SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Hay'adda American Civil liberty Union oo Gudbisey dacwad ku saabsan sidii Sh. Maxamed Kaariye looga saari lahaa Liiska Dadka aan Diyaaradaha ku safri Karin...

Hay'adda ACLU waxay u dacwoonaysaa 10 qof oo haysta Dhalashada Maraykanka oo laga xanibay Safarada diyaaradaha....

June 30, 2010 ayaa Hay’ada ACLU waxay xaraysay dacwad ka dhana qaar ka mida Hay’adaha Dowlada Maraykanka, sida FBI iyo Xarunta baarintaanka Argagixisada. Hay’ada iyadoo u doodaysa 10 qof oo kamid ah dadka laga xanibay inay diyaarad ku safraan ayey dacwadii ugu horaysay ee nooceeda oo kale ah xaraysay, dadkaas waxaa ka mid ah Sh. Maxamed Sh. C/raxmaan Kaariye oo ka mid ah Ducaadda dacwada kawada W/qooyiga Ameerika. Sh. Maxamed C/raxmaan Kaariye oo ka mid ah Culimada Waqooyiga Ameerika, ahna Imaamka Masjidka Islamic Center of Portland, Masjed As-Saber – Oregon, USA ayaa xanibaadan kala kulmay daal aad u farabadan.  Sh. Maxamed ayaa liiska lagu daray, kadibna laga xanibay inuu diyaarad ku safro March 10, 2010 isagoo markaas u safrayey Dubai. Kadib markii dowlada Maraykanka ay liiska “No flight list” ku dartay dad uu ka mid yahay Sh. Maxamed Sh. C/raxmaan Kaariye, arintaas oo Shiikha ku keentay inay ka xanimaan dano badan oo dacwada kusaab san ama uu dhibadan kala kulmay inuu ka qayb qaato, gaar ahaan xiligan oo ah xiliga xagaaga ee Mu’tamada Waqooyiga Ameerika ay dhacaan.

Somalitalk waxaa u suura gashay inay shiikha telephone kula xiriiraan isagoo jooga Sandiego California waxna ka waydiiyaan dacwada hay’adu xaraysay iyo Sida uu hada uu Shiikhu u safro maadaada uusan diyaarad raaci karin, wuxuuna ku jawaabay:

Sh. Kaariye: Dacwada hay’adu xaraysay waxay taraysaa, waxay naloo soo celinayaa xoriyadaydii, maxaa yeelay qofka aan wax danbi ah lagu haysan waa inuu helaa xuquuqdiisii uu ugu safri lahaa siduu doono. Qofku wuxuu u safri karaa dano badan oo ay kamid tahay booqasho ehelkiisa ah, shaqo, iyo arimo shakhsi ah iyo arimo dacwo ah intaba. Xiligaan aan kula hadlayo waxaan joogaa California oo aan u imid mu’tamar Islaami oo jaaliyada Soomaalidu leedahay, waxay igu qaadatay 24-saacadood oo gaari ah inaan soo gaaro halkan. Sidoo kale laba asbuuc ka hor waxaan joogay Minneapolis oo uu ka socday Mu’tamarkoodii 10-aad waxay nagu qaadatay inaan halkaas gaarno 30 saacadood oo gaari ah. Marka qofka waxay u qabanaysaa in liiska “no flight list” laga saaro, dadka liiska ku jirana dhibaato kale oo fara badan ayuu gaarsiinayaa, xataa iska daa maraykanka gudihiisee aniga Canadian-ka ayaa igu xujeey inaanan soo gali karin (bishii) May sanadkan xili halkaas uu ka dhacayey Mu’tamar. Xanibaadan dad badan ayaa ku jira oo Maraykan asal ah oo Dalkan u dhashay, qaar soo Islaamay iyo Muslimiin kale oo farabadan, qaar halkan ku dhashay oo dalkale oo ay leeyihiin jirin ayaa kujira, loona diiday inay dib ugu soo noqdaan dalkooda. Arintana waxay saamaynaysaa Xajkii baa soo socda oo dadbani aadaan, waa xanibaad dad iyo ehelkood lakala xanibayo, sidoo kale Xajkii la iska xanibay waa dhib wayn.

Shiikha Maraan wax ka waydiinay rajada uu ka qabo in dacwadaan shaqayso wuxuu yiri;

Rajo ayaan ka qabnaa in wax kasoo baxaan oo dacwadu shaqayso, inkastoo nimankan sirdoonkoodu ay yihiin niman macangag ah, laakiin sida qareenadu leeyihiin way shaqayn doontaa insha allaah.

Qoraal ay hay’adu bogeeda  ku shaacisay oo Shiikha arintiisa kaga hadlaysay ayaa sidaan u qoraa.

ACLU Files Lawsuit Challenging Unconstitutional "No Fly List"

  • Mohamed Sheikh Abdirahman Kariye, a U.S. citizen and resident of Portland, Oregon who was prevented from flying to visit his daughter who is in high school in Dubai;

Mohamed Sheikh Abdirahman Kariye waa muwaadin Maraykan ah dagana Portland, Oregon kaasoo loo diiday duulimaad uu gabadhiisa ku booqan lahaa, gabadhaas oo Dubai ka dhigata Dugsi Sare.

Sidoo kale WashingtonPost ayaa dacwadaas wax ka qortay, mar Shiikha la kulantayna wuxuu yiri sidan;

"I hope they will take me off the list or at least tell me why I'm on it," he said

“Waxaan rajaynayaa inay liiska iga saaraan ama ugu yaraan ii sheegaan maxay tahay sababta aan ugu jiro”

ACLU mounts first legal challenge to no-fly list

Ha’yadan ACLU ayaa dadban oo Maraykan jooga ka faa’iidaysan karaan si arimaha xanibaada socdaalka ay wax uga qabato.

Dacwadda ay ACLU gudbisey oo ka kooban 56 bog ka daalaco halkan.(pdf)

Tobanka qof ee ACLU u doodeyso sidii looga saari lahaa liiska dadka aan ku safri karin diyaarada magcayadoodu waa kuwa hoos ku qoran:

Ayman Latif, Muwaadin Maraykan ah, ahna curyaan ka tirsanaan jirey ciidanka Badda Maraykanka, ku nool dalka Masar oo laga mamnuucay in uu diyaarad u soo raaco Maraykanaka, sidaas daraadeedna uusan laba carruur ah uu dhalay uusan u soo kaxayn karin maraykanka si ay u soo booqdaan qaraabadooda.
Raymond Earl Knaeble, muwaadin Maraykan ah, ka tirsanaan jirey Ciidanka Qalabka sida ee Maraykanka, asaga oo ku xaniban magaalada Santa Marta ee dalka Colombia kaddib markii loo diidey in uu diyaarad u soo raaco Maraykanka.
Steven Washburn, muwaadin Maraykan ah, ka tirsanaan jirey Ciidanka Cirka Maraykanka, waxaana loo diidey in uu diyaarad ka soo raaco Yurub oo uu usoo duulo Maraykanka ama Mexico. Markii dambe waxa uu diyaarad u raacay Brazil, halkaas oo uu ka sii aadey Mexico oo markii uu soo gaaray la xiray isla markaasna laga sii gudbiyey xadka u dhexeeya Mexico iyo Maraykanka.

 

  Samir Mohamed Ahmed Mohamed, Abdullatif Muthanna, Nagib Ali Ghaleb iyo Saleh A. Omar, waa saddex isugu jira muwaadiniin Maraykan iyo in ay haystaan deganaanshada Maraykanka, waxaana loo diidey in ay diyaarad u soo raacaan Maraykanka kaddib markii ay booqasho ugu tageen qoyskooda oo ku sugan Yemen.
Mohamed Sheikh Abdirahman Kariye, Waa muwaadin Maraykan ah oo deggan magaalada Portland ee gobolka Oregon oo loo diiray in uu diyaarad u raaco Dubai oo uu kusoo booqan lahaa gabadhiisa oo dhigata Dugsi Sare.
Adama Bah, muwaadin u dhalatay Guinea oo loo ogolaaday managalyo siyaasdeed in uu ku joogto Maraykanka oo ay ku noolayd ilaa markii da'deedu ahayd laba-sano-jir, waxaana loo diidey in ay diyaarad ka raacdo New York si ay shaqo ugu aado Chicago.
Halime Sat, muwaadin u dhalatay German, haysatana deganaashaada Maraykanka, oo ninkeeda oo muwaadin Maraykan ah kula nool California, waxaana loo diidey in ay diyaarad ka raacdo Long Beach, California una duusho Oakland si ay uga qayb gasho shir.

Isha: ACLU

Faafin: SomaliTalk.com / July 5, 2010

 

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS