Home » Warar »

Beesha Maxaad-Barre oo soo saartay Bayaan ay ku Cambaaraynayaan in…

(Asalaamu Calaykum Waraxmatulaahi Wabarakaatuhu) 

Ku: Salaadiinta,odayaasha iyo waxgaradka Beesha Habar-Yoonis/Isaaq.

Ka: Salaadiinta,Odayaasha iyo waxgaradka Beesha Maxaad-Barre/Madhibaan.

 Bayaan:(Beesha Maxaad-Barre, bayaankan waxay soo saartey markii ay u adkaysan wayday beenta laga sheegayo isirkeeda(halka ay ka soo jeedo) ama abtirkeeda iyadoo wada tashiyo badan oo khadka taleefanka ah la samaysan dhamaan beesha oo dhan ee ku kala nool wadanka gudihiisa iyo dibadiisaba iyadoon beesha looga baran bayaanadan oo kale) 

         Cambaarayn Marin habaabinta Abtirsiinyaha Beesha Maxaad -Barre ee ka tirsan beelaha Madhibaan,

Anaga oo ah Odayaasha iyo Waxgaradka Beesha Maxaad Barre ee dagan Soomaali-Land iyo Soomaaliyaba waxaan halkan ku cadaynaynaa in aysan waxba ka jirin arrimo beryahan lagu marin habaabinayo abtirsiinyaha beesha oo ay Yurub ka wadaan koox yar oo ka tirsan beeshayada iyo koox ka tirsan beesha Habar-Yoonis.

         Kooxdan yari waxay ku andacoodeen in beesha Maxaad-Barre ay tahay Kuul-Carre/Habar-Yoonis. Arrintaas oo aan waxba ka jirin,Arrimaha la yaabka leh ayaa ah in beel isirkeeda la yaqaan, oo qarniyaal soo jirtey in maanta la isku dayo in taariikda isirkeeda la khaldo, ayadoo laga faa’iidaysanayo dhibaatooyinka gaarka u haysta beesha iyo beelaha la midka ah iyadoo dad kooban loo dirayo dhaqaale si loo jaahwareeriyo soo yaalka taariikheed.

         Odayaasha iyo Waxgaradka Beesha Maxaad waxay xidhiidho badan la sameeyeen qaar ma mida salaadiinta iyo waxgaradka beesha Habar-yoonis, waxaana ka mida Suldaan Cismaan Suldaan Cali Suldaan Madar, Suldaan Barre, Suldaan Maxamed Xassan Ibraahim, Gudoomyaha Golaha Guurtida beelaha Habar-Yoonis Cawil Yusuf iyo kuwa kale, waxgaradkaasi waxay noo sheegeen markii aan la hadalnay:

  • 1) in wararka hada la faafinayo ay yihin been aysan waxba ka jirin laguna marin habaabinayo taariikhda iyo abtirka beesha Maxaad-Barre isla markaana aysan raali ka hayn, iyagoo qirey cuqaashaasi in beesha Maxaad-Barre aysan isir wadadhalasho la wadaagin beelaha Isaaq gaar ahaan beesha Habar-Yoonis/Kuul Carre.
  • 2) In aysan ka war heyn ama ogayn goob ay salaadiinta Habar-Yoonis ku shirtay ama go’aansatay in beesha Maxaad-Barre tahay Kuul-Carre oo ah oday ka lumay beesha Habar-yoonis.

Waa kuwan hadaladii qaar ka mida salaadiinta habar-Yoonis:

Suldaan Barre( In la idin kala qaybiyo ama la idinka jabiyo waa arin gaf idinku ah, arin idin qabatana maaha.dad 500 sano dhulka wada daganaa baynu nahay ninka taarikh cusub oo aydaan lahayn idin sameeyey isagay ku kooban tahay,Habar-Yoonis wax ka yimi oo ay ogtahayna maaha ee raali ka ahaada. Idinkuna ha buunbuunina oo ha sii wadwadina)

 Cawil Yusuf:Gudoomyaha Guurtida Habar-Yoonis ( Habar-Yoonis taariikh aad leedihiin ma hayso, arintuna dhiniciinay nagaga timid, dadka ii keenayna waxay leeyihin abtirka waxaa noo sheegay nin ka mida beesha Maxaad-Barre oo wali nool)

 Caddayn: 

 Haddaba, Odayaasha iyo Waxgaradka Beesha Maxaad-Barre waxay caddaynayaan:

1. In Beesha Maxaad Barre iyo beesha Habar Yoonis uu ka dhexeeyo xiriir wada degaan oo soo jireen ah oo ay yihiin dad ood wadaag iyo xiriir wanaagsan leh.

2. In arrinta abtirsiinyaha ee hadda la wado ay tahay majara habaabin taariikheed, oo aysan jirin abtirisiinyo beeleed oo ka dhexeeya beesha Maxaad-Barre iyo beesha Habar-Yoonis.

4. In Odayaasha iyo Waxgaradka beesha Maxaad-Barre ay ka xunyihiin isku dayga kutirikuteenka ah ee lagu maran habaabinayo taariikhda iyo abtirka beesha ee ay ka soo gaadheen waalidkood.

 5. In taariikhdan cusub ee la dhadhabayo ee madaxa la isu gelinayo abtirsiinyaha laba beelood ay tahay mid laga leeyahay dano gaar ah.

6. In beesha Maxaad-Barre aysan aqbalayn wax kasta oo lagu leexinayo Taariikhda iyo isirka beeshooda.

Cambaarayn:

Odayaasha iyo Waxgaradka Beesha Maxaad-Barre waxay camaaraynayaan in shakhsiyaad dano gaar ah leh oo ku nool Yurub iyo waqooyiga maraykanka ay beryahan dambe dan ka

dhigteen in ay keenaan abtir iyo taariikh been ah si ay khalkhal u galiyaan taariikhda iyo abtirsiinyaha wanaagsan ee Beesha-Maxaad, ujeedadooduna tahay dano iyaga u gaar ah.

Waxaan markale halkan ku cadaynaynaa in taariikhda Beesha Maxaad Barre ay sugan tahay, oo aysan bedeli karin shakhsiyaad u qasday marin

habaabin. Beesha Maxaad Barre ma aha, kamana tirsana beesha Kuul Carre ee Habar Yoonis.

 Codsi:

Salaadiinta, Odayaasha iyo Waxgaradka Beesha Habar-Yoonis waxaan ka codsanaynaa in ay dhinacooda arrintaas wax ka qabtaan, maadaama ay tafaraaruq iyo khilaaf ka dhex dhalisay Beesha-Maxaad. Waxaana codsanaynaa in aan dhibkii beesha hore u gaaray aan loogu darin dhib kale.

Sidoo kale waxaan kula talinaynaa shakhsiyaadka ka tirsan Beesha -Maxaad ee ku dhex jira isir-leexinta in ay arrintaas faraha kala baxaan, una jeestaan midaynta iyo wax u qabadka dadka tabaalaysan.

Gababago:

Odayaasha iyo Waxgaradka Beesha Maxaad-Barre waxay u mahad celinayaan Dhamaan salaadiinta iyo waxgaradka Habar-Yoonis. 

Waxaan guud ahaan Beesha Maxaad-Barre ku wargelinaynaa inaysa aqbalin jaahwareerka ay wadaan koox dano khaas ah leh oo la iskaga hor keenayo beesha dhexdeeda. Midnimada beeshu waa horumarka beesha. 
 
Waxaa bayaankan wada jir usoo saaray:  

Odayaasha iyo waxgaradka beesha ee degan USA/Canada 

  1. Odayga guud ee Beesha Maxaad-Barre Saleebaan Cumar Maxamed( Saleebaan Hindi)
  2. Nabadoon Cabdille Xiirey Cawad
  3. Nabadoon Xaashi Kaynaan
  4. Nabadoon C/laahi Maxamed Yool
  5. Dr:Hassan Cali Maxamed
  6. Gudoomyaha beesha Siciid-kuul/Maxaad-Barre Sh.Maxamed Adam Xiirey
  7. Gudoomye ku xigeenka Koowaad Prof:Deeq Maxamed Cumar
  8. Abwaan Cismaan Ducaale Daahir
  9. Abwaan Caydaruus Maxamed Dhuux
  10. Xildhibaan Maxamed Ahmed Keynaan
  11. Prof:Cali Cabdi-salaam(Cali Azhar)
  12. Inj: C/rasaaq Faarax
  13. Nabadoon Muuse Adam Xiirey
  14. Nabadoon Cabdirisaaq Caydiid Xiirey
  15. Nabadoon Xuseen Ducale Daahir
  16. Hooyo Saafi Saalax Ducaale
  17. Abwaanad Khadiijo Jaamac Qambi
  18. C/rashiid Keynaan
  19. Cismaan Xaashi
  20. Hersi Maxamed Xiirey
  21. C/fataax Ahmed Keynaan
  22. C/rashiid Ahmed Keynaan
  23. Ibraahim Hassan Yool
  24. Axmed/Fowsi Hassan Aw-cali Siraad
  25. Nabadoon C/rashiid Cisman Cali Buraale
  26. Nabadoon Maxamed Cisman Cali Buraale
  27. Barkhad Cali Geedi
  28. Hassan Cali Geedi
  29. Cabdi Xaashi(Cabdi Madoobe)
  30. Cali Jaamac Adam
  31. Bashiir Jamac Adam
  32. Yasiin Jamac Adam

Iyo dad badan oo kale oo aan halkaan lagu soo koobi Karin  Odayaasha iyo waxgaradka beesha ee degan qaaradda Yurub: 

  1. Odayga Beesha Maxaad-barre ee qaarada Yurub: Abwaan Cali Yaabag
  2. Dr: Hassan Maxamed Cismaan
  3. Daljire: Axmed Muuse (Daakir)
  4. Nabadoon Maxamed Muuse Xayir(Afjar)
  5. Yusuf Muuse Xayir
  6. Axmed Mustafe Cabdi Aw-cali Siraad

Odayaasha iyo waxgaradka beesha Maxaad-barre ee degan Ustareeliya: 

  1. Odayga beesha Maxaad-barre ee Ustareeliya: Axmed Maxamed Dahir(Quule)
  2. Nabadoon Cabdi Cali
  3. Farxaan Cabdille
  4. Xabiib Cisman Cali Buraale
  5. c/Laahi Axmed Maxamed

 Odayaasha iyo waxgaradka beesha Maxaad-barre  ee degan UAE(Imaaraadka) 

  1. Odayga Beesha Maxaad-Barre:Maxamuud Maxamed Diiriye(Faas)
  2. Nabadoon Cabdi Cismaan Cali Buraale
  3. Xassan  Cisaman Cali Buraale
  4. Muuse Maxamed Diiriye
  5. Cisman Faarax Daahir
  6. Ismaciil Faraxa Daahir
  7. Maxamed Ducale Daahir
  8. Ismacil Xuseen Mire
  9. SH.Muxiyadiin jamac Faarax

 Odayaasha iyo waxgaradka beesha Maxaad-barre  ee degan Magaaladda Boosaaso/Putland 

  1. Nabadoon Adam Cige Cali
  2. Nabadoon Mowliid Ducale
  3. C/raxiin Cawad Obsiiye
  4. Cabdirashiid Sahal
  5. Cawil Seed
  6. Mursal Sahal
  7. Yusuf Siciid
  8. Jamac sandoon
  9. C/Qaadir Sabeeye
  10. Farxaan C/Laahi
  11. Shukri Xaashi
  12. Asad Bashiir
  13. Maxamuud Sabeeye
  14. Jaamac Cadaysay
  15. Saleebaan Ducaale

 Odayaasha iyo waxgaradka beesha Maxaad-barre  ee degan Nairobi/Kenya 

  1. Nabadoon Maxamed Sulub Cumar
  2. Nabadoon Cali Muuse Hassan
  3. Pro. Maxamed Haybe Xidig
  4. C/Kariim Cali Muuse

 Odayaasha iyo waxgaradka beesha Maxaad-barre  ee degan Magaalad Ceeri-Gaabo/Sanaag-Somali-land 

  1. Caaqil Daahir Sahal
  2. Caaqil Maxamed Tarabi
  3. Caaqil C/Laahi Ducaale
  4. Caaqil Maxamed jamac Faarax
  5. Caaqil Raan Cige Cali
  6. Siciid Raage Cali
  7. Sahal Raage Cali
  8. Caydiin Raage Cali

Wixii faahfaahin ah waxaa lagala xiriri karaa:

Maxamed xiirey, Email: maxaadbarre@yahoo.com tel: 303-523-5510

ama 

Cusmaan Daahir, Email tayasir7198@yahoo.com , tel: 612-227-8830

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

10 Jawaabood " Beesha Maxaad-Barre oo soo saartay Bayaan ay ku Cambaaraynayaan in… "

  1. darood ismaciil says:

    masha allah dear brothers /sisters from madhibaan clan i fully support u and always love u, we are somalis we must be united for our future qabil is not to hate each others but to know each others, but somalinimo first wish u all the best from darood grand grand son ,we are one we need future progress building our life and country may god bless u all

  2. to cabdi
    walaal aad iyo aad ayaad ugu mahad san tahay hadaladaada caafimaadka qaba ee aad ku hadashey.waxaanan kuu balan qaadayaa inaysan dhaci doonin in nalakala qayb qaybsado taana waxaa kuu cadeeynaya anoo dumara ayaanan marnaba ogolayn taas kana soo horjeeda marka waxaad halkaas ka daalacan kartaa heerka ninka madhibaan uu ka sii taagan yahay arinkan noocaana,waayo maanta waxaan anahay 12 jilib oo ilma maxamada ama madhibaan hadba kaad u taqaano,midwalba geeskiisa ayuu u farcamay meel uusan dagina lama arko oo manahin qabiil xaafad isku soo ooday saa namaba qaadee,waa hadey tahay somaliya ama aduunka intiisa kale ha ahaato.dhanka wax qabadkana waad lasocotaa taariikhda wadanka meeshaan kaga jirno ilaa iyo isticmaarkii ilaa iyo hada oo lajoogo marna nagama maarmo wadankeenu inkastoo hada hawlahii qabaaiilaadkii kale nala qabsadeen oo aanan hada kali ku ahayn walaala kalena ay fahmeen in wadanku noo wada baahan yahay.hada waxa inaga maqan waa soomaaliya oo meelkasta nabad buuxda hesha iyo kala danbeeyn insha alaah.
    wabilaahi towfiiq

  3. to axmad m jaamac
    walaal somali waynu wada nahay taasuna shaki kama jiro soomaaliduna waa qabaailaad isku tagay.qabaailaadkuna hadaan si xun loo isticmaalin dhib malaha.
    tan labaad walaal waxaa tidhi
    soo jeediya arimahiina aad wadanka u qaban lahaydeen.taasna waxaan kaagaga jawaabayaa walaal wadanku waa inaga dhexeeyaa,markaa soow kama wanaagsana adiga oo yidhaahda walaalayaal aynu ka hadalo waxaynu wadankeena u qaban lahayn??? wabilaahi towfiiq

  4. Axmed M. Jaamac says:

    Waxaad mudan tihiin xurmad fiican laakiin waxa aad halkaan ka soo jeediseen waxba dalka uma tarayo soomaali baannu nahay kulligeen sheekaduna halkaas bey ku dhammaaneysaa.soo jeediya arrimihiinna aad dalka u qaban laheydeen.

  5. ABDI says:

    ASALAAMU CALAYKUM
    AAD AYAAN UGU HAMBALYAYNAYAA WAXGARADKA BEESHA MADHIBAAN EE SOOMAALIYEED SIDA SHARAFTA LEH EE AY UGA DHIIDHIYEEN MARIN HABAABINTA ABTIRKOODA. NIN ADUUNYO JOOGOW MAXAA ARAGTI KUU LAABAN, LAGU YEH NASAB MAAHAN, HADANA WAXAA U DAMBEYSAY IN LAYIRAAHDO ANAGAY NA GALAAN IYO IN GABADHOODA QURXAN LA YIRAAH WAA REER HEBEL EE MADHIBAAN MA AHA. WALAALAYAAL MADHIBAAN WAA QABIIL JIRA OO KA MID AH QABAA’ILKA SOOMAALIYEED OO AAN AAMIN SANAHAY INAY DHAMAANTOOD AY YIHIIN DAD ISKU ASAL AH OO AAN WAXBA IS DHEERAYN.
    DIFAACDA SHARAFTIINA, CADAWGA SOKEEYAHAA EE SOOMAALIYEEDNA HA ISU DHUL DHIGINA LIBTIINII ILAAHAY IDANKIIS WAY DHOW DAHAYE. OGAADANA HADAA ILAAHAY ISKU XIRTAAN INAAN CIDNA IDIN YASI KARIN WAANA ARKAYSAAN MAANTA WAXAA LA IDIIN RABAA IN LA IDIN KALA QAYBSADO MARKII LA ARKAY INAAD TIHIIN DAD SHARAF LEH OO DULI DIIDAY.
    WALAALKIIN SOOMAALIYEED OO KA SOO HORJEEDA KHALAD KASTA OO LA IDINKA GALAY.

  6. to all madhibaan
    fadlan ka feejignaada dadka doonaya inay inakala qaybiyaan ama ina kala jajabiyaan.
    fadlan iska ilaaliya cadawga nagu soo duulaya ee doonaya inay abtirsigeena iyo sinjiyadeenaba baabi,iyaan.
    saad lasocotaan hada kahor ayey ahayd markay yidhaahdeen reer kulbeer waa majeerrteen marna yidhaadeen waa duduble,
    sidoo kale waxay yidhaah deen reer xildiid ama reer horogle waa reer biciidyahan oo reer wacays gaalo eriy ayey ladhasheen oo waliba waxay yidhaahdaan baalayidhi wacays gaalo eriy iyo xildiid ama horogle meel ayeyba ku wada aasan yahiin waxayna ahaayeen walaalo aad isku jecel.waa cajiib
    sidoo kale reer daa,uud ogadeen ayaa yidhi anaga yey naga lumeen waa cajiib hadaba mihiimada maanta ladoonayo ayaa umuuqata mid lagu doonayo in lagu kala qaybsado 12jilib ee ilma maxamada.
    hadaba madhibaanku waa inaynu ka feejignaano,iskana qabano dadka waxyaabahaas ku hadaaqaya ee danaha gaarkaa leh .waana idinsalaamayaa all islaamka meeshan soo gala ee figradooda dhiibanaya wabilaahi towfiiq.

  7. ku socota khadar
    walaal adu soodigaan leh wax madhibaan layidhaahdo maleh .
    oo miyaad dii dan tahay in inagoo muslim ah hadana aynu nahay qabaailaad lana ogol yahay
    in laysku garto un ee aan laysku waxyeelayn.
    markaa waxaa cad inaay khalad tahay in aad tidhaahdo wax madhibaan layidhaahdo majiraan. taana dee waa wax kugu jira waayo waanadu waa wax wanaagsan inaad dadka wax u sheegtana maxuma laakiin ha odhan wax madhibaan layidhaahdo majiraan,madhibaan waa jiraa waana jiri doonaa somalida hadalka waxtarkaa iyo kan kale way isku qasaan ala yahdik.aaaamiin

  8. Wadani says:

    Waan idingu raacsannahay inaad difaacataan abtirsigiina si wada jir ah, awalbaa danbi (jaahilnimo ku jirto) la idingalay oo ilaa hada la arki karo.

  9. Khadar says:

    Walaalayaal dad Islaam ah baynu nahay, wax Madhibaan ama Midgaana la dhaho ma jirto. Wixii xun baa midgaan ah. dadka lagu sheegona waa inay iska beri yeelaan maadaama dadka ISLAAMKA ah ay walaalo yihiin, hana isku dayaan in ay integration sameeyaan si takoorkani uu u dhamaado mustaqbalka, Somalidu hada waxay ka guursataa caalamka oo dhan, Caribbean, Cadaan, Afrikaan. Xaq waxaad u leedihiin inaad dhexgashaan walaalihiina Soomaaliyeed, yeelataan Civil rights sida madowga iyo minority wadamada yurub iyo maraykan. waqti dheer bay qaadan laakiin waa wax ubadka soo socda ay miraheeda guran doonaan labada dhinacba. Waxaadna tihiin dad Af iyo Diirba Soomaali Dhalada ee walaalayaal Guuleysta.

    Khadar.

  10. maxaadbarre@yahoo.com says:

    SC WR WB
    Bacda sallan
    wax somalida khalad aanay sixi karin kunoqday ayaa jira, siiba dadka dega gobolada waqooyi, waa yasida qabiilda qaar lagu yasayo qabilkiisa ILLAAH(SXWT) siiyay ee aanu isagu dooran, waxaa kaloo soobaxay beryahan danbe in qabiil ama qof nasabkiisii, labedelo oo abtirsiinyo cusub loosameeyo, iyadoo la´isku badinayo,

    wallaalayaal intaasi waa iga araar waxaanse idinkula garab taaganahay inaad udagaalan taan jiritaanka nasabkiina ama jiritaanka fariciina, waayo wax ILLAAH(SXWT) sharciyeeyay,