Home » Warar »

Qofkii ugu danbeeyey ee ka tirsanaa Asaasayaashii ururkii SYL oo maanta ku geeriyoodey Nairobi.

Star FM. November 10, 2009. Nairobi, Kenya.

Waxaa maanta magaalada Nairobi ee dalka Kenya ku geeriyoodey ALLAHA u naxariistee Cali Xasan Cali oo kamid ahaa aasaasayaashii ururkii SYL.

Cali Xasan ayaa in muda ah xanuun sanayey, waxaana la keenay magaalada Nairobi dhawaan si cudurka hayey dawo loogu helo.

Uggu danbeyntii Cali Xasan Cali wuxuu ku geeriyoodey magaalada Nairobi isagoo ay dadiisu aheyd 86 jir.

Cali Xasan Cali waxaa qofkii uggu danbeeyey ee haatan dhinta kana mid ahaa aasaasayaashii ururkii SYL, waxaana sanad ka hor degmada Qardho ku dhintey ALLAHA u naxariistee Daahir Xaaji Cusmaan.

Ururkii SYL wuxuu ahaa urur u dhaq dhaqaaqa xornimo doonka Soomaaliya sanadihii 1943 ilaa iyo 1960-kii, waxaana ururkii gaarsiiyey Soomaaliya xornimada, gaar ahaan wuxuu awoodiisa xoogeeda ka jirey koonfurta Soomaaliya iyo qeybo kale oo ka tirsan dhulka Soomaaliyeed.

Magacyada 13kii dhallinyarada ahaa ee asaasay SYL

1. Yaasiin Xaaji Cismaan                                     
2. Cabdulqaadir Shiikh Sakhaawodiin                    
3. Maxamad Cismaan Baarbe.                             
4. Maxamad Faarax Hilowle                                 
5. Sayidiin Xirsi Nuur                                           
6. Maxamad Cali Nuur                                        
7. Daahir Xaaji Cismaan
8. Xaaji Maxamad Xuseen
9. Khaliif Huudow Macallin
10.Cismaan Geedi Raage
11. Dheere Xaaji Dheere
12. Maxamad Cabdalla Xayeesi
13.Cali Xasan Cali (Barduure)

syl09

Wabilaahi Towfiiq

Said Hassan Anteno
Nairobi, Kenya.

Mobile Phone: – 00254-711 919 -302

GABAY: Ku saabsan SYL: Akhri  https://somalitalk.com/maanso/syl.html

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

5 Jawaabood " Qofkii ugu danbeeyey ee ka tirsanaa Asaasayaashii ururkii SYL oo maanta ku geeriyoodey Nairobi. "

  1. ILLAAHAY NAXARIISTII JANO HAKA WARAABIYO ISAGA IYO WIXII ISLAAMEE DHINTAYBA AAMIIN AAMIIN AAMIIN

  2. abdi mohamud says:

    waxay kutusaysaa in soomaalidii hore ay ka wadaniyad fiicnayeen dadka hada jooga. waxaan umalaynayaa waqtigii SYL la dhisay 1943 in 95% soomlidu ay ahayd dad reer baadiye ah oo aan waxba qorin. hadana waxay garan jireen in dadka soomaliyeed ay midoobaan oo dawlad samaystaan isticmaarka iska kiciyaan dadka soomalieed 70% waa reer magaal iskuula kasoo baxay oo daafaha dunidu ku nool luuqdka kastana laga helayo boqolaal ku takhasusay hadana ficilaldooda dunideeda layaabeen miyaan la orankarin dadkan waa dhalan gedismeen ee ilbaxnimo xum mahayso sabtoo ah waxay garteen 1943 maxay ugaranwaayeen 2009= 66 yrs backward

  3. Caasha says:

    Allaha u naxariisto Cali Barduuro, waxaan ka dhageystay VOA ama BBC mar laga wareystay isagoo joogo Shabeelada hoose, waqtigii dagaalada Xamar ay sii xoogeysnayeen Dowladii Cabdullahi Yusuf ay Xamar joogtay. Odeyga alle ha naxariistee wuxuu yiri maanta iyo shalay markaan fiiriyo, weli isma lahayn Soomaali sidaan bay ku dhaamaan doonaan, 20 sanno oo burbur ah iyo dagaalo kala joogsi lahayn. Waa halyey Soomaaliyeed illaahey janadii fordawsa ha ka waraabiyo, ehelkiisana samir iyo imaan allaha ka siiyo.

  4. camalle says:

    alla ha u naxariisto halyayga geeriyooday ehelkiisi iyo asxaabtiisiina samir iyo iimaan haka siiyo iyo dhamaan umada soomaaliyeedba isaga iyo kuwii ka horeeyey ee ahaa sxb badiis oo dhulkeena hooyo naftooda u soo huraY( SYL) ilaahow u naxriiso
    amiiiiiiiiiiiiiiiin

  5. Raani says:

    Alle Ha u naxariisto marxuunka dhamaana dadka ha u wada naxariisto