Home » Warar »

Labo wiil oo lagu soo oogey dacwad dilkii saddexdii marxuum ee Jan 6 logu diley Minneapolis

Mahdi Hassan Ali, oo 17-jir ah iyo Ahmed Shire Ali, oo 17-jir ah, oo labaduba ah reer Minneapolis, ayaa lagu soo oogey dacwad ku saabsan dilkii saddexdii marxuum ee Janaayo 6, 2010 lagu diley dukaan ku yaal magaalada Minneapolis.

Warka oo faahfaahsan ka akhri WCCO


Ahmed Shire Ali (bidix) iyo Mahdi Hassan Ali (midig) oo lagu soo oogey dacwad ku saabsan dilkii saddexdii marxuum ee kalal ahaa: Mohamed Warfa oo loo yaqaan Mahad (30-jir)  iyo Abdifatah Warfa oo loo yaqaan Osman Elmi oo ahaa 28-jir oo gadayey dukaanka iyo Anwar Mohammed “Salah” oo 31-jir ahaa, oo dukaanka u yimid in uu wax ka iibsado.

17 jir loo xiray dilkii Saddexdii Marxuum ee lagu dley Minneapolis

Booliska Minneapolis ayaa 17 jir u xiray dilkii saddexdii marxuum ee Jan 6 lagu diley Minneapolis. Waxaana warku tibaaxay in lagu xiray Hennepin County Juvenile Detention Center. Magaciisa weli lama shaacin.

Boolisku waxay sheegeen in baaritankii uu weli socdo, ayna dhici karto in dad kale loo xiro dilkaas.

Saddexdii Marxuum ee Lagu diley Minneapolis oo la aasay

Maalinimadii Jimcada (Jan 8, 2010) ayaa magaalada Minneapolis waxaa lagu aasay saddexdii marxuum ee lagu diley Minneapolis Abacadii (Jan 6). 

Dad aad u farabadan ayaa ka qayb galay aaska marxuumiinta. Marxuumiinta oo labo ahayd Soomaali, midna ahaa Oromo ayaan weli loo qaban ciddii dilkaa arxan darrada ah geysatey.

Anwar Mohamed

Waxaa la sheegay in dukaanku lahaa caamarooyin ayna qabteen sidii dilkaasi u dhacay. Laakiin boolisku weli ma shaacin filimkii ay kaamarooyinkaasi qabteen.

Mohamed Warfaa iyo qoyskiisa

Mohamed Warfa oo loo yaqaan Mahad (30-jir)  iyo Abdifatah Warfa oo loo yaqaan Osman Elmi oo ahaa 28-jir waxay gadayeen dukaanka. Halka Anwar Mohammed “Salah” oo ahaa Oromo uu dukaanka ka adeeganayey isagoo doonayey in uu ka iibsado kaar uu ku waco xaaskiisa oo jirta Afrika.

Abdifatah Warfa

Aaskii Marxuumiintii lagu diley Minneapolis

VIDEO: Aaska halkan ka daawo

Sawirada: Tixraac: http://minnesota.publicradio.org , http://www.sewardbusiness.org/?p=397 , KARE11 tv

_________
Labo nin Soomaali ah iyo Nin Oromo ah oo lagu diley Minneapolis

Wararkii ugu dambeeyay ee saddexdii qof ee lagu diley Minneapolis ayaa xaqiijiyey in saddexda marxuum labo aay ahaayeen Soomaali, ninka saddexaadna uu ahaa Oromo oo magaciisu yahay Anwar Salah. Maanta (Jimce 8, 2010) ayaa marxuumiinta lagu aasay Minneapolis.

Tacsi: Mahad Cabdi Xaaji Warfaa iyo  Cabdifataax  Xuseen Xaaji Warfaa oo lagudilay Magaalada Minneapolis ee dalka Maraykanka…

Inaa lillaahi Wa inaa ileeyhi raajicuun.
Anagoo kala ah:
1-Cabdiwali Xuseen Gaas
2-Dr. Maxamed Xasan Taani
4-Dr. Maxamed Cabdidaahir
5-Eng..Maxamed Yuusuf Axmed
4-Cabdimahad Xuseen Gaas
5-Eng. Maxamed Huseen Gaas
6-Cabdirisaaq Yuusuf Axmed
7-Ismaaciil Maxamed Xasantaani
8-Hanad Xuseen Gaas.

Oo kala jooga UK. Norwey, Sweden, USA. Qadar iyo S. Africa.

Waxaanu anagoo aad iyo aad ooga xun, oogana tiiraanyeysan dilka naxdinta leh ee loogeystay Allaha u naxariistee Marxuum Mahad Cabdi Xaaji Warfaa iyo allaha u naxariistee Marxuum Cabdifataax Xuseen Xaaji Warfaa oo lagudilay Magaalada Minneapolis ee dalka Maraykanka 6/01/2010. waxaanu geeridan naxdinta leh ooga tacsiyeynaynaa dhamaan qoyska reer xaaji Warfaa dal iyo dibad meel ay joogaanba.

Gaar ahaan waxaanu tacsi gaar ah u diraynaa Cabdi Xaaji Warfaa iyo xaaskiisa iyo dhamaan ilma Cabdi Xaaji Warfaa iyo Xuseen Xaaji warfaa iyo xaaskiisa iyo dhamaan ilma xuseen Xaaji Warfaa.
Waxaanu sidookale tacsi midaas lamid ah gaadhsiinaynaa xaaska iyo caruurta uu ka geeriyooday Allaha unaxariistee marxuum Mahad Cabdi Xaaji Warfaa oo ah: Marwo Samla Xasan C/hi Barkhadle.

Waxaanan illaahay ooga baryeynaa dhamaan qoyska reer Xaaji Warfaa inuu qalbigooda dajiyo oo samir iyo iimaan kasiiyo geerida allaha unaxariistee Marxuum Mahad Cabdi Xaaji Warfaa iyo allaha unaxariistee Marxuum Cabdifataax Xuseen Xaaji Warfaa. Labada marxuumna waxaanu illaahay ooga baryeyenaa inuu Janadii fardowso ka waraabiyo.
Aamiin, Aamiin, Aamiin.

Cabdiwali Xuseen Gaas
ahgaas@hotmail.com

Sidoo kale waxaa loo tacsiyadaynayaa marxuum Anwar Maxamed, Allah samir iyo iimaan haka siiyo ehelkiisii.

Halkan ka daawo Isu soo bixi xalay (jan 7) ee meeshii dilku ka dhacay

Isha Video-ga: Fox9 News

 Wararkii hore ee Dilka Saddexda Marxuum

Raadiyaha MPR ayaa sheegay magacyada labo kamid ah saddexda marxuum ee lagu diley Minneapolis oo ah Abdifatah iyo Mahad Warfa.

Dhanka kale Telefishanka WCCO TV waxa magacyada labo ka mid ah saddexda marxuum in ay yihiin Mohamed Warfa iyo Osman Elmi.

WCCO TV ayaa waraysi kooban la yeeshay Rahma Warfa oo ay walaalo ahaayeen mid ka mid saddexda nin ee lagu diley Minneapolis ayaa sheegtay walaalkeed marxuum Mohamed Warfa in uu ifka kaga tegey Xaas iyo Afar carruur ah. Waxayna sheegtay naxdin awgeed in xaaskiisii ay cidna la hadli weydey.

Waxaa fiidkii (Arbaca Jan 6, 2010) magaalada Minneapolis ee Gobolka Minnesota  lagu diley saddex nin oo Soomaaliyeed. Waxaana lagu dhex toogtey dukaan Hilib Xalaal ah.

Telefishanka Fox9 waxa uu sheegay in meeshii dilku ka dhacay ay isugu yimaadeen Soomaali aad u murugaysan (Hoos ka daawo warkii Fox9).

Telefishanka KSTP (Channel 5) waxa uu sheegay in dilka toogashada dhacay 7:45 p.m. fiidkii Arbacada (Jan 6, 2010), kana dhacay dukaanka Seward Market & Halal Meats grocery store.

Dukaankaas oo ku yaal jidka E. Franklin Avenue oo dhaw wadada  24th Street, oo qiyaastii 5 blocks galbeed ka xiga meesha ay iska gooyaan Franklin iyo Riverside.

Telefishanku waxa uu sheegay in aan weli la qaban ciddii dilkaas togashada ah geystey

Sidoo kale Telefishanka WCCO waxa uu sheegay in boolisku ay heleen telefoon 7:45 p.m ku saabsan dhac dukaanka ku yaal cinwaanka 2431 East Franklin Ave. Boolisku halkaas waxay ugu tageen saddex nin oo ku dhintay gudaha dukaanka. Halkaas waxay boolisku ugu tageen saddex nin oo Soomaali ah oo toogasho lagu diley, ayuu sheegay Telefishanku.

Jariidadda StarTribune waxa ay sheegtay in aan boolisku weli sheegin magacyada saddexda nin ee la diley, balse waxay jariidadu soo xigatey Cabdirisaaq Biixi oo ah madaxa Somali Education & Social Advocacy Center, waxa uu sheegay in saddexda nin ee la diley ay ahaayeen Somali immigrants, saddexduna ay ahaayeen ilma adeer ah, kuwaas oo markii ay dukaanka gadanayeen lacag isku darsaday.

Boolisku waxa uu wadaa baaritaan ku saabsan ciddii dilkaas geysatey, ayey qortay Startribune.

Sawirka Dukaanka dilku ka dhacay | Isha: startribune

Jariidaddu waxay sheegtay in afhayeenka Booliska Minneapolis, Sgt. William Palmer, uu sheegay in aan weli la hayn haybta cidda dilka geysatey, oo aan weli cid loo xirin dilkaas, laakiin ay boolisku ku hawlan yihiin baaritaan. Waxana uu sheegay in aagga dilku ka dhacay uu yahay aag deris wanagsan, isagoo intaas ku daray in uu aad uga xunyahay dhacdadaas.

Jidka mara halka uu  dilku ka dhacay waxay boolisku ka leexiyeen gawaaridii, waxaana xalay halkaas ku soo ururay koox dad ah oo u badan Jaaliyadda Soomaaliyeed oo welwelsan, sidaas waxaa qortay StarTribune.

Sida laga siidaayey Telefishanka Fox9, waxaa goobtii dilku ka dhacay yimid Duqa Magaalada Minneapolis Mayor RT Rybak iyo sarkaalka ugu sareeya Booliska Minneapolis.

Daawo VIDEO karka Fox9:

Sidoo kale:
DAAWO warkii WCCO TV

Daawo KSTP TV

_____
Soomaalida lagu diley Qurbaha: Akhri: https://somalitalk.com/web/tag/qurbe/ iyo halkan https://somalitalk.com/qurbe/

ISHA: KSTP TV, WCCO TV, StarTribune

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

16 Jawaabood " Labo wiil oo lagu soo oogey dacwad dilkii saddexdii marxuum ee Jan 6 logu diley Minneapolis "

  1. lul kaynan says:

    INAA LILAAHI WA INAA ILAAYHI RAAJUCUUN. WAXAAN U TACSIYAYNAYAA DHAMAAN EHELIYADII AY KA GEERIYOODEEN SEDEXDA WIIL, WELIBA WAXAAN AAD U TACSIYAYNAYAA LABADA WIIL EE QOYS KELIYA MAR QURA AY UTIMID GEERI NAXDIN LEH. IYAGANA ILAAHEY JANADII HAKA WARAABIYO. EHELIYADII AY KA TAGEENA SAMIR JAMIIL AH ALAHA SIIYO.

  2. Abdifatah says:

    ACWW,Intaa kadib illaah ha ugargaaro wixii xaqa u gargaara,waalidiinta soo
    dhiibay ilmahooda oo aan qarin,illaah khayr ha ugu bedelo ,anagana kuwo
    ku dayda ha naga dhigo.Tani waa calaamad muslinimo in xumaanta aan la
    qarin haba kuu dhowaatee.

  3. ladan maxamed says:

    INALILAAHI WANAARAJUCUUN

    waxaan tacsi tiiraanyo leh udiraaya dhaman eheledii iyo xaaskii iyo caruurtii uu ay kageeriyoodeen wiilashii ladiley waxaana eebe uga baryaaya in uu jandii fardowso ka waraabiyo wixii dileyna uu sida ugu dhaqso badan ukeeno aamin yaa rabiy waxaana leeyahay walaalayaal samra waa ladhimanaaya blse waxaa daran gardarada samir iyo iiman alaha idinka siiyo ayagana janadii fardowsa ayaan uga baryaaya wabilaahi tawfiiq

  4. Mohamed says:

    inaa lilaahi wainaa illaahi raajicuun.
    dhamaan eheladha ay wiilasha kadhasheen waxaan ugu tacsyeynayaa in uu Illaahey kasiyo samir iyo iimaan.

  5. umubilaal says:

    inaa lilaahu wa inaa ilayhi raajicun. waxaan halkaan uga tacsiyadaynayaa dhamaan eheladii iyo qaraabadii ay ka geeriyoodeen. marxuuminta dhintay in ilahay samir iyo iimaanka siiyo. ayagana naxaristii jano ka waraabiyo. aamin aamin. ilaha waxaan uga baryayaa umada somaliyeed in uu hagaajiyo waayo meelkastana waa isku laynaynaa anagana waa nalaynayaa. ilahayna sawjada mohamed ha u soo celiyo hadalkeeda ciyaalkiisana ha uga dhigo salixiin ku wa kadaa shii u soo duceeya aamiin. ascwrwb.

  6. Waxaan aad uga naxay inamada lagu laayahay wadanka usa Gaar ahaan magaalada minnesota waxaana leeyahay illahay janatul firdowsa ha ka waraabiyo eheladii iyo qaraabadii ay ka geeriyoodeena samir iyo iimaaan ha ka siiyo, waa dil aad u fool xun ku wii geystayna alle waxaan uga baryeynaa inuu ciqaab aduun iyo mid aakhiraba la kulansiiyo arrin aad u fool xun ayey geysteen niman ka waxaas sameeyeyna cidkale maaha waa isla soomaalideena dhexdeena qudhunimadii aan dalkeenii ku soo gubnay ayaan la tagney dalalka ina marti galiyey waa la arki doonee waxaan sugnaaba waa baadhitaanka booliiska si dhakhsa ahna u soo bixi doonta, salaan gudooma . c/qani wadanka Holland

  7. INAA LILLAAHI WA INNAA ILEEHI RAAJICUUN. walaalayaal
    Waxaan tacsi u dirayaa dhamaan ummadda muslimiinta ah iyo ummadda soomaaliyeed meel kastooy joogta iyo eheladii ay marxuumiintani ka bexeen reer xaaji warfaa oo dhan khaasatan Salma xasan cabdullahi, Reer cabdinuur xaaji-warfaa iyo reer Xuseen-dayib xaaji-warfaa khaasatan Faysal. iyo Ahmed-nasir walaalayaal geeridu waa xaq. naf walbaana way dhiman oo xilligeeda ma dhaafto, qabigeennu waa murugaysan yahay laakiin INSHA-ALLAH iyagu marxuumiintu ma murugaysna oo maanta jannadii ILAAHAY baa u waajibtay oo gali doonaan INSHA-ALLAH sida ku cad sunnada qofkii ay muslimiintu u arkaan khayr jannadii baa u waajibtay waana shuhaddo oo gacan ka xaq-daran baa dishay. ILAAHAY waxaan uga baryayaa inay jannadii fardowsaad ku waaraan innagana samir iyo iimaan inaga siiyo (aamiin).
    Gacan-kudhiiglayaasha iyo wuxuushta dishay marxuumiintan iyagoon waxba ka galbsan adduunyada way hoogeen oo haday sii noolaadaan waa nolol aan nolol ahayn oo geeridu.dhaanto haday dhintaana cadaabtii jahannama ayaa sugaysa. ILAAHAYOW gacan-ku-dhiiglayaashaas waan kaaga eed sheeganay ee intaan aakhira la gaadhin adduunyada ku halaag oo na tus, naguna kaalmee inaan sooqabano. INAA LILLAAHI WA INNAA ELEEHI RAAJICUUN

    Abdifatah sanwaine

  8. inaalilahi wainaa ilaahi raajicuun waxaan dhamaan tacsi dirayaa dhamaan qaraabada iyo ehelada ay ka geeriyooden seddex wiil inuu ilaahay janadii ka waraabiyo

  9. abdifatah says:

    LXWQIB,ASCWW Intaa ka dib,walaalayaal waa murugo,wayse sii
    badanay inta xaqdarada laysugu hiilinayo,oo xumaanta laysu qarinayo.
    Xisaabta aakhiro alaa haya,laakiin ogow markaad xumaan qarisid,sababtoo
    ah maanta kanaa ayaa ku xiga,waxaad abuurtay geed cusub oo xumaana.

  10. Inaa laalilaahi wa inaa ilaahi raajucuun.ugu horeyntii aad iyo aad ayaan ugu xumahay dhacdadan foosha xun ee dhalinyarada lagu laayey .wuxuushtii laayey dhalinyarada ilaahey ayaa la xisaabtami doona adduunkana waxaan filayaa in aysan nolol wanaagsan ku noolaanin doonin.marka xigta waxaan leeyahay ilaahey samir iyo imaan ha ka siiyo qoykii iyo eheladii ay ka dhinteen.

  11. MUSA SAFARI TRAVEL says:

    INAA LILAAHI WAA INAA ILEEKA RAAJUCUUN ILAAHAY HA U NAXARIISTO SADEXDAA MARHUUM EHELADOODINA SAMIR IYO IMAN ALLA HA KA SIYO UMADA SOMALIYEDNA SAMIR IYO IMAN ALLA HA KA SIYO SALAMU ALIKUM

  12. Cabdi says:

    Somaali is dishay, wxaana la sheegay in wajiga ay soo daboosheen kuwii wax laayey. Mar haddey dhaceen ma fahmin sababta ay u laayeen dhalinyaradaas shaqeysaneysay.

  13. waan murugooonayaa inaalilaahi wainaa ilayhi raajucuun waxaan u tacsiyeynayaa familkaiyo all inta ayka tageen ehelka qaraabada gaar ahaan waxaan u tacsiyeynayaa Faysal walaal wiilashaa dhalinta ah alaha u naxariisto jandii allaha geeyo amiin xaafadaas wa xafadayda jidkaasna waa jidkayga oon always maro runtii aad baan u calool xumahay dadkaas la dulmiyay oon waxba galabsan oo la iska dilay bilaa sabab subxaanalaaahh waa musiiboonka ayay ka mid tahy waan idinla murugoonayaa alaha u naxariisto aamiin

  14. inaa lilaahi wa inaa ilaayhi raajucuun waxaan halkaan tacsi oga dirayaa dhamaan dadka soomaliyeey ee reer minisota gaar ahaan reerka eey ka geeriyoodeen sedexda wiil e dhintay waxaan leyahay samir iyo iimaan alaha idin ka siiyo adinka iyo anagaba waxaana leeyahay waxaa dilay gacan ka xaqdaran insha alaah waana la helayaa gacan ku dhiigla yaasha

  15. AANA says:

    INAA LILAAHI WA INAA ILAAHI RAAJUCUUN WALAALAYAAL DALKIINA KU SOO NOQDA OO YAY IDIN JIIDAN DAL AYDINAAN LAHAYN QURUXDIISI KAALAYA KEENA DHISNEE<DHIMASHADUNA WAA XAQ.

  16. aad ayaan uga xumahay dhibkaas, waana uga tacsiyaynayaa, dhamaan somalida reer Minnesota,gaar ahaan Qoysaska ay ka geediriyoodeen,waxaana leeyahay Inaalilaahi wa inaa ileyhi raajicuun.