Home » Warar »

Yuusuf Indhacadde oo ka Badbaadey qaraxyo Miino oo lala Beegsadey

Goor barqadii ah ayaa waxaa agagaarka Hotel Ambasadoor ee wadada Maka Al- Mukarama ee magaalada Muqdsho  ka dhacaya Qaraxyo is xig xigey waxaa qaraxyadaas ay geysteen Khasaaro isugu jirta dhimasho iyo Dhaawac .

Halkan ka daawo sawiradii Qaraxa

Halka qaraxo ka dhacay oo u dhaxeysey isbitaalka Daaru Shifaa iyo Hotel Ambasadoor ayaa waqtigaas ay ahayd mid saxmad badan waxaa goobta marayey  gaadiidka dadweynaha iyo dad wada lugeynayey waxaana Ilaa iyo hadda la xaqiijiyey in ay ku dhinteen saddex Ruux oo la sheegey in ay ahaayeen dad rayid ah iyo lix qofood oo dhaawac.

Qaraxyada ayaa xiliga ay dhacaayeen waxaa la sheegay in lala beegsanayay Wasiiru Dowlaha Wasaarada Gaashaandhiga ee Dowladda KMG Soomaaliya Sheekh Yuusuf Maxamed Siyaad Indhacade balse la sheegay in uu ka badbaaday, hase ahaatee Dowladda Federaalka wax war ah kama soo saarin Qaraxyadaas oo ahaa kuwo si weyn looga maqley Magaaladda Muqdsho-

Saraakiisha Xarakatu Shabaabul Mujaahidiin waxaa ay sheegeen in Qaraxa uu ahaa Qaraxa Miino islamarkaana ay la eegteen Kolonyo gaadiid ah oo uu la socday Wasiiru Dowlaha Wasaarada Gaashaandhiga Sheekh Yuusuf Maxamed Siyaad Indha cade iyo xubno kale oo ka tirsan Dowlada KMG ee Soomaaliya iyagoona intaasi raaciyay in Qaraxaasi Miino ay ku dileen dhowr Askari oo ka tirsan ciidamada Dowlada KMG  islamarkaana ay ku gubeen qaar kamid ah Gaadiidkii la socday Kolonyada ay qaraxa la eegteen.

Intii uu Madaxweynaha uu ahaa Shiikh Shariif Shiikh Axmed waxaa qaraxyo lagu diley Wasiiro, Xildhibaano iyo Saraakiil sare oo ka tirsan Dowladda Federaalka  waxaayna qaraxyadaas ahaayeen  kuwo si weyn loo soo abaabuley waxaana inta badan sheegtey Xarakadda Shabaabul Mujaahidiin –

Halkan ka daawo sawiradii Qaraxa
 
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Yuusuf Indhacadde oo ka Badbaadey qaraxyo Miino oo lala Beegsadey "

  1. abdi says:

    walalayaal waan idin salamay . ilahay ayaa mahad isga leh naxariis iyo nabadgalyo ha haato rasuulkeena mohamed sws. walayaal waxa dalkana ka socda waa danbikii aanu anagu kaysanay oo ilahay in badan inka dhafay . qofkasta oo inka mida waa in uu duceeyaa oo astaghfar la yimaadaa oo aan ilahay u noqonaa . jazakallahu khair