Home » Warar »

Boosaaso: Maxkamada oo La Horkeenay Rag lagu eedeeyey Qaraxyo, xukuna lagu ridey

iyo Ciyaalka derbijiifka ah oo loogu deeqay dhar iyo buug

………..

Maxkamada Derjada Koowaad ee Gobolka Bari ayaa Axaddii, 17, Jannuary, 2010, 15 Sanno oo Xarig ku xukuntay C/risaaq  Maxamuud Axmed  “ Gaambe” oo Xeer Ilaalinta Gobolka Bari ee Dowlada Puntland ay kusoo Eedaysay in uu ka dambeeyay Qaraxii bishii hore,lala beegsaday  Ciidankii Ilaalada Madaxweyne K/xigeenka Puntland, oo Marayay tuulada Laag oo 30 km u jirta Bosaso. 

Guddoomiyaha Maxkamada Derjada 1aad ee Bosaso Sheekh Cabdirisaaq Xaaji Adam oo dhagaystay Dacwadihii lagu soo oogay ragan, ayaa ku dhawaaqay Go’aankii Maxkamda Waxaana uu yiri:- 

“Waxaa Maxkamada la horkeenay Eedaysane C/risaaq  Maxamuud Axmed ‘Gaambe” iyo Saalax Axmed Saalax, Eedaysane C/risaaq Gaambe, waxaa lagu soo Eedeeyay falal lid ku ah Amniga Puntland, Abaabulid Qaraxyo, Tuurid Bambooyin iyo in uu ka dambeeyay Qaraxii lala beegsaday Ciidankii Amniga ee Bosaso ka dhacay. sida ay xeerilaalintu ku soo eedaysay Qodobka 434 iyo 222 ee Xeerka Ciqaabta Somaliyeed. 

Markii Maxkamadu ay Waraysatay, Eedaysane C/risaaq Gaambe,Wuxuu qirtay 09, 10, 2007, Falal noocan oo kale oo Bambooyin ah, oo Sawiradooda La keenay, oo Lagu Xiray, Kadib uu Cafiyay Madaxweynihii Hore ee Puntland Gen Cadde Muuse xirsi, Waxayna Xeer Ilaalintu ku soo Eedaysay inuusan ku waantoobin Cafiskaas loo fidiyay, Mar Labaadna uu galay Falkii, dhib kale uu galay, Maxkamadu Markii ay akhrisatay, Dooda Xeer Ilaalinta Markhaatiyo Sugan Keenay, Qiraalkiisii uu Falalkaas ku Caadaystay, Waxay Maxkamadu ku Xukuntay  C/risaaq Maxamuud Axmed Gaandi 15 Sanno oo Xarig ah” 

Ninkan,  Lagu Xukumay 15 sanno ayay ciidanka Ammaanka ee Puntland ka soo qabteen Tuulada Ceel Daahir( Ex-Ceel Doofaar), Waxaana Maxkamada La keenay shalay, isaga iyo Sheekha Saalax Axmed Faarax oo lagu Eedeeyay in uu xiriir la leeyahay Ururka Al-shaab. 

Dhinaca kele, Maxkamada Derajada 1aad ee Gobolka, Waxay Kiiskiisii dib u dhigtay Saalax Axmed Saalax, oo ay xeer Ilaalinta gobolka Bari Codsadeen in Dib loo baaro. 

Sheekh Saalax oo  Xarun Lagu Daaweeyo Dadka Jinku ku dhaco ayay Xeer Ilaalintu ku Eedaysay in uu Xiriir la leeyahay Xarakada Mujaahidiinta Al-shabaab, Islamarkaana uu  doonayay inuu Qarxiyo Xarumaha Muhiimka ee Dowladda Sida Dekeda Bosaso,Gegada Diyaaradaha iyo Xarunta Ciidanka Sirdoonka ee PIS-ta. 

Sheekh Saalax, Waxaa  uu Maxkamada Horteeda ka qirtay in uu  Xarkada Al-shabaab Taageersan yahay, Xiriirna la leeyahay,balse uusan ku kicin Qaraxyo iyo Falal Amni xumo. 

Bishii November, ee Sanandkii Hore, Maxkamada Bosaso, waxay Xabsiyo isugu jira  20 Sanno oo Xarig iyo Xabsi Daa’im, ku Xukuntay Rag lagu Eedeeyay in ay Xiriir la lahaayeen Ururka Al-shabaab, iyadoo isla Bishaas toogasho lagu dilay Garsoorihii Maxkamada Bosaso Sheekh Maxamed Cabdi Awaare. 

Arrintu siday doonto ha ahaatee, Nin kale oo Saddexaad oo aan Magaciisa la xusin ayaa Maxkamadu siidaysay, sidoo kale, Ammaanka Maxkamada ayaa aad loo adkeeyay, iyadoo la keenay Tikniko iyo Ciidan farabadan kuwaasoo xiray dhammaan Wadooyinka soo Gala maxkamada. 

W/D:- Cumar Siciid Maxamed

Boosaaso: Ciyaalka derbijiifka ah oo loogu deeqay dhar iyo buug

Xaflad si heer sare ah loo soo Agaasimey oo ka dhacay Magaalada Bosaso oo ay ka soo qaybgaleen Masuuliyiin kala duwan oo uu ka mid yahay Maamulka Hay,addaha Gobolka Maamulka Guud ee Godoonka Gobolka Bari kan degmada iyo Laamaha kale ee Hay,addaha Caalamiga ah sarkiil ka socota.

Ujeedada ugu wayn ee Munaasibadani loo xusay ayaa ahayd in la ogaado mihiimada iyo sida loogu baahanyahay in kaalmo bini aadamnimo ay u baahanyihiin dadkan yaryarka ah ee koolada dhuuqa had iyo garoole oo ay qabyada tahay noloshooda asaasiga ah.

waxaana ay sarkiisha Hay,adda Horumarinta waxbarashada iyo nadabada ee Peedo ay shegeen inay arintani timid ka dib fiirsi dheer oo ay ugu kuur galeen arrinta ciyaal derbi jiifka ah oo u baahan xaalad bini aadamtinimo oo aysan lahayn hooyo iyo aabo kaalmo ka siiyo mustaqbalkooda sidaasi daradeed ay ugu qaybiyeen buwaag iyo dhar ay xidhaan oo ardayda hooyada iyo aabahale ay kala mid noqdaan ugana gudbaan noloshan mugdiga ah ee ay ku dhex dhumeen.

Xafladan ayaa waxaa ka soo qaybgalay badiba hay,addaha UNta ee Puntland ka howlgala sida DRC,UNDB ,UNICEF,NRC,TADAAMUN.FOOD FOR HUMAN IYO Maamulka gobolka Bari qaybihiisa kala duwan,Waxaa ugu deeqday deeqdaasi Gabar somaliyeed oo la Yiraahdo Nimco Faarax ,Waxaana Marwo nimco ay siwayn uga hadashay mihiimada iyo sida ay daruuri u tahay in dhalanka somaliyeed ee derbiyada ku dayacan ay doonayaan in kaalin bini aadamnimo loo fidiyo.

Masuuliyiinta Ururka oo ayaa waxaa u hadlay madaxa ugu saraya ee Ururkaasi PEEDO Faysan cali cartan,Waxaan uu injineer faysal cali cartan sheegay inay wadaan dedaal iyo qorshe aysan marna ka daali doonin oo ay ku waynayaan sidii gacan buuxda ay u siin lahayeen dhalinyaradaasi ciyaal derbiga ah iyadoo ay aad ugu raja waynyihiin sida uu sheegay inay dhamaan ciyaal koola dhuuqa ay jaan goyn ku samayn donaan ka dib dedaaladoodan oo ay sii kobciyaan.

Maxamed Axmed Ciise
geedi7@gmail.com
Bosaso-Puntland

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

2 Jawaabood " Boosaaso: Maxkamada oo La Horkeenay Rag lagu eedeeyey Qaraxyo, xukuna lagu ridey "

  1. Hersi says:

    Waa yaab dadka lagusoo eedeeyey qarxin ..dil..iyo abaabul dhaq-dhaqaa ammaanka lidi ku ah ..dhammaan fixiladaas waa danbiyo waa weyn mana aragno dad xukunkooda ay istaahilaan lagu fuliyey waana laba midkood midda koowaad dadka ay soo qab-qabteen maba ahan dadkii danbiga lahaa ama midda kale waa arin lagu majaxaabinaayo daganaashaha oo ay xukumadu laftigeedu ay qeyb ka tahay..midda kale meeye buecad-badeedka maalin walba lasoo qabto ma laxukumo..? waa su,aalo ubaahan in laysweydiiyo..

  2. maasha allaah waxaa mahad dhamaanteed ay u sugnaatay allaah subxaanahuu watacaalaa oo inaga dhigay muslimiin waxaan marka labaad mahad u dirayaa ma,uuliyiinta isku soo duba riday iyo inta qaban qaabisay amaba ka dhiidhiday caruurta soomaaliyeed ee tabaalaysan waxaan idin leeyahay dhamaantiin waad mahadsan tihiin ilaahayna haydinka siiyo ajar iyo xasanaad aan lasoo koobo karin aamiin aamiin