Home » Warar »

Lataliyihii Madaxweynaha DFKMG oo Is-casilay

Prof Axmed Muumin Warfaa oo ahaa lataliyaha sare ee madaxweynaha Dawladda Federaalka kumeel gaarka ah, Sheikh Shariif Sheikh Axmed, ayaa shaaca ka qaaday in uu is-casilay.

Prof. Warfaa oo waraysi siiyey idaacadda codka maraykanka ayaa tibaaxay in aysan waxba ka hir gelin talooyinkii uu soo jeediyey, waxana uu cadeeyey in uu jagadaas iska casilay.

Waraysigii idaacadda VOA  ee Prof Warfaa
Halkan ka dhegeyso.. MP3 ama Halkan.. WM

Prof. Warfaa (Sawirka: Kaydka SomaliTalk.com)

Dastuur Cilmaani ah (Secular) oo Loo Samaynayo DFKMG….

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

2 Jawaabood " Lataliyihii Madaxweynaha DFKMG oo Is-casilay "

  1. Hoobaan says:

    Prof. Warfaa waxaad markii horeba ka doontay baa qaldanaa, haddana haddii Ilaahay ku garansiiyay in aad ka dhexbaxdid nimankaas dalka, diinta iyo dadkuba ay xaraashka ka yihiin lafahaagaad uga turtay ceeb adduun iyo cadaab aakhiro, waana arrin ka suurooba qof caaqil ah oo kaliya.

    Is casilaaddaada oo ila jilicsaneyd aawadeed ayna ka muuqatay xoogaa ludda jecli lafta jecli ama sidii nin xanaaqay oo raba in la soo caraceliyo, waxaan kaaga digayaa in aad dib ugu laabatid halaaggii Ilaahay kaasoo najeeyay ee aad aqoontaada iyo awooddaada shakhsiyeed si kale ugu faa’iideyso dadkaaga Soomaaliyeed ee aad kaalmadooda wax ku baratay, isla iyagana wax u baratay Ilaahay daraaddiina wax ugu qabatid.

    Waxaan rajeynayaa in aad ka magac iyo muunad sarreyn doontid sidii aad sheegtay in aad madaxweyne Shariif ku ag mudatay.

  2. Saafi says:

    Pro. Warfaa maanta ma joogno ama ma taagna in aad aqoontada dib ula laabato ayadoo waddankii uu ku jiro marxalad aad u xun waxeyna ahayd in aad dulqaadato oo aadan dawladda ku furin mawjad xumaan.
    Waddankaas Illaah ina abuurey baa u maqan.
    Alloow badal kheyr qaba waddaankeena oo ku jiro dan gaar markasto inooga soo adeeg, amiin