Home » Warar »

Waraysi: Xeerka (Charter) Cusub ee Jabuuti loogu samaynayo Magaalada Muqdisho

Dr. Cabdiqaadir Cabdi Guutaale oo ah la Taliyaha Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha DFKMG “…Anagu Muhiim Inooma Ahan in Qabiilo Wax Loo Qaybiyo, Waxaa Muhiimada La Saarey Waxaa Weeye Dadka Degan Magaalada Muqdisho, Dad Matelikara Jaatarkooda (charter) oo Wakiil Ka Ah Dadka Magaalada In Ay Gudiga Ka Mid Ahaadaan…” Wareysi xiiso leh..

Waraysiga ka dhegeys Halkan ama soo rogo (mp3)

Gudiga sharci u sameynta maamulka gobolka banaadir oo shir Aqoon is-weydaarsi al-baabada u xiran oo ay ku lahaayeen Hoteel Panorama ee caasimada dalka Jabuuti ku dhawaad laba todobaad ayaa lagu soo gabagebeeyey 22/06/2010. Aqoon is-weydaarsiga oo ay soo qaban qaabisey Wasaaradda Arrimaha Gudaha, ayna maalgelisey Hay’adda UNDP ayaa waxaa ka talo ka bixinayey dhameystirka Charterka muqdisho, Patrick McAuslan, Erik Bryld iyo Harriet Naitore oo iyaguna ku takhasusey shuruucda maamulada dawladaha hoose.

Halka goob jog ay ka ahaayeen xubno ka socdey Wasaaradda arrimaha gudaha oo uu ugu horeeyo Wasiirudowlaha arrimaha gudaha C/rashiid Xiddig, Xogahayaha Joogtada Wasaaradda Arrimaha Gudaha C/llaahi Jimcaale, la taliyahawasiirka Arrimaha Gudaha ahna Isu-duwaha barnaamijyada QM ay lawaddo wasarada Arrimaha Gudaha C/qaadir Gutaale iyo la taliyaha Ra’iisul Wasaaraha Cali Cabdi Awaare.

Xubnaha gudiga sharci u sameynta Gobolka Banaadir oo ka koobnaa 11 xubnood Ayaa waxaa gudoomiye u ah, Marwo Avv. Xabiibo Jimcaale, islamarkaana hore u ahayd gudoomiyaha gudiga garyaqaanada Haweenka Soomaaliyeed, sida uu ii xaqiijiyey Dr. Cabdiqaadir Guutaale, taasoo muujineysa is-bedelkii ugu horeeyey ee ay dareemaan haweenka Soomaaliyeed, tan iyo wixii ka dambeeyey bur burka dowladii dhexe.

Dr. Cabdiqaadir Cabdi Guutaale oo ah la Taliyaha Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, islamarkaana ah isku duwaha barnaamijyada Qaramada midoobey iyo wasaaradda Arrimaha gudaha oo ka mid ahaa xubnihii hawl-wadeenada maamulayey siminaarka ayaa waxaa inoo suuragashey inaan wax ka weydiino waxyaabihii looga Hadley aqoon is-weydaariga, waxa ka soo baxay iyo arrimo kale oo muhiim ah.

Guutaale oo ka jawaabaya su’aashii ugu horeysey waxaa uu yiri “…gudiga waxay u yimaadeen si ay ula kulmaan khubaro caalami ah oo ku takhasustey sameynta sharciyada magaalooyinka, waxaana ugu horeeyey khabiirka la yiraahdo patric oo wax ka qorey sameynta sharciyadooda dhowr magaalo oo caalamin ah, sida magaalada Mammbey, Daarasalaam iyo magaalooyin kale jaatarkooda qorey, wasaaradda Arrimaha gudaha iyo magaalada Muqdishona sharaf weyn ayey u ahayd nin sidaa u sareeya inuu gacan ku siiyo sidii magaalada muqdisho ay u heli lahayd jaatarka ay u baahan tahay… waxaa lagu guuleystey in mabda’ ahaan laysla gartey qaabka uu noqonaayo Jaatarka magaalada muqdisho, waxaana la galayaa in dadka muqdisho loo bandhigo jaatarka qabyada ah, waxa uu ka kooban yahay, lana sameeyo barnaamijyo xiriir ah oo lagala tashanaayo bulshada qaybaheeda kala duwan, waxaana la arkey jaatarkii hore ee ka koobnaa 50-ka qodob, in ay ka maqan yihiin qodobo badan oo muhiim ah….”

Guutaale wuxuu keloo ka hadlayaaa xiliga la soo gebagebeynayo qorista jaatarka muqdisho “wasaaraddu waxay jeceshahay jaatarka bil ama wax yar bil ka badan, in ay ku soo gebagebeyso, wuuna ka dheeraankaraa, waxaana muhiimada la siinayaa dadka muqdisho, qaybahooda kala duwan waxaana lagu bilaabidoonaa dhamaan qaybaha bulshada Odayaasha dhaqanka, dadka siyaasiinta ah, hogaamiyeyaasha dhaqanka, haweenka ururada iyo dhamaan dadkaasi oo dhan si gooni gooni ah ayaa loogu bandhigidoonaa….”
Qaybaha Wareysiga oo Dhameystiran Halkan Ka Dhegeyso.

Waraysiga ka dhegeys Halkan ama soo rogo (mp3)

Maxamed Macallin Cismaan (All-man) Somalitalk Jabuuti.
fatxumaalik@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

2 Jawaabood " Waraysi: Xeerka (Charter) Cusub ee Jabuuti loogu samaynayo Magaalada Muqdisho "

  1. A. Abanur says:

    ASCWW,

    Salaan ka dib, waan ku raacsanahay Reer Banaadir fikradiisa, horayna waan ugu hadlay arrintan Sharci u sameynta Magaala madaxda Soomaaliya ee Muqdisho, waa in weligeed la xasuusnaadaa in aanan suurtagal noqon karin qof aan u dhallan Xamar in uu sharci u sameeyo, jihadaad doontaan u mara, arrintaa waxa kaliya ay u taallaa dadka u dhashay Xamar, sida aanu ka aragno dadka ama shaqsiyaadka Guddiga hoggaaminaya waxaan filayaa in ay iska cadyihiin cidda ay yihiin, haddaba wax ka soconaya ma jiraan arrimaha ayaga ah, haddii aanan arrintan lagaga amar qaadan cidda asal ahaan iska leh dhulka, waa in sidaa loola socdaa.

    Allaa Mahad Leh

  2. Malaha dadka soomaaliyeed qaarkood ma caqliyeystaan miyaa…..xeer ayaa Xamar loo sameynaa ay ku leeyihiin oo yaa u sameynaaya waaye su’aashu… waxaa u sameynaaya guddi uu horboodaayo nin lagu magacaabo C/rashiid Xidig oo ka soo jeeda Degmada Afmadoow… walee waxaa moodaa inaan lagu caqli qaadan 20 kii sanno ee na soo dhaaftay….in Xamar tahay caasimad la iskuma diidana su’aalna kama taagna laakiin waxaa weli cajaa’ib ah inay dadka qaarkii weli ka korin caqliga ah “Teyda Waa Ii Gaar Taadana Kula Lihi”.
    Laakiin la arki doonee meeshay gaari karaan guddiga la sheegay. Koley aniga waxay ila tahay inaysan isku dhererin karin guddigii Golaha Sare ee Towrada Barakeysan oo la ogaa meeshay ku dambeeyeen
    Salaan