Home » Warar »

Cabdullaahi Xasan Jaamac oo loo doortey Gudoomiyaha Gudiga Dastuurka DFKMG

 iyo Norway oo Goob Joog ka ahayd Siminaar Agaasimayaasha guud ee dowlada FKMG iyo Waraysi Wasiirka Horumarinta Shaqada iyo Shaqaalaha Maxamed Cabdi Xayir Maareeye

Gudiga “Madaxa Banaann” ee Dastuurka iyo Arrimaha Federaalka DKMG Soomaaliya ayaa Hoteel Kempinski ee caasimada dalka Jabuuti 18/03/2010 doorasho ay ku sameysteen ku doortey gudoomiye, gudoomiye ku xigeen iyo Xog-hayanta gudiga.

Kulanka gudiga dastuurka oo ay soo xaadireen 29 xubnood ayaa Gudoomiye waxaa isu soo shaxey Cabdullaahi Xasan Jaamac, ma jirin cid kale oo kula tartantay xilka Gudoomiyaha Gudiga “Madax Banaann” ee Dastuurka, waxaa uuna heley 25 cod, 3 waa ay diidey, halna waa uu ka aamusey, halka gudoomiye ku xigeenka uu isu soo sharxay Dr, Maxamed Isaaq Ibraahim (DR. Madeey) oo isna keligii isu soo sharxay gudoomiye ku xigeenka waxaa uu heley 23 cod, xog-haynta gudoomiyaha gudiga oo ay isu soo sharxeen Marwo Xaliimo Jaamac Afrax iyo Marwo Xaliimo Xasan oo ay kala heleen, Xaliimo Jaamac Afrax ayaa waxay heshey 25 cod, halka Xaliimo Xasan ay heshey 4 cod.

Halkan ka daawo sawiro dheeraad ah

Doorashadan oo ay goob joog ka ahaayeen, xubno ka socda Hay’addaha taageera qorista dastuurka Jamhuuriyada Soomaaliya oo ay ka mid ahaayeen 5 xubnood oo ka tirsan Gudiga Dastuurka iyo Arrimah Federaalka Baarlamaanka, UNPOS, UNDP, EU, NDI, Gudoomiyaha Gudiga shaqaalaha Rayidka iyo marti sharaf kale ayaa waxay u dhacdey habka gacan taaga, waxayna ku soo gebagebowdey sidii loogu talagaley.

Avv. Cabdiraxmaan Warsame Siyaad oo ka mid ah xubnaha gudiga Dastuurka oo aan wax ka weydiiyey hawlaha u harey gudiga ayaa waxaa uu yiri “ waxaa harsan Afar gudi, Gudiyada harsan ee aan wali la dooran xubnihii matalayey ayaa waxaa lagu wadaa 20/03/2010 in gudigu uu doorto Afar gudi gudoomiyeyaashooda iyo xoghaynada gudiyadaas oo kala ah Gudiga Wacyi gelint, Gudiga Daraaftiga, La tashiga iyo Gudiga Anshaxa, kuwaasoo marka la isu geeyo gudoomiyaha, ku xigeenkiisa, xog-haynta gudiga iyo afarta gudi gudoomiyeyaashooda noqon doona gudiga sare ee maamulka Gudiga Dastuurka ee ‘Madaxa Banaann’”.

Sawirka: bidix intood badan Agaasimayaasha guud ee siminaarka ka faa’iideysanyey, midig Gudoomiyaha gudiga Shaqaalaha Rayidka Dowlada FKMG

Halkan ka daawo sawiro dheeraad ah

Doorashadan oo ay ka mid ahayd waxyaabaha ugu muhiimsan ee laga lahaa siminaarkan maalmahan uga socdey gudiga Dastuurka, sameynta xeer hoosaad ay yeelan doonaan, dejinta qorshayaasha dhaqaale ee gudiga, xarunta qorista Dastuurka iyo bilowga qorista dastuurka Jamhuuriyadda Soomaaliya ay yeelaneyso mustaqbalka ayaa marka si guud loo eego waxaa horyaalo qodobo waaweyn oo ay ka mid yihiin maamulada dhisan oo sameystey sharciyo lid ku ah dhismaha dowlada xiligan iyo tan mustaqbalka ay yeelaneyso Soomaaliya, taasoo ugu wacan tilaabo kasta oo ay u qaado dowladan dhinaca dhisme Qaran, waxay u diyaariyaan wax lid ku ah, hadii aan la qaadan soo jeedinadooda ku dhisan habab guracan oo dalka iyo dadka Soomaaliyeed u horseedaya bur bur aan dhamaan, marka si qoto dheer loo eego dastuurada u degsan maamuladan.

Dhanka kale xiritaanka siminaarka maalmahan Jabuuti uga socdey Agaasimayaasha guud ee dowlada FKMG waxaa goob joog ka ahaa xubno ka socda Safaaradaha kala ah Mareykanka iyo Norway.

Waraysigii Wasiirka Horumarinta Shaqada iyo Shaqaalaha Xildhibaan Maxamed Cabdi Xayir Maareeye DHEGEYSO

FG. Maareeye waxaan weydiiney Dastuurka cusub ee loo samaynaya DFKMG sida la isu waafajinayo FEDERAAL, 4.5 iyo ISLAMIC LAW (SHAREECADA ISLAAMKA), maadaama baarlamaanka DFKMG ay hore u ansixiyeen in dalka lagu dhaqo Shareecada Islaamka.. Jawaabta Maareeye kala soco warbixinadeena dambe Insha Allah.

Maxamed Macallin Cismaan (All-man) Somalitalk Jabuuti.
fatxumaalik@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.