Home » Warar »

Hay’adda ACLU oo Gudbisey dacwad ku saabsan sidii Sh. Maxamed Kaariye looga saari lahaa Liiska Dadka aan Diyaaradaha ku safri Karin…

Hay’adda ACLU waxay u dacwoonaysaa 10 qof oo haysta Dhalashada Maraykanka oo laga xanibay Safarada diyaaradaha….

June 30, 2010 ayaa Hay’ada ACLU waxay xaraysay dacwad ka dhana qaar ka mida Hay’adaha Dowlada Maraykanka, sida FBI iyo Xarunta baarintaanka Argagixisada. Hay’ada iyadoo u doodaysa 10 qof oo kamid ah dadka laga xanibay inay diyaarad ku safraan ayey dacwadii ugu horaysay ee nooceeda oo kale ah xaraysay, dadkaas waxaa ka mid ah Sh. Maxamed Sh. C/raxmaan Kaariye oo ka mid ah Ducaadda dacwada kawada W/qooyiga Ameerika. Sh. Maxamed C/raxmaan Kaariye oo ka mid ah Culimada Waqooyiga Ameerika, ahna Imaamka Masjidka Islamic Center of Portland, Masjed As-Saber – Oregon, USA ayaa xanibaadan kala kulmay daal aad u farabadan. Sh. Maxamed ayaa liiska lagu daray, kadibna laga xanibay inuu diyaarad ku safro March 10, 2010 isagoo markaas u safrayey Dubai. Kadib markii dowlada Maraykanka ay liiska “No flight list” ku dartay dad uu ka mid yahay Sh. Maxamed Sh. C/raxmaan Kaariye, arintaas oo Shiikha ku keentay inay ka xanimaan dano badan oo dacwada kusaab san ama uu dhibadan kala kulmay inuu ka qayb qaato, gaar ahaan xiligan oo ah xiliga xagaaga ee Mu’tamada Waqooyiga Ameerika ay dhacaan. WARKA OO DHAN AKHRI HALKAN/GUJI

Warbixinta oo dhan ka akhri HALKAN/RIIX

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Hay’adda ACLU oo Gudbisey dacwad ku saabsan sidii Sh. Maxamed Kaariye looga saari lahaa Liiska Dadka aan Diyaaradaha ku safri Karin… "

  1. aboow says:

    sheeqa wuxuu ka midyahay golaha culimada waqooyi amerika, marka la sooo gaabyo ictisaam.marka kuwa kale maa lala hadlo wali ma fahmin