Home » Warar »

Warbixino dheeraad ah oo ku saabsan Qaraxii ka dhacay Dalka Uganda

Madaxweynaha DFKMG Sheekh Shariif Sheikh Axmed o si kuluL u cambaareeyey Qaraxii ka dhacay Uganda

Sheekh Shariif Sheikh Axmed, oo ah Madaxweynaha DFKMG Soomaaliya Warsaxaafadeed uu ka soo saaray qaraxyadii ka dhacay Kampala ayuu tacsi ugu direy qoysaskii ay dadkaasi ka geeriyoodeen, dadka iyo waliba dowladda Yugaandha. “Foolxumada iyo sida loola eegtay dad iska daawanaya cayaarta Koobka Adduunka ayaa waxay na tusaysaa aragtida gurracan ee kuwa ka dambeeyey falkan iyo waliba baahida loo qabo in gobolka laga nadiifiyo kuwan aan qiimayn iyo texgelin siinayn nafta Bini’aadamka.”, ayuu Madaxweynuha DFKMG ku yiri war-saxaafadeedkiisa.

Madaxweynuha DFKMG waxa uu Xarakada Alshabaab ku dhaleeceeyey in ay sheegeen in ay ku faraxsan yihiin dilka shacabka isaga oo yiri wuxuuna sii raaciyey “Soomaaliya waa ay la baroor diiqeysaa dadka reer Ugandha”

“Falkan argagaxisada ah wuxuu sii xoojinayaa uun xiriirka Soomaaliya iyo Yugandha. Beesha Caalamka iyo tan gobalka midkoodna u dulqaadanmaayo ammaandarrida sii baaheysa” Ayuu yiri Madaxweynuha DFKMG.

Raiisul Wasaaraha DFKMG Somaaliya oo ka hadley Qaraxii ka dhacay Kambala

Dr. Cumar C/rashiid Cali sharmarke oo ah R/wasaaraha Xukuumadda KMG ee Soomaaliya ayaa sheegay in qaraxyada ka dhacay dalka Uganda ay dardar gelinayaan dadaalka lagu xoojinayo holaha nabadeed ee geeska Afrika.

Raiisul Wasaaraha DFKMG oo u warramay warbaahinta ayaa sheegay in qaraxyada kampala ay yihiin kuwa araxan darro ah, wuxuna sheegay in qatartaasi ay wajahayaan dhamaan dalalka geeska Afrika.

Wuxuu ayaan darro ku tilmaamay in Soomaalida ku nool dalka Uganada ay wajahayaan culeys uga imaanaya dhinaca ciidamada amniga, maadaama qaraxyadaasi ay sheegteen Xarakada Shabaab.

“dad markii hore amaan arro darteed uga qaxay dalka in laga daba geeyo qaraxyo iyo waa ayaan darro” ayuu yiri Raiisul wasaare Sharmarke.

Wuxu sheegay In Midowga Afrika iyo urur goboleedka IGAD ay aqoonsadeen in qatarta amaan darro ee ka taagan Soomaaliya ay halis weyn galineyso deganaanshaha gobolka Geeska Afrika.

Dalka Burundi oo sheegey in aysan Ciidamadooda kala bixi doonin Somaaliya

Masuuliyiinta ciidamada dalka Burundi ayaa sheegtay in caga jugleynta xarakada Shabaab darteed aysan ciidamadooda ugala bixi doonin Soomaaliya, ayagoo sheegay in ay sii wadi doonaan howl galka nabad ilaalinta ee AMISOM.

Ku xigeenka afhayeenka ciidamda qaranka Colonel Gaspar Baratuza ayaa si weyn u cambaareyay qaraxyadii mantaanaha ahaa ee ka dhacay kampala, kaas oo ay sheegteen xarakada Shabaab ee dagaalka kula jira ciidamada Uganda iyo Burundi ka jooga Soomaaliya.

Colonel Baratuza ayaa sheegay in Dowladda Burundi ay qaadeyso tallaabooyin ay uga hortageyso weerar lagu soo qaado dalkeeda, ayna sii wadi doonaan taageerada howl galka midowga Afrika ee Soomaaliya.

“waan ka war qabnay in Shabaab ay qorsheynayeen muddo dheer ismiidaamin ay ka sameeyaan Burundi iyo xataa Uganda,waxaa qaadnay tallaabooyin si aanan ugu ogolaanin taasi ayaga, marka la fiiriyo howl galka Nabad ilaalinta Soomaaliya, kama soo bixin doono ciidamadadeena halkaasi, maxaa yeelay sababta aan annaga ciidamada halkaas u geynay maaha in ay dagaallamaan laakin waa in ay taageeraan Dowladda Soomaaliya” ayuu yiri Colonel Baratuza.

Safaaradda Somaliya ee Uganda oo sheegtey in baaritaan Xoog leh lagu hayo cidii ka dambeysey Qaraxii ka dhacay Kambala

Safiirka Safaaradda Soomaaliya ee dalka Uganda ayaa sheegtay in ay diyaar u tahay in ay Dowladda Uganda ka caawiso baaritaanka lagu wado ciddii ka dambeyay qaraxyo ay dad badani ku dhinteen oo ka dhacay Kampala.

Safiirka safaaraddaasi Sayid Axmed Sh Daahir oo wareysi siiyay warbaahinta ayaa sheegay in safaaraddu ay ka xuntahay dhibaatada gaartay shacabka ree Uganda, wuxuuna tilmaamay in aad tacsi u dirayaan dhamaan dadka reer Ugandha.

safiirku wuxuu sheegey in safaaraddu ay baareyso haddii dadka dhintay ay ka mid ahaayeen Soomaali iyo warar sheegaya in 4 qof oo Soomaali ah ay xireen Booliska dalka Uganda.

Shiikh Cali Dheer oo sheegey in ay ka dambeeyeen Qaraxii ka dhacay Dalka Uganda

Afhayeenka xarakada Al-Shabaab Sheekh Cali Max’ud Raage ayaa sheegay markii ugu horeysay inay iyagu ka dambeeyaan qaraxyadii ka dhacay magaalada Kampala ee dalka Uganda, waxa uuna sheegay in tallaabadaasi ay tahay mid ay uga aar gudanayaan Dowladda Uganda oo ciidamadeeda ay joogaan dalka Soomaaliya, kuwaasi oo difaacaya weerarada ay ku qaadayaan xarumaha dowladda KMG ah.

afhayeenka Al-Shabaab ayaa sheegey inay jiraan weeraro kale oo ay ku qaadayaan dalka Brundi kuna tilmaamay dadkooda inay ka jilcan yihiin kuwa Uganda, isagoo labadaasi dal ku eedeeyay inay ciidamadooda jooga Soomaaliya ay geysteen xasuuqa dadka rayidka ah, hase yeeshee waxa uu afhayeenka Al-Shabaab u hanjabay shacabka labada dal oo uu ugu hanjabay inay dalalkooda ka sameyn doonaan weeraro qaraxyo ah.

“Madaxdooda calooshood u shaqeystayaasha ah waxay dadkooda u sheegaan in hadalka Al-Shaab been yahay” ayuu yiri Sheekh Cali Max’ud Raage oo ugu hanjabay shacabka Uganda haddii ay Dowladda ku khasbi waayaan inay ciidamadooda dalka kala baxaan ay la kulmi doonaan weeraro iyo qaraxyo.

Sidoo kale afhayeenka Al-Shabaab waxa uu sheegay in xarakada Al-Shabaab aysan jirin meel celineysa amaba ka xiran, isagoo dhinaca kale digniin u jeediyay dalalka kale ee iyagu qorsheynaya inay ciidamo u soo diraan dalka Soomaaliya, isagoo la hadlayay shacabka dowladahaasina waxa uu tilmaamay inay ku cibro qaataan qaraxyadii ay ka fuliyeen magaalada Kampala ee dalka Uganda.

Madaxweynayaasha Mareykanka iyo Uganda oo ka hadley Qaraxii ka dhacay Dalka Uganda

Uganda iyo Maraykanka Madaxweynayaashooda Yuweri Museveni iyo Barrack Obama ayaa cambaareeyay qaraxyadii mataanaha ahaa ee gil gilay caasimada Uganda ee Kampala ayna ku dhinteen dad gaaraya 60 ruux.

Madaxweynaha Uganda; Yuweri Museveni oo saxaafada la hadlay kadib markii ay qaraxyada dhaceen ayaa sheegay qaraxyada ay ahaayeen masiibo ku habsatay dadka reer Uganda uuna tacsi u dirayo ehellada dadkii ku waxyeeloobay qaraxyadaasi.

Madaxweynaha ayaa sheegay in falalka noocaasi ah ay yihiin kuwo ay ka dambeeyeen waxa uu ugu yeeray argagixisada caalamka oo ay ugu weyntahay Alqaacida, waxa uuna farta ku fiiqay in ururka Alshabab ee Soomaaliya ka dagaalamo uu ku lug lahaan karo qaraxyadaasi.

Sidoo kale Madaxweynaha Maraykanka Barrack Obama oo isna saxaafada la hadlay daqiiqado kadib qaraxa ayaa tilmaamay in uu ahaa fal fool xun oo ay geysteen kuwo fulayaal ah oo un yaqaana sida loo bar tilmaameedsado dadka rayidka ah.

Madaxweynaha ayaa ballan qaaday in dowladdiisa ay garab taagantahay Uganda ayna ka caawin doonto dhinaca amaanka iyo ka hortaga weerarada wax uu ugu yeerey argagixisada.

Qaraxyadii ka dhacay Kampala ayaa ahaa kuwo mataano ah oo lala beegsaday laba goobood oo ay dad ku daawanayeen ciyaartii finalka ahayd ee dhex martay Spain iyo Holland waxaana ku dhintay ilaa 70 qof oo uu ku jiro qof u dhashay Maraykanka.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaar@hotmail.com

Wararkii hore

Uganda: 70 qof oo ku Dhintay Qaraxyo ka dhacay Kampala

Qaraxyadii ka dhacay Uganda waxaa sheegtay Alshabaab in ay ka dambeeyeen…

Warbixinadii ugu horeeyey waxay shegeen in ugu yaraan 33 qof ay ku dhinteen laba qarax ka dhacay magaalada Kampala ee caasumadda dalka Uganda, qaraxaas oo dhacay qiyaastii 11:00 fiidnimo xilliga Kampala ee Axad July 11, 2010, sida ay werisey jariidada New Vision. Laakiin afhayeen u hadashay booliska oo magaceeda la yiraado Judith Nabakooba ayaa sheegtay in dhimashadu gaartey 60 qof , halka dhaawacu gaarayo 71 qof. Inkasta oo warar dambe ay dhimasha gaarsiiyeen 74 qof.

Hal qarax ayaa ka dhacay xarun lagu daawanayey kubbaada cagta ee ka socota Koonfur Afrika.

Goobta qaraxu ka dhacay ayaa shabakada New Vision waxay sheegtay inkuraas halkaas daadsanaayeen iyo dhaawac iyo meyd dadkii ku dhintay qaraxa.

Qaraxa kale ayaa ka dhacay xaafadda Kabalagala oo ah meel ay u badan yihiin Itoobiyaanku. AP waxay sheegtay in halkaasi ahayd makhaayad ay leeyihiin Itoobiyaan.

“Ugu yaraar 40 qof ayaa laga yaabaa in ay ku dhinteen qaraxyada,” sidaas waxaa Jariidada shiinaha ee Xinhua u sheegay Moses Sakira oo ah ku xigeenka CID-da Uganda. “Meesha kama saarayno in uu ahaa  weerar Argagaxiso,” ayuu yiri.

Jariidada Shiinahu waxay werisey afhayeenka Militariga Uganda, Felix Kulayigye, uu sheegay in aaan weli sheegi karin in qaraxaas ay ka dambeeyaan malaysiyo Soomaaliyeed, maadaama ay hore ugu hanjabeen.

Sida ay werisey wakaaladda wararka ee AP, taliyaha Booliska Uganda, Kale Kaihura, waxa uu sheegay in qaraxaas looga cabsi qabo in ay ka dambeeyaan malaysiyo Soomaaliyeed – Al-Shabaab, waa sida AP warka u dhigtay’e.

Madaxa boolisku waxa uu sheegay in maqaaxida Itoobiyaanka ay ku dhinteen 14 qof, halka qaraxa kale dadka ku dhintay ay intaas ka badan yihiin. Warbixin kale ayaa tirada dhimashada qaraxyada ka dhigat 23 qof. Halka Jariidada Daily Monitor ay dhimashada gaarsiisay 50 qof. Halka telefishanka Aljazeera uu dhimashada gaarsiiyey 60 qof.

Janaraal Kale Kayihura oo ay telefoon kula hadashay New Vision ayaa yiri “dadkaas waxaan uga shakisanayn in ay qorshaynayeen arrin sidan oo kale ah. Ugu yaraan waxaa la xaqiijiyey in ay dhacada Kabalagala (makhaayada Itoobiyaanka) ku dhinteen 13 qof. Laakiin weli waan sugayanaa inta ku dhimatay Kyadondo oo ah naadiga Rugby” . Markii la weydiiyey “Dadkaas” yaad ula jeedaa, waxa uu ku jawaabay “Al-shabaab”.

Sida ay qortay jariidadda Guardian ee ka soo baxda UK, Kaihura waxa uu sheegay in uu qaraxyadaas uga shakisan yahay  al-Shabab ama kooxda aadka looga argagaxo ee loo yaqaan  Lord’s Resistance Army. “Waxaa jira kuwo noo digayey sida ADF (Allied Democratic Forces, oo ah koox jabhad ah oo ku sugan dalka  Democratic Republic of Congo), al-Shabab iyo Lord’s Resistance Army.)

Kooxda Lord’s Resistance Army waxay muddo 20 sano ah dagaal ka wadeen Woqooyiga Uganda ilaa markii dambe ay u tallaabeen Suudan iyo dalka bartaha Afrika (central Africa).

Sheik Yusuf Sheik Issa, oo kamid ah hoggaamiyaasha Al-shabaab waxa uu waaberigii Isniinta (July 12, 2010) usheegay AP in uu ku faraxsan yahay qaraxa kudhacay Kampala, laakiin waxa uu diidey in xaqiijiyo ama beeniy in qaraxyadaas ay ka dambeeyaan Al-Shabaab.

“Uganda waa cadawgayada, wixii iyaga ka oohiya, waa na farax gelinayaan anaga. Allah caradiisu haku dhacdo kuwa naga soo horjeeda,” ayuu yiri Sheik Yusuf Sheik Issa oo u waraamayey hay’adda wararka ee AP isagoo ku sugan Muqdisho.

Nin magaciisa ku sheegay Klaus ayaa jariidada Xinhua waxa uu u sheegay in boqolaal qof ayaa shaashad TV-weyn daawanayeen ciyaarta kama dambaysta ah ee kubbada cagta (FIFA 2010 World Cup) markii qaraxaasi dhacay.

Jariidada New Vision waxay sheegtay in qarax saddexaad ka dhacay meesha lagu magcaabo Ntinda, inkasta oo aan boolisku xaqiijin, sida ay sheegtay Xinhua.

Madaxweynaha Maraykanka, Barack Obama, ayaa cambaareeyay qaraxa ka dhacay kampala, sida uu sheegay afhayeen u hadlayey, sheegayna in uu aad uga xunyahay qaraxaas, uuna tacsi u diray dadka reer Uganda.

Jariidada New York Times oo soo xiganeysey Reuters waxay sheegtay in dadka qaraxyadaas ku dhintay oo ka mid ahaa qof Ameerikaan ah. Sidoo kale wakaalada wararka ee AP waxay sheegtay in uu dhaawacmay ugu yaraan qof Ameerikaan ah oo ka mid ahaa dadkii kubadda daawanayey, halka CNN sheegay in qaraxyadaas ay ku dhaawacmeen 6 qof oo Ameerikaan ah.

Uganda waxaa ciidamo ka joogaan Soomaaliya, kuwaas oo qayb ka ah ciidamo halkaas u jooga nabad ilaalin, ayey qortay jariidada Guardian.

CNN waxa uu Isniin July 12, 2010 baahiyey warar tibaaxaya in Al-shabaab ay sheegteen in ay ka dambeeyeen Qaraxyadii ka dhacay Uganda, qaraxyadaas oo ay wararka ugu dambeeyaa sheegeen in ay ku dhinteen ugu yaraan 74 qof.

Sawirada ka daawo:  http://www.enteruganda.com/brochures/klabomb.html

Sawirka: New Vision

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

2 Jawaabood " Warbixino dheeraad ah oo ku saabsan Qaraxii ka dhacay Dalka Uganda "

  1. Bashir Yusuf says:

    Sidee dalkeena ugala wareegnaa dad aan dano Somaliyeed wadin. Dadkaas u baahan in dalka laga wareego waxaa ka koobanyihiin Al Shabaab, Ahlu Suna, Dowlad ku sheegaan Somaliyeed ee uu Sharif madaxda ka yahay, Ethopia, Amison Troops, in badan oo ka mid ah ganacsatada Somaliyeed iyo kuwo kale oo badan oo si direct ama indirect ah ula dagaalamayo danaha Soomaaliyeed? Danaha dadka iyo dalka Soomaaliyeed miyaysan jirin wax u halgamo? Waxaan ku aqliyeestay dowlad sii dacayso. Macaan dowlad Somali ma arag wali. Waxaan ka maseeraa dadka iyo wadanka aan hada ku noolahay sida ay u jecelyihiin wadankooda. Wadanimo Somaliyeed ayaan raadinayaa ee xagee ka helaa? WadanSomaliyeed ayaan raadinayaa oo aan ku faano ee xagee ka helaa? Dad Somaliyeed ayaan aan igu takoorin ama igu soo dhaween qabiilkayga ayaan raadinayaa ee xagee ka helaa? Xagee ka helaa dad iyo wadan Somaliyeed oo aan u kale eexan dadkooda? Xagee u raadshaa Wadan iyo dad Somaliyeed oo tiiranyada wadan la aaneed ee aan la jifto habeen waliba? Xagee u raadshaa wadan iyo dad Somaliyeed uu daacad u noqdo sidii ay wadankooda horuman u gaarsiin lahaayeen? Xagee halgan Somalinimo ka bilaabaa?

  2. muslimah says:

    Asalaamcaleykum waraxamtullaahi wabrakaatuh
    Waxaa la yaableh, in maanta Diinta Islaamka ay dadka qaar ku ciyaarayaan oo kamid ah , Sheekh Shariif iyo dawladisaa iyo al shabab iyo qooxinta kale oo badan oo dhamaantooda ku faanayaan in uu kan kale ka fiicanyahay,
    Sheekh Shariif khaladkisaa ugu wayn waxaa weyaan in uu ciidamada shisheeyaha uu wadanka u daayey.
    Al shabaabna iyo xisbiyada kale, iyagana khaladaadkooda waxaa weyaan isqarxinta (oo xaraan ah) xitaa waxay keeneen (al shabaab) in ay wadamada kale soo qarxiyaan sidaa Uganda oo kale oo ay halkaas ku dhinteen dad badan oo isku jiraan gaal iyo muslim, oo weliba aan waxba galabsanin.
    Al shabaab iyo kuwa la socdaan, iyo sheekh shariif waa in ay ogaadaan inay khalad ku socdaan oo la waydiin doonaa maalinta xisaabta (qiyaamaha) naf walba oo ay dileen waa la waydiindoonaa,
    Run ahaantii wadanka way ku ciyaareen, oo mustaqbalkaa Soomaliya gacmahooda ay ku haleeyeen.
    Waa iga suaal, mar haddi aad dhexdiina (Soomali) u dagaalami kartaan, soo Dagaalada ma joojin kartaan ??? maxaa faaido ah oo aad ka heshaan dagaal dhexdinaa ? Maxaa idin diidey inaad is cafisaan oo ogaataan in wax walba ay qoranyihiin, oo kii loo qorey in Soomaliya maanta madaxweene ka noqdo kaas uun baa madaxweyn noqon.
    waxaa ila haboon in dagaalka,qabiilka iyo isqarxintaa aan faaido iyo dhamaad toona lahayn aad iska joojisaan, oo hishiisaana oo u tawbat keenaan oo Allah Subhanahu wa Tacaala halaga baqo waayo cadaab xanuun badan baa jiraa.
    Wa Salaam caleykum waraxamtullaahi wabarakaatuh.
    wa bilaahiTawfiiq.