Home » Warar »

Puntland oo yeelanaysa Calan u gaar ah iyo Astaan iyo Guddi loo saaray arrintaas

HALKAN KA AKHRI…

Madaxweyanaha Dowladda Puntland Dr C/raxmaan Shiikh Maxamed Faroole oo maanta magacaabay Guddi loo xilsaaray in ay dadka reer punland u soo bandhigaan soo helida Calanka Astaanta iyo Heesta Calanka DPL.

Madaxweyanaha Dowladda Puntland Dr C/raxmaan Shiikh Maxamed Faroole oomaanta magacaabay Guddi loo xilsaaray in ay dadka reer punland u soobandhigaan soo helida Calanka Astaanta iyo Heesta Calanka DPL.

Shir saxaafadeed uu maanta ku qabtay madaxweynaha Dowladda Puntland DrC/raxmaan Shiikh Maxamed Maxamuud ayaa waxa uu ku maagacaabay Guddiloo xilsaaray in ay u soo bandhigaan bulshadda reer puntland soohelida Calanka Astaanta iyo Heesta Calanka hadaba Dikreetadaas uuguddigani ku magacaabay Madaxweynaha ayaa waxa ay u qornayn…..

HALKAN KA AKHRI…

calank

Wareegtada madaxweynaha DFKMG halkan ka eeg….

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

9 Jawaabood " Puntland oo yeelanaysa Calan u gaar ah iyo Astaan iyo Guddi loo saaray arrintaas "

  1. Abdishakuur says:

    Asc dhamaan walaahi waxaan la yaabsanahay dadkaan sidee u fakiraan war intaadan qeelinan wax hubso Dowlad Somalia oo had ka yahay Madaxweenaha Sheeq Shariif Waa Dowlad Fidraali ah mahan Dowlad Jamhoori tii Siyaad Bare Camal Tani waa FIDRAALI
    Gobol walbo waxuu qax u leeyahay in oo maamul sameesto oo qaas u ah iyo Calan qaas u ah iyo hurmarinta mashaaricda Gobolka oo qaas u ah sidii Gobol walbo wax qabatkiis loo aqooonsado…iska dhaafa sheegadaan aad wadiin wax soconaayo mahan Puntland nah waligeed Somaliaya kama go’eeso

  2. somaljecel says:

    PUNTLAND MAR HORE AYEEY AHAYD IN AY QAADO TILAABADAAN IYO DHAMAAN GOBOLADA SOMALIYA IN AY KU DAYDAAN PUNTLAND.
    DAD BADAN AYAAN WELI FAHMIN MICNAHA FEDERAAL,SHURUUCDA IYO KU DHAQANKA XEERKA FEDERAALKA SOO BARTA KUWA MEELAHA KA QAYLQAYLINAAYA.
    TAREENKA WUU SOCDAA CIDNA LOOMA JOOJINAAYO

  3. BayBakool land says:

    Inaanu isku tashano oo sugno cawaanta xamar. Hadii mid ayaga ah Madaxweeyne looga dhigo Diidaay Qofkale hadii lakeenana dhahaya waa reer hebel. Manatashankaraan mana ogola in lootaliyo.
    Hadii aanu nahay reer BayBakool Calankeena waa diyaar. 20 sano cawaan sug. Hadii aanu marhore tashan laheen Maanta Saan nahay Manahaaneen. Somalida waxay kuxuntahay wax iskuma ogola. Hadii aa leedihiin somali yaa lakala jarjarin. Manala ogola in meelaha nabada ah lageeyo caasimada somalia. waa nin baasto haysta farageeto aan kucunin karin Haduu gacmaha kuqabo isdhahana baastada kafara baxsanayso Jaahil magaalo lakeenay kaalay baasto bar sida loocuno. Manabarikartid waana uu kaxishoonaa inuu kudhaho kaalay ibar.
    UNITED STATES OF SOMALIA

  4. Siciid Buule says:

    A/S/C aad baan xaqiiqdii uga xumahay hadalkan ka spp yeerau maamulka puntland mana ahan hadal haatan au ka suuroowdo in maamulka soomaaliyeed ee puntland inuu ka go’o somali weyn waayo wxaaan wada ogsoonahaya in puntland ay taageero xoog leh ay ka geysatay soo dhisitaankii DGM somalia ilama aha dhab ahaanti in hadalkan uu yahay mid ka suuroobi karta in puntland ay gooni goosat ka noqoto somali illaah waxaan ka baryeeynaa in somali isku soo celiyo waxaan idinka codsanayaa in arintan haatan soo if baxday aad ka deysaan qabyaalada ruuxii fikir dhiibanaya ha ka had;lo fikirkiisa oo yaanan la sameyn sidii somali ay ukala tagi lahayd

  5. c/xakiim says:

    Puntland wexey u afduubnayd kana dur sugeysey koonfur mudo 20sano ah.Waxa la gaarey waqtigii ay aayeheeda iyo horumarkeeda ku talaabsanlahayd.Kuwa weli ku taamaaya iney Xamar inta wax noqoto inana wax ina siiso , wexey ilowsanyihiin in beelaha xamar xooga ku haystaa aaney ogolayn iney cid la wadaagaan ama wax ka siiyaan.markey ku hadalqabsanayaan shacabka soomaaliyeed wexey ula jeedaan beeshooda oo kaliya oo inagu kuma jirno , markey leeyihiin dalka soomaaliya waxey ula jeedaan Xamar oo ay had iyo jeer ugu yeeraan Muqdishu.Gabagabadii waxan leeyahay waan u baahanahay CALAN iyo ASTAAN u gaar ah Puntland waana ku taageersanahay Madaxweynuhu talaabadaa taariikhiga ah oo geesinimada leh oo uu qaaday.

  6. Puntland maxaa badarkeeda buushada ku daray? calan iyo hees astaan ah waa lagama maarmaan iyadoo aan la tuurayn oo uu xagga sare suran yahay kii buluugga ahaa ileyn kaas federaalkaa lehe,
    Ninka Maxamed La Baxay waxaan leeyahay aayaha Puntland waxba lagaa weydiin maayo haddii aad waddani fiican tahayna arrinta Somaliland ee goonni isu taagga ah ka hadal Puntland waaba dad weli Soomaaliweyn taageersane.

  7. mohamed says:

    puntland maanta lagama rabo calan u gooni ah iyo astaan midnaba toona somali wa somali hal calan ayan leenahay iyo hal astaan yeeysan ku dhicin puntland sida somaliland oo malin waliba dooni in ay noqoto dowlad gooni ah somali ha toosto ha noolaato calankeyna itiima xidigtaa ku asteeysan

  8. Ali Ibrahim Mohamed says:

    Haddii ay arrinta calanka buluugley ahaa
    lagu bedellaayo ay Dawladda Puntiland ku dhaqaaqdo waxay u muuqan kartaa iney soo degdegto qorshahii cadawga soomaaliyeed muddo badan ku larbanaa.Sidaas awgeed waxaa haboonaan lahayd ineysan Punland ku laboobin Soomaaliland.

  9. Maxamad says:

    marka maxaa yaalahee meesha inagu kala kaxeeya,sow uma jeedaan in si tartartiib ah maamulka Garowe uga baxaayo Somaliya, markana maxaan ula yaabaynay reer waqooyi. oo iyagu marmarsiiyo ka dhiganaaye in ay mar dawlad ahaayen.
    lama diidana in ay maamul samaystaan oo horumar gaadhaan maamulka Faroole laakin inoo calan gaar ah samaysto laga ogolaanmaayo,.
    hadii kale cid waliba calan ha samaysato kana aan iska duugno