Home » Gabay »

Gabay “BAAFIN” | (Abwaan Xasan Garaad Warsame)

Gabaygani Hal-ku-dhiggiisu waa “BAAFIN” waxaana tiriyay Abwaan Xasan Garaad Warsame. 

Akhristow gabaygani wuxuu ka tarjumayaa baadi qof gashay oo wejiyo kala duwan leh, haddaba si fiican u dhuux oo isku day inaad fahamto bal baadidaasi nooca ay tahay iyo nuxurka uu gabaygu xambaarsan yahay. 

Marka aad ka bogato akhriska gabayga, fadlan aragtidaada noogu soo dir emailka hoose ee abwaanka. 

Waa kan gabaygii Baafin ee ka bogasho wacan. 
 

  1. Adduunyada dhib lagu baahiyaa beerka doogsamaye
  2. Inta ruux baraadli`i hurdada bogata waa dhiife
  3. Bayaan saxa haddii lagu socdiyo boorintii Nebiga
  4. Sharciga Alle lama baal mareen lamana buuqeene
  5. Boqorrada aduunyadan xakuma been ma taliyeene
  6. Bahow dhacay badbaad kama heleen booli quutuhuye
  7. Baraarihi ka hadal dumar ragguna ba`i ka sheekeeye
  8. Nimanyahow nin baadiyu gashoo baafiyaan ahaye
  9. Nimanyohow barbaarnimadi baan beer tabcaday waaye
  10. biyo lagu waraabshiyo waxay begel lahaataaba
  11. baalleyda duushiyo waxaan bahal ka dhowraaba
  12. babaaga iyo mooskiyo markuu dalagu buux dhaafshay
  13. oo ay wada bislaataye gureen kaliya loo baahday
  14. belo soo abraartiyo si aan beylah uga eego
  15. bartankeeda geed timir ah baan buush ka suubsadaye
  16. biriq baan dhex iri goor cawadi kala barkeedaaye
  17. hayeeshee bul soo iri markuu bariyey waagiiye
  18. buushkiba xataa maqan adugu beer iskaba daaye
  19. barbarkaan damoodaba abaar bilig leh weeyaane
  20. buur dhagax leh anigoo hurdaan soo baraarugaye
  21. bisinkaan qabsaday nabadgalyaan baarri heybsadaye
  22. balse waxay su`aal baahin mudan bixisay laabteydu
  23. maanaa biday dabeylaha miyaa baaxad igu qaaday
  24. bac miyaan ahaa sow adoon bowdo culus maahi
  25. baraarihi ka hadal dumar ragguna ba`i ka sheekeeye
  26. nimanyohow nin baadiyu gashoo baafiyaan ahaye
  27. Maalin baan horweyn geel batiyo boor lahaan jiraye
  28. bannaan kuma ladnaatiyo dhul aan harafku buurneyne
  29. beeyacadka xagarkiyo waxaan howd ku bariyaaba
  30. markuu burunji geydhooyinkiyo gucumadeys biirshay
  31. inta boqol hab ugu owr dayaan baarqabka u furaye
  32. dacrin waranku gaarshiyo waxaan balag ku soofshaaba
  33. baar-nirgood gaheyrkiyo waxay dhuunka bixisaaba
  34. nafta biimo yaabliyo waxaan halis ku beegaaba
  35. oon balow colaadiyo hab-heeb ula bareeraaba
  36. diraac bedertan dowliga markii leysla bixin waayo
  37. bahawacadne xaajadu tahee hiil ninluhu boodo
  38. ee nimaan birjeex doora dhalin beybka daran waayo
  39. bogga waxaan wadaan ugu sidoon baaca laliyaaba
  40. bowdo raggan wadaagniyo waxaan hebel ku beelaaba
  41. marki ay bishiisii go`dee sanad barwaaqoobay
  42. ee gu’gu intuu baaca dhigay hara kastaa buuxdo
  43. waa boqol qasgoydaye isagoo lulaya boodaanka
  44. bil toddobaa habeen ay godkeed baalka dhiganeyso
  45. burcaleen leh goortuu fadhiga booban jiifsadaye
  46. billowgii aroortaan kiciyo baadi subaxeede
  47. iska daa bidhaan laga arkiyo muuq la beegsado`e
  48. barow maray xataa lama arkiyo raad balowsadaye
  49. bisinkaan qabsaday nabadgalyaan baarri heybsadaye
  50. balse waxay su`aal baahin mudan bixisey laabteydu
  51. ma baxsaday ma buuraa ku dumay bado miyaa qaaday
  52. mise guluf bartiis lama arkiyo cadow kalaa boobay
  53. baraarihi ka hadal dumar ragguna ba`i ka sheekeeye
  54. nimanyohow nin baadiyu gashoo baafiyaan ahaye
  55. Been baan ku tirin jiray cishqigu waa dilaa ba`ane
  56. baroordiiqdi Leyliyo is iri Qeysba how bixine
  57. buunbuunis weeyaan lahaa wawdi Boodhariye
  58. hayeeshee bacaad igu wareen budul ku siiyaale
  59. baallaha cadceeddiyo hillaac biligleh mooyaane
  60. bashar qurux ku gaaraba mid aan ciidda lagu beerin
  61. barta midabka nuur iyo intay hadaw la soo boodday
  62. bushimaha faruuryaha dibnaha baashida u fiican 
  63. sunniyo aad bil mooddiyo indhaha baararka weynle
  64.       64 cabaadyada isbaal jiifsadee buuxshay luqunteede
  65. dhexda madagta lagu beegay iyo barida miisaaman
  66. biigadaha garaaryaha gacmaha boqon markey qaado
  67. oo ay bilicda laafyaha riddey beerka damaqdaaye
  68. 68 .waa barwaaqo sida  beer dalxiis dhaayahaw bogiye
  69. waana ugub ninkey baal martaa boohin ku caweyne
  70. boholyoow daraaddiis anoo balagsan oo liita
  71. kana baqaya gabadhi u bandhigay baahi rabitaane
  72. u barreeray baas iyo wanaag kii ka soo baxa’e
  73. balse barasho wacan kala kulmiyo baaq xishood hugane
  74. la billaabay buuro isku xiran badiyo haasaawe
  75. ka badbaadnay boog iyo khilaaf ruuxba ruux bado`e
  76. biya shubadki sheekada kolkaan guur ku wada bowdnay
  77. ballantina barriyo saadambiyo beegan tahay foogta
  78. ee aan beydki lagu dhaqi lahaa daahyada u buushay
  79. ayey wiil bannaannada ka yimid beri ku siiyeene
  80. ayadoo aroos loo barraxay laga balweynaayo
  81. bug damtana gurbaanku uu hayaan soo baraarugaye
  82. bisinkaan qabsaday nabadgalyaan baarri heybsadaye
  83. balse waxay su`aal baahin mudan bixisay laabteydu
  84. bud hadaan dhifsado oon darteed boqol u soo laayo
  85. sideen tima bardaaley ku heli bixi adoogeede
  86. baraarihi ka hadal dumar ragguna ba`i ka sheekeeye
  87. nimanyohow nin baadiyu gashoo baafiyaan ahaye

 
 

Waxaa Tiriyay: Abwaan Xasan Garaad Warsame

Email: abwangaraad@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

4 Jawaabood " Gabay “BAAFIN” | (Abwaan Xasan Garaad Warsame) "

  1. sharkey says:

    Asc waan idin salaamay bah weynta somalitalk after hadan ka hadlo gabega waa gabat fiican misana qiimo weyn u xanbaarsan bulshada somaliyeed hasa ahaate gabyaaga waxaan ku dhiiri gilin lahay in uu mesha ka siiwada dadaalkisa ku aadan xaga nabada iyo bulshada somaaliyeed

    Mahadsanid.

  2. SAMAJECEL says:

    SALAAN AAD U QIIMO BADAN IGA GUDOOMA WALAALAHA SOMALITALK, HADDAAN U NOQDO GABAYGAN QAALIGA AH,OO HDBA QEYB KASOO GALAYA NOLOSHA.
    ARAGTIDEEYDU WAXEY ILA TAHAY INAAD CALANKA AAD KA HADLEESO EEY SOOMALIDU MAANTA ,SHAAH KU IIBSANEYSO,OO SHARAFTIINII LA’YAHAY.

  3. Abdikariim says:

    marka hore waxaan salaamayaa bahda somalitalk markalaabaad hadaan ka hadlo fikradayda gabaygan .Abwaanku waxuu baafinayaa nabadii soomaali bari haysan jirtay ee hada meel ayku dhacday la ,arki waayay

  4. marka hore waxaan salaamayaa bahda somalitalk marka labaad gabaygan abwaanku waxaa ku goobayo ma`ahan waxa uu sheegay oo dhan markala raabo gabadha abwaanku gabayuga waxa uu ku raadinayaa qaranki somaliya ama waxa ku raadinayaa gabadha wck