Home » Warar »

Madoobe Nuunoow Maxamed: Diinta Islaamku Waa Diinta “Rasmiga ah” ee Dowlada, Sababta loogu Qorey Waxay Ahayd Sii Adkeyn…. Wareysi ay la yeelatay SomaliTalk…

Wasiirka Dastuurka iyo Arrimaha Federaalka Soomaaliya Madoobe Nuunoow Maxamed oo soo gaarey horaanta Usbuucan aynu ku jirno Caasimada dalka Jabuuti, islamarkaana aan wax ka weydiiney halka ay marayaan arrimaaha qabyo-qoraalka Dastuurka Jamhuuriyadda Soomaaliya, goorta la soo bandhigayo Dasruurka cusub, sababaha keeney in marxalada KMG looga guuro Federaal ama maamul Goboleed, qorshaha gobolada woqooyi ee Soomaaliya oo ay damacsan tahay DFKMG iyo arrimo kale oo muhiim ah.

Waraysiga Halkan ka dhegeyso ama soo rogo (mp3)

Wasiirka oo ka jawaabayey su’aal ku saabsan qodob ku saabsan Diinta Islaamka oo dastuurka cusub wax ka bedelayo sidii uu u qoraan jireen dastuuradii hore oo ahaan jirey “Diinta Islaamka waa Diinta Qaranka” , waxaa hadda lagu soo daray kelmedda rasmi (official), waxa uu kaga jawaabey:

“Annaga 100% dad Islaam ah ayaan nahay, dastuurada ama shuruucda dalkana waxaa saldhig u ah shareecada Islaamka, sidaas daraadeed waa jiri kartey in si oraah ah loo qoro dukumiintayadii hore, laakiin tan maadaama xukuumadda Soomaaliyeed ay soo bandhigtay in ku dhaqanka shareecada Islaamka ay tahay muqaddas, baarlamaankana uu arrintaas waafaqay, madaxweynaha uu yiri si dikreeto sharci ah uu ansixiyey, waxa weeye marka waa adkayn loola jeedo in aan laga leexan karin oo shuruucda dalka oo dhan haddii qodob kamid ah uu khilaafo shareecada in uu yahay qodobkaasi wax kama jiraan, sidaas daraadeed waxaa loola jeedaa sii adkayn in arrintaani ay tahay muqaddas.

Waxaan wasiirka markale xusuusinay in dastuurka jabuti lagu samayanayo ay ku qorantahay “Diinta Islaamku waa diinta rasmiga ee dawladda”, halka dastuuradii hore aysan ku jirin kelmedda “RASMIGA”, oo bedelkeeda ay ku qoraan jireen DIINTA QARANKA, haddaba ma loo qaadan karaa in diimo kale ay ka jiraan Soomaaliya, waxa uu kaga jawaabey:

“Maya, (diimo kale) kama jiraan (Soomaaliya), wax kasta oo imaan kara ayaa looga hortegayaa arrintaas iyada ah, marka waa adkayn, loogu talo galay in aan diin kale lagu faafin karin dalka oo diinta keliya ay tahay diinta Islaamka, marka sidaas daraadeed waa adkayn, oo lagu adkaynayo wixii shacabka uu rabay.

Wareysigii wasiirka waxaa uu u dhacey sidan (Wareysiga oo dhameystiran halkan ka dhegeyso).

Maxamed Macallin Cismaan (All-man) Somalitalk Jabuuti
fatxumaalik@hotmail.com


Dastuuradii hore Soomaaliya waxaa ku qornaa: “Islaamku waa diinta qaranka, dalkana laguma faafin karo diin kale iyo afkaar kale oo ka soo horjeedda diinta Islaamka.” Laakiin Dastuurka Qabyada ah ee hadda (2010) Soomaalida loogu soo samaynayo Jabuuti waxaa ka muuqata in la bedeley qodobkaas, sida aan warbixin hore kusoo bandhignay…..

Dastuurka Soomaalida Loogu soo samaynayo Jabuuti oo wax laga Bedeley Qodobkii ahaa “Diinta Islaamka waa Diinta Qaranka”

Waxaana Lagu siyaadiyey eray macne yaal kala duwan yeelan kara….

Dastuuradii hore Soomaaliya waxaa ku qornaa: “Islaamku waa diinta qaranka, dalkana laguma faafin karo diin kale iyo afkaar kale oo ka soo horjeedda diinta Islaamka.” Laakiin Dastuurka Qabyada ah ee hadda (2010) Soomaalida loogu soo samaynayo Jabuuti waxaa ka muuqata in la bedeley qodobkaas, sida aan warbixintan ku arki doono….. HALKAN KA AKHRI…. WARBIXINTA

Qodobka Dastuurka wax laga bedeley Halkan ka akhri

Qodobka Dastuurka wax laga bedeley Halkan ka akhri
https://somalitalk.com/dastuur/dastuur.html

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

2 Jawaabood " Madoobe Nuunoow Maxamed: Diinta Islaamku Waa Diinta “Rasmiga ah” ee Dowlada, Sababta loogu Qorey Waxay Ahayd Sii Adkeyn…. Wareysi ay la yeelatay SomaliTalk… "

  1. cabdiraxmaan says:

    Asc
    Erayga rasmi (official) waxa uu cadeynayaa iney jiraan diimo kale oo Soomaaliya ka jiro oo (non official) aan rasmi aheyn balse uu Islaamku yahay diinta rasmiga marka wey iska cadahay arinta waxaa albaabka loo furayaa in diimo kale meesha ka jiri karaan balse eysan rasmi aheen.

  2. A. Abanur says:

    ASCWW,

    Salaan ka dib, anniga waxaan qabaa in aan la isticmaalin kelmada ah (officail). Qodobkaas qeexaya Islaamka waxaan soo jeedinayaa in loo qaato {ISLAAMKA AYAA AH DIINTA JAMHUURIYADA SOOMAALIYA}.

    Wabillaahi Towfiiq