Home » Badda, Warar »

Somalia for Sale: Soomaaliya waa iib (Wasaarada Maaliyadda)

Qoraaga warbixintan waxa uu muddo ku dhawaad ah sanad ka shaqeenayay xarunta Villa Soomaaliya (Madaxtooyada) ee xukuumadda hadda ka jirta Soomaaliya. Qoraagga ujeedadiisu ma aha in qof si khaas ah u falan qeeyo, laakiin marka la fiiriyo xaalada dalka uu marayo iyo asagoo mararka qaar is dhaha Wax yaalaha qaar hadaad ka aamustid armaad danbi ka gashaa ummadda Soomaaliyeed awgeed ayuu u qoray qoraaladan xiriirka ah oo ku saabsan Somalia for sale (soomaaliya waa iib) safaaradaha iyo badda iyo dhulka. Qoraagu waxa uu aaminsan yahay in waxa Soomaaliya ka socda ay yihiin boob qarameed oo meel walba ah, oo ay waajib tahay in la galo dagaal lagu bad-baadinayo hantida guurta ah iyo midda maguurtaba ahba.

Qoraalka Axmed sadiiq oo dhamaystiran Halkan ka akhri GUJI/RIIX…

Halkan ka akhri Qoraalka oo dhamaystiran… GUJI

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

5 Jawaabood " Somalia for Sale: Soomaaliya waa iib (Wasaarada Maaliyadda) "

  1. cabdi says:

    wali aduunyada ragbaa kunool waxaan ujeedaa somaliyi may wada dhiman ee dad runta sheega jira wali
    waxaad aad ugu mahad naqayaa ilaahaybaa mahadlehe ninka qoray maqaalkan soomaliya waa iib oo runtii ah maqaal aad uxiisa badan dadbadanina ku ogaan karaan wax aanay ogayn iyo halka laysla marayo iyo sida somalidu gacanta ugu gashay juhalo aan naxayn waase ciqaab rabaaniya wax laynaga gooynayaba toloow maxaa layska jarayaa waxbaa jire ilaahoow somaali ugargaar amiin aamiin

  2. asc waa mahadsanyahay qoruhu.

    Waannu fileynay arrimahaan iyo kuwo kasii foolxun, waana lala wada socdaa oo wax qarsoon malaha boobka lagu hayo xoolaha loogu deeqay maatada somaliyeed, sidaa awgeed waxaan leennahay ah dhaafaan qolyani

  3. abdirisaq says:

    Somali talk waxaad qaaddeen koobka sharafta saxaafadda iyo waddan jacaylka.
    aqoonta iyo xeel dheerida qoraalkiina aad ayaan idinkugu hambalyeynayaa.ma ka hadashaan qabyaaladda qaawan ee kuwo saxaaf isku sheeg ah ay lasoo taaganyihiin.Dalka dadka iyo diinta wax anfaca ayaad ka hadashaan ilaah ayaan ajar iyo wanaag idinkaga baryayaa.
    Arrinkaan haddii uu sida loo qorey yahay waa halis u baahan in laga hortago sida ugu dhaqsaha badan.
    Raiisulwasaaraha ugu horreeya ee la magacaabo haddii uu miisaaniyad sax ah soo hor dhigi waayo baarlamaanka iyoxisaabxirka sanadihi tegey ee dawladdaani jirtey dee baarlamaanka xaq buu u leeyahay inuu kalsoonida kala laabto. Guddiga maaliyadda ee baarlamaanka waxa ay xaq u leeyihiin wasiirka ay doonaan inay u yeertaan oo dabka saaraan ilaa ay hor geeyaan baarlamaanka haddi si cad loogu caddeyo inuu lunsadey xoolihi umaddana loo diro maxkamd iyo hayadaha hantidhawrka xasaanaddana baarlamaanku ka qaado.
    xooga waxaa welwel igu haya waqtiga warbicxintu soo baxday oo ah waqti xasaasi ah oo loollan siyaasadeed jiro annagana ma doonayno in nala dhex geliyo loollankaas bal hoos ka akhri faahfaahinta arrinkaas.

  4. abdirisaq says:

    Wiilwaal ayaa hore u yiri maxaa weedha iyo Naasadag kulmiyey ama weedha iyop waranka maxaa kulmiyey.
    Saaxiibkeen wax badan oo dib in loo fiiriyo u baahan ama la ogaado ayuu ka hadlay.
    Waxaase su’aashu tahay maxaa xilligaan oo Sh Aden madoobe dagaal ku kacay Shariifkana lagu xamanayo inuu lug ku leeyahay keenay in arrimahaan xasaasiga ah laga hadlo.
    weliba qofka qoraaga ah uu carrabka dhawr jeer ku dhuftey arrinta Aden madoobe inuu shariifka lug ku leeyahay.
    soo xogaa miisaanka ka qaadi mayso doodda qofkaan qorey qoraalka.oo looma malayn karo qof aden madoobe arrintiisa ka xanaaqsdan inuu yahay.Wallahu aclam.

  5. A. M. Yusuf says:

    Maanso la yiraahdo “Duulkaan hoggaan wacan lahayn, hoog Allaa badaye,” taas oo aan beri dhoweyd ka akhristay WardheerNews (http://www.wardheernews.com/Suugaan/Hirad/05_03_10_Hoglaha.html), ayuu Abwaan Maxamed Hirad ku soo afjaray tuducydan hoose.

    Allahayow adaa hiil leh oo, hirasho waa taaye
    Halka aanu joognaana Eebbow, maanta waa halise
    Na hambee Allahayow adaa, hawl yaraan kara e

    Indhahayga oo ay ku taagan tahay ilmo murugo, ayaan dhowr jeer ku werdiyay: “Aamiin Allalayow. Ilaahayow ducada Maxamed inoo wada aqbal, haddaan Soomaali nahay!”

    “Soomaaliya Waa Iib”, Qoraalka walaalkeenna sharafta leh, Axmed Saadiiq, waxa uu daaha ka rogaya murugo Soomaaliyeed ee horleh. Hayeeshee, Mudane Axmed isaga ayaa asiibay talo midda ugu wada mudanaan lahayd: Waa in aan ka dhiidhinnaa. Rajadayduna ma xuma. Maxaa yeelay, raggii iyo dumarkii Soomaaliyeed ee “Baddii ba” inoo soo dhacshay; cimrigooda ha raago e, weli waa ay wada nool yihiin.
    Balse, aan hal mahad u celiyo Maamulka SoomaaliTalk.com, oo aan maanta iraahdo: Igu lihid. Abaal weyn. Mahadsanid.

    Tixgelin,
    A. M. Yusuf ( Wayeel )