Home » Warar »

Wasiirka Dastuurka iyo Arrimaha Federaalka Madoobe Nuunow “Dowlad Ahaan iyo Wafdi Ahaanba Qiimo Weyn Ayey Inoogu Fadhidaa…”

Wasiirka Arrimha Diinta iyo Aw-qaafta Dr. Xaamud Cabdi Suldaan “ Dhibta Taagan ee Soomaalida Waxaad Moodaa in ay Wadaan Dadd Dhibta Soomaalida Mash-ruuc Ka Dhigtey…”

Wasiirada Dastuurka, Haweenka, Horumarinta Shaqaalaha, Dibu-heshiisiinta, Lacagta, Hantida iyo qalabeynta iyo Wasiiru dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha DKMG ayaa Siminaar lagu baranayo habka maamul wanaaga iyo xalinta khilaafaadka oo uu soo qaban qaabiyey machadka horumarinta iyo cilmibaarista demo goraasiyada uga furmey 28/01/2010-ka Hoteel Sharitoon ee caasimada dalka Jabuuti.

Siminaarkan oo socondoona 5 maalmood oo uu waxaa wax ka dhigidoona Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka Norwey ayaa furitaankiisa waxaa ka Hadley Wasiirka Dastuurka iyo Arrimaha Federaalka Md, Madoobe Nuunow Maxamed iyo Wasiirka Arrimaha Diinta iyo Aw-qaafta Dr. Xaamud Cabdi Suldaan .

Wasiirka Dastuurka iyo Arrimaha Federaalka Madoobe Nuunow Maxamed “Dowlad Ahaan iyo Wafdi Ahaanba Qiimo Weyn Ayey Inoogu Fadhidaa…”

Wasiirka Dastuurka iyo Arrimaha Federaalka Md, Madoobe Nuunow Maxamed waxaa uu yiri “Waxaan jecelnahay oo ka mahad celineynaa munaasabadan oo noogu fadhido qiimo aad u weyn, wax weyna ka tareyso wax qabadka xukuumadeena curdunka ah ee mustaqbalka soo socda, sidaas si la mid ah waxaan ka mahad-celineynaa gogosha aan saxarka lahayn ee walaallaheena jabuuti oo aan hubno inay tahay niyad iyo kal gacayl Walaalltinimo ay u hayaan Soomaaliya, dowlad ahaan iyo wafdi ahaanba qiimo weyn ayey inoogu fadhidaa, ka soo qaybgalka shirkan iyo siminaarkaba ….” Codkii dhameystiran halkan ka dhegeyso

Wasiirka Arrimha Diinta iyo Aw-qaafta Dr. Xaamud Cabdi Suldaan “ Dhibta Taagan ee Soomaalida Waxaad Moodaa in ay Wadaan Dadd Dhibta Soomaalida Mash-ruuc Ka Dhigtey…”

Wasiirka Arrimha Diinta iyo Aw-qaafta Dr. Xaamud Cabdi Suldaan oo halkaasi ka hadley waxaa uu yiri “Ra’iisul wasaarihii hore ee Norwey waxaan leenahay ku soo jabuuti adigoo mahadsan, waxaan keloo ku soo dhaweyneynaa jabuuti dalkooda iyo dadkooda walaallahooda wasiirada qaaliga ah ee ka socda xukuumada soomaliyeed ee hormuudka u yahay Wasiirka dastuurka wasiirada kale, waxaa u maleynayaa fadhiga aad maanta fadhidaan ama ujeedada aad u timaadeen halkan, in ay tahay siminaarka maamul wanaagu waana arin aad iyo aad u qiimo badan….” Codkii oo dhameystiran halkan ka dhegeyso

Siminaarkan ayaa wuxuu qayb ka yahay siminaaro is-dabajooga ah oo maalmahan uga socdey DKMG xubnaha gudiga dastuurka iyo arrimaha federaalka Baarlamaanka, Aqoonyahano Soomaaliyeed iyo Wasiiraddan, kuwaa soo marka la isku soo duubo guud ahaan arimaha murugsan ee soomaaliya oo ay hogaanka u hayaan madaalayaasha lagu daaley, ayaa goor ay ahaataba waqtigu ka hiilin doonaa, islamarkaana mustaqbalka raadadkii ay ka tageena noqon doona kuwo ay ka fogaadaan in badan oo ka mid ah dadyowga ku nool dunida dacaladeeda Qarnigan iyo Qarniyada soo socda, balse soomaalidu Laga sugayo in ay u kacdo danteeda, laakiin inta wax-qabad laga sugayo madaalayaasha lagu daaley dabkan wuxuu u muuqdaa mid aan hareyn.


Ka bilo Bidix: Wasiirka Dastuurka, labaad Hantida iyo qalabeynta, seddaxaad Haweenka, Dhexda Ra’iisul Wasaarihii hore ee Norwy, Horumarinta shaqaalaha, Dibu-heshiisiinta, midig Lacagta

Halkan ka daawo sawiro dheeraad ah

Maxamed Macallin Cismaan (All-man) Somalitalk Jabuuti.

fatxumaalik@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

2 Jawaabood " Wasiirka Dastuurka iyo Arrimaha Federaalka Madoobe Nuunow “Dowlad Ahaan iyo Wafdi Ahaanba Qiimo Weyn Ayey Inoogu Fadhidaa…” "

  1. waaya arag says:

    WAXAAN LA YAABANAY SIDA SOMALI CAQLIGII IYO XISHOODKII UGA TEGEY,OO MAANTA AYSAN SINABA RAJO LOOGA QABIN IN QOF DAMIIR LEH SOO HOR ISTAAGO, WAXA HORBOODAYANA AY YIHIIN DAD,DAMIIRKII KA DHAMAADEY, OO AY UGA SOO HARTEY NOLOL MAALMEEDKOODII,MIDA KALE SOMALI HAL ARIN AYAANEY WALI KA BISLAAN ,WAA QABIIL IYO NIN JECLEYSI ,TAASI INTA AY SOCOTO WAA SIDII LAL RABEY

  2. SAWIRO DIBADAHA LAGU SOO GALO MA DOWLAD BAA LAGU NOQDAA WAXA KALIYA OO AAN KU TILMAAMI KARO KOOXDAN WAA DALXIISAYAAL MA SHAQEESTAYAAL AH OO RABA INAY DHIIGA SOOMAALIYED KA MACAASHAAN.