Home » Warar »

Baaq Nabadeed oo ku aadan Gaalkacayo oo ay Soo Jeediyeen Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Odense Denmark

BAAQ NABADEED OO AY SOO JEEDIYEEN JAALIYADDA SOOMAALIYEED EE ODENSE, DENMARK

Shir ay maanta oo ay taariikhdu tahay 25.12.2009 ku yeesheen Jaaliyadda Soomaaliyeed ee deggan magaallada Odense ee dalka Denmark ayaa isku soo qaaday colaadda iyo dagaallada laga soo sheegay magaallada Gaalkacyo, gobolka Mudug ee Soomaaliya.

Shirkan, oo ay ka soo qaybgaleen odayaal, culumaa’uddiin, aqoonyahano iyo qaar ka mid ah waxgaradka Soomaalida Odense kuwooda ugu firfircoon ayay kulankooda si waafi ugu lafa-gureen dagaallada ka dhacay labadii maalmood ee tagtay magaallada Gaalkacyo, ayna ku dhinteen dad soomaaliyeed oo walaalo ah, halka dadka ku dhaawacmayna ay fara badan yihiin.

Shirkan oo ay soo qabanqaabiyeen Sh. Yuusuf Faarax Garcadde iyo Dr. Yaasiin Ahmed Cosoble ayaa gebegabadii shirka waxay dadka ay colaadda dhexmartay u soo jeediyaan qodobbadan hoos ku xusen:-

1. In si shuruud la’aan loo joojiyo dagaalka.
2. In arrimaha la isku hayo lagu dhammeeyo wadahadal.
3. In la wacyi-geliyo bulshada deggaanka ah, loona tilmaamo ahmiyadda nabadda ugu leedahay gobolka, wixii khilaaf ahna lagu dhammeeyo siday shareecada islaamku qabto.
4. In la ilaaliyo wada dhalashada dhexdeena ah ee uu Islaamku na walaaleeyay, si wadajir ahna looga soo hortago wixii dhaawacaya walaaltinimadeena iyo xasiloonida gobolka.
5. Iyo ugu dabeyntii in dadka hurinaya oo dacaayad u sameenaya colaadda ay Allaah uga canbsadaan, kana digtoonaadaan cawaaqib xumida ka imaan karta colaadda.

Saxiixayaasha Baaqa Nabadeed

Sh. Yuusuf Faarax Garcadde
Dr. Yaasiin Axmed Cosoble
Col. Bashiir Xuseen Jaamac
Col Abdiraxmaan Maxammed Xuseen
Suldaan Xaaji Jaamac
Eng. Abdirisak Jama Ciise
Ahmed Osman Ugaas
Farah Muse Jama
Yasin Cali Aadan
Xuseen Xasan Cali
Axmed Maxammed Rooble
Maxammuud Aw-Maxammed Cabdille
Jaamac Muuse Ciise
Ibrahim Salah Aden
Maxammed Cali Cabdi
Abshir Maxammed Iidle
Liibaan Garboole
Macalin Yuusuf Barkhadle Ahmed
Suldaan Abdirahman Cawad Osman (Yariisoow)
Ahmed Hassan Yuusuf
Cabdinaasir Shariif
Axmed Cabdi Obsiye
Ali Diiriye Maxammed
Cabdirisaaq Ahmed Barkhadle
Abdi Muuse Shiil
Xasan Cabdullaahi Maxammed

Ibrahim Saalax
ibra88@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Baaq Nabadeed oo ku aadan Gaalkacayo oo ay Soo Jeediyeen Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Odense Denmark "

  1. jacburaad says:

    Nabad labaryo nabad Ma’aha qolyihiinaan jooga Euroba(yurubaa0 waxaa modaa lacagtii aad gashateen in aad u aneeyneesaan, oo aad tan iyo xaajo kaleheen runta, Meshaan magaaladan cabdulaahi yussuf ayaa dan asaga uu ku watay u ogalaaday in reer soo dajiya, hadana aay yiraahdaan anaagaa leh meel heplaayo am xaafad hblaayo ilaa Xuduuka lakgaarsiiyo meeshii uu ahaa ee galin soor nabad ma jirto Baraxleey laqaadaay gaalkacyo tagtay. waa caado in dhaawaca reegaalkacyo xabada uga taal dhbarka hadana ku nasanahayaaan burtinle.