Home » Warar »

Khudbadihii Walad Cabdalla iyo Dr. Faroole u jeediyeen Guddiga Dastuurka DFKMG

 iyo Waraysi Gudoomiyaha Gudiga “Madaxa Bannaan” ee Dastuurka DFKMG Cabdullaahi Xasan Jaamac ay SomaliTalk kula yeelatay Jabuuti ……

Warbixin;- Amb. Axmed Wallad Cabdalla “Ma Keligeeda Ayaa Muslim Ah Soomaaliya, Marka Haba Gaabnaadee Waa In La Helaa Qoraal, Ma Aha Dastuurku In Laga Dhigo Sida Aad Gaariga U Kaxeyneyso…”

Amb. Axmed Wallad Cabdalla oo ah wakiilka gaarka ah ee xog-hayaha guud ee Q.M iyo wakiilo ka kala socdey dalalka Mareykanka iyo Norwey oo kulan gaar ah la yeeshey gudiga madax bannaan ee ku hawlan diyaarinta dastuurka Jamahuuriyada Soomaaliya ayaa khudbad xasaasi ah oo dhinacyo kala duwan taabaneysa u jeediyey 09/05/2010, islamarkaana ka dhegeystey gudiga Dastuurka warbixino kooban oo qaarkood tilmaamayey caqabadihii la soo gudboonaadey gudiga mudadii uu jirey iyo dhaliilo cul culus oo ay u soo jeediyeen hay’addaha ku hawlan taageerada diyaarinta dastuurka.

Kulankan oo ka dhacey Hoteel Kempinski ee caasimada dalka Jabuuti ayaa ugu horeyn wuxuu ku bilowdey jawi is-barasho xubnaha gudiga, Amb. Wallad Cabdalla iyo wakiilada dalallka Mareykanka iyo Norwey ka socdey, Amb. Axmed Wallad Cabdalla oo ugu horeyn halkaasi ka hadlayey, waxaa uu hadalkiisa ku bilaabey

“Aad ayaad u mahadsan tihiin waa la idiin barey wafdiga oo xitaa ku jira MAU oo in badan idiinla shaqeynayey, waana idiin salaamayaa, hawshan aad faraha ku haysaan waa mid aad iyo aad dalka ugu muhiim ah, aad beyna dareenkeyga u kicisey oo caadifad badan ayaan dareemey sidaad u hadleyseen, waxaadna had iyo goor soo qaadaneyseen, wixii bur burka ka horeeyey iyo wixii ka dambeeyey khibradihiina idinkoo kala saaraya labada waqti, Afrikaan beynu nahay 52 ilaa iyo 53 dal weeye Afrika, dalallkaa badankooda hal xizbi baa xukumayey waqtiga badankiisa, Dikteytaradii Afrika soo xukumey, kuwo aad u caan ah baa jirey, waxaa ka mid ah Bukaasa, Mabuuto ninkii la oran jirey, Amiin baa ka mid ah, waa laga sinaa dikteytarada aniga xitaa dhinaca aan ka imid ee Afrika, Dikteytaro ayaa soo xukumayey, laakiin waanu ka badbaadney dhicistoodii, nalama tegin dhicistooda sida Muritaaniya, Maali, Geni, waana muhiim wixii xumaa in aan la is raacin oo laga badbaado” ayuu ku yiri khudbadiisa isagoo hadalka sii wata ayaa intaa ku darey

“arintaa waxaan u soo qaatey, waxaan doonayaa maanta mid inaan idiin kala dardaarmo, ha canaananina waqti tegey oo ilooba, aduunka waa soo wadamarey Afrikaa soo martey, laatiin ameerika ayaa soo martey, xagan bariga dhexe waa soo martey, meel waalba waa soo martey, hadii la yiraahdo hadii dib la isu raaciyo xasuusta, horumarimeysaan waxaan idiinku hambalyeynayaa dhamaantiin inaad aqbasheen inaad xubno ka noqotaan gudigan dalka u muhiim ah, marka la eego sidaad noogu sheegteen taariikhdiina, waayo aragnimo badan ayaa idiinka buuxda, waxaa tihiin xasuustii dalka, ileyn dalka ma leh Dukumiinti kale idinkaa halkan ku sita, waa muhiim taasuna, waxaad leedihiin waayo aragnimo balaaran, meelo badan oo Ururada bulshada ahna waad ka kala timaadeen, xaga dumarkuna ilaa boqolkiiba sodon baa tihiin waana laga wanaajinkaraa, laakiin ma xuma waxaad sameysateen qaab dhismeed maamul oo aad ku shaqeyn kartaan”.

Amb. Wallad Cabdalla mar uu ka hadlaayey awooda gudiga iyo mustaqablka waxa ay qabankaraan “waxaana idiin suurta geli doona, inkastoo dhibaatooyin badan ay jiraan inaad shaqaale ku yeelataan dalka gudihiisa iyo muqdisho, markaad sameyneysaan la tashiga dadweynaha, sida aniga ii muuqata shaqadiina laba arimood oo is bar bar socda ayey u qaybsan tahay, laba dhinac bey leedahay labaduna waa wada socdaan, hadii aan soo qaato labada dhinac mid, way fiican tahay koox in la helo, sameysa mabaadii’da maxaa dastuur ah?, muxuu ku wanaagsan yahay?, waa maxay mabaadii’da aas aasiga ee dastuurka bal soo lafa gurta hawlaha sidaas oo kale ah” ayuu is weydiiyey, wuxuuna sii raaciyey “laakiin hadii arinta lagu koobo fikrado la is-weydaarsanayo, falanqaynta iyo mabaadii’ada koox ahaan meelna gaarimeyno toban sano ayey soconkartaa, waa in qoraal la sameeyaa oo ay wax ka soo baxaan meeshan iyo dooda aad leedihiinba”.

Axmed Wallad Cabdalla waxaa xusayey isagoo is-weydiinaya su’aalo kale, islamarkaana muujinaya muhiimada ugu weyn ee Qaramada midoobey xiligan ay ka leedahay dastuurkan cusub iyo waxa laga doonayo in ay sameeyaan gudiga “waxaa la idiinka baahan yahay daraafkan aad soo saareysaan, waa sharcigii dalka oo dhan lagu dhaqayey waana arin lagama maarmaan ah oo loo baahan yahay, Soomaaliya waxay ku jirtaa dalallkii aas aasey Ururka Islaamka, dalallkan Islaamka ah ee ay Soomaalidu wax ka aas aastey Ururkooda, dhamaantood waxay leeyihiin Dastuuro, dhaqamo ayey leeyihiin waana wada muslim, maxaa ka duwaya Soomaaliya?, ma keligeeda ayaa muslim ah Soomaaliya, marka haba gaabnaadee waa in la helaa qoraal, ma aha dastuurku in laga dhigo sida aad gaariga u kaxeyneyso, sidaaad wax u iibineyso, dhamaan hawlahaa looma baahna, gaar ahaan dalkan Soomaaliya la yiraahdo, dastuur yar buu u baahan yahay oo aan balaarneyn dastuuraduna waa laga dhigi karaa sidaas ”.

Halkan ka daawo sawiro dheeraad ah ee Guddiga Dastuurka DFKMG

“waxaa tihiin koox shaqo aad iyo aad u xiiso leh xilkeeda qaadey, waxaad u shaqeyneysaan dadka la ciifka ah ee faqiirka ah ee liita, waxaad u shaqeynesaan kuwa awooda leh, waxaad u shaqeyneysaan dadka qurbo joogta ah, waxaad u shaqeyneysaan cid walba sidaas daraadeed, waa inaad ka kormartaan waxyaabaha yar yar oo aad ka sareysaan, waa inaad noqotaan dadd mas’uuliyed weyn qaadey baa tihiine dadd sare, Soomaaliya meelo badan baa laga dhaawacey, waa la af-duubey siyaasiin baa af-duubey wax walba waa laga diley sharaftii iyo ixtiraamkii waa inaad adinka soo celisaan, hadaad u tashataana waad soocelin kartaan” ayuu ku yiri Axmed Wallad Cabdalla gudiga dastuurka sidii iyagoo ah xukuumad, baarlamaan iyo madaxweyne uu la dardaarmayo, islamarkaana u muuqda nin xil tirinaya.

Amb. Axmed Wallad Cabdalla oo u muuqdey ruux ku wareerey oo quus ka taagan siyaasadaha is-diidan ee dalka Soomaaliya, gaar ahaan TFG-da oo xiligan uu ka taagan yahay muran xoog badan ayaa wuxuu si xeeladeysan ugu muujiyey khudbadiisa sidan:

“dadd baa waxay jecel yihiin gaar ahaan siyaasiinta, inay muran iyo is- qab qabsi ku jiraan, kuwaaba ka sii daran oo dil inuu meesha ka socda ayey doonayaan, adinka weeye dadka la doonayo dariiq ka duwan kuwaa inaad jeexdaan oo aan dagaal ku jirin oo aan muran ku jirin oo ay tahay in danta Soomaaliya laga shaqeeyo lagana dhigo waxa caadiga ah ee dalku ku dhaqmayo, hadii aad soo saartaan dastuur wanaagsan, waana hubaa inaad soo saareysaan dastuur wanaagsane, waxaadna gacan ka geysaneysaan, nabadgelyada Soomaaliya, arintuse kuma koobna nabadgelyada keliya, waxaa idiin baahan caruurta qurbo joogta, bariga dhexe, yurub, ameerika, marka la yiraahdo xageed ka timid, waa inuu yiraahdo isagoo aan qarineyn oo hanweyn yiraahdaa Soomaaliya ayaan ka imid, hada wey qariyaan, idinkaa la idiinka baahan yahay oo dal lagu faanikaro oo aan laga xishooneyn in loo dhashey aad ka dhigtaan”.

Isagoo sii faah faahinaya arinkaas wuxuu yiri “dadd badan baa idiinka soo horjeeda, waana rajeynaa inaad ogtihiin, waxa la diinkaga soo horjeedaa, hadaan wax kale jirin dadd baa ka beecmushtaraya inay cid dilaan ama dadka ka soo horjeestaan ama wax is-qabsi been ah lacag bey ka sameeyaan, kuwiina ayaa ku jira, waxaa ku jira dadd dibadeed oo Afrikaan ah ayaa ku jira, hase ahaatee waxaas oo dhan inaad ka gudubtaan oo aad u babac dhigtaan ayaa loo baahan yahay, sharaftii Soomaaliya aad soo celisaan ayaa la idiinka baahan yahay, adinkaa dadku indhaha idiinku hayaan, inaad wadani noqotaa islaam-nimada ayey ku jirtaa, jacaylka wadanka Iimaanka ayuu ka mid yahay, diintaa qabta markaa inaad wadani noqoto waa islaam-nimadaa ku jirta sidaas, dastuurku waa Islaam, sababtoo ah Dastuurku wuxuu caawinayaa nabad-gelyada wadaninimada, hawshan waa hawl muhiim ah, hadii aan la bilaabin maalinta Isniinta 10/05/2010, waxba ma suuragelayaan, 3 qof kol ay tahay xitaa oo bilaaba daraaftiga fikradaha, wax lee bilaaba Isniinta” .

Gunaanadkii wuxuu yiri “Shekina waxaan iiga jirin mushaakilka soomaaliya wuxuu socdey 20 sano, waan ku faraxsanahay MAU inuu warkaan inookeeney, in xafiiskii la heley, aniga waan la xiriirey qoloda UNDP kuwa Nayroobi, waan idiin heelanahay waqtigan waana la idiin caawinayaa, runtii waxaan qabaa jabuuti in la yimaado in ay horumar weyn tahay, Kiiniya waa meel wanaagsan, laakiin dhibaatadeeda ayey leedahay, adinka qaraabadiina dibadaha ka yimid waxay idiinka dhigayaan mash-quul, halkan oo kale inaad ka shaqeysaan ayaa fiican” ayuu khudbadiisa ku soo gebagebeeyey Axmed Wallad Cabdalla.

Gudoomiyaha Gudiga Dastuurka Madaxa Bannaan Cabdullaahi Xasan Jaamac “Waxa Nasoo Gaarey Go’aankii Ka Soo Baxay Fadhigii ICG-da ama Contact Group ee Qaahira oo Leh Qabyo Qoraalka Dastuurka…”

Gudoomiyaha Gudiga Dastuurka Madaxa bannaan Cabdullaahi Xasan Jaamac oo khudbad isugu jirtey warbixin mudadii uu jirey gudiga waxyaabihii u qabsoomey, caqabadahii la soo gudboonaadey iyo dhaliilo cul culus oo u soo jeediyey hay’adaha ku hawlan taageerada qoraalka dastuurka ayaa waxaa uu hadalkiisa ku bilaabey sidan “gudida tabaro rasmi ah ayey qaadatey 2008-dii, waxay diyaar u ahayd inay bilowdo daraaftigii, haseyeeshee shaqadii gudiga waa la joojiyey maadaama taa loo arkey inay ka dheereyneyso geedi socodkii dibu-heshiisiinta, Oktoobar 2008-dii ilaa 2009-kii gudiga Nayroobi ayey iska fadhidey wax shaqo ahna may qaban, November ilaa Decembar 2009-kii tababaro naqtiin ah ayaa gudiga loo qabtey, 02 March ee sanadkan ilaa hada gudidu waxay joogtaa Jabuuti, dhamaan intii aan ku jirney 21-kii maalmood ee ugu horeeyey oo tababarka ahaa ee aad u fiicnaa, waxaa hay’adihii ka soo qayb galey ee Qaramada midoobey sida UNDP ama deeq bixiyayaasha, xukuumada iyo dowlada soomaaliyeed iyo gudigu waxay ku heshiiyeen in qabyo qoraalka koowaad la soo saaro dhamaadka Luuliyo ee sanadkan” ayuu yiri Cabdulaahi Xasan Jaamac.

Isagoo khudbadiisa sii wata ayaa wuxuu yiri “kadib waxa nasoo gaarey go’aankii ka soo baxay fadhigii ICG-da ama Contact Group ee Qaahira oo leh qabyo qoraalka Dastuurka ee la tashiga ah, waa in la geba-gebeeyaa ilaa dhamaadka bisha Juun ee sanadkan, mudadaasi dhamaadka ah ee bisha Abril waxaa halkan nagu soo booqdey, wafdi ka socda midowga Yurub oo uu hogaaminayo ergeyga midowga yurub u qaabilsan arimaha Soomaaliya, wuxuuna noogu balan qaadey taageero buuxda, hada gudiga xubnihiisa hore iyo kuwa cusuba, si fiican ayey isula jaan qaadeen, ilaa dhamaadka Juuna, hadii laga saaro jimcayaasha lix todobaad ayaa inaga xiga, marka mudadaasi gaaban ee hadhey, gudigu diyaar bay u tahay si kasta ha u adkaatee inay qabyo qoraalka Dastuurka ee la tashiga ah ay ku soo saarto”.

“ laakiin waxaa ku xiran shuruudo aas aasi ah, gudiga ilaa hada waxay u baahan tahay shaqo intaa la eg ama mashruuc intaa la eg wuxuu u baahan yahay, faasiliteeshin buuxa, waxa ugu yari waxaa weeyaan xitaa seddax qof gudi qabyo qoraalka waan leenahay, laakiin halkey ku qoraan weeyaan, waayo dhibaatooyin fara badan ayaa haatan nagala soo dersey xafiis yar in gudiga loo helo, marka hadii ay hesho gudigu duruufo u saamaxa inay shaqeyso, shaqadii waa u diyaar, hadiise duruufihii la waayo, yaan gudiga lagu eedeyn shaqo maysan qaban, waayo markii u horeysey ma aha ee gudiga isagoo shaqada wata hakad uu galey aad baad u mahadsan tahay” ayuu ku soo gebagebeeyey Cabdullaahi Xasan Jaamac oo hadaladiisa ay u muuqdeen kuwa laga hortaagan yahay hawlaha loo igmadey.

Cabdullaahi Xasan Jaamac codkiisa oo dhameystiran (Halkan ka Dhegeyso)

Markii uu dhamaadey kulankan ay isugu yimaadeen wafdiga uu hogaaminayey Amb. Axmed Wallad Cabdalla iyo Gudiga Dastuurka Madaxa Bannaan ayaa waxaan wareysi gaar ah la yeelaney gudoomiyaha gudiga Dastuurka Cabdullaahi Xasan Jaamac oo aan wax ka weydiiyey waxyaabihii u qabsoomey wixii ka dambeeyey 23/03/2010, sida la isu waafajinayo qoraalka dastuurkan cusub iyo goosashada ay ku dhawaaqeen gobolada woqooyi ee Soomaaliya ee hada la baxay Somaliland.

Gudoomiyaha oo arimahaas ka faaloonaya (Halkan Ka Dhegeyso)

Dr. Faroole Khudbadii uu u jeediyey Guddiga Dastuurka DFKMG

Warar kala duwan oo aan helney oo sheegayey in gudiga Dastuurku uu u yeerey Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland Cabdiraxmaan Faroole oo soo gaarey dalka Jabuuti, islamarkaana kulan la qaatey gudiga dastuurka, khudbadii uu Faroole uu kula hadley gudiga Dastuurka oo ahayd mid xambaarsan dareen shidaya daruuro midabyo kala duwan leh khudbadii oo dhameystiran

Khudbadii Faroole (Halkan Ka Dhegeyso)

Laakiin marka si guud loo eego qaabka ay wax u socdaan, sida daasaha waaweyn ee colaada, kuwa ka sameysan qolofyada midabka badan ee sii kala fal faliirmaya, faragelinta danaha is-diidan ee dalallka geeska Afrika, guuxa isa soo taraya ee danyarta Soomaaliyeed qaybaheeda kala duwan ee kala jooga daafaha caalamka iyo gudaha dalka Soomaaliya, waxaa soo muuqanaya in dhowaan indhaha la isku soo fiiq fiiqidoono.

Halkan ka daawo sawiro dheeraad ah ee Guddiga Dastuurka DFKMG

Maxamed Macallin Cismaan (All-man) Somalitalk Jabuuti.
fatxumaalik@hotmail.com

…….

Dastuur Cilmaani ah (Secular) oo Loo Samaynayo DFKMG….

Sida uu Shaaca ka qaaday Xildhibaan Jinni Boqor “Dastuur Qaran oo waqti badan jira oo SECULAR ah ayaa la doonayaa in la sameeyo” sidaas waxaa uu Xildhibaan Jinni Boqor sheegay isagoo ka jawaabayey su’aal ku saabsanayd dastuurka DFKMG loo samaynayo. (Xildhibaan Jinni boqor muxuu ka yiri is-waafajinta 4.5, federaal iyo shareecada islaamka HALKAN KA DHEGEYSO)…

(Kelmedda “Secular” qaamuuska Soomaaligu waxa uu ku macnaynayaa sidan: Secular = cilmaani (ee cilmi-adduun ku salaysan, oo diin iyo aakhiro toona aan ku lug lahayn.)). Qeexidaa halkan ka akhri

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.