Home » Warar »

Labo wiil oo lagu soo oogey dacwad dilkii saddexdii marxuum ee Jan 6 logu diley Minneapolis

Mahdi Hassan Ali, oo 17-jir ah iyo Ahmed Shire Ali, oo 17-jir ah, oo labaduba ah reer Minneapolis, ayaa lagu soo oogey dacwad ku saabsan dilkii saddexdii marxuum ee Janaayo 6, 2010 lagu diley dukaan ku yaal magaalada Minneapolis.

Warka oo faahfaahsan ka akhri WCCO


Ahmed Shire Ali (bidix) iyo Mahdi Hassan Ali (midig) oo lagu soo oogey dacwad ku saabsan dilkii saddexdii marxuum ee kalal ahaa: Mohamed Warfa oo loo yaqaan Mahad (30-jir)  iyo Abdifatah Warfa oo loo yaqaan Osman Elmi oo ahaa 28-jir oo gadayey dukaanka iyo Anwar Mohammed “Salah” oo 31-jir ahaa, oo dukaanka u yimid in uu wax ka iibsado.

17 jir loo xiray dilkii Saddexdii Marxuum ee lagu dley Minneapolis

Booliska Minneapolis ayaa 17 jir u xiray dilkii saddexdii marxuum ee Jan 6 lagu diley Minneapolis. Waxaana warku tibaaxay in lagu xiray Hennepin County Juvenile Detention Center. Magaciisa weli lama shaacin.

Boolisku waxay sheegeen in baaritankii uu weli socdo, ayna dhici karto in dad kale loo xiro dilkaas.

Saddexdii Marxuum ee Lagu diley Minneapolis oo la aasay

Maalinimadii Jimcada (Jan 8, 2010) ayaa magaalada Minneapolis waxaa lagu aasay saddexdii marxuum ee lagu diley Minneapolis Abacadii (Jan 6). 

Dad aad u farabadan ayaa ka qayb galay aaska marxuumiinta. Marxuumiinta oo labo ahayd Soomaali, midna ahaa Oromo ayaan weli loo qaban ciddii dilkaa arxan darrada ah geysatey.

Anwar Mohamed

Waxaa la sheegay in dukaanku lahaa caamarooyin ayna qabteen sidii dilkaasi u dhacay. Laakiin boolisku weli ma shaacin filimkii ay kaamarooyinkaasi qabteen.

Mohamed Warfaa iyo qoyskiisa

Mohamed Warfa oo loo yaqaan Mahad (30-jir)  iyo Abdifatah Warfa oo loo yaqaan Osman Elmi oo ahaa 28-jir waxay gadayeen dukaanka. Halka Anwar Mohammed “Salah” oo ahaa Oromo uu dukaanka ka adeeganayey isagoo doonayey in uu ka iibsado kaar uu ku waco xaaskiisa oo jirta Afrika.

Abdifatah Warfa

Aaskii Marxuumiintii lagu diley Minneapolis

VIDEO: Aaska halkan ka daawo

Sawirada: Tixraac: http://minnesota.publicradio.org , http://www.sewardbusiness.org/?p=397 , KARE11 tv

_________
Labo nin Soomaali ah iyo Nin Oromo ah oo lagu diley Minneapolis

Wararkii ugu dambeeyay ee saddexdii qof ee lagu diley Minneapolis ayaa xaqiijiyey in saddexda marxuum labo aay ahaayeen Soomaali, ninka saddexaadna uu ahaa Oromo oo magaciisu yahay Anwar Salah. Maanta (Jimce 8, 2010) ayaa marxuumiinta lagu aasay Minneapolis.

Tacsi: Mahad Cabdi Xaaji Warfaa iyo  Cabdifataax  Xuseen Xaaji Warfaa oo lagudilay Magaalada Minneapolis ee dalka Maraykanka…

Inaa lillaahi Wa inaa ileeyhi raajicuun.
Anagoo kala ah:
1-Cabdiwali Xuseen Gaas
2-Dr. Maxamed Xasan Taani
4-Dr. Maxamed Cabdidaahir
5-Eng..Maxamed Yuusuf Axmed
4-Cabdimahad Xuseen Gaas
5-Eng. Maxamed Huseen Gaas
6-Cabdirisaaq Yuusuf Axmed
7-Ismaaciil Maxamed Xasantaani
8-Hanad Xuseen Gaas.

Oo kala jooga UK. Norwey, Sweden, USA. Qadar iyo S. Africa.

Waxaanu anagoo aad iyo aad ooga xun, oogana tiiraanyeysan dilka naxdinta leh ee loogeystay Allaha u naxariistee Marxuum Mahad Cabdi Xaaji Warfaa iyo allaha u naxariistee Marxuum Cabdifataax Xuseen Xaaji Warfaa oo lagudilay Magaalada Minneapolis ee dalka Maraykanka 6/01/2010. waxaanu geeridan naxdinta leh ooga tacsiyeynaynaa dhamaan qoyska reer xaaji Warfaa dal iyo dibad meel ay joogaanba.

Gaar ahaan waxaanu tacsi gaar ah u diraynaa Cabdi Xaaji Warfaa iyo xaaskiisa iyo dhamaan ilma Cabdi Xaaji Warfaa iyo Xuseen Xaaji warfaa iyo xaaskiisa iyo dhamaan ilma xuseen Xaaji Warfaa.
Waxaanu sidookale tacsi midaas lamid ah gaadhsiinaynaa xaaska iyo caruurta uu ka geeriyooday Allaha unaxariistee marxuum Mahad Cabdi Xaaji Warfaa oo ah: Marwo Samla Xasan C/hi Barkhadle.

Waxaanan illaahay ooga baryeynaa dhamaan qoyska reer Xaaji Warfaa inuu qalbigooda dajiyo oo samir iyo iimaan kasiiyo geerida allaha unaxariistee Marxuum Mahad Cabdi Xaaji Warfaa iyo allaha unaxariistee Marxuum Cabdifataax Xuseen Xaaji Warfaa. Labada marxuumna waxaanu illaahay ooga baryeyenaa inuu Janadii fardowso ka waraabiyo.
Aamiin, Aamiin, Aamiin.

Cabdiwali Xuseen Gaas
ahgaas@hotmail.com

Sidoo kale waxaa loo tacsiyadaynayaa marxuum Anwar Maxamed, Allah samir iyo iimaan haka siiyo ehelkiisii.

Halkan ka daawo Isu soo bixi xalay (jan 7) ee meeshii dilku ka dhacay

Isha Video-ga: Fox9 News

 Wararkii hore ee Dilka Saddexda Marxuum

Raadiyaha MPR ayaa sheegay magacyada labo kamid ah saddexda marxuum ee lagu diley Minneapolis oo ah Abdifatah iyo Mahad Warfa.

Dhanka kale Telefishanka WCCO TV waxa magacyada labo ka mid ah saddexda marxuum in ay yihiin Mohamed Warfa iyo Osman Elmi.

WCCO TV ayaa waraysi kooban la yeeshay Rahma Warfa oo ay walaalo ahaayeen mid ka mid saddexda nin ee lagu diley Minneapolis ayaa sheegtay walaalkeed marxuum Mohamed Warfa in uu ifka kaga tegey Xaas iyo Afar carruur ah. Waxayna sheegtay naxdin awgeed in xaaskiisii ay cidna la hadli weydey.

Waxaa fiidkii (Arbaca Jan 6, 2010) magaalada Minneapolis ee Gobolka Minnesota  lagu diley saddex nin oo Soomaaliyeed. Waxaana lagu dhex toogtey dukaan Hilib Xalaal ah.

Telefishanka Fox9 waxa uu sheegay in meeshii dilku ka dhacay ay isugu yimaadeen Soomaali aad u murugaysan (Hoos ka daawo warkii Fox9).

Telefishanka KSTP (Channel 5) waxa uu sheegay in dilka toogashada dhacay 7:45 p.m. fiidkii Arbacada (Jan 6, 2010), kana dhacay dukaanka Seward Market & Halal Meats grocery store.

Dukaankaas oo ku yaal jidka E. Franklin Avenue oo dhaw wadada  24th Street, oo qiyaastii 5 blocks galbeed ka xiga meesha ay iska gooyaan Franklin iyo Riverside.

Telefishanku waxa uu sheegay in aan weli la qaban ciddii dilkaas togashada ah geystey

Sidoo kale Telefishanka WCCO waxa uu sheegay in boolisku ay heleen telefoon 7:45 p.m ku saabsan dhac dukaanka ku yaal cinwaanka 2431 East Franklin Ave. Boolisku halkaas waxay ugu tageen saddex nin oo ku dhintay gudaha dukaanka. Halkaas waxay boolisku ugu tageen saddex nin oo Soomaali ah oo toogasho lagu diley, ayuu sheegay Telefishanku.

Jariidadda StarTribune waxa ay sheegtay in aan boolisku weli sheegin magacyada saddexda nin ee la diley, balse waxay jariidadu soo xigatey Cabdirisaaq Biixi oo ah madaxa Somali Education & Social Advocacy Center, waxa uu sheegay in saddexda nin ee la diley ay ahaayeen Somali immigrants, saddexduna ay ahaayeen ilma adeer ah, kuwaas oo markii ay dukaanka gadanayeen lacag isku darsaday.

Boolisku waxa uu wadaa baaritaan ku saabsan ciddii dilkaas geysatey, ayey qortay Startribune.

Sawirka Dukaanka dilku ka dhacay | Isha: startribune

Jariidaddu waxay sheegtay in afhayeenka Booliska Minneapolis, Sgt. William Palmer, uu sheegay in aan weli la hayn haybta cidda dilka geysatey, oo aan weli cid loo xirin dilkaas, laakiin ay boolisku ku hawlan yihiin baaritaan. Waxana uu sheegay in aagga dilku ka dhacay uu yahay aag deris wanagsan, isagoo intaas ku daray in uu aad uga xunyahay dhacdadaas.

Jidka mara halka uu  dilku ka dhacay waxay boolisku ka leexiyeen gawaaridii, waxaana xalay halkaas ku soo ururay koox dad ah oo u badan Jaaliyadda Soomaaliyeed oo welwelsan, sidaas waxaa qortay StarTribune.

Sida laga siidaayey Telefishanka Fox9, waxaa goobtii dilku ka dhacay yimid Duqa Magaalada Minneapolis Mayor RT Rybak iyo sarkaalka ugu sareeya Booliska Minneapolis.

Daawo VIDEO karka Fox9:

Sidoo kale:
DAAWO warkii WCCO TV

Daawo KSTP TV

_____
Soomaalida lagu diley Qurbaha: Akhri: https://somalitalk.com/web/tag/qurbe/ iyo halkan https://somalitalk.com/qurbe/

ISHA: KSTP TV, WCCO TV, StarTribune

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.