Home » Maqaallo »

Puntland: Saylada Somali Galbeed !| Aadan Cige

W/Q: Aadan Cige Cali .
EMAIL: softhair05@hotmail.com

1991 berisamaadkii dabadeed iyo burburkii dawladii dhexe ee somalia,waxaa meesha ka baxay haykalkii dawladnimo iyo haybaddii qaranimo, ka gadaal markii hanaankii siyaasadeed ee ummadu hogga dheer ku shalwaday.

Dadkii iyo dalkii somaliyed waxay noqdeen hilib bisil oo cid waliba u hungurooto, hanashadiisana u hanqaltaagto haba ugu horreeyeen dalalka aan ood wadaagta nahaye.

Dabcan markii isku duubnidu meesha ka baxdo, midnimadana la xagal daaciyo, waxaa si keli keli ah loo maamushaa dadkii markay wada jireen meel loosoo maro la la’aa, mid waliba isagoo dani keentay buu hoos tagaa cid laga yaabo inaanu haweysan jirin waagii uu hanaanka dawladnimo hoos joogey.

In muddo ah markii laga dhursugayey dawlad somaliyed soo noqoshadeed, hase ahaatee waxba soo naasa-caddaan waayeen, waxaa meelo badan laga yagleelay maamulo si dhiig-joojin ah dhidibada loogu aasay,hayb beeleedna lagu sargooyey habka wax qaybsiga iyo hanaanka doorashada intaba.

Ujeedadu waxay daarranayd in la helo talis kala haga dadka hoos jooga in ta hilaadinayo dawlad dhexe oo wadaag ah dadkuna u siman yahay.

Waxaa loogu wanqalay magaca dawlad goboleedyo ( regional governments) inkastoo ay jiraan qaar doonaya soomaalinimada inay ka xuub-siibtaan, calankana dacal dillaacsadaan, gaarna isu taagaan hadday u suurta gasho, taasi waa jamhuuriyadii somalia intii 1960 la baxday, lakin somali weyn qaar baa weli gacantii cadowga ku jira, badweyntii gumaysigana weli dhex-dabaalanaya xeebtii xorriyadana ilaa hadda aan gaadhin, sida “northern frontier district” NFD” oo ah qayb dawladii ingiriisku kenya ku sidigtay ahna gees ka mid ah geesaska shanta ah ee xiddigta calankeenu tilmaamayso, gumaystihii ayaa luqun-jibaadhay rabitaankii dadka goboladaas degan iyo kii somalida kaleba,markuu la mataaneeyey dad iyo dal kale oo aanay doonayn.

Qaybta labaad waa somali galbeed waa dhul aad u baaxad weyn bedkiisana lagu sheego inuu ka badan yahay (627,000 kilo meter square), una dhigma 41% guud ahaan bedka soomaliweyn oo idil, ahna qaybta ugu ballaadhan oo hal dawladi gumaysatay.

Dadkaas iyo dalkaas somaliyed waxaa haysata ethiopia oo ah dawlad cadow-tooyo gaamurtay u qabta somalida , taariikh ahaan haddaan jalleecno qaabkii ethiopia u hanatay iyo hilimadii ay u martay , ethiopia waxay la wareegtay magaalada HERER 1887, waxay ahayd meel ku caanbaxday faafinta nuurka islaamka muddo ka badan afar qarni, markay faraha muslimiinta ka baxday waxay bulshooyinka kiristaanka ahi u arkayeen guul weyn oo gacantooda soo gashay.

1955 ayey ahayd markii ingiriisku si rasmi ah ugu wareejiyey somali-galbed dawlada ethiopia isagoo u arkayey dhaxal uu cidduu doono u hibayn karo ” dhaxal gorayona dhebed baa leh”.

Magacyo badan ayey leedahay qaybtaas aan soo sheegay,qaarna somalidaa u taqaan qaarna dawlada gumaysata ayaa ula baxday waxaana ka mid ah:
1: Somali Galbed.
2: Somalida Ethiopia.
3: Dhulka Somaliyed ee Ethiopia haysato.
4: Ethiopia-da Bari.
5: Killinka-Shanaad.
6: Ogadenia.

Cidkastoo la haystaa heeryo gumaystena saaran tahay, waxay u tafa xaydataa halgan iyo inay gobanimo hanato, iyagoo dareensan in waxa ay doonayaan dhiig badan oo loo daadiyo mooyaane aanay hirgeli karin lana hiigsan karin.

Waxaad hiigsatoba maalin baad soo hirgelisaaye.
Lama helo wadaadow waxaan cidi ku hawshoone.
Naftaa loo hantaaqaa waxaad hiigso leedahaye.

Ururo badan ayaa la aasaasay oo gobanimo u dirir ah,waxaa ka mid ah jabhada xoraynta somali galbed “western somali liberation front” WSLF”.

Jabhadaas todobaataneeyadii qarnigii ina weydaartay baa la sameeyey, hirgelinteediina waxaa hormuud ka ahayd dawladii somaliyed ee waagaas jirtay gudaha dalka somaliyed ayaana lagu yagleelay, naf iyo maalna waa lagu taageeray.

waxaa labeeya ururka wadaniga ah ee xoraynta ogadenia “ogaden nation liberation front”ONLF” ururkan waxaa la sameeyey taariikhdu markay ahayd 1985 dalka syria ayaana lagu sameeyey dad dhalin yaro u badan ayaan lahaa curinta aragtidii lagu aasaasay, waxaa la dhihi karaa ururkani inkastoo aanu ahayn kii ugu horreeyey ee halgama inuu hadana yahay kan ugu cadcad, cadowgii uu la dagaalamayeyna khasaarooyin badan dhabarka u saaray.

ONLF marka laga reebo dawlada dalkooda haysata ee ay is hayaan, wuxu adduunka intiisa kale ku leeyahay saaxiibo badan, meelo badan oo caalamka ahna xafiisyo ayaaba uga furan, iyo weliba idaacado laga baahiyo waxqabadkooda iyo guulahay gaadhaan.

Dadkaas waxay marar badan aadaan gobolada kale ee somalidu degto,markay u dulqaadan kari waayaan cadaadiska iyo culayska gumaystuhu kula kacayo, dilka, dhaca, kufsiga, xadhiga iyo weliba hagar-daamooyin kale ayaa keenay inay u tallaabaan meelahay nabad iyo nolol bidayaan, meeshay kasoo cararayaan waa dhulkoodii oo cadow joogo, halkay nafta kula soo eerteena waa dadkoodii oo ay dhiig, dhaqan, dhalasho, iyo diin ba la wadaagaan.

Waxaase aan meesha ku jirin yaab iyo aman-kaagna noqotay dadkii walaalohood ee ay usoo carareen inay intay qab-qabtaan cadowgii ka iibsadaan, dad aan diin xurmaynayn dhaqankii somaliyed ee suubanaana xeerinayn ayey la toosnaatay inay ku tuntaan dadkaas walaalohood ah ee maganta iyo miciinka soo moodey,su’aashuse waxay tahay “Mindida cadowga iyo manjo-qabashada walaalkaa iyamaa xun”.

Dadkaas in badan ayaa ADIS-ABABA loo daabulay, cadowga ethiopia-na loo dhoofiyey, ka ganacsiga dadkas waxaa ku caanbaxay maamulka ka jira woqoyi/galbed somalia”somaliland”kolal badan ayey dad somaliyed ethiopia ka sarifteen, iyagoo ku bedelan jiray hub, lacag, ciimadamo loo taba-baro iyo weliba agabyo kale, arintaasi waxay dhalisay in dadkii falalka waxashnimada ah lagula kacay gadoodaan aargoosina u dhaqaaqan iyagoo geystey burbur hantiyeed oo lixaad leh.

Maamulka puntland oo dadka somali galbed is xejinayeen ayna filayeen wixii hargaysa kaga dhacay inaanay kala kulmi doonin garowe iyo bosaso, hadana nasiib darro arintii saas way ka gedisnaatey, kii somaliland joogey wixii ku kelifay inuu walalkiis iibsado ayaa halkana yaalla , danta ethiopia ayaa la wada waardiyeynayaa waxkastoo ay dalbataana HAA mooyee MAYA meesha kuma jirto.

Ama dadka iyo dalka dan haw ahaato ama yey u’ ahaane, ma ahan arin ugub ah in dadkaas puntland laga dhoofiyo dhawr jeer ayey soo noq-noqotay , garowe ,bosaso, iyo galkacyo waa saddexda meelood ee inta badan dadka laga qabto,qaar iyagoo nool baa la gacan geliyaa qaarna meeshaaba lagu ruux-togaa!!!.

Muslimiintaas marka cadowga laga iibinayo iyagoo xidh-xidhan kuwii gatayna dabada ka wadaan ayaa lagu wareejiyaa MELES iyo meelo lagu ba’ay, amintaas waxaad moodaa inay leeyihiin raggaas lagu xad-gudbey:

Reer puntland soomali galbeed makkiyo moode xaramkiiye.!!!
Malabkiyo jannada dhiiga yagu uga macaanaaye.!!
Muslimnimada dabadeed ! tolow dhalashadii meeday.!!.

cidna kama dahsoona arintaasi cidhib-xumadda ay keeni karto, dad wada dhashay ayaa isku nacaya, cuqdad iyo cadaawad waarta ayey beeraysaa kasii darane waxaa suurta gal ah inay huriso dagaallo iyo duullaano aan loo aayin.

Maamulada taagta yar ee somalia ka jiraa maaha kuwa caga ay leeyihiin isku taagi kara waxayna aaminsan yihiin kalsoonida ethiopia hadday lumiyaan inaanay sii jiri karin,waxaa is garab yaalla raali gelinta tigreega iyo iyo xaqdhawrka bulshada, nimanka kuraasta maamulkaas ku fadhiya markay rog-rogeen labadaas qodob waxay door biddeen inay raadiyaan raalli noqoshada adis-ababa tan bulshadu yeelkeede!!.

shacabka reer puntland arintas waxa la dhihi karaa kuma qanacsana meelka dhac ayeyna u arkaan haddii la weydiin lahaana marna ma ogolaadeen inkastoo cidiba aanay odhan maxay idin la tahay!!.

TALOOYIN :

Aniga waxay ila tahay dhawr qodob oo talo iyo tusaale ah in puntland loo jeediyo :

1: Dadka somali galbed waa dad walaaleheen ah halgan hubaysan ayeyna ku jiraan, cidday is hayaana inaga maahee waa cadow muddo dheer dhiigooda jaqayey, inaga waxay inaga mudan yihiin gargaar iyo gacansiin lakin inaan doc faruuro dareenkooda ay gobanimada ku raadinayaan marnaba daw maaha.

2: Maamulada dadka madaxda ka ah waxaa habboon inaanay dadka wada dhashay kala dilin raadka xun ee laga dhaxli karo arintaasna ay dhuuxaan ayaa u toobboon.

3: Shacabka reer puntland waxaa iyaga la gudboon inay go’aan kooda caddaystaa waxay ka qabaana banaanka soo dhigaan, hadday dadka waxaas samaynaya u sacab tumayaan iyo hadday ka sarriiganayaan ba, waana inay ogaadaan cidda dhibtu ku dhacaysaa inay iyaga tahay, ragga madaxda ahi berri booska way banayn doonaan, arintani maaha wax la dhayalsankaro, waa gef weyn oo diinteena islaamka iyo damiir kasta oo xumaha ka damqanaya daanno ku ah.

4: Waxaan ku gebgebaynayaa talooyinkayga adduunyadu waa meerto, cidina weligeed badhaadhe iyo barwaaqo kuma sugnaato, dhanka kale dhibaatada laguma waaro, mar uun baa laga doogaa darxummada iyo dayaca dadka reer puntland waxaan dhihi lahaa “Nabsi gamcaha haw hoorsanina’ dadkaasi weligood saas ahaan maayaane.

Dhibta laguma waaroo* dhaxal looma yeeshee* waa laga dhammaadaa*.

W/Q: Aadan Cige Cali .
EMAIL: softhair05@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: , ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

2 Jawaabood " Puntland: Saylada Somali Galbeed !| Aadan Cige "

  1. cabdirisaaq sh calisiyaad says:

    A/C salaan kadib waxaan jeclahay inaan u mahad celiyo aadan cige oo runtii qofkii emailkiisa ama qoraalkiisa akhriya uu fahmi karo nin akhyaar ah islam ah ah somali ah wax garad ah inuu yahay waad ku mahadsantahay aadanow argtidaada qiimaha badan waxaana i deeqey ra’yigaaga hadaad somali galbeed tahay iyo hadaad reer putland tahay ama somalida kalaba waa isugu kay mid waxaan ku qancay inaad tahay nin waaqici ah oo xaqiida jirta ka hadlay si cadaaladnimo ku dheehantahay oon laablaab lahayn codkarnimana kusalaysan, waxaan talo yar ujeedinlahaa somaligalbeed waxaan idin odhan lahaa dadka shacabka ee reer putland een arintaas aan ku luglahayn inaan aargoosi waxba looyeelin shakhsiyaad maamulka ah uunbay khuseysaa runtiina waa dakano weyn arintani laakiin waxaa haboon kuwii fuliyey kaliya inay ku ekaato waxaa fiiro gara mudan maamulada putland ma wada xumeyn waayo cabdullaahi yuusufba waxba ma gadan intuu joogey wuuna ku mahadsanyahay oo taariikhda uunbaa xusey qofkii ka dhowrsada xumaan kuwa kale ay samayndoonaan
    ugu dambayn waxaa u mahadcelinayaa somali talk oo qoraalda noosoo bandhigtey

  2. marka hore waxaan salaamayaa Aden cige ,aad ayaan ula dhacay maqaalka aad qortey, arinkan ay maamulka Putland sameeyeen raad xun ayuu reebayaa, xaga islaamnimo iyo soomaalinimo , waxaad tahay nin garaadkiisu sare . thank u