Home » Warar »

“Dastuurka lixdankii Shacabka Soomaaliyeed Hore Ayuu u siiyey cod buuxa…”

 Hadal uu Sheikh Shariif  u Jeediyey Kulan uu La Qaatey Gudiga Dastuurka DFKMG iyo waraysi safiirka Dowladda FKMG u fadhiya Dalka Iiraan……

Madaxweynaha DFKMG Shariif Sheekh Axmed oo safar laba maalmood ku joogey dalka Jabuuti, islamarkaana la kulmey dhigiisa dalka Jabuuti Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa Hoteel Kempinski ee caasimada dalka Jabuuti kula kulmey Xubno uu hogaaminayo Gududoomiye ku xigeenka Gudiga Dastuurka Md, Maxamed Isaaq Ibraahim iyo xubno ka socda Hay’ada UNDP Soomaaliya 02/04/2010.

Madaxweynaha DFKMG Shariif Sheekh Axmed oo warbixin ka dhegeystey xubnaha Gudiga Dastuurka ayaa isagoo aad u daneynaya in dastuurkii hore ee lixdanka dib loo eego wuxuu uu yiri“waxa wax lagu xalinkaro waa dastuurka, dhibaatooyinka dalka soomarey waa inaan wax ka barano, dastuurka lixdankii shacabka Soomaaliyeed hore ayuu u siiyey codd buuxa, dhinaca dowlada waxaad ka helidoontaan wax kasta oo suuragal ah, mushkilada soomaaliya waa siyaasada, taasina tafsiir fiican looma sameyn” ayuu yiri Madaxweyne shariif.

Marwo Xaliimo Jaamac Afrax oo ahayd xog-haynta Gudiga oo warbixin gaaban ka siisey madaxweynaha hawlaga gudiga mudadii ay joogeen dalka Jabuuti ayaa waxay tiri “Mudane madaxweyne waxaan dooneynaa inaan kula socodsiino seddax todobaad oo ah mudadii aan halkan joogney wixii aan qabaney, dowlada Jabuuti ee walaallaheena ah iyadoo ku mahadsaan aad iyo aad bey inoo soo dhaweysey, markii aan dooraney gudoonka iyo qaybihiisa kale, waxaan isu qaybiney qayb Daraaftiga diyaarineysa, qayb la tashigii dadweynaha soo sameyn doonta, qayb wacyigelinta dadweynaha ah, intaas waxaa noo dheer oo aan isla meel dhigney mudada 4-ta bilood ah inaan halkan ka shaqeyno ee mudane madaxweyne waxaan kaa codsaneynaa inaad si gaar ah hawlaheena isugu xilsaarto oo hay’adihii dowlada ay noo dhib yaraato sidaan ula xiriiri lahayn, waxaan keloo kaa codsaneynaa in Albaabada dowlada naloo furo” ayey tiri Xaliimo jaamac oo u hadleysey gudiga.

Sawirka: Kulankii Sheikh Shariif iyo xubnaha la socdey ay la yeesheen gudiga dastuurka

Amb.Cabdiraxmaan Guulwade “Iiraan Waxaa Joogta 15 Adey oo Soomaali ah” wareysi

Amb. Cabdiraxmaan Xaaji Xuseen (Cabdiraxmaan guulwade)oo ah Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Iiraan, kana mid ahaa wafdiga Madaxweyne shariif oo aan wax ka weydiiyey soomaalida joogta dalka Iiraan iyo xaaladooda guud, ujeedada safarka madaxweynaha uu ku yimid dalka Jabuuti, ayaa isagoo arimhaasi faah faahinaya wuxuu yiri “ujeeadadda safarka aan halkan u nimid Jabuuti waa dal walaallaheena ah, waxaana halkan u nimid ra’yi iyo wada tashi la xiriira xaalada siyaasadeed ee Geeska Afrika iyo sidii la isaga kaashan lahaa khataraha ugu daran ee canaasiirta khawaarijta iyo dhibaatooyinka ay ku hayso Gobolka gebi ahaan, wafdigeenuna wuxuu soomarey shirkii Liibiya ayaan ka qayb galney, Itoobiya, Jabuutina hada ayaan joognaa, wafdigeenuna wuxuu ka koobnaa Madaxweynaha, Ra’iisul Wasaare ku xigeenka, Xildhibaan Mustaf Dhuxulow, Safiirka Ciraaq Ciise Dheere iyo xubnaha bartakoolka madaxweynaha”.

Mar aan weydiiyey Safiirka, Soomaaliya waa dal ay ka jirto fowdo iyo nabad-gelyo la’aan, Jabuutina waa dal leh ciidan iyo kala dambeyn buuxda oo nabadgelyo ay ka jirto, sidaas darteed miyey isu dhigimikaraan arintaas ayaa wuxuu yiri “Soomaaliya fowdo kama jirto, dowlad nidaam iyo ciidan leh ayaa ka jira, ciidankeeduna wuxuu awood u leeyahay inuu sugo nabad-gelyada Qaranka, marka uu amar ka helo hogaanka dalka oo ah madaxweynaha iyo dowlada, waana mid lagu talo jiro arintaas”.

Wasaarada arrimaha dibada DFKMG waxay sheegtey in safaaradihii dalka Soomaaliya ay ku lahayd caalamka qaarkood la soo koobayo, Adiguna waxaad safiir ka ahayd dalka Iiraan, hadaba safaarada Iiraan miyey ku jirtaa safaaradaha la soo xirayo? Ayaa wuxuu ku jawaabey “Safaaradaha la xirayo kuma jirto, Madaxweynaha, Ra’iisul Wasaaraha iyo Golaha Wasiiradda ayaa go’aan ka gaarayo safaradaha la soo xirayo iyo kuwa la deynayo, Safaaradeyda waxaa lagu darey kuwa aan aan la xireyn”.

Mar aan weydiiyey Amb, Cabdiraxmaan Guulwade, bal in uu faah faahin naga siisaa Soomaalida joogta dalka Iiraan xaaladooda guud? Ayaa wuxuu ku jawaabey “Soomaali badan ma joogto dalka Iiraan 15-Ardey ayaa joogta iyo xubnaha Safaarada oo mudo laba sano ayey furan tahay safaarada, xiriirkuna wuu go’naa in mudo ah, intaan hada tagney ayaan geyney ardeydaas, kuwo kale hada ayaan geyndoonaa, guud ahaan safaaraduna waxay halkaas ku magacaaban tahay mudo 40-sano ah, waxaana isku bedelay laba safiir aniga iyo mid iga horeeyey inta kale waxay ahaayeen siihayeyaal”.

“Iiraan dowlada ayey la jirtaa, lana mowqif tahay, mana ogola in Soomaaliya madax banaanideeda wax loo dhimo, Soomaaliyana siyaasado is-diidan kama jiraan ee waxaa ka jira Dolwad sharci ah iyo koox burcad ah oo khawaarij ah oo xabaal qodoto ah oo aan u ogoleyn nololl kuwa aduunka jooga, kuwa reer aakhireedkuna qabriga uma ogola” ayuu yiri mar aan weydiiyey Siyaasadaha Is-diidan ee ka jira dalka Soomaaliya, dowlada Iiraan waxa ay ka aaminsan tahay?

Ugu dambeyn safiirka mar aan weydiiyey is-bedelada guud ee ka jira dalka Soomaaliya xiligan iyo 20-kii sano ee burburka waxyaabihii la soomarey, marka aad is-bar bar dhig ku sameyso sida nidaamkii Hogaamiye kooxeedyada, kii Maxkamadaha, kii TFG, Itoobiya iyo Maxkamadaha isag soo horjeedeen iyo nidaamka hada Dolwada, AMISOM oo isku dhinac ah iyo kooxaha mucaaradka xalka Soomaaliya waxa iska bedeley ayaa wuxuu yiri “ xalka Soomaaliya wuxuu ku jiraa, qabaa’ilkii, jabhadihii waxay kusoo aruureen doorashadii dowlada lagu dhisey oo Madaxweynaha lagu doortey, keliya waxaa soo harey kooxdan khawaarijta ah in tilaabo laga qaado, waana laga qaadayaa dhowaan, hada qabaa’il iska soo horjeeda ma jiro ee waa dowladii iyo kooxdan.

Maxamed Macallin Cismaan (All-man) Somalitalk Jabuuti.

fatxumaalik@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

2 Jawaabood " “Dastuurka lixdankii Shacabka Soomaaliyeed Hore Ayuu u siiyey cod buuxa…” "

  1. Ali says:

    Waxaa la yaab leh sida ay u hadlaan raggan 60 jirka ah, oo hadana sheeganaya inay hayaan mas;uuliyad umaddeed, Maxay soomaaliya burbur ka baxdaa kuwan oo badan baa jooga, af soomaaliga ayuusan garanayne safaaradeyda wuxuu ula jeedaa ishayda dhaqaale la xirimaayo.

  2. ZAKI says:

    Guulwade wuxuu yiri: “Safaaradayda Lama Xirayo”.
    Waxaa is waydiin mudan Safaarada ma asagaa iska leh? Haddii uu si kale ugala jeedo muu si haboon u yiraahdo sida ” Safaarada Soomaalidu Iiraan ku Leedahay Lama Xirayo, IWM” WAR ILLEEN ANNAGAA WAX ARAGNAY! Soomaalidii waxaa kasoo hartay WAXAYGA, KAYGA, ANAA TAABSADAY, ANAA ISKA LEH IWM. Anoo ku faraxsan arday Soomaaliyeed oo wax baranaysa HADDANA Allow yaa ogaada 15 kaas arday waa wada beeshiisa. Soomaali Allaa u maqan. Nin kasta xafiiska uu Furihiisa haysto buu moodaa inuu lee yahay.