Home » Warar »

Johannesburg: Kulan lagu Cambaareyey dad lagu xirxirey Puntland

Kulan lagu cambaareyey dad Puntland lagu xirxirey oo lagu qabtay Johannesburg

Halkan ka dhegeyso Sawiro dheeraad ah

Kulan degdeg ah oo ay isugu yimaadeen dad farabadan oo kasoo jeeda beesha Absame ayaa ka dhacay magaalada Johannesburg kullankaasi oo si weyn loogu cambaareeyey rag beeshani kasoo jeeda oo sida la sheegay dooni laga degey Puntland kadibna xabashida loo gacan galiyey.

Suldaan Dugsiye oo ahaa oday dhaqameedkii ugu horeeyey ee kullanka ka hadlo ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay falka Puntland ay dooni dhan kala degtey 5 qof oo beel kaliya kasoo jeeda halka dadkii kalana aanan waxbo loo dhimin “waa arrin ceeb iyo yaxyax ah in madaxweynaha Puntland uu kala diro ciidamadii dekeda Boosaaso kadibna illaaladiisa gaarka ah ay doon dhan oo buuxda ay kala degto shan nin oo beesha Absame ka dhashay kadibna ka iibsado cadawga” ayuu yiri, isagoo ku baaqay in Puntland ay si shuruud la’aan kusoo fasaxaan ragaasi.

Sidoo kale waxaa kullanka ka hadlay Cabdullaahi Qoriyoow Jaamac oo sheegey in xitaa dhaqanka Islaaminada iyo kan Soomaaliga ahba aysan meelna kaga jirin in dad laga iibsado cadawga dalka.

Bashiir Bacoole oo isaguna hadlay ayaa yiri “Puntland waa dhul Soomaaliyeed, ma ahan dhul cadaw, waana dhul Soomaalinimo loogu halgamay, halkii xoriyadii ay ku wada kifaaxi lahaayeen dadkii Soomaaliyeed oo dhan waa nasiib darro in maanta isla cadawgii looga iibsado dad Soomaali ah” .

Cumar Nakiir oo isana hadlay ayaa ku baaqay in beesha Absame ay meel uga soo wada jeedsato dhibaatooyinka sida joogtada loogu hayo dadka beesha u dhashay ee loo bartilmaameedsanayo heebtooda darteed.

kis1

Dadkii hadlay oo dhamaantood ku hadlayay hadalo caadifad xoogan ay ka muuqatay oo aanan soo xigan karin hadala qaar anigoo illaalinaya anshaxa saxaafada, ayaa baaq cambaareyn ah dusha uga tuurey maamulada Puntland iyo Somaliland oo ay sheegeen in ay caadeysteen dhibaateynta dadka kasoo jeeda beesha Absame.

kis2

Qabanqaabiyeyaasha kullanka oo kala ah Maxamed Tube Sahal iyo Shariif Maxamuud ayaa sheegey in shirka uu ahaa mid si degdeg ah loo abaabuley isla markaasina looga gol lahaa in cod mideysan lagu muujiyo dhibaatada dadka beesha ku heeysata gobolada waqooyi bari iyo waqooyi galbeed, waxay sheegeen in ujeedkii laga lahaa kullanka laga gaaray, aanan loo fasiran karin in lagu abaabulayo dhibatao dad gaar ah lala damacsanyahay balse uu kaliya ahaa mid looga dhiidhinayo dhibaato dadkooda heysata, waxay meesha ka saareen in dhibaatada ay mas’uul ka yihiin beelaha wada degan Puntland iyo Somaliland, “beelo gaar ah ayaa mas’uul ka ah arrintani, jawaabteedana weey heli doonaan haddii alle idmo”.

Shanta nin ee la sheegay in doonida lagala degey ayaa mid ka mid ah la dhiibey kaasina waxaa lagu magacaabaa Cabdi Xussen Yuusuf, doonida waxay timid dalka Yemen, markii ay dekeda Boosaaso kusoo xiratayna waxaa si gaar ah dadkani ula degey illaalada Madaxweynaha Puntland Cabdiraxmaan Faroole, sida ay odayaasha ku doodayaan.

Cabdinaasir Saxansoxo

saxansoxo1@hotmail.com
….

Barnaamijkii Radio Xoriyo
26 October 2009.

  • Maamulka Puntland oo dhalinyaro ree Ogadenya ah ugacan galiyey gumaysiga Itoobiya.
  • Waraysi aan la yeelanay xaaska ama afada mid kamid ah dhalinyaradaas (Waraysi).
  • Shirkii Hawlwadeenada Jaaliyadda UK oo lagu cambaareeyey maamulka Puntland.
  • Dareenka iyo shucuurta dhagaystayaasha Radio Xoriyo(Falanqayn maqal ah).
  • Dagaalo iyo weeraro lagu naafeeyey ciidamada gumaysiga Itoobiya.
  • Waxyeelooyin kala duwan oo gumaysigu u gaystay dad shacab ah.

======================

Dagaalo iyo weeraro lagu naafeeyey ciidamada gumaysiga Itoobiya.

Wararka ka imanaya jiida hore ee dagaalada ayaa tibaaxaya in ciidamada qalabka-sida ee xoreynta Ogadenya ay weeraro culculus ku qaadeen xeryaha ciidamada gumaysiga Itoobiya.

29-09-09 Tuulada Dudumo-Cakda oo oo ka tirsan gobolka Nogob dagaal ku dhex maray cwxo iyo kuwa gumaysiga Itoobiya ayaa lagaga dilay ciidamada wayaanaha 2 askari halka 3 kalana lagaga dhaawacay.
Isla gobolkaasi Nogob meel u dhow Dudumo-Cadka oo la yidhaahdo Bisinle dagaal kale oo ka dhacay 04-10-09 ayaa ciidamada wayaanaha lagu wiiqay waxaana halkaas lagaga dilay 4 askari 2 kalana waa lagaga dhaawacay.

07-10-09 Quluc oo ka tirsan Degmada Baabili ee gobolka Jigjiga dagaal ka dhacay ayaa ciidamada saamalaluudka ah lagaga dilay 1 askari 3 kalana lagaga dhaawacay.

Ciidamada geesiyiinta xoreynta Ogadenya ayaa fal mir ah ka fuliyey 16-10-09 meesha la yidhaahdo Birdiidaha oo ka tirsan Galaalshe ,isla magaalada Galaalshe ayay ciidamada xoreynta Ogadenya mireen saldhiga ciidamada wayaanaha 19-10-09 waxayna labadaas mirba gaadhsiiyeen ciidamada gumaysiga Itoobiya khasaare ba,an oo aan faahfaahin rasmi ah weli laga helin.

17-10-09 God-Okhole oo ka tirsan gobolka Nogob weerar kulul oo ay ciidamada sooma jeestayaasha ahi ku qaadeen ciidan gumaysi oo halkaasi u joogay inay dhibaateeyaan shacabka ayay kaga dileen 15 askari halka ay 11 kalana kaga dhaawaceen.

20-10-09 Qaydar Khaliifo oo ku dhow Awaare ee gobolka Jarar isku dhac qorshaysnaa oo ay fuliyeen N/hurayaasha xoreynta Ogadenya ayay kaga dileen ciidamada doolka ku jooga Ogadenya 8 wayaane waxayna kaga dhaawaceen 11 kale.

Waxyeelooyin kala duwan oo gumaysigu u gaystay dad shacab ah.

21-10-09 ciidamada dilka ujooga Ogadenya ayaa ku dilay Degmada Garbo ee gobolka Nogob alle ha unaxariistee: Xayyi Maxamuud Faarax waxay sidoo kale isla maalintaas jidh dil ba,an ugu gaysteen oo aad u ildaran: Kaltuumo Maxamed Muxumed.

Ciidamada gumaysiga Itoobiya ayaa 17-10-09 nolol kagala tagay deegaanka God-Okhole ee gobolka Nogob kadib markay si xun u jidh dileen Barre Cabdullaahi Siraad,dhibanahaas ayaan ilaa iyo hada xaalkiisa laga warhaynin wuxuu ku sugan yahay balse loo badinayaa inay dileen ciidamada gumaysigu.

Tuulada Maraacaato ee gobolka Qoraxay ayay ciidamada guamysigu ku xidheen dad badan kadib markay ciidamada qalabka sida ee xoreynta Ogadenya cagta mariyeen labo xero oo ay ciidamada gumaysigu ku lahaayeen tuuladaasi halkaas oo ay kaga dileen 22,15 kalana kaga dhaawaceen,dadka ay xidheen ciidamada wayaanuhu waxay kala yihiin:
1-Cismaan Nuur Macalin Dhaqane
2-Raxmo Mahdi Biixi
3-Sheekh Faysal Aaden Cismaan

20-10-09 Xamaro oo ka tirsan gobolka Nogob waxay ciidmada dilka iyo boobka ujooga Ogadenya dhac iyo xidhay isugu dareen Cabdi Qani Xeef

Maamulka Puntland oo dhalinyaro ree Ogadenya ah ugacan galiyey gumaysiga Itoobiya.

Maamul goboleedka Puntland ee jamhuuriyada Somaliya ayaa gacanta u galiyey gumaysiga Itoobiya 5 dhalin yaro oo u dhalatay Ogadenya ,dhalinyaradaas oo ahaa qaxooti kasoo laabtay dalka Yeman ayay maamulka Puntland ka qabteen dekada Boosaaso kadibna xabsiga u taxaabeen intii aysan u gacan galinin gumaysatada itoobiya.

Maamul goboleedka puntland siiba madaxweynaha maamulka Cabdiraxman Faroole ayaa ku tilmaamey dhalinyaradaas inay yihiin argagixiso . Waxaa kale oo uu Faroole sheegay inuusan shacabka Ogadenya xaq u lahayn in la siiyo waraaqda safarka Somaliya isaga oo ku dhaliilayey Safiirka Somaliyeed ee u fadhiya dalka Yemen oo soo siiyey waraaqda soo noqoshada. Madaxweynaha Puntland ayaa noqonaya masuulkii Somaliyeed ee ugu horeeyey ee si rasmi ah ugu dhawaaqa arrintaas.

Kahor intii ay dhalinyarada loo dhiibin gumaysatada Itoobiya ayuu maamulka Puntland ugu yeedhay saraakiil itoobiyaan ah si ay waraysiyo ula yeeshaan halkaas oo dhalinyaradii mid mid qol loola galay habeen dhanna suaalo iyo jidh-dil lagu hayay,isla markaana ay qaawiyeen sawiro badana ka qaadeen dhalinyarada iyagoo qaawan, taas oo sharciga caalamka ee ilaalinta maxaabiista sharafteeda ka baxsan.

Shirkii Hawlwadeenada Jaaliyadda UK oo lagu cambaareeyey maamulka Puntland.

Shir ay isugu yimaadeen hawlwadeenka jaaliyadda S. Ogadenya ee dalka UK oo maalinimadii Axada ahayd ka bilawday xarunta labaad ee magaala madaxda UK ayaa saqdii dhaxe ee habeenimadii Isniinta ay soo galaysay guul ku soo gabagaboobay.
Shirka ayaa diirada lagu saaray waxyaabo badan oo ah danaha jaaliyadda iyo halganka uu shacabka dulman ee S. Ogadenya ugu jiro aaya-ka-tashigiisa.

Waxaa ka soo qayb galay shirkaas jaaliyadaha London, B.mingham, Northampton, Multikeynes, Laciester, Leads, Manchester, Southampton. Waxaa sidoo kale ka soo qaybgalay ururada bulshada S.Ogadenia sida Ururka Ardayda Ogadenia ee OSF/Uk, Ururka dalada guud ee Dhalinyarada Ogadenia OYL iyo xubno kale.

Hawlwadeenada jaaliyadda UK ayaa si cadho leh u canbaareeyay falalka arxandarada ah ee uu caadaystay gumaysiga Ethiopia. Sidoo kale waxuu canbaareyey kooxda baagada gumaysiga ku nool ee wakiilka uga ah gumaadka shacbiga.siiba maamulada Puntland iyo W/galbeed kula Kacayaan, uguna danbaysay dhacdadii dad qaxooti ah oo lagasoo celiyay Yeman laga qabtay Boosaaso ka dibna ay ugu wareejiyeen sirdoonka Ethiopia arintaasoo aan indhaha laga laaban karin. Dhibka ka yimaada arimaha noocanoo kale ahna waxaa xambaaran doona maamuladaa.

Hawlwadeenka jaaliyadda UK waxay ugu baaqeen dawlada UK inay talaabo muuqata ka qaado xukuumada Ethiopia oo iska baalmartay xeerarka aduunka u yaala. Sidookale waxay aduunwaynaha ugu baaqeen inay faragalin toosa ka gaystaan sidii loo badbaadin lahaa shacbiga Somalida Ogadenia, gargaar dag dag ahna u fidiyaan.

Hawlwadeenada jaaliyadda UKWaxay shacbiga Somalida Ogadenia ugu baaqayaa inay u midooobaan cadawgooda noocyada badan leh geesinimadoodana sii laban laabaan .Ugu danbayn waxay Hawlwadeenada jaaliyadda UK ugu baaqaya dadka u ololeeya xuquuqda aadana inay qayb laxaad leh ka qaataan sidii loo horkeeni lahaa maxkamad ku qaada dambiyada ay mutaysteen gacan ku dhiiglayaasha Itobiya iyo kuwa u adeega .

Radio Xoriyo

26 October 2009 M

Cabdinuur Sh. Maxamed

Radioxorio@radioxoriyo.com
Raadioxoriyo@yahoo.com

Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadaha 31 MB iyo 41 MB, iyo internetka Radioxoriyo.com,Ogaden.com Habeenada Talaadada & Sabtida 20:00PM – 20:30 waqtiga

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: , ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Johannesburg: Kulan lagu Cambaareyey dad lagu xirxirey Puntland "

  1. Abdi says:

    Reer Puntlandnoow ama idinku dadka qabta oo shan ku dhufta ama iskaddaaya dee xabashida u dhiibinee.
    Itoobiya naxariis inooma hayso, lacagna ma haysatee, jeebkoodaanu aragnaaye maxaad ugu xilataan oo aad ragga aad dhiibaysaan ku waydaarsataan Soomaaliyeey?

    Way na dhibaysaan oo aad bay noo dhibaysaa Itoobiya nimanyohow danbina maanaa ka geline walaalayaal dhibka idinku naga daaya allihiin ka xishooda, miyaynaan wada dhalan oo aydaan Soomaali ahayn. Qofka Gaalkacyo ama boosaaso ama hargaysa tagey waa ama mid naftiisa la cararay ama mid ganacsi iyo dan la isku qabaa gaysay. xiniinyo iska baadha oo nimanyohow xishooda. labada dhanba lama kala maarmo isku mid baynu nahay meeshaad doonto ku dhalo Soomali waa mid e inaga daaya kala saar jiid jiidka. Itoobiya ana danteeday igu wadataa adna danteeda Soomaliya inay weligeed sidaas ahaato ayay rabtaa anagana inay weligeed na tunto e

    Walaalayaalow aaway dadkii caqligalahaa. maka warhaysaan waxa qofka marka Itoobiya loo dhiibo lagu sameeyo? mana disho mana noolayso, marka walaale hadi ay cadaawad idiinka tahay idinku Dilla miyaanay rasaas idiinku jirin qoriga.