Home » Warar »

Dunida Muslinka Ah Iyo Sida Ay Dunida Kale uga Danbeeyaan… Eeg Xaqiiqda Jirta Ee Uu Soo Bandhigay Muftiga Reer Bosnia Prof. Dr. Mustafa Cheric.

Muftiga weyn ee wadanka Bosnia Prof Dr. Mustafa Cheric ayaa qudbad si weyn loo sugayey ka jeediyey oo ugu magac daray’ Islamku waa Diin ay tahay in lagu noolado’,Taasoo oo uu ka jeediyey Jamacada weyn The International Islamic University, Islamabad Pakistan. Waxaa sidoo kale marti u ahaa Jamacada wasiirka Arimaha Diinta Islamka ee Pakistan Moulana Hamid Saeed Kazmi.

Hadalkiisi Dr Mustafa Waxaa ka mid ahaa : Islam waa caqiido. cilmi iyo Akhlaaq suuban. Waxaa uu ku daray in Islamku aadmaha siiyey caqiido ay taageerayso cilmi iyo akhlaaq suuban. Balse waxaa uu sheegay in Muslimka maanta nooli ay in badan ka danbeeyaan umadaha kale ee dunida kula nool iyadoo ay ugu wacan tahay jahliga ka haysta caqiidadooda, cilmiga iyo akhlaaqda wanaagsanba. Waxaanu badka soo dhigay xaqiiqooyin uu u cuskanayo arintaasi waxaanu yidhi.

  • Xaqiiddii; wadamada dunida Muslilmka marka tiradooda laysku geeyo waa 57 wadan, waxayna leeyihiin oo qudha 500 oo Jamacadood oo kaliya. Halka USA oo keliya uu leeyahay 5758 jaamacadood, Xaqiiddii wadanka India oo kaliya ayaa leh 8407 Jamacadood.
  • Xaqiidii; Hal Jamacadood oo ay leeyihin dunida musliminta kuma jirto 500 ee Jamacadood ee dunida ugu sareeya.500 Ranking Universities of the world.
  • Xaqiiqdii;Dadka Christianka ah ee wax qora waxna akhriyaa waa 90%.
  • Xaqiiqdii: Dadka Muslimka ah ee waxna qora waxna akhriyaa waa 40%.
  • Xaqiidii;15 Wadan ee ugu badan wadamada Christianka ah dadka wax akhriya waxna qoraa waa 100%
  • Xaqiidii; Dhab marka loo hadlo wadamada ugu badan dunida Muslimka ah dadka waxna akhriya waxna qoraa ma aha kuwa gaadhaya 100%
  • Xaqiidii;Dadka ku nool wadamada Christianku 98% way dhamaysteen dugsiyada hoose.
  • Xaqiidii; Wadamada Musliminta ah in ka yar 50% ayaa dhamaystay dugisga hoose
  • Xaqiidii;Wadamada Christianka 40% ayaa gala Jamacadaha
  • Xaqiidii Wadamada Muslimiinta ah 2% ayaa gala Jamacaadaha.
  • Xaqiiddii;Wadamada Musliminta ugu waaweyn 230 Saynisyahano ayey leeyihin halkii Millionba.
  • Xaqiidii;Halka wadanka Maraykanka 500 Saynisyahano ayey leeyihiin halkii Millionba.
  • Xaqiidii;Wadamada Christianku 1000 Technician bay leeyihiin halkii Million.
  • Xaqiidii; Wadamada Carabta oo dhan hadii laysku daro 50 Technician ama Farsamo yaqaan bay leeyihiin halkii Million.
  • Xaqiiqdii; Wadamada Muslimiintu waxay ku bixiyaan cilmiga baadhitaanada iyo horumarka 0.2% dakhliga sanadkii soo gala.
  • Xaqiiddii; Wadamada Christainku waxay ku bixiyaan cilmi baadhista iyo horumarinta 5% dakhliga soo gala.

Lasoco Qaybta Labaad Ee Xogta Muftiga Reer Bosnia Prof Dr Mustafa Cheric

Muftiga reer Bosnia, Prof. Dr. Mustafa Cheric oo Kitaabka Quraanka guddoonsiinya Wasiirka Arrimaha DiintaHamid Saeed Kazmi kaddib markii uu khudbad ka jeediyey Jaamacaadda ISLAAM ABAD ee International Islamic University Islamabad (IIUI). Waxaa kale sawirka ka muuqda guddoomiyaha Jaamacadda. Isha sawirka: http://www.iiu.edu.pk/news/february_10.html

Waxaa soo ururiyey

Daauud Gilingill
Info@golisnews.com
gilingil@hotmail.com

Tixraac:

http://www.iiu.edu.pk/news/february_10.html

http://pakobserver.net/detailnews.asp?id=16673

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

2 Jawaabood " Dunida Muslinka Ah Iyo Sida Ay Dunida Kale uga Danbeeyaan… Eeg Xaqiiqda Jirta Ee Uu Soo Bandhigay Muftiga Reer Bosnia Prof. Dr. Mustafa Cheric. "

  1. Scw: waa xaqiiqo jirta waxa uu muftigu ka hadalay ,laga yaabee in dad badani ka xanaaqaan. Waxaase wanaagsan in laga faaidaysto oo la raadiyo sida lagu gaari karo horumarkaas dunida kale gaaratay. Inagu soomaali ahaan waxaan ka dambeynaa dunida muslinka oo dhan oo ma HAYSANNO AMMAAN WAANA KAN NOLOSHA UGU MUHIIMSAN.

  2. aljaabiri says:

    ASC WWR waa wax aad & aad loka naxo runtii manta & dunida islamaka amrka loo fiirsho wadamad reer galbeedka ah marka waa in aanu iska dhafna hadaanu nahay somalia max’ed dhibka aan anaga isku haayno aanu la janqaadno walaheen islamka dunida si anu uka naqano dad yar oo taya leh oo marka loo eg dunida kale ee tirada badan wa wadamada, kale aanu iska dhafno dhibatada anu isku heeyno & qilafadka an dhamaadka laheen ee shaqsiyaadka wata danahood anu joojino walalayaal hadaa nahay dad muslimiin ah plz