Qoraalkan waxaa la socda 27 bog oo ku saabsan: Habraaca diyaarinta iyo qoraalka Loo Adeegsaanaayo Dastuurka Jamhuuriyadda Soomaaliya oo ay diyaarisay DFKMG wasaaradda u qaabilsan Dastuurka iyo Arrimaha Federaalka.. HALKAN ka Akhri (pdf);
……………………..
Fadlan Akh-riste hadii aad qormadan joogto u akh-riso, fikirkaada waa muhiim inaad ku biiriso waxa aad ka qabto, iyadoo aad raacineyso xujooyinka aad hayso, islamarkaana aysan ahayn mid lagu dhibaateeyo dadd gaar ah ama shekh-si.
intaa kadib Akh-ristayaasha sharafta leh, waxaan qormadeena ku soo qaadan doonaa Arrimaha dastuur u sameynta Jamhuuriyada Soomaaliya oo ay ku hawlan tahay Wasaarada Dastuurka iyo Arrimaha Federaalka oo dhawaan ay u gudbisey Baarlamaanka Hindise Sharciyeedka ha raaca qabyo qoraalka Dastuurka Jamhuuriyada Soomaaliya oo dhameystiran iyo Wareysiyo kala duwan oo aan la yeelaneyno Wasiirka Dastuurka, Gudoomiye ku xigeenka koowaad, Gudoomiyaha Gudiga Dastuurka iyo Arrimaha Federaalka Baarlamaanka, Xog-heynta gudiga dastuurka Baarlamaanka, Abuukaateyaal Xildhibaano ah, xildhibaano kale iyo mid ka mid ah khabiiradii sharxayey Hindise sharciyeedkan iyo dib u eegis aan ku sameyneyno is-bedeladii ka dhacey dalka mudadii ay jirtey Dowlada Madaxweyne Sheekh Shariif.
Tan iyo markii ay bur burtey dowladii dalka Soomaaliya ka talineysey 20 sano ka hor, inta la ogyahay dalka Soomaaliya waxaa laga dhisey 4 dowlado oo KMG ah, kuwaasoo qaarkood lahaa Shuruuc KMG, shuruucdaasi KMG ah, intooda badan waxaa la sheegaa in ay ahaayeen kuwo isku soo noq noqda, islamarkaana buuq ka dhex dhaliyey maamuladii KMG ahaa gudahooda iyo shacabka Soomaaliyeed, si loo helo nidaam iyo kala dambeyna, mana ahayn kuwo lagu najaxo oo hawshuna waxay sii noqoneysey mid sii murugsan, inkastoo Dastuurada KMG-da qaarkood ay sheegayaan sharci kasta oo aan waafaqsaneyn Kitaabka iyo Sunada uu yahay mid aan waxba ka jirin.
Hadana dastuurada qaar waxay qorayeen wax lagu sheego Federaal iyo 4.5, labadaasi qodob ayaa waxay noqdeen kuwo lid isku ah, iyadoo ay taasi jirto ayaa hadana Baarlamaanka KMG ee 550 xildhibaanka ah, waxay Ansixiyeen 2009-kii in dalka Soomaaliya lagu dhaqo shareecada Islaamka, kadib markii cadaadis daran ay kala kulmeel mucaaradka dowlada, taasina ma joojin colaadii.
Dhinaca kale tan iyon markii lagu dhawaaqey gebgebadii shirkii dibu-heshiisiinta Jabuuti, Soomaaliya waxaa ka dhacay dhacdooyin waaweyn iyo is-badelo fara badan oo qaarkood si xawli ah ku socdey, halka kuwo kale ay jiraan oo si tartiib tartiib u socday, kuwa sida tartiibta ah u socdey ma ahan kuwo si dhab u soo shaac baxay, mudadii ay jirtey dowlada marka laga reebo kuwo yar oo fara ku tiris ah.
Inagoo aan tafsiir dheer u geleyn, hadii aan isku dayno inaan soo koobno waxaa dalka dib ugu noqdey mas’uuliyiintii la baxay Maxkamadaha Islaamiga oo dalka dibadiisa mudo laba sano ah mucaarad ku ahaa oo markii dambe isu bedeley Is-bahaysigii ARS oo laba garab noqdey, kuwaasoo markii dambe u kala baxay mucaarad iyo muxaafid, waxaa lagu dhawaaqey dhisme is-bahaysi iyo Urur cusub, kuwaasoo markii dambe u kala baxay laba qaybood, sida caadada u ahaan jirtey, kooxaha ku hardamaya talada dalka Soomaaliya.
Sidoo kale waxaa lagu dhawaaqey Urur Diimeed mucaarad ku ah kooxahan Diinta ku qaraabta oo la mid ah kooda, iyadoo ay usii dheertahay taageero dibadeed dhinac kasta ah, balse awoodoodu ku koobtey qaybo ka tirsan Gobolada dhexe ee Soomaaliya, kadib markii ay iyaguna sii qaybsameen, islamarkaana lagu dhawaaqey mas’uuliyiin iska soo horjeeda iyo sharir kala duwan, taasoo ka dhigan jug jug meeshaada joog guud ahaantooda.
DKMG waxay ka qayb gashey shirar kala duwan oo ka dhacay dalallka caalamka oo qaarkood loogu yaboohayo dhaqaalo, ciidan iyo taageero kale oo caalami ah, kadib waxaa la isku dayey in laga soo saaro goobo badan oo ay hore dowladu ugu sugneyd, waxaa laga qabsadey goobo badan oo ay gacanta ku haysey, waxaa qarax iyo toogasho lagu diley xubno muhiim ah oo dowlada tiirarkeeda waaweyn hayey, dowladuna waxay isku daydey iyadoo kaashaneysa ciidamada AMISOM iyo kuweeda taagta yar, in ay is-difaacdo, ficil ahaan difaaceeduna wuxuu ku soo koobmey Garoonka weyn ee Aadan Cadde, Dekada Muqdisho iyo Madaxtooyada oo marka magaalada Muqdisho loo eego noqoneysa laba wado oo keliya oo ay si joogto ah u isticmaasho, taasoo ka dhigeysa awoodeeda ciidan mid kooban, inkastoo siyaasad ahaan la sheegey in ay tilaabo hore u qaadey.
Dowladu sidaas loogama harin, waxaana habeen iyo maalin lala beegsadaa Qaraxa hubka Mootarka ah, Is miidaamin iyo Bambooyin loo dhigo halbowlaha jidadka ay is-ticmaasho, taasina waxay ku dhalisey dowladu dareen aad u weyn oo keeney in ay dibu-habayn ku sameyso saraakiisheeda kala duwan iyo dhismaha ciidankeeda iyo siyaasada hogaamineed ee dalka gudihiisa iyo dibadiisa.
Waxay diyaarisey ciidamo fara badan oo lagu soo tababarey dalka dibadiisa iyo gudihiisa oo hanankara awooda magaalada muqdisho, iyada oo ka maageysa dagaal gelintooda, waxaa isku dhacay Is-bahaysigii ka soo horjeedey dowlada, waxayna noqdeen laba garab, waxaana dhex marey dagaalo xoog leh, goobo badan oo ay kuwada sugnaayeen labada kooxood ayaa midkood laga soo saarey, labada garab midkood dantuna waxay ku khasabtey in awoodiisa ay soo koobanto, halka kooxdii ku hartey goobaha kale laga soo sheegay in uu khilaaf soo kala dhex galey iyaguna, kadib Qarax si arxan daro ah loogu geystey Xaflad Ardey qalin jebin ah oo ka dhaceysey Hoteel Shaamo 03/12/2009-ka.
Sidoo kale Marka aynu eegno dhinaca dowladaha deriska ah, Urur Goboleedyada, kuwa Qaaradeed iyo kuwa dowliga ah iyo Qaramada midoobey waxay ka soo saareen arrimahan dhacaya baaqyo kala duwan, cambaareyn, war-saxaafadeedyo iyo war-murtiyeedyo, kuwaasoo ku koobnaa halka laga sheegey, waraaqo iyo Afka intuba waxay noqdeen kuwo aan dheg jalaq loo siin.
Waxaa la isku dayey in cadaadis la saaro dowladaha taageera mucaaradka, qaarkood waxaa la saarey cuna qabateyn, qaarna ma jiro cid la hadashey oo waxaa laga soo qaadey kuwa taageersan dowlada, halka dowladaha taageersan dowladuna ay bixiyeen taageero militeri oo u dhiganta qawda maqashii oo waxna ha u qaban. Dowladihii taageerayey mucaaradka hawshoodii ma baaqan, marka laga reebo boqolkiiba % 0.1, taasoo muujineysa mowqifyada la gaaro oo aan ahayn kuwo laga run sheego, bal ay tahay mid dhinaca kale loo rago hawsha.
Waxaa kale oo intaa dheer in ay ka soo baxaan dalka Soomaaliya gudihiisa awoodo kale oo caalamka nabar weyn gaarsiiyey, islamarkaana ka hortagiisa iyo wax ka qabashadiisa lagu wareeray oo soo jiitey dhamaan dareenka bulshada caalamka, sida burcad badeeda oo kale, waxaa la qabtey in ka badan 7 shir oo waaweyn oo qaarkood lagu qabtey dalallka deriska ah, halka kuwo kale lagu qabtey dalallka kale ee caalamka, waxaa lagu baaqay in la bixiyo dhaqaalo badan iyo ciidan.
Waxaa biyaha badweynta hidiya, gacanka iyo badda cass lagu soo shubey maraakiib waaweyn oo ah kuwa dagaalka, marka laga reebo in yar wali hawshu wey socotaa, bal ee waxaa soo kordhey dhibaataynta deegaanka iyo badda.
Dhamaan arimahaasi kala duwan dowladu waxay siisey fursado aad u waaweyn, iyadoo ay ku weysey xubno tiir dhexaad u ahaa Dowlada, islamarkaana loo baahnaa in ay ka faa’iideysato, is-bedelada dhacay, sidaas ay tahay marka wax yar laga reebo kama aysan faa’iideysan.
Dhowaan caasimada dalka Jabuuti waxaa ka dhacay siminaar looga hadlayo hindise sharciyeedka habka qabyo qoraalka ee Dastuurka Jamhuuriyada Soomaaliya oo ay soo bandhigtey Wasaarada Dastuurka iyo Arrimaha Federaalka oo ay ka faa’iideysanayaan xubnaha Gudiga Dastuurka iyo Arrimaha Federaalka Baarlamaanka, kaasoo ahaa tilaabo xasaasiyad badan, islamarkaana ka dhigeysa mid soo af-jareysa, is-maan dhaafyo badan oo ka jira dalka Soomaaliya, hadii la isla fahmo.
Hadaba si aan wax uga ogaano tilaabadaas ay qaadey xukuumadu ayaa waxaa inoo suura gashey inaan wareysiyo kala duwan la yeelano, Wasiirka Dastuurka iyo Arrimaha Federaalka Xildhibaan Madoobe Nuunow Maxamed, Gudoomiye ku xigeenka Koowaad Prof, Maxamed Cumar Dhalxa, Gudoomiyaha Gudiga Dastuurka iyo Arrimaha Federaalka Baarlamaanka Prof, Maxamed Nuur Sheegoow, Xog-heynta Gudiga Dastuurka iyo Arimaha Federaalka Baarlamaanka Xildhibaan Feysal Cumar Guuleed, Avv.Xildhibaan Cabdi Cabdulle Siciid (Jinni Boqor), Xildhibaanad Siciido Xasan Cismaan iyo Prof Maxamed Cismaan Jawaarey oo ah khabiirkii wax ka dhigayey siminaarka.
Sidoo kale waxaan wax ka weydiiney Avv. Xildhibaan Maxamed Xasan Daryeel oo isna siminaar sareynta sharciga u joogey dalka Jabuuti iyo Wasiirada Haweenka DFKMG Soomaaliya Marwo Xildhibaanad Fowsiyo Maxamed Sheekh oo iyaguna si gooni gooni ah siminaaro kale u joogey dalka Jabuuti.
Inagoo dib ugu soo noqon doono jawaabaha Wasiirka Dastuurka iyo Wasiirada Haweenka iyo xildhibaanadan ayaa waxaan marka hore Akh-ristayaasha u soo gudbineynaa Hindise Sharciyeedkii ay Xukuumadu u gudbisey Baarlamaanka oo dhameystiran si marka hore aragti mideysan aan uga qaadano jawaabaha ay bixinayaan mas’uuliyiinta
Wuxuuna u qornaa sidan HALKAN ku qoran (PDF);
http://somalitalkradio.com/2010/feb/dastuur_dfkmg_2010.pdf
Laakiin Akh-riste waxaa is weydiin mudan mar hadii Diinta Islaamka saldhig looga dhigayo dastuurka dalka maxay tahay sababta dadkeena habeen iyo maalin xabadaha isugu dilayaan?!!.
La soco qaybaha kale wareysiyada oo aad u muhiim ah
Maxamed Macallin Cismaan (All-man) Somalitalk Jabuuti.
At UN, Norway Brags of Work in Somalia, Whose Minneapolis Rep Mocks AK-47 Teens
4.5 wuxuu ahaa (Jumpstart) ee ma ahayn wax saldhig u noqonaysa habka loo dhisaayo dowlad somaliyeed . Federaaalka waa bilowga horay umarka dalka somaliya . Qolyahaan hadda ku dagaalamayaa somaliya waxay mari doonaan wadaddii ay mareen kuwii ka horeeyey (Warlordska) . Waxaa shaqayndoonta rabitaanka shacabka .
federalism iyo 4.5 isma raaci karaan! afar dhibic shan micnaheedu waxaa weeye in qabiil ahaan wax loo qeeybsado, federalna waxaa weeye in gobol ahaan wax loo qeybsado, sidaas darteed, iyadoo matalan wax loo qeeybsanayo qabiil ahaan haddana wax looma qeeybsan karo federaal ahaan. waa in mid uun shaqeeyo oo labaduba mar kaliya ma wada shaqeeyn karaan. aniga shaqsi ahaan waxaan rabaa in wax loo qeeybsado federaal ahaan. federalismka ayaa ka faaiido badan wax kasto. sababta oo ah marka uu jiro federalism waxaa imaanayo xisaabtan joogto ah iyo dimuqraadiyad oo sidaas darteed madaxda dalka uma suurtoowi kareyso ineey xadgudub sameeyaan maadaamaa gobolkasta isaga kaliya uu awood u lahaanyo in uu ka taliyo aayahiisa. waxa nagu dhacay naguma dhici laheen haddii ay dowladihi rayidka ahaa ee lixdameeyadi hirgalin lahaayeen nidaamka federalismka.
as wr wb.
Salaan kadib.
Waxaan qabaa 4,5 iyo tan Federaalka labaduba in aysan soomaalida ugu jirin wax dan ah, balse ay ku tahay caqabada ugu way ee hortaagan in ay heshiiyaan, marka laga reebo tan siyaasadeed ee u dhaxaysa kooxaha isku haya dalka.
Waxaan sidoo kale qabaa, Labadaa qodob ee kor ku xusay, in ay kayimaadeed kooxo ama dalaal aan doonaynin xalka soomaalida. Nalooguna soo dhiibay dad aysan mihiimad wayn uhaynin dalka iyo dadka.
Marka aad wax dhaliileysid, waa in aad keentaa xalka aad malaynayso markaa. Xagayga waxaan arkaa, in soomaalida lamideeyo, taladana loogu dhiibo dadkeeda wax garadka ah. taas kaliya ayaa ah jidka kaliya ee looga gudbi karo dhibaatada, balse dadka soomaaliyeed ma u diyaarsanyihiin arintan? jawaabtu waa midab meeshuu u qaado.
waan idin salamay bushada somaaliyeed dhamtin
Anigu ra’yi ahaan waxaan aaminsanahay federal iyo 4.5 midkoodna somalia dan u ahayn dhul ahaan iyo bulsho ahaanba, waxaa cadayn ii ah;
1-dadka somaliyed uma carbisna habka federalka marka waxay abuuraysaa in ay ummadu iskusii dhacdo oo dhibka dadkeena kala gaarayaa siibato, oo dhulka la’isku qabsado anaa leh iyo anaa leh.
2- midda 4.5 waxaa keenaysaa in laba muwaadin oo somali ah layiraa adi qofdhan matihid halka qofka kale uu qofdhan yahay taas oo kasoo horjeed diinta islaamka oo dalkeena asaasi u ah iyo waliba sharci walba oo qof caqli le degsado, marka waxay aniga ilatahay waxaaan ubaahanahay sharci labadaa aysan midna kujirin waa faqsan diinteena xaniifka ah.
mahadsanidin.
A-S-C
Waxaan Filaya inta lagu hayo 4.5 baa talo lagu hayaa Talada Somalia waa mid madaxeeda hoos loo rogay, iska daba wareeginu ina haysto waa mida 20sano ina soo gaarsiisay, hadii Federal la qadan lahaa Qabiil isma qabsadeen oo dowlada dhexe uunbaa lagu heshiin laha Habsamiga ka dhexeeyaa,
Hadii la wayay in qof Weliba degmadiisa ka soo galo bal dhanka Federalka haloo leexdo Kan 4,5 Somali u keenay waa Mid Wadaadii ka sii Lunshay runtii
Qabiil Somalia iskuma hayso laakin Qabiilka ayaa ah Darbi Bulukeeti laga sameeyay darbigiiina waa qabiil Bulukeetigii kan ugu sareeyo markii wax la siiyo waxaad Cudur gelisay kuwii ka hooseeyay ama kuwii la sinaa , Marka Qabiil wax ku qaybso waa kaas dhibkiisa wadku wey is wada haystaan oo ilaa hoos baa la isku dhegan yahay waxaana u sabab u ah qabiilkaan ee wax halagu qaybsado la yiri,Allow ina saar
Somalidu lagala dagaalamo Corruptionka, Qabiilka oo laga gudbaa dhan degaan loo gudbaa Waxay bilow u noqonaysaa Somalinimada iyo sidii aynu ku gaari lahayn Somali Weyn
Dalka somalia duli qabiil ku gambad ah baa dumiyay
daaraha dheer inuu ka dhisto daalim u oday ah baa u daadihiyay
damiciisu waa dumi oo ka danayso
dadaal oo dadku dunida hormarisay gaarsii uma ay jirto
diri diro iyo dimin daamyo dadku kama daayo intuu dantiisa ka helayo
doqonka Somaliga anan aqoonta lahayn Cudurka hayo waa mid daalimku ku shubay
Dulinimo ,dimin daamyo cadow waa inagoo cadaalad iyo sinaan wax ku qaybsano inaga dhaafa somaliyay Qabiil wax ku qaybsigaa
dowladaha Somalia ka dhisan iyana weli daminkii qabiilku wey la daala dhacayaan balse rag badan baa dadaal ugu jiro
waxan qabaa in federalism iyo 4.5 aysan meel wada gali karin
wadankeenu kuma haboona labadan midkoodna
waxaynu u baahanahay nidaamkale in eynu raacno
mahadsanidiin