Home » Warar »

Dastuur Cilmaani ah (Secular) oo Loo Samaynayo DFKMG….

Sida uu Shaaca ka qaaday Xildhibaan Jinni Boqor “Dastuur Qaran oo waqti badan jira oo SECULAR ah ayaa la doonayaa in la sameeyo” sidaas waxaa uu Xildhibaan Jinni Boqor sheegay isagoo ka jawaabayey su’aal ku saabsanayd dastuurka DFKMG loo samaynayo. (Xildhibaan Jinni boqor muxuu ka yiri is-waafajinta 4.5, federaal iyo shareecada islaamka HALKAN KA DHEGEYSO)…

(Kelmedda “Secular” qaamuuska Soomaaligu waxa uu ku macnaynayaa sidan: Secular = cilmaani (ee cilmi-adduun ku salaysan, oo diin iyo aakhiro toona aan ku lug lahayn.)). Qeexidaa halkan ka akhri

DFKMG ayaa hore u sheegtay in ay qaadatay Shareecada Islaamka, sida uu ansixiyey Baarlamaanka DFKMG.

Warbixinta Dastuurka DFKMG ee taxaanah aahayd hoos ka akhri

Qaybtii 3-aad:- Kumaa Adkaan Doona Federaalka iyo 4.5-ka??!!

 Gudoomiye ku xigeenka waxaa kale oo aan weydiiyey sidee baarlamaanku uu isu waafajinayaa 4.5, federaal iyo islamic Low?!

Prof, Dhalxa wuxuu ku jawaabey “Islaam waa la yaqaanaa, sheegasho iyo awood qaybsi ma aha islaamku umana baahna, islaamka ninkii rumeeyana, wixii muslim-nimadiisa uu ku dhowrsan lahaa ama ay ku xaqiiqoobi lahayd ayaa looga baahan yahay ninkii noqda, 4.5-kana waa arin Soomaali si khaldan ay ugu heshiisey oo dulmi ah, markii iyaduna xalkeeda la helo, waxay noqondoontaa markii Soomaaliya la tiriyo oo la ogaado cidii laga tiro badan yahay iyo cida tirada badan ama cida gobol weyn tahay iyo cida laga gobol weyn yahay ama gobolkeedu yar yahay, markaa dadkii ogolaadey waxay ahaayeen dadd uun tanasuley, wacyiga iyo duurfta dalka taala ee maanta cid ilaahay nus ka dhigey iyo cid kaamil ka dhigey lama sheegin.

Hadii cid dhaxalkeeda nus waaye la yiri waxaa ilaahay tilmaamey Haweenka, iyaguna xuquuq fara badan buu ilaahay siiyey, laakiinse dadd soomaaliyeed oo siman, dadd soomaaliyeed oo aan lagu kala eegin wixii dadd lagu kala qiimeyn lahaa iney badan yihiin iyo iney yar yihiin oo aan ognahay waxa lagu sameeyey xaq lama rabee, xal baa la rabaa, maxay ahayd garan meynee, xal baa la raadinayaa iyo xaq lama raadinayo, meel aan xaq oolin inuusan xal imaaneyn ilaahayna waa ogyahay Ummadduna wey ogtahay, waxaas oo idil ma rabo inaan gadaal ugu noqdo.

Laakiin arimaha kale ee soo harey federal, waxaa lagu heshiiyey shirweynihii Qaran ee lagu qabtey Nayroobi, Embagati waa meel Soomaali ay isugu timid go’aan ka soo baxay kadibna Axdigii ay ku qoratey, kaana hada waxaa looga fadhiyaa haday fuleyso iyo hadey fuleyninba shacabigii Soomaaliyeed ee talada ay ka go’aysey, marka aftida dastuurka la hordhigayo ayey, iyaduna qaybta ugu sareysa noqoneysaa ma garatey”.

Gudoomiye ku xigeenka Prof. DALXA mar aan su’aaley sida la isu waafajinayo Federaalka, 4.5-ka iyo Shareecada Islaamka ayaa wuxuu ku jawaabey DHEGEYSO

Maxamed Nuur Sheegoow mar aan weydiiyey sida la isu waafajinayo fikirka mucaaradka iyo kan ay wataan ayaa wuxuu ku jawaabey DHEGEYSO

Xildhibaan Jinni boqor muxuu ka yiri is-waafajinta 4.5, federaal iyo shareecada islaamka DHEGEYSO

Madaxeyne Goboleedkii hore ee Galmudug Amb, Kiimiko muxuu ka yiri is-waafajinta 4.5, federaal iyo shareecada DHEGEYSO

Prof, Jawaarey muxuu ka yiri is-waafajinta DHEGEYSO

Xildhibaan Feysal Cumar Guuleed is-waafajinta wuxuu ka yiri DHEGEYSO

Xildhibaan Maxamed Xasan Daryeel is-waafajinta wuxuu ka yiri DHEGEYSO

Prof, Sheegoow oo aan isla su’aashan weydiiyey ayaa isna wuxuu qabaa sidan “waa is-waafaqsan yihiinoo, Dasaatiirtii dalka mid walba wuxuu oran jirey, guud ahaan shuruucda dalka waxaa saldhig u ah shareecada Islaamka, halkaas ayuu ka waafaqsan yahay looma baahna is-waafajin kale, hadii dastuurku uu qeexo saldhiga qaanuuneed ee dalka uu noqdo shareecada Islaamka, waa waafaqsan yahay, qaanuun jiraaya ma leh oo shareecada ka hor imaanaya.

4.5, wuxuu ahaa hab lagu soo xuley maamulkii dowliga ahaa ee KMG-da jirey, nidaamka federaaliga ah ee hada la qaadan doono koley wuxuu keeni doonaa hab looga gudbo, qaabka 4.5-ka, laakiin dastuurku wuxuu noqon doonaa mid aan lagu tilmaamin 4.5, barkee jaataradii la soo marey xiligii KMG-rada, laguma tilmaameyn 4.5, ee waxaa lagu tilmaamayey habka awood qaybsiga keliya ayuu ku ekaa, wax dastuur ama Axdi uu ku tilmaamnaa 4.5, ma jirin, kana wuxuu noqon doonaa nidaam federal ah oo dalka loogu raadiyo in looga gudbo xiliga KMG ah loo helo dowlad dhameystiran oo ku dhisan habka federaaliga”.

Prof, Maxamed Cismaan Jawaarey oo ahaa khabiirkii wax ka dhigayey casharada siminaarka oo aan arintaas wax ka weydiiyey ayaa isagoo sharxaya wuxuu yiri “4.5 iyo waxaasi waa wax kale, ereyga federal kelmad ahaan in looga cararo waa yacnii maangaabnimo weeyaan, ayadoon federal la dhihin ujeedada dhan waa sidee baa xukunkii dowlada shacabka ay u maamulikaraan, ama federal dheh ama magac kale u yeel, ujeedadu waxaa weeyaan xukunku inuusan ku aruurin koox ama qof gaar ah gacantiisa, in bulsho kasta meesha ay degan tahay ay xeerkeeda isku maamuli karto, dowlada dhexe iyadoo ku xiran taa weeyaan, ma aha qabiil, ma aha siyaabaha qaarkood oo loo fikirayo.

Marka lagama maarmaan waxay noqoneysaa, shacabka inta lagala tashan in wacyi gelin la sameeyo, war maxaa loola jeedaa dastuur, hada kelmada dastuur dadd baa ka carooda, micnihiisa oo kooban waxaa weeyaan heshiis wadareed guud oo bulshadu oo ay iyadu isla geleyso oo hadana balan qaadeyso in ay ixtiraamto dadka kalena ay ixtiraamaan, marka hadii ay taasi ay tahay heshiis oo bulshada isla ayada ay isla geleyso oo hadana ay balan qaadeyso marka ay sameysato xeerkaasi aan ku kala dambeyno, qofkii ku gudbana aan iska qabano, wax ka jaban uma jeedo aniga, magac kasta u same”.

Avv. Xildhibaan Maxamed Xasan Daryeel oo isna siminaar dhinaca sareynta sharciga ah oo loo qabtey xubno aqoonyahano dalallka Geeska Afrika oo ay soo qaban qaabisey Hay’ad Jarmal ah oo u joogey dalka Jabuuti oo isna wax aan ka weydiiyey isla su’aashan ayaa wuxuu ku jawaabey “magacyada aan la baxayo ma ahan wax diinta ka soo horjeeda sida Muqdisho oo kale, isagoo aayad u soo daliishanaya, ayaa hadalkiisa wuxuu ku darsadey, hadaan si baraatiko ah su’aashaada u sii gudbo, dastuur macnaheedu.

Shareecada islaamka maalin dhoweyto waa la ansixiyey, nasiib wanaag waxaa kale oo xusid mudan Soomaalida uun baan ku dhaqmin maahane, ilaa dastuurkii 60-dankii, Axdigii Jabuuti lagu sameeyey, kii Embagaati intaba, anigoo waliba Qareen ah oo looyar ah, waxaan xusikaraa intaasiba kuma jirin, guud ahaan dastuur hadii aan kala qaadno dastuur muxuu ka kooban yahay, waa 3 qaybood ama 4, hadii uu u bato, qodobka koowaad wuxuu ka hadlayaa xuquuqda uu qofku leeyahay.

Hoygiisa, hugiisa, noloshiisa, nabadiisa, adeegiisa iyo xuquuqda uu dalka ku leeyahay, mida kale waxay ka hadleysaa waajibaadkiisa khayraadka dalka iyo qaabka la isu maamulayo, hay’adihii sida ay u kala baxsan yihiin maamuladii, intaasina wax diinta ka hor imaanaya ma ahan, laakiin taas anoon kusii dheeraan, waxaan xusayaa laba qodob, waxaa jira intii dastuur jirey la xusayey.

Qodobka koowaad wuxuu leeyahay sharci wax shareecada islaamka ka soo horjeeda dalka laguma dhaqikaro, ama wuxuu leeyahay qodob shareecada islaamka ka soo horjeeda waxba kama jiraan weeyaan, wuxuu hadana dhinaca kale leeyahay dhamaan shuruucda dalka waxaa saldhig u ah, shareecada Islaamka.

Markaa labada qodob waxay halkaa ka xaqiijiyeen dastuurkan iyo shuruucda dalka oo dhanba, inaynan shareecada Islaamka ka hor imaanin, taa markaan ku sii daro shareecadu waa hab iyo dhaqan nololeed uu ilaahaygii bani’aadamka abuurey noosoo dejiyey, habkaasi si baahsan buu ugu dhex jiraa shareecada, sunada iyo kitaabka ilaahay, dastuurku wax kale ma ahane waxaa la soo uruuriyey, qodobadii oo mabaadii guud ah, mabaadii’ida guudna markaad eegtid oo dastuurku xambaarsan yahay, shan qodob bey salka ku hayaan, oo shareecada Islaamka la yiraahdo Al-kuliyaatul khamsa.

Anigu shareeca wal Qaanuun baan dhigtey, kuliyaatul khamsana waa shan, shantuna waxay tahay, oo maqaadisu shareecal islaamiya ay ku soo degtey

1- In nafta la ilaaliyo, wixii alaale wixii naftaa goynaya, ilaa intii uu caloosha ku jiro, intii uu nool yahay, qodobka koowaad naftu in la badbaadiyo weeyaan.

2-Qodobka labaad, maankii wax allaale wixii wax yeeleynaya, haday noqon lahayd jahli, anshax xumo, cudur, daroogo iyo wixii kale ee la halmaala, waa mabda’ guud.

3-Waxay tahay bulshadii ama qoyskii, si xalaall ah guur taabagalkii oo aan la dhiirigelin dhalaaqdii, qaabkii ay u wada jiri lahaayeen si uu u abuurmo qoys caafimaad leh, qoyska marka uu dhisan yahayna bulsho dhisan baa dhalata, qoyska markuu dunsan yahay bulsho dunsan baa timaada.

4-Maalkii baa xiga, maalkii si xaqdaro ah oo baadil ah xoog siyaabo guracan ama aan sharci ahayn ku qaadatid, ilaa kana aad leedahay, kan agoonta iyo kan maatida.

Waxaan u maleynayaa shanta inaan kuu xusey, shantaas qodob bey shareecada islaamka maqaasiideedu ku fadhidaa, markaad fiiriso dastuurka afarta qodob ee uu ka kooban yahay, markaad fiiriso cutubka xuquuqda qoys buu ka hadlayaa, naftii buu ka hadlayaa, qofkii buu ka hadlayaa, bulshadii buu ka hadlayaa, hal qodob baa jira, wuxuu yahay qaabka loo kala qaybinayo guriga hadaan iraahdo waa Vilo iyo hadaan iraahdo waa dabaq waa hab aan u maamuley, qaabka dadka sida ciidamada horino aan u kala sameynayo waa hab maamul shareecada kama hor imaaneyso.

Federal marka la yiraahdo waa hab maamul waa Ummaduhu sida xeeraha loo kala sameysan jirey, taasi waa arin maamul, qof buka boqol u tali baa la yiri, ama qofku marka uu xanuunsanayo isagaa laga rabaa siduu u xanuunsan yahay inuu u sheego, tan labaad qofka buka ayaa laga rabaa dantiisa waxay ku jirto inuu aqbalo, nin tuur leh siduu u seexdo isagaa yaqaana, sharciga ama xeerka la sameysanayo ma ahan sharci ee waa Xeer.

Xeerkaasina qofka dantiisa waxay ku qanacdo ayuu ku saleysan yahay, markaan saa u hadlo arintan federal, Rijinal otonomi waa maamul iyo siyaasadii oo la baahiyey ama la aruuriyey intaasina waa hab maamul oo aan shareecada islaamka ka soo horjeedin waa hab maamul oo bani’aadamka sameystey oo guriga afkiisa meeshaan doono waan u jeedin karaa.

Qodobka dastuurka ayaan ku soo noqonayaa, taa markaan ka gudbo Soomaaliya waxaa laga mamaarmaan ah oo aan isleeyahay waa udub dhexaad oo heshiis dhab ah ku imaankaro waa dastuur shareecada islaamka ku qotoma, markaan leeyahay dastuur sidii shaleytoole xeer bay Ummaddu sameysan jirtey danaheeda kala haga, ay ku kala maareyso, khilaafkeeda ay ku xaliso ay kuna heshiiso, Soomaaliya xornimadii markii ay qaadatey dastuur baa loo keeney Af-qalaad ku qoran oo aysan garaneyn, lamana fahansiinin xeerkii iyo dhaqankii ay lahayd dastuurkan cusub ama dowlad-nimadan cusub meesha ay iska shabahaan dastuurkii qaata baa la yiri.

Af Talyaani, Ingiriisi ama Carabi ayuu ku qornaa inta af garaneysana wey yareyd, taasi markaa waxay dhaxalsiisey qofka xuquuqdiisa iyo waajibaadkiisa inuusan fahansaneyn, sharci uunan garaneyn in lagu xukumayo, taasi waxay dhaxalsiisey qofkii wax lagu xukumayaaba uunann u xog ogaalsaneyn, sharciga qodob baa jira oo muhiim ah oo oranaya, qofku ilaa la gaarsiiyo kawaran hadii laguugu xukumo, inkastoo aan ku dheeraadey dastuurku wuxuu udub dhexaad u yahay Soomaaliya maanta inay ku heshiiso, magaalo madax maxaa inoo noqonkarta, gobol maxay inoo noqonkartaa, degmo maxay inoo noqonkartaa, qaabkee dadka ergada inoo ah u dooran karnaa, dhaqaalaheen qaabkee, miizaaniyadeena qaabkii, hanaankii waxaan is leeyahay wuxuu noqonkaraa waxyaalaha dibu-heshiisiinta rasmiga ah.

Wacyigelin loo sameeyo shacabka, marka ay fahmaan xuquuqda iyo waajibaadka ay leeyihiin iyo canshuurta laga aruurinayo in ay koontarooli karaan waxaan is leeyahay dastuurku waa xayndaabkaa Qaran ee muhiimka ah oo la rabo in Ummadda la fahansiiyo oo dowladnimada Soomaaliya ay mar labaad ku qotonsato, sareynta sharciga, iyadoo cid waliba u hogaansanto cidii sida Ummaddaha kale ugu dhaqmaan garan jirtey, markaa waxaan isleeyahay in looga gudbikaro”.

Sidoo kale Avv. Xildhibaan Cabdi Cabdulle Siciid Jinni boqor ayaa isagoo ka hadlaya sida shacabka Soomaaliyeed fikirkooda loo weydiinayo iyo sida la isuwaafajinayo Federaal, 4.5 iyo Shareecada Islaamka, waxaa uu yiri dhegeyso isagoo cod ah halkan.

Prof, Maxamed Cismaan Jawaarey waxaa uu ka yiri is-waafajinta Federaalka, 4.5-ka iyo shareecada islaamka halkan ka dhegeyso.

Waxaa wax aan ka weynihii hore ee Madaxweynaha Maamul Goboleedka Galmudug Amb, Kiimiko isna wuxuu leeyahay sidan ee halkan ka dhegeyso.

 Qaybihii hore ka akhri halkan https://somalitalk.com/web/tag/4-5/

La soco qaybaha kale wareysiyada oo aad u muhiim ah.

Maxamed Macallin Cismaan (All-man) Somalitalk Jabuuti
fatxumaalik@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

2 Jawaabood " Dastuur Cilmaani ah (Secular) oo Loo Samaynayo DFKMG…. "

  1. Yaasiin says:

    Asckm Walaalayaaal Umad walba oo muslin ah waa ku waajib in ay ku dhaqanto Diinteeda Suuban waana tan kaliya ee uu ILAAHAY uga raali noqonkaro markiise la yiraahdo waxaan Qoreynaa Dastuur ay umadi ku dhaqanto waa Xadkii oo laga talaabay waayo ILAAHAY SUBXAANA WATACAALAA Umadda Muslinmka ah waxuu Dastuur uga dhigay kuna amray waliba in ay ku dhaqmaan Kutubka Quraanka ah ee uu ILAAHAY soo dejiyay iyo Sunada Nabi MUXAMED cswm.Marka Walaalayaal Waataana tan ay umada uga bixikarto dhibaatada ay maanta ku jirto hadaba kuwa leh waxaan Qoreynaa Dastuur CILMAANI ah waa kuwo Ku qasaaray Aduun iyo Aaqiro Hadeysan u Towbad keenin Rabigood swc kuwa noocaas ah na ma jirto wax dan ah ay uhaayaan Dalka, Dadka, iyo Diinta ee Ilaahay SHartooda hana dhaafiyo Ilaahay Boqorka ah waxaan ka abaryaayaa in uu Umadda Soomaaliyeed siiyo Nabad gelyo iyo isjaceyl walaaltinimo iyo Dowlad Islaam ah oo Soocelisa SHarafteenii. aamin aamiin

  2. Asalaamu Alaikum
    Walaal waan daalney raggiina waxba idinkama soo socdaan 20 sanna ayaan mareenaa, ee min fadlak Dumarkeena oo raxmada ku jirto oo aan Qabiilna shaqo ku laheen Xukuummadda ku soo wareejiya adinkoo raalli ah sidaan dan inooma ah ummaddii wey idlaatay oo maratey,
    Diinta ma ogola in ay Dumarka taliyaan laakiin Raggii Somaliyeed magaceenii wey lumiyeen Qabiil iyo 4.5
    Somaliya is raacdo hana Midoowdo Shuushkana Allaha naga bixiyo iyo Faragelinta shisheeya oo inagu naxjira, amiin
    Wabillaahi Towfiiq