SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Xildhibaan Caasha Cabdalla: "Haddii iyagu Al-Shabaab yihiin, Shariifna waa Al-Shabaab"

"Waxaan idiin hubaa maalintii aan maxaakiimka ugu tegayeyey Xamar oo aan lahaa walaalayaalow wax kasta qaata oo maanta Soomaaliya badbaadiya oo xamar waa dabadeeniiye Amxaaro hatusina, oo ay iga diideen, oo dagaalku dhacay, oo 10,000 ay dhinteen, Shariif hormuud ayuu ka ahaa, haddii ayagu ay yihiin Shabaab, Shariifna waa shabaab, anigu waxba ma qariyo," Xildhibaanad Caasha Axmed Cabdalla. 

"(Maraykanku) waxay yiraahdeen dawladda Soomaaliyeed waa dawlad aan ammaano lahayn, oo tabar daran, oo aan lahayn aragti xeel dheer iyo qiime toona.... Waxay (Maraykanku) yiraahdeen anaga (alternative) wax tan ka duwan ayaan rabnaa" ayey tiri Caasha Cabdalla oo la hadlaysay reer Minnesota.

"Ciidamada Uganda intii Itoobiya geystay laba laabkeed iyo saddex laabkeed ayey geystayey, lagamana hadlo." Waxayna Caasho is weydiisey "Waxaan arki jirey reer Minnesota oo ka mudaharaada Ethiopia, maanta ma arko."

Halkan ka dhegeyso Hadalkii Caasho Cabdalla(mp3)

(Video-ga ka daawo dhanka hoose ee boggan.)

Xildhibaanad Caasha Cabdalla ayaa habeenidii Isniinta (July 5, 2010) la hadashay jaaliyadda Soomaaliyeed ee reer Minnesota ayaa hadalkeedii waxaa ka mid ahaa:

Aniga halkan waxaan u imid, waxaa na soo casumtey Dawladda Maraykanka, waxaan Washington ku aragnay dad farabadan oo ka tirsan Aqalada Congresska Maraykanka, Obama la taliyaashiisa, securitiga, hay'ado badan oo kala duwan oo dawli ah. Ajandaha ugu weyn ee aan annagu u diyaarinay iyo wax kasta oo ay naweydiiyaan waxa uu ahaa Reer Minnesota waa maskaxdii Soomaaliyeed ee horta Soomaaliya baadi doonkeeda iyaga hala bilaabo.

Maraykanka waxaan iskula hadalay waxaa ka mid ahaa: Waxay (Maraykanku) yiraahdeen dawladda Soomaaliyeed waa dawlad aan ammaano lahayn, oo tabar daran, oo aan lahayn aragti xeel dheer iyo qiime toona (vision, mission and value)." ayey tiri Caasha oo intaas raacisay "Waa is adkaynay oo waa isdifaacney, lakaiin xaqiiqadii waxaa ah in ay ogyihiin waxa meesha ka socda, waxaanu niri wixii dhacay yeynaan ku noqon laakiin mustqabalka aan ka wada hadallo. Waxay (Maraykanku) yiraahdeen anaga (alternative) wax tan ka duwan ayaan rabnaa, waxayna magacaabeen dad dawladayada (FKMG) kamid ah inta ay ku jiraan in aysan gacan siinayn. Waxaana (Maraykanku intaas ku daray) wixii aanu u dirnay, wixii aan siinay iyo wixii aan Soomaali u samaynay waa la lumiyey ayey yiraahdeen, kalsoonidayada waxaad ku heli kartaan in idinka dhexdiina aad iska saxdaan, marka aad wax qabsataan anaga diyaar ayaan idiin nahay. Waxaan ku niri anagana wax taas ka duwan ayaan haynaa ee ka warama haddii aanu hawl gelino jaaliyadihii oo marka hore jaaliyadaha ay kamid yihiin Minnesota, Virginia, Ohio, oo Minnesota ay kow ka tahay sababtoo ah waxaa idiin doodayey Senataradiinii iyo Congaresyadiinii. Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed iyada ka bilaaba ayaan ku niri Soomaalida dhexdeeda.

Caasha waxay reer Minnesota u sheegtay: Aniga Madaxda Soomaaliyeed ma jecli, waxa aanan  u jeclayn waxa weeye waxaan ku arkay daacad la'aan, ammaano la'aan ayaan ku arkay, Soomaali nacayb ayaan ku arkay, waxay yeesheen dad-la-taliyaan xun, aniga qofna ma jecli waxaan jeclahay Soomaaliya, waxaan idinka rabaa in aad Soomaaliya ila jeclaataan,waxaan idinka rabaa in aad Qareen (Lawyer) Soomaaliya u qabataan, oo hantidii qaranka oo caalamka ku kala baahsan oo rag Soomaaliyeed oo loo igmaday ee ninkii madax ah ee soomaraba ay guryo qurxoon ku dhisteen oo bangiyada dhigteen, oo carruurtii Soomaaliyeed ay noqdeen in dhimatay in dhaawac ah iyo in dariiqyada taal,

Waxaan nahay xildhibaano baarlamaanka dhexdiisa ka soo baxay oo la yiraahdo Xildhibaanada Badbaadada Qaranka Soomaaliyeed, xoolo ma rabno, hanti aan meel dhigano ma rabno, waxaan diyaar u nahay in aan u dhimano dalka Soomaaliyeed, anaga waxaan rabnaa kuwa naga soo horjeeda oo u midoobay in ay dawladda ridaan in aan la fariisano ayaan rabnaa, laakiin walaalahayaga kale oo baarlamaanka dhinaca kale ah ma rabaan in ay la fariistaan, ayey tiri.

Waxaan dhehi jirney ciidamo dalalka deriska ah safka hore yaan la keenin, laakiin hadda Brundi iyo Uganda ayaa ka daray, waxaan markaanti ka ahay nimankii Yugandiiska ahaa qori aaka ah ayaa lagu soo ridayaa waxay ku jawaabayaan BM oo loo ridayo 100 joog iyo 100 ballac ah , haddaba qiyaasa inta ummad guryahooda fadhiya uu ku habsanayo, ayey tiri. Waxayna intaas raacisay "Ciidamada Uganda intii Itoobiya geystay laba laabkeed iyo saddex laabkeed ayey geystayey, lagamana hadlo."

Xildhibaan Caasha waxa kale oo ay tiri "Itoobiya dhexdhexaadinta ay Soomaali dhexdhexaadinayso oo soo samaynayso Ahlu Sunna wal-jamaaca waa beenteed, wax run ah ma aha". Waxana shacabka Soomaaliyeed xasuusisay Siyaasadda Itoobiya ee ku wajahan Soomaaliya iyo in ay rabto xeebaha Soomaaliyeed yadoo hadda hadal u socda Keny aiyo Itoobiy aku saabsan xeebaha Soomaaliyeed ee xiga Jubba sidii loo qabsan lahaa.

June 29, 2010 ayey ahayd markii Aqalka Senate-ka Maraykanku uu soo saaray Qaraar ku saabsan Soomaaliya. Halkan ka akhri Qaraarkaas.


Halkan ka akhri Qaraarkaas (6/29/2010)

Video-ga khubadii Caasha Cabdalla ay u jeedisey reer Minnesota. hoos ka daawo (Waa duubay Siyaad Siciid Saalax)

Video: Qaybta 1aad

Video: Qaybta 2aad

Gabag: Gabaygii Cawil Saciid Cali 12 Mas'alo

Faafin: SomaliTalk.com / July 7, 2010

 

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

IIDHEH
XAYAYSIIS