Home » Maqaallo »

Sidee ayaa loo hormarin karaa adeegyada asaasisga ah? | Jooje

Sidee ayaa loo hormarin karaa adeegyada asaasisga ah?

(Fariin ku socota maamulka iyo dadweynaha Puntland)

Marka hore mahad idilkeed waxaa iska leh Allaah, naxariis iyo nabadgelyana Rasuulkeenii ayeey korkiisa ahaatay. Kadibna iga gudooma salaanta qaaliga ah ee islaamka Asalaamu caleykum waraxmatulaahi wabarakaat.

Ummad waliba ee ku nool adduunkan waxaa jira arimo u ah asaasi, kuwaas oo wax walbaa laga hormariyo, dadkana lagu baraarujiyo inay kuwaas wax walbaa ka siiyaan mudnaanta. Tusaale ahaan waddamadan hadda horumaray iyadoo la qadarinayo qiimaha ay ku fadhido nafta bani’aadamka ayaa hadda xitaa dadka qasab looga dhigay in ay wax ka bartaan waxa loogu yeero health and safety, iyadoo dadka lagu barayo waxyaalaha ka ratibmi kara qataraha ku heeraarsan. Waxaad goobaha shaqada ku maqleysaa in maalin walbaa dadka lagu towjjihinayo haddii uu dab dhaco halka ay ka bixi karaan, sida ay isu badbaadin karaan iyo sida looga taxadaro waxyaalaha shilalka keeni kara goobaha shaqada.

Maalin dhaweyd waxaa ka dhacay magaalada dekadda ah ee Boosaaso shil ay ku gubatay dooni siday shiidaal, taasoo qalqal galisay dekadda iyo goobihii ku hareereysnaa amaba magaalada oo dhanba aan iraahdo. Waxaa la waayey adeegyadii looga hortagi lahaa sida gurmadka deg degga ah ama dabdamiskii Qaranka. Waxaa aad looga naxay markii la arkay booyadaha biyaha shuba oo loo adeegsanayo in ay damiyaan dabka. Sida aan la socono dab damisku waa xirfad gaar ah oo tababaro loo soo qaato. Waagii ay jirtay dowladdii dhexe waxaa jiray ciidamo gaar ah oo la oran jiray ciidanka dabdamiska Qaranka. Waan rajeynayaa in ay puntland ka jirto laakiin ma hormarsana sida aan filayo.

Dhacdadii doonta oo markii danbe lagu guuleystay in la damiyo, oo runtii sida la sheegay ay allaah ka soke mahadeeda loo celiyay Shirkadda Golis iyo ninkii itoobiyaanka ahaa iyo dhammaan dadka reer boosaaso. Waliba waxey aheyd wax lagu farxo sidi uu markii danbe uu madaxweynuhu uga abaalmariyey dadkii ka qeyb qaatay dhacdadaas. Sideedaba wax marka ay dhacaan lalama yaabo sidi ay u dhaceen, ee waxaa la eegaa sidii loo xaliyey. Runtii iyadoo aan loo diyaargareysnayn ayaa haddana Allaah mahadii lagu guuleystay in lasoo afjaro oo la damiyo dabkii.

Taariikhda Sideedaba muhiimadda kaliya ay leedahay waa sidii loogu cibro qaadan lahaa waxyaalihii hore ee dhacay, oo daruus joogto ah looga qaadan lahaa. Haddaba suurto gal matahay in maamulka, waxgaradka, siyaasiyiinta, culumada, aqoonyahanda iyo Ganacsatada puntland in ay u diyaargaroobaan sidi looga hortagi lahaa arimaha musiibooyinka oo loo dhisi lahaa kooxaha dabdamiska ah, loona galin lahaa dhaqaale wanaagsan oo lagu hormariyo. Sidoo kale dib u dhiska waddooyinka bur buray ee had iyo jeer sababa Shilalka joogtada ah, kuwaasoo ay ku qurbaxaan dad aad u tiro baddan. Suurto gal matahay in mar walbaa aynu ku dadaalno sidi aan u hormarin laheyn waxyaalaha asaasiga ah ee ku xiran nolosha bani’aadamka.

Waxaa kaloo muhiim ah in la hormariyo adeegyada nadaafadda magaalooyinka, kuwaas oo ku xiran caafimaadka iyo bilicda magaalooyinka. Si loo hormariyo adeegyadaas waxaa muhiim ah in loo asaaso hay’ado u gaar ah ama qandaraas lagu siiyo hay’adaha sida gaarka ah loo leeyahay. Waxaan sidaas u leeyahay haddii la yiraahdo halagu wado olole nadaafadeed ama iskaa wax u qabso, ogaada dadku waa bani’aadan oo wey iska daalayaan. Marka si loo hormariyo waxaa wanaagsan in hay’adahaas la howl galiyo.

Waxaa kaloo iyadana wanaagsanaan laheyd in magaalooyinka waaweyn sida Boosaaso, Garoowe iyo Gaalkacayo loo sameeyo beero nasasho ama jardiinooyin. Waxaad arkeysaa in Boosaaso oo kale tusaale ahaan meel walbaa la dhistay oo ayan jirin meel qura oo loogu talagalay nasasho ama dadku ay ku neecawsadaan. Wey dhici kartaa in maamulku uu qorshaha ugu jiro oo aan hordhacayo, laakiin waa iga wanaag iyo dadaal. Waxaa kaloo iga talo ah in xooga la saaro sidii loo dhireyn lahaa magaalooyinka oo dadka looga dhaadhicin lahaa muhiimadda dhirta. Sideedaba magaaloba magaalada ay ka dhir baddan tahay wey ka roobab baddan tahay kana qurux baddan tahay.

jooje2

Waan qirayaa in maamulka cusub ee Puntland uu dadaalayo, haddana mar walbaa in fikradaha iyo talooyinka wanaagsan lakala qaataa waa muhiim. Sideedaba dhaliilaha waxa xun kuw wax lagu bur burinayo, ee waa lasoo dhaweyaa kuwa wax lagu dhisayo.

Waxaan qalinkeyga kusoo afjarayaa in ay dadka reer puntland dadaalaan oo ay mar walbaa maamulka wixii wanaag ah ku taageeraan oo soo dhaweeyaan. Maamulku marna meel magaarayo hadduusan helin dad diyaar u ah in ay hormaraan oo maamulka lagarab taagan hiil iyo hooba.

Wabilaahi Towfiiq

Qalinkii Cabdixakiim Jaamac Jooje

saicentadv@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

2 Jawaabood " Sidee ayaa loo hormarin karaa adeegyada asaasisga ah? | Jooje "

  1. Dr. A, Hirad says:

    Mahadsanid in badan Mr, Jooje.
    waxan aad u aqriyaa qoraalladaada,waayo ad bay u tafa tiranyihiin, waxayna ka hadlayaan waaqaca jira, maqaallo fara badan ad leedahay, iyo buug ad soo saartayba wan akhriyay, waxan ku leeyahay ha daalin inaad wax qortid marna, sidoo kale inaa la taliso madaxda iyo bulshada reer puntland.

    Mahadsanid mar kale.

  2. mustafa nuur bile says:

    jooje aad baad umahadsantahay ,afkaarahaaga waan soo dhawaynayaa .soomaalidu haday uwadafikirayso sidaada oo kale waxaba maxumaadeen

    mstafa nuur bile
    djibouti/djibouti
    tel: 00253-82 26 99