Home » Warar »

Jabuuti: Siminaar loo soo gabagabeeyey Gudiga Dastuurka DFKMG oo ay ka hadleen Dr. Xaamud iyo Nuunow

 Wasiirka Arrimaha Diinta Dalka Jabuuti Dr. Xaamud “…Bulsho Kasta Wax Bay La Gaar Noqon Kartaa, Marka Waxaa La Rabaa Inaad Aqoon u Leedihiin, Dasaatiirta Caalamka Inta Aan Deegaan…” khudbad dar-daaran oo u jeediyey Gudiga Dastuurka DFKMG

Wasiirka Dastuurka Madoobe Nuunow Maxamed “Saaxiibada Ka Soo Qayb Galey Xafladan oo Meelo Fog Fog Uga Yimid Ma Dhayalsaneyno In Ay Ka Go’an Tahay, In Soomaaliya Si Hagar La’aan u Taageeraan” xiritaanka siminaarkii gudiga dastuurka

Xaflad lagu soo xirayo siminaar 21 maalmood uga socdey Gudiga Dastuurka Madaxa Banaann ee DFKMG Hoteel Kempinski ee caasimada dalka Jabuuti oo ay ka soo qayb galeen Wasiirka Dastuurka iyo Arrimaha Federaalka DFKMG Madoobe Nuunow Maxamed, Wasiirka Arrimaha Diinta iyo Aw-qaafta dowlada Jabuuti Dr. Xaamud Cabdi Suldaan, ku Xigeenka Axmed Walad Cabdallah, Mr. Charles Petrie, Moura Barry oo socotey Hay’adda Horumarinta Bariga Afrik, islamarkaana ahayd Madaxa Deeq bixiyayaasha Caalamka, Mark Bowden oo isna ah xiriiriyaha bani’aadanimada ee qaramada midoobey ee Soomaaliya, xubino ka kala socdey Safaaradaha Mareykanka, Norwey, Switzerland iyo marti sharaf kala duwan ayaa lagu qabtey Hoteel Kempinski ee caasimada dalka Jabuuti 23/03/2010.

Xafladan oo ahayd mid si weyn loo soo agaasimey, islamarkaana xiritaankeedu ahaa 3-xili oo is xig xiga ayaa mas’uuliyiintii ka hadashey waxaa ka mid ah Wasiirka Dastuurka iyo Arrimaha Federaalka Madoobe Nuunow Maxamed, Wasiirka Arrimaha Diinta iyo Aw-qaafta dalka Jabuuti Dr. Xaamud Cabdi Suldaan, Mr. Charles Petrie oo ah ku xigeenka Axmed Wallad Cabdalla, Mark Bowden , Moura Barry iyo Jessica Ba oo ka socotey Safaarada Mareykanka , waxayna halkaasi ka soo jeediyeen khudbado taabanaya dareenka in badan oo xiiseeya arrimaha Soomaaliya, halka kuwa kasoo horjeeda ee isugu jira dowlado iyo kooxaha mucaaradkuna ay u noqoneyso Fariin culus.

Wasiirka Dastuurka Madoobe Nuunow Maxamed “Saaxiibada Ka Soo Qayb Galey Xafladan oo Meelo Fog Fogg Uga Yimid Ma Dhayalsaneyno In Ay Ka Go’an Tahay, In Soomaaliya Si Hagar La’aan u Taageeraan” xiritaanka siminaarkii gudiga dastuurka

Wasiirka Dastuurka iyo Arrimaha Federaalka DFKMG Madoobe Nuunow Maxamed oo laba khudbad gaaban ka jeediyey ayaa waxaa uu yiri “waxaan u isutaagey keliya in aan cadeeyo mowqifkeena siyaasadeed ee dowladeena iyo gudiga dastuurka in dalkan aan ka saarno uu yahay, marxaladaan joogtada noqotey ee KMG ah oo kala guurka ah, una gudubno marxalad shacabka Soomaaliyeed uu gaaro, dimoquraadiyad iyo Axzaab ay ku tartamaan oo isku doortaan iyagoo xor ah. Qaybaha dowladab Soomaaliyeed waa ka go’an tahay arintaas iyada ah, waxaan jecelahay inaan isla qaadano dhamaan beesha caalamka qaybahoodii” ayuu yiri Madoobe Nuunow.

DHEGEYSO  Khubadii Xiritaanka siminaarka ee Madoobe Nuunow Maxamed (mp3)

Isagoo hadalka sii wata ayaa intaa ku darey “ anaga waxaa naga go’an sanadkan dabayaaqadiisa waxaa naga go’an inaan soo saarno dastuur Ummaddu ay leedahay oo looga gudbaayo marxaladan KMG ah, arrintaasi yaan loo qaadan iska dhihid ee waa arrin siyaasada dowlada ku fadhido oo go’aan ah, waxaan idiinka codsaneynaa in sidaa nagu taageertaan oo sidaas nagula shaqeysaan oo aan dooneyno oll olahaas gurmadka ah ee aan dooneyno in aan ku guuleysano gacantii ugu weyneyd aad ka geysataan”

Wasiirka Madoobe khudbadiisa waxaa uu ku soo gunaanudey “waxaan rabaa inaan u mahad-celiyo dowlada walaallaaha aanu nahay Jabuuti madaxdeeda iyo shacabkeeda jabuuti oo si niyad iyo kalsami ah nagu soo dhaweeyey oo 24-saac nala dul taagan maxaa daran, maxaa dhib ah oo jira, maxaan idiinla qabanaa?!, taasoo nagu abuurtey dhiig cusub iyo niyad cusub iyo in aan ku guuleysan doono hawsha aan wadno, sidaas iyo si la mid ah saaxiibada ka soo qayb-galey xafladan oo meelo fog fog uga yimid ma dhayalsaneyno in ay ka go’an tahay, in Soomaaliya si hagar la’aan u taageeraan”.

Wasiirka Arrimaha Diinta Dalka Jabuuti Dr. Xaamud “…Bulsho Kasta Wax Bay La Gaar Noqon Kartaa, Marka Waxaa La Rabaa Inaad Aqoon u Leedihiin, Dasaatiirta Caalamka Inta Aan Deegaan…” khudbad dar-daaran oo u jeediyey Gudiga Dastuurka DFKMG

Wasiirka Arrimaha Diinta iyo Aw-qaafta Dowlada Jabuuti Dr. Xaamud Cabdi Suldaan oo halkaasi khudbad xeel dheer oo dhinacyo kala duwan taabaneysa ka jeediyey ayaa wuxuu yiri “War badan aniga meesha iigama harin, wixii talo iyo tusaale ah ama guubaabo ah ama tilmaamid ah, dadkii odayaasha ahaa iyo akh-yaartii iga horeeyey iyo gabdhihiibaa soo dhameeyey, waxa la idiinku soo doortey waa aqoon, karti iyo faham baa la idiinku soo doortey, marka dadd wax badan loo akh-rinaayo ma tihidiina, laakiin waa xasuusin keliya” ayuu yiri Wasiirku.

DHEGEYSO Khudbadii Dr. Xaamud Cabdi Suldaan (mp3)

Dr. Xaamud Isagoo hadalka sii wata ayaa intaa ku darey “hadii aan wax sii raacsho intii akh-yaarta idiinku tiri, waxa la idiin igmadey ama la idiin xilsaarey waa arin culus, waxaa la idiin xilsaarey ama la idiin soo xuley waa inaad Ummadda Soomaaliyeed u sameysaan, Dustuur ay iska dhex arkaan, cid kasta oo Ummadda Soomaaliyeed ku abtirsaneysa, ku kasta oo wax tabanaya wixii uu tabanayey uu ka helo, ku kasta wax dhibsanaayey wixii dhibta uu kaga baxaayey, dustuur u ilaalinaaya xuquuqdiisa inaad dejisaan, taasina waa arrin aad iyo aad u culus, macnaha waxaad jaan goyneysaan, aas aaskii oo saldhig u sameyneysaan, waa cadaalada, sinaanta iyo xuquuq dhowrida Ummadda Soomaaliyeed, Qaybaheeda oo dhan baad jaan goyneysaan aad aas aaskeedii, adinkaa la idiinka sugayaa inaad dhigtaan”.

Wasiir Xaamud isagoo usii sharxaya gudiga dastuurka khudbadiisa ayaa wuxuu yiri “ waa taariikh waxa aad qoreysaan, dhib soo raagtey oo aad ogtihiin inta ay soo jiidatey, baa la idiin leeyahay ama la idiin xilsaarey, ama inaad dejisaan dustuurkii dhibtaa lagaga baxayey inaad dejisaa, macnaha Taariikh jadiid ah ayaad mustaqbalka ama ajiyaasha facyada Ummadda Soomaaliyeed ee soo socda yaad mustaqbalkoodii, adinka aad dhigeysaan. sidaas daraadeed iyadoo ogtihiin inuu culeyskaas uu leeyahay dustuurkaa aad u fadhidaan inaad dejisaan la idiinka sugaayo, waxa lagama maarmaanka ahi waxa ay tahay Afar shey hadii aad gudiga tihiin, hadii aad qaadataan waxaan isleeyahay wax badan baad ka taridoontaan sida ay ila tahay aniga.

Tan hore, waa in dastuur sameyntii aqoonteeda aad lahaataan, waana la idiinku soo xuley inaad aqoon u leedihiin, dustuurka Soomaaliya loo sameynayo ma ahan mid ka imaanaya meel kale, waxaa weeye dasaatiirta caalamka waa wax isu eg eg meelo, laakiin bulsho kasta wax bay la gaar noqonkartaa, marka waxaa la rabaa inaad aqoon u leedihiin, dasaatiirta caalamka inta aan deegaan wadaagno, inta aan diin wadaagno, inta aan dan wadaagno, waxaas oo dhan inaad aqoon u wada leedihiin nolosha aduunka waa nololl isku wada xiran, kadibna aad aqoon u leedihiin bulshadiinu maxay la gaar noqoneysaa ama ay u baahan tahay in ay la gaar noqoto oo la rabaa in looga dhigo dustuurka hada la idiinka sugaayo, taana waa inaad aqoonteeda lahaataan.

Tan labaad aan rabo inaan tilmaamo waxay tahay, adigoo aqoontii leh oo waxaa la sheegayo, hadana waxaa la rabaa in la helo farsamadii waxaan lagu sameyn lahaa in la idiinka helo, waxa siminaarkan loo qabanayo oo hay’aadka iyo deeq bixiyayaasha wey ku mahadsan yihiin, waa sidii farsamadaa intii aad ilowdeen la idiin xasuusin lahaa, hadey wax idiinka dhiman yihiina la idiin siyaadin lahaa.

Dastuur sameynta waxaa ku xigta aqoon iyo farsamo adigoo leh, hadii daacad la waayo ma dhaqaaqayaan marka waxaa la rabaa gudigiinan 30 qof ka kooban ee loo soo igmadey dadka Soomaaliyeed in ay dastuur u sameeyaan, guushiina u horeysa waxay ka bilaabmidoontaa, inaad daacad u ahaataan inaad dustuurka Ummaddiina aad u sameysaan, daacad nimadu waxay idiin dhaxalsiineysaa inaad wax kasta oo cid gaar ah ama qof gaar ah ama dan gaar ah bey idiin ilowsiineysaa, waxay idiinka dhigi inaad isha ku haysaan maxaa Ummaddiina dan u ah, maxaynu dhibta kaga bixi, maxaa taariikhdiina aad ku saldhigeysaan, maxaad ciilka iyo dhibta kaga saareysaan Ummaddiina, waxyaalaha khilaafaadka oo dhan bey xaga dambe idiinkaga tuuri daacadnimadu, hadafka guud ujeedada guud, aragtida guud, mustaqbalka iyo wixii Ummadda dan u ah bey kol kasta daacadnimadu ay idiin hor hayni.

Tan afraad aan isleeyahay waxay idiinku garab gali aqoontii iyo farsamadii sameynta dustuurka daacad nimo lagu daro, adigoo caajis ah ama raba kolkaad haleesha uun ama in mudo la iska sii joogo aad rabto, waan inaad jaceyl u qabtaan sameynta dastuurka, waxaa la ogaadey qofku waxa uu daacad ka yahay oo uu jecel yahay in uu sameeyo si kasta oo ay u adkaato qofku waxa uu jecel yahay wuu gaaraa, inaad dadaal dheeraad ah bixisaan oo waqtiga soo koobtaan, sababtoo ah dhibta Soomaali haysataa waa dhib weyn, mar kasta oo daacadnimo la helo oo dadaal lagu baxsho, waxaa soo gaabaneysa wadadii dheereyd, waxaa feydmaya dhibta iyo rafaadkii baa kolba in feydmeysa, waxaan idiinku dhiirigelineynaa oo aan idiin rajeyneynaa, anagoo ah walaallihiin reer Jabuuti, anigoo fariintayda ay tahay tan madaxweynaha Jabuuti Md, Ismaaciil Cumar Geelle, Xukuumada iyo Shacabka Jabuutiba inaad ku hawaawidaan dustuur qurux badan oo hufan oo sharaf leh oo lagu ciil baxo inaad ku hawaawidaan sameyntiisa iyo hore u diyaarintiisa…” khudbada oo dhameystiran halkan ka dhegeyso

Guud ahaan marka la isku soo duubo siminaarkan xubnaha ka faa’iideysanayey iyo hawsha hor taal ayaa waxaa laga dheehanayey xubnaha gudiga qaarkood oo lagu soo xuley nidaamka 4.5-ka in ay ka dhacsan yihiin waajibaadka horyaal, halka kuwo kale oo og hawshuna u dhaqmayeen nidaamkii fowdada ahaa ee ay ku yimaadeen, taasoo aan la garan ujeedka ay ka leeyihiin, dadka wax dhaliilana waxay ku sheegeen doorashada gudiga dastuurka gudoonkooda iyo xubnaha lagu kordhiyeyba ma ahan kuwo sharci ah oo Baarlamaanku ansixiyey, balse waxay ku shaqeynayaan wareegto Xukuumadeed, hase ahaatee gudigan hawsha hortaal iyo khudbadaha loo jeediyey ayaa waxay yihiin kuwo aan isu dhigmin, balse ay tahay waa loo dhiibaye adinkuna u dhiiba!!.

Maxamed Macallin Cismaan(All-man) Somalitalk Jabuuti. fatxumaalik@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.