqeyn ku bixisa Soomaaliya waxaana ay shaqaalaheenna iyo la-hawlgalayaasheenna ay gacan ka geysanayaan sidii loo hubin lahaa in goobaha caafimaadku ay kaalin weyn ka qaataan kor u qaadidda wacyiga iyo bixinta xirfadihii lagu gaari lahaa arrintan.”

Ilmaha yaryar ee Soomaaliya ayaa marka ay noloshooda bilaabaneyso ay soo wajahaan qaar ka mid ah xaaladaha ugu xun dunida oo dhan. Xaaladda bani’aadamnimada ee dalka waxaa uga sii daraya iyada oo aan la heleynin ilo biyo joogto ah oo nadiif ah laga helo, cudurro soo noqnoqda (gaar ahaan shuban), iyo iyada oo si yar loo heli karo cunto iyo daryeelka carruurta oo liita, kuwaas oo ka qaybqaatey kororka nafaqo-xumada dabadheer.

“UNICEF waxa ay dhiirigelineysaa fikradda ah ‘bulsho u wanaagsan carruurta’ iyada oo wacyigelineysa warbaahinta, ardayda ku jirta dugsiyada lagu barto umulisanimada iyo kalkaaliyenimada caafimaadka, shaqaalaha caafimaadka ee bulshada, dhallinyarada, macallimiinta, hoggamiyeyaasha diinta, haweenka iyo umuliso-dhaqameedyada si ay markaa u ogaadaan ayna bulshada ugu gudbiyaan in carruurta naaska la nuujiyey ay noqonayaan xubno xooggan oo caqli leh oo bulshada ka mid ah,” ayaa ay tiri Erin McCloskey oo ah Khabiir Nafaqeynta u qaabilsan UNICEF Somalia.

Macluumaad dheeri ah kala soo xiriir:

  • Iman Morooka, Sarkaal Wargaarsiin, UNICEF Somalia. Mobile:  +254 714 606 733. Email: imorooka@unicef.org.
  • Robert Kihara, Sarkaal Wargaarsiin, UNICEF Somalia. Mobile: +254 722 206 883  Email: rkihara@unicef.org.

……………

HOOYOOYINKU CARRUURTA LABO SANO HA NUUJIYEEN!!!
Akhri: http://www.somalitalk.com/hooyo/

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

2 Jawaabood " Bulshada Soomaaliyeed oo lagu dhiirigeliyey in ay kor u qaadaan naasnuujinta "

  1. Mohamed A. says:

    Runtii SomaliTalk waan uga mahad celinayaa dadaalka aad ku bixiseen soo bandhigidda culuumtan muhiim ka ah iyo inaadan Siyaasad kaliya ku ekaanina.

    Waxaan aad ula dhacay bogga http://www.somalitalk.com/hooyo/ waxaanan idinku bogaadinayaa inaad sii wadaan howshiisa ogaadana in Allaah aad uga ajir dalbanaysaan aduunyadna aad wanaageda ku heli doontaan Insha Allaah.

    Jazaakumu ALlaah

  2. abdirashid says:

    Asalamucaleykum wr wbr. Walaalka webka leh somalitalk wax dadka faa,ido uleh waad soo qortaa jzkheyr. Waxanse ku xusuusin in unicef ka hor allah kitaabkiisa inoogu sheegay in carurta la nuujiyo laba sano waanan qofkii rabaa in uu dhameystiro nuujinta, sidaa daraadeed diinta cilmiga ma diidana cilmi kastana waxa ka weyn cilmiga quraanka marka kas ku hir mar lana soco gaaladu in ay ka qataan cilmi badan diinta islaamka siiba wax nafciga u leh . sida daraadeed waxaa fiicnaan laheyd in aad tiraahdid allah ba noo sheegay unicef ka hor noguna sheegay suuratu baqra alla wax uu yiri al waalidaatu yurdicna awlaadahuna xawleyni kaamileyn liman araada an yutima radaaca., marba dla yaabaysa gaalad aayagoo ka hadlaya gudniinka maraks bey ku cazuumaan culumo markey daldalankooda dhameeystan bey yiraahdan culumoy maxay diintu ka qabtaa. waxase mudnaan laheyd in diinta lagu bilaabo maraks ka dib la yiraahdo dhakhtaraduna maxay ka qabaan ama gaaloy idinku maxaad kla qabtaan gudniinka gabadha maxaase daba dhigay gabdhaha oo gudniinka wiilashaa u diiday in ay ka hadlaan laf timir ba ku jirte is weydiiya soomaaliyeey, qof kasta muslim ah waxan u sheegayaa khaasatanb dadka ku hadla aafka soomaaliga in cilmi ku kobsaday kitaabka allah jalla jallaalu iyo axaadiitha rasuulka salalu caleyhi wasalim aswr wbr wallaahu waliyo toowfiiq