Home » Warar »

Aqoon Is-weydaarsi Ku Saabsan Habka Is-waafajinta Shareecada Islaamka iyo Dastuurka cusub ee Jamhuuriyada Soomaaliya oo Uga Furmey Jabuuti Xildhibaanada Gudiga Dastuurka iyo Culumaa’udiin

Aqoon is-weydaarsi ku saabsan Hab raaca loo adeegsanayo diyaarinta qabyo qoraalka Dastuurka Jamhuuriyadda Soomaaliya  oo ay  ka faa’iideysanayaan gudiga Dastuurka iyo arrimaha federaalka Baarlamaanka, Gudigi ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Diinta iyo Aw-qaafta iyo  culumaa’udiin ay soo xushey wasaaradda Arrimaha Diinta iyo aw-qaafta DFKMG oo tiradooda lagu sheegey 25 xubnood, islamarkaana uu maalgeliyey machadka cilmi baarista Dimoqoraadiyada iyo shuruucda dowladaha caalamka oo ay soo qaban qaabisey Wasaaradda Dastuurka iyo Arrimaha federaalka ayaa lagu qabtey Hoteel Kempniski ee caasimada dalka Jabuuti 07/02/2010.

Halkan ka daawo SAWIRADA 

Aqoon is-weydaarsigan oo socondoona afar maalmood, ayaa furitaankiisa waxaa ka hadley Wasiirka Arrimaha Diinta iyo Aw-qaafta dalka Jabuuti Dr. Xaamud Cabdi Suldaan, Gudoomiye ku xigeenka Baarlamaanka FKMG Prof, Maxamed Cumar Dhalxa, Wasiirka Dastuurka iyo Arrimaha Federaalka DKMG Soomaaliya Madoobe Nuunoow Maxamed, Wasiirka Arrimaha Diinta iyo Awqaafta DFKMG Sheekh Nuur Cali Aadan.
 
Furitaankii siminaarka ayaa waxaa ka hadley Prof, Maxamed Cumar Dhalxa waxaa uu sharaxaad ka bixiyey baahida loo qabo in la helo Dastuur Soomaaliya ay isku raacsan tahay iyo kaalmada looga baahan yahay beesha caalamka, isagoo arimahaasi ka hadlaya khudbadiisa oo dhameystiran halkan ka dhegeyso.
 
Sidoo kale waxaa khudbad taa la mid ah ka jeediyey Wasiirka dastuurka iyo arrimaha federaalka Xildhibaan Madoobe Nuunoow Maxamed waxaa uu xusey heshiis uu hore ula soo galey Hay’adan Jarmarlka ah, ujeedadda qorsha qoraalka dastuurka Jamhuuriyada Soomaaliya ka dowlad ahaan iyo sababaha ay culumada soomaaliyeed isugu yeereen, si loo fududeeyo qoraalka dastuurka, isagoo arimahaasi ka hadlaya khudbadiisa oo dhameystiran halkan ka dhegeyso.
 
Wasiirka Arrimaha Diinta iyo Awqaafta Sheekh Nuur Cali Aadan  waxaa uu ka hadley qodobo ku saabsan waxyaabaha dastuurka laga doonayo in uu lahaado iyo waxa aan loo baahneyn in uu ku jiro dastuurka khudbadiisa oo dhameystiran halkan ka dhegeyso.
 
Ugu dambeyn waxaa khudbad dhinacyo kala duwan taabaneysa halkaasi ka soo jeediyey Wasiirka Arrimaha Diinta iyo Awqaafta Dowlada Jabuuti  Dr. Xaamud Cabdi Suldaan, waxaa uuna khudbadiisa ku sheegey in shareecada Islaamka ay ash-takooneyso iyo wixii shareecada ku saabsan sidii rasaastii ayaa loo ridayaa ayuu ku yiri khudbadiisa oo dhameystirana waxay ahayd sidan.. DHEGEYSO
 
Kasoo qayb galayaasha siminaarka ayaa waxaa loo qaybiyey dastuuro laga soo Uruuriyey dalallka Af-gaanistaan, Masar, Indonesia, Iran, Iraaq, Maleysiya, Najeeriya, Bakistan, Maamul Goboleedka Putland, Saudi Arabia, maamulka la baxay Somaliland, Jaatarka DFKMG Soomaaliya, Suudaan, Tuniisiya, United Arab Emirates, International Covenant on Civil and Political Rights, Universal Declaration of Human Rights oo ay soo diyaariyeen Machadka Max Planck Institute for Comparative Public law and International Law


 
Inkastoo qaar ka mid ah xildhibaanada oo diidey in magacooda la xuso ay ii sheegeen, xubnaha culumaa’udiinka ka qayb galaya shirka, ma waafaqsana nidaamkii 4.5-ka oo waxaa iska soo xushey Wasiirka Arrimaha Diinta iyo Aw-qaata ayey igu yiraahsdeen, taasoo muujineysa baahida loo qabo sharci iyo kala dambeyn uu yeesho dalka Soomaaliya, Laakiin sida ka muuqata diyaarinta dastuuradan kala duwan, waxay muujineysaa  Soomaaliya xiligan in ay mareyso halkii ugu cusleyd tan iyo intii ay bur burtey dowladii dhexe, islamarkaana loo baahan yahay in la joojiyo xabada ridideeda oo mustaqbalka ka ridi doonta meel halis ah, hadii aan la isla fahmin hawlaha socda oo sii gelin karta in dalka iyo dadka Soomaaliyeed mustaqbalka la gaarsiiyo in sidii la doono laga yeelo, kuwa xabadaha bixiya iyo kuwa ridaba ay noqon doonaan simikaarada loo adeegsado bur burinta dowladaha Islaamka iyo Afrika.

Maxamed Macallin Cismaan (All-man) Somalitalk Jabuuti.
fatxumaalik@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Aqoon Is-weydaarsi Ku Saabsan Habka Is-waafajinta Shareecada Islaamka iyo Dastuurka cusub ee Jamhuuriyada Soomaaliya oo Uga Furmey Jabuuti Xildhibaanada Gudiga Dastuurka iyo Culumaa’udiin "

  1. Suad Ossoble says:

    Asalaamu Alaikum
    Walalayaal diinta Islamka waa diin sax ah oo aad iyo aad u qiimo badan sharafna wadata, ma aha diin dadka naceb ee waa diin ay ku jirto naxariis, xushmo, wanag badan oo la sameeyo iyo in dadka aan la gaarsiin dhib iyo xumaan.
    Kuwa diinta sida kale u rogay oo diin ku qarabanaayaa maalin unbey xaqa garan doonaan Diinteena Maxamed swa waa in dadka loo tusaa oo la soo jiitaa ee ma aha in nagala cararo, walalayaal ama kuwa maanta Somaliya ummaddii laayey Allaha inaga qabto hana soo hadeeyo.