“(Maraykanku) waxay yiraahdeen dawladda Soomaaliyeed waa dawlad aan ammaano lahayn, oo tabar daran, oo aan lahayn aragti xeel dheer iyo qiime toona…. Waxay (Maraykanku) yiraahdeen anaga (alternative) wax tan ka duwan ayaan rabnaa” ayey tiri Xildhibaan Caasha Cabdalla oo la hadlaysay reer Minnesota.
“Waxaan idiin hubaa maalintii aan maxaakiimka ugu tegayeyey Xamar oo aan lahaa walaalayaalow wax kasta qaata oo maanta Soomaaliya badbaadiya oo xamar waa dabadeeniiye Amxaaro hatusina, oo ay iga diideen, oo dagaalku dhacay, oo 10,000 ay dhinteen, Shariif hormuud ayuu ka ahaa, haddii ayagu ay yihiin Shabaab, Shariifna waa shabaab, anigu waxba ma qariyo,” Xildhibaanad Caasha Axmed Cabdalla.
“Ciidamada Uganda intii Itoobiya geystay laba laabkeed iyo saddex laabkeed ayey geystayey, lagamana hadlo.” Waxayna Caasho is weydiisey “Waxaan arki jirey reer Minnesota oo ka mudaharaada Ethiopia, maanta ma arko.”
VIDEO iyo COD Khudabadii Caasha Cabdalle u jeedisey reer Minneapolis GUJI/RIIX HALKAN
Warbixinta oo dhamaystiran iyo Qaraar ka soo baxay USA ka eeg halkan
caasha anigu waxaan qabaa inay tahay muwaadinad xeel dheer runtana sheegta, qofkii diidan in caasha ay tahay qof daacada runtana sheega waa qof qabyaaladi madax martay aana jeclayn runta amxaaro haday shalay timi maaantana way soo socotaa waxa ay laynaysaana waa soomaali keliya markaa cabdillahi walaa shariif midna dan uma hayo umadda keliya waxaa lagu taageerayaa waa qabiil markaa nin aqoon leh dalka iyo dadka badbaadiya umadda haloo keeno oo amxaarada danteeda ayaa kujirta inay soomaaliya gasho laakiin somaali dan uguma jirto wabilaahi tawfiiq
i like casho ha noolaato maxaa yeelay she always tells us a true about that weak government that millions of Somalis are victim of it’s brutal action which is to brought African Enemies.
Ninka ila isticmaalay user name ka ee leh caasha itoobiya kama hadlin xiligii geedi iyo c/llaahi, waxaan leeyahay taariikhda dib u raac, caasha raali kama ahayn ciidamada itoobiya mana taageerin siyaasadii maamulkii c/llaahi iyo geediba maantana meesheedii bay taagan tahay. ee nin jeclaysiga jooji. Walaal user name ka aad isticmaalaysid lamber ama eray raaci si aynu isku garano. Soomaaliga aad qortayna waa mid liita.
caasha shariifku haduu al shabaab yahay waxaa doortay xildhibaanandada
maxaa marka alshabaa xilka farahah ugu galinayseen hadad ku ogaydeen
tan labaad masuul kastah oo lasoo doorto adigu waad mucaaradaaye yaad muxaafad u noqondoontaa
caasha waa runteed oo waxay il tahay in aan laga shaki qabin iin uu shariifku yahay shabaab wayo
somalida ayaa waxay kuu maahmaahdaa nina dhaladkii kama tago oo taas waxaan u la danleeyhay sharii waxaynu wada ognahaay in uu ahaan jiray hogaaamiyahay maxaakiimtii
alshabaabna waa kuwa isku badalay alshabaab
marka anagu makala naqaan ama magaca badasha
ama iska daaya
s/c intaas kadib aniga waxaan kamid ahay dadka kasoo jeeda koonfurta somaliya hadana aniga waxaan aaminsanahay c/laahi yuusuf iyo shariif waxba isma dhaamaan dadka iyo dalka burburshay ,taas cid inkiri karta malahan ,balse maanta wadamadaan reer galbeedka aan joogno waqtigaan kama samayn karno mudaaharaad aan uga soo horjeedno shacabka maatida ah ee ugandhesk madaafiicda ku laynayo, sababtoo ah wadamadaan aan joogno waxa ay aaminsanyihiin waqtigaan xaadirka ah in mucaradkii ay ku wada biireen dowlada inta kale ee ka soo horjeedana ay yihiin al shabaab marka cabsidaas ayaa jirta oo mudaaharaad loo samayn karin ee waan ognahay kuwaan ugandheska ah ayaa ka xun xabashidii hore, kuwaan maalin walba madaafiic ayeey ku xasuuqaan shacabka masaakiinta ah ee howsha qabiil ahaan ama beel ahaan ma ahan ,sida aan ku arkay kuwa beelo magacooda ku sheegay rayigooda,marka caasho ka xildhibaan ahaan waxaan oran lahaa mooshin ka dhan ah ciidamada ajnabaiga ah wadanka looga saarayo waa inaad baarlamaan ku sheega aad geyso waaba hadii ay damiir soomaalinimo,islaanimo wax uun ku danbeeyaane magaratay inataas ayaan uga bixi lahaa wabilaahi towfiiq..
waa layaab Caasha Cabdalla marki Cabdullahi Yuusuf uu amxaaro keenayey kama aanan maqal qaylo dhaan maanta maxaa ka qaylisiiyey . hadii eey soomali tahay maxay uga bixi weyday dawlada iyo baarlamaanka sheeko raqiis hanoo keenin islaanyahey
Ninka Somali la baxay… Caasha waa qofkii ugu horeeyey oo ka horyimid Itoobiyaanka iyo dowlada mar walba codkeeda la maqli jirey. xitaa itoobiyaanka waa tey gurigeeda ku duqeeyeen. Marka nin taariiq haaya oo qabyaalad la jidbeysan ayaa tahay. Caasha waa muwaadinad dhab ah…..
Mashrucii faanoole fari kama qodna.
xamar iyo dadkeediiba cadho ilaah ba ku dhacdey, wixii ay USC geysateyba laga jararaa. Waxa kuu caddeynaya madaxweyne reerkiisii iyo magaaladiisii madfac ku hoggaaminaya una yeedhananaya ciidan kale si ay u dabargooyaan hadhaaga ku hadhey xamar.
Xamar waa xabaal ee yaa xisabin.
waxan qaba hadalada casha axmed cabdale 100% in aay sax yihin,tusale cad ayaa meshan kamuqda oo aan la’inkiri karin qof kasta oo wax garad ah oo konka kunla ka warqabo ama ohyahay,waqtigii ladortay col.C/dulahi yusduf axmed,dadka dhalashadodu kaso jedo Haweyha siyab leh ayey uga so horjedsaden xukun kisi,waxana manta kamar khati furaysa xil dhiban casha axmed cabdale,waqtigan hader lajogo sheikh sharif sheikh axmed ayaa belwenta haweye ujidbeysan yihin,waxuna wadanka kenay cidamo shisheye,wana waxii ama wadadi layska hotagay madxweynihi hore ee somaliya dadkii iska hortagy ayaa manta waxay hayan wadadii lagu cabaran jiray col.cabdulahi yusuf axmed, tasina waa khalad la’arkayo hase yeshe wanagu waxaanu lenahay hadii danta ummadu kujirto rali ayanu kanahay oo kahor eman mayno sidii aay eyagu yelen oo ishortagi mayno wax lo’arkay in danta shicibka somaliyed ku jirto.
Xildhibaan Caasha waa runteed waxa ay ka hadashay oo dhan somali hadeey saan isku dhaami weyso waxaa lays weeydiin doonaa in uu jiray dal somalia iyo inkale…
teeda kale xildhibaan caasha waxa ay ka mid tahay dowlada iyada laftirkeeda meey iska cazisho xilka ay heeyso maadaama ay dadka wax ugu qaban weeysay….
waan filayaa taasi in ay dhaceyn maxaa yeelay somalida waa kursi kudiin ee shacab badbaadin ma aha
islantan waxan layabanahay amxaradu markey imanyenba hadalkeda lama maqli jirine cabdulilhi yusuf isaga aya kenay amxaro ii sharif ma kenin waliged iyada oo ka hadleysa ma maqlin manta ayey ledahay sharif iyo maxkamadihii maxey dalka u badbadin wayen cabdulihi yusuf aa amxara kenay afka ayey ka ilalineysaa dulimi aya ka buxu islantan walahi
ASCWW,
Salaan ka dib, waa nasiib darro qof Xildhibaan ka ah Dowladda in ay Dibadaha iskaga hadasha, ayadoo la ogsoon yahay in ay Caasha xilka ay ka hayso Dowladda ama Xildhibaannimadeeda uu yahay mid ay ku timid Qabiil 4.5, in ay sidey doonto u hadasho waa laga fiican yahay, ayna Asraarta Dowladda ku kiciso Shacbiga Soomaaliyeed meel ay joogaanba. Sidaa darteed, waxaan soo jeedinayaa Dowladda in ay tilaabo sharciga waafaqsab waa in ay ka qaadaa qof kasta ee Dowldadda Soomaaliyeed ka mid ah ee waxaan shrciga waafaqsaneyn ku kacda, waxaan websayd ka mid ah websaadyada Soomaalida ku arkay Qaaci loo sameeyey Caasho, ilaah baan idinku dhaarshayee qof xafladaa oo kale loo sameeyey baa ka damqaneysa Ummadda maanta dhibka ku habsatay, qofkii arka sawiradaa ayaa garan kara Caasha heerka ay ku sugan tahay maanta, waa ilaa mahaddii, haddii alle idmo goor dhaw Xaqiiqda Soomaaliya waa soo baxaysaa, ninka Wadaadka ee Shariif Sheekh Axmedna (Xafiduhu Allaa) iyo inta dadaalka uu wado kula garab taagan waxaan leeyahay Guuleysta, halkaana ka sii wada howshiina, cidna dheg jalaq yaan loo siin in laga gaarayo Yoolka la tiigsanayo, xaqa iyo Caddaalada cidna yaanan looga aaba yeelin.
Allaa Mahad Leh
dadka waxa gumaadaa waa Al-shabaab waxa Somalia nabad udiidan waa Al-shabaab, Somalia waxa inay dawlad ahaato udiidan waa Al-shabaab kuwa calanka soomaliyeed diidayaa waa iyaga.
Dad la laynayo looma mudaharaadi jirine, C/llahi ayaan u dhalan muqdisho away ragii uburta afka ka sii dayn jiray oo guubaabin jiray umadda. May u naxaan hada oo ay ka hadlaan gumaadka lagu hayo umadda soomaaliyeed ee sida bini’aadnimada ka baxsan loo laayoo maalin walba, iyaga oo aan u kala harin dhinacyada uu khilaafku u dhaxeeyo.