Home » Warar »

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Sweden oo Dugsi Qur’aan ka hergelisay Deegaaanka Waxara-cadde ee Huriwaa, Muqdisho

Halkan ka daawo sawiro dheeraad ah ee dugsiga

Waxaa maanta si rasmi ah loogaga furay deegaanka Waxara-cadde ee degmadda Huriwaa ee magaladda Muqdisho Dugsi Qur’aan oo ay wax ku baranaayaan arday Soomaaliyeed oo iskugu jira Agon iyo Masaakiin kaaas oo ay halkasi ka dhiseen Gabdhaha Jaaliayadda Soomaliyeed ee ku dhaqan dalkaasi Sweden Gaar ahaan magaaladda Yatakoori, kaas oo ay haatan wax ka abartaan arday gaareysa 90 Ruux oo iskugu jira gabdho iyo wiilal oo ah agoon iyo masaakin aanan heli karin in ay wax ka barataan dugsiyadda kale ee sida gaarka ah loo leeyahay.

Sidoo kale Dugsigaan ayaa waxaa wax ka baarta ilaa 40 Ruux oo ah kuwa da’da waaweyn kuwaasi oo haatan si habsami leh wax uga dhigta dugsigaasi oo dhawaan halkaasi laga hergeliyay.

Dugsigaan ayaa ah mid ay dadka wax ka bartaa aanan laga qaadin wax lacag ah , waxaana dugsigaasi loogu deeqay in wax lagu barro Agonta aysan joogin waalidkood iyo kuwa aadka u tabar daran oo aanan isku filneynin xagga wax barashadda.

Dugsigaan ayaa ku fadfhiya dhul dhan 2X6 = 12 Miitir, waxaana uu ka kooban ayahay laba qol oo kiiba yahay 6 mitir, waxaana guud ahaan haatan wax ku barta 130- Ruux oo ka kooban caruur iyo dad waaweyn.

Sidoo kale waxa uu dugsigaan leeyahay laba Suuli oo loogu tala galay Caruurta in ay isticmaalaan, waxaa kaloo intaasi u dheer Qasaabad biyood oo joogto ah iyo Hal hool oo isna loogu tala galay in caruurta lagu barro Tafsiirka Qur’aanka kariimka ah iyo wixii soo raaca.

Xafalad kooban oo loo sameeyay furitaankiisa ayaa waxaa ka hadalay dhawr xubnood oo ah waalidiinta ardaydoodu loogu tala galay in ay wax ka bartaan iyagoo ka mahdceliyay dugsigaan halkaasi laga hergeliyay oo ah mid loogu deeqay dadka barakacayaasha ah ee aanan haatan heli karin in ay magaaladda Muqdisho u soo wax barasho tagaan xiligaana ay Muqdishana ka socdaan dagaalo u dhaxeeya Kooxaha ka soo hoirjeedda dawladda iyo dawladda lafteedda, taas oo aanan xiligaan ka suurtoobaynin waxbarasho.

loox

Gabdhaha jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalkaasi Sweden gaar ahaan magaaladda Yatakoori ma ahan markii ugu horeysay oo ay fuliyaan dugsi Qur’aan oo loogu tala galay in ardaydda Somaliyeed oo barakacayaasha ah oo loo dhiso waana dugsigii afaraad oo ay ka hergeliyaan deegaanadda ay dadka Soomaaliyeed ku barakaceen waxaana sido kale haatan jira kuwo kale oo dhawaan la doonaayo in la hergeliyo haddii alla idmo.

loox2

Mahamud Ahmed Hassan
xuurshe114@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: , ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

2 Jawaabood " Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Sweden oo Dugsi Qur’aan ka hergelisay Deegaaanka Waxara-cadde ee Huriwaa, Muqdisho "

  1. ubah bille says:

    fadlan ila soo xidhiidha si aan uga qaybqaadano arimaha khayriga ah.

  2. garaad says:

    MASHA ALLAH, SOOMAALIDA QURBAHA KU NOOL OO IDIL HADDII AY DHAQAALAHOODA KU BIXIN LAHAAYEEN HORUMARINTA DUGSIYADA QURAANKA, KUWA WAXBARASHADA IYO ISBITAALADA SOOMAALIDU WEY HOR MARI LAHEYD

    MAANTA WAAD ARAGTAAN DHALINYARADII OO DHAN IYAGOO AAN WAXBA BARAN AYAA SUUQYADA WAXAA KA HELAY KOOXO DIIMEEDYO MARKAASBAA CARUURTII OO 12 JIR 13 JIR IYO 14 JIR AH OO SAAQIDIIN AH WAXAA LA GELIYAY DAGAALADA OO AY ISAGA BAABA’AAN.