Home » Warar »

Minneapolis iyo Sheikh Shariif…

Minneapolis: Sheikh Shariif oo Khudbadiisii ku Weeraray Masaajidda Allah

badda11Sheikh Shariif : Waxa laga hadlayey waa Dhulka naga wada maqan aan wada doonano..

Madaxweynaha DFKMG Sheikh Shariif Sheikh Axmed ayaa makhribnimadii Axada (Oct 4, 2009) waxa u Soomaalida Minnesota kula hadlay xarunta Jaamacadda Minnesota, halkaas oo ay isugu yimaadeen dadweyne aad u tiro badan.

Khudbaddii Sheikh Shariif uu halkaas ka jeediyey waxa uu kaga hadlay waxaa ka mid ahaa: “Dadka yaryar oo caqligooda la xadayo” oo uu sheegay in ‘masuuliyad inaga wada saaran tahay’, waxana uu yiri “waxaan idinka codsanaynaa idinkana carruurtiina in aad dib ugu laabatiin. Haddaad masjidka geyseen oo wanaagga aad la doonateen waa fiicantahay, laakiin masaajidkii waa la soo dhex galay. Waxaa waajib ah in aan la socono carruurteenu masjidka marka ay tagaan maxay qabtaan, maxaa yeelay berrito waxaa imaanaya inay ku dhehaan hooyo adiga naftarkaaga in lagu dilo ayaa waajib ah. Wax kalena ma aha ee caqligooda ayaa la bedelay.”

“Wararka sida aan ku heleyno, maskaxdooda in la bedelo looguma simin ee in la daroogeeyo ayaa socota, marka wiilasha daroogada aad kala cararteen oo tacliinta aad geyseen in masaajidka lagala baxo oo daroogo la siiyo waa arrin aad iyo aad khatar u ah. Ficilkaasi waa ficil xun waana cambaaraynaynaa. Dawladda Soomaaliyeed waxay u aragtaa dadkii mustabalka Soomaaliya hoggaamin lahaa oo jid khalad ah lagu baabi’inaayo.”


Dadweynihii isugu yimid kulankii Shariifka, Oct 4, 2009, MPLS

Shariif Xasan, Sh. Shariif iyo Jangali

Sheikh Shariif waxa kale oo uu ka hadlay arrimaha badda Soomaaliya iyo heshiiskii ay DFKMG la gashay Kenya.

Waxana uu yiri: “Dacayadaha waxaa ka mid ah, dhul ayaa la gatay, bad ayaa la gatay, annagu waxaan u nimid oo dawladdani u timidey in ay wax hagaajiso, in ay horumar samayso, laakiin uma imaanin in ay bad iibsato, haddii nin walba intuu idaacad qabsado wuxuu rabo ka sheego asagoo aan xaqiiqada haynin waa dhibaato, qofkii xitaa wax la xunyihiin waxaa fiican in uu dawladda la soo xiriiro, macluumaad qaato, talo bixiyo, laakiin dadka in la jaah wareeriyo waa arrin aad iyo aad aan uga xunahay. Waxaad la socotiin warqadda la qoray waxay ku socotey UN-ka, ujeedaduna waxay ahayd dhul maqan in la sheegto, dawladda Kenya iyo dawladda Soomaaliyeed weligood xuduud kama heshiin weligood oo waad la socotiin mid bad iyo mid barri, waxa laga hadlay waxay ahaayeen aan ka wada hadallo xuduudda badda, dhinaca kalena waxay ahayd dhulka naga maqan aan wada doonano oo wada sheegano, ma garan karo intaas wax khiyaano ah oo ku jira.”

Hadalkii Sheikh Shariif ka jeediyey Minneapolis (Oct 4, 2009)

Sheikh Shariif waxa uu xusay in warqadda ay u direen Qarammada Midoobay ay ku raadinayaan dhul maqan. Soomaaliya dhulka ka maqan waa NFD oo ay haysato Kenya iyo Soomaali Galbeed oo ay haysato Ethiopia. Laakiin warqadda ay direen kuma qorra NFD iyo Somali Galbeed. Balse waxaa ku cad in Badda Soomaaliya muran la geliyey.

Dhanka kale Sheikh Shariif kama uusan hadlin in heshiiska ay la galeen Kenya uu baarlamaanka DFKMG ka dhigay waxba kama jiraan. Balse hadalkiisu wuxuu u muuqdaa mid ka hor imanaya go’aankaas baarlamaanka FKMG.

Qofkii aan weli akhrin qoraalka uu Sheikh Shariif ka hadlay markale halkan ka akhri. Xukuumadda Shariif ayaa caddaynta arrintaas laga sugayaa.

Markii shirkii dhammaaday ayaa Idaacadda British Broadcasting Corporation (BBC) waxay qaar ka mid ah reer Minnesota ay ra’yigooda ka weydiineyso khudbadii Sheikh Shariif. Nin magaciisa yahay Cali oo sheegay in uu deggan yahay magaalada St. Paul ayaa si kulul u dhaliilay hadalka Sheikh Shariif ee ku aadanaa masaajidda. Cali waxa uu yiri “waxyaabaha uu ka hadlay Madaxweynaha Soomaaliya waa wax yaabo kala qaybinaya ummadda Soomaaliyeed, wuxuu farta ku fiiqay masaajidda oo ah meesha keliya oo ummadda Soomaaliyeed carruurteena aan geyno ee wax noogu bartaan, oo salaadda aan ku tukano oo diinta lagu barto.” Dhegeyso Hadalkii Cali (bbc).


Dhegeyso 72:18 Baset Hussari Minshawi


Dhegeyso aayadda 2: 114 Baset Hussari Minshawi


Warbaahinta duubanaysay khudbadda

Fariintii C/risaaq Xaaji Xuseen halkan ka dhegeyso

Hadalkii Shariif Xasan Halkan ka dhegeyso ama soo rogo

Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta DFKMG oo reer Minneapolis su’aalo ka weydiiyeen Heshiiskii Badda

Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta DFKMG C/risaaq Cismaan Xasan Juurile oo booqasho ku yimid magaaladda Minneapolis ayaa kulamo uu la yeeshay qaybo ka mid ah jaaliyadda waxaa su’aashii ugu badnayd eee la weydiiyey ee ku saabsanayd badda Soomaaliyeed ee ay Dawladda Federaalka KMG ay u loogeyso Kenya.

Markii uu ka jawaabayey su’aalaha ku saabsan badda waxa uu sheegay in warbahintu ay isku lifaaqday laba khariidadood oo uu ku sheegay mid in ay samaysay shirkad batrool ka sahamisay aagga badda ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya, taas oo uu sheegay in shirkaddaasi muujisay in batroolku ku jiro dhanka Soomaaliya. Waxa uu sheegay in warbaahintu ay khariidaddaas madaxa u geliyeen khariidad kale. Laakiin Juurile dadkii uu la hadlayey ma tusin khariidadda uu ka hadlayey.

Juurile waxa uu kulamadaas lagu weydiiyay in dawladdiisu ay bixineyso qaar ka mid ah badda Soomaaliyeed, ku weeraray warbaahinta wax ka qortay arrimaha badda, isagoo gaar ahaan ku eedeeyey in ay labada khariidadood ee uusan soo bandhigin ku sheegay in la is dhex geliyey.

Haddaba, SomaliTalk si ay arrimahaas wax uga weydiiso ayey October 4, 2009 waxay Juurile kula kulantay Minneapolis.


C/risaaq Juurile iyo C/weli Dalboon

Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta C/risaaq Cismaan Xasan Juurile, markii SomaliTalk arrimaha badda iyo heshiiskii Is-faham ee Kenya/Soomaaliya wax ka weydiisay, waxa uu ka gaabsaday in uu arrintaas si toos ah uga hadlo, ON RECORD. Waxuuna uu yiri wasiirku: waraysi ku saabsna badda ma bixin karo hadda, sababtoo ah waxaa magaalada jooga Madaxweynihii iyo Ra’iisal wasaare-xigeenkii.

Markii aan wax ka weydiinay Labada MAP (Khariidadood) ee uu sheegay in isku lifaaqay waxa uu yiri: arrintaas hadalka ayaa ila galay laakiin go’aanka aan maantay qaadanayo waxaa weeye in aanan badda wax ku saabsna ka hadlin inta ay maadaama ay joogaan Madaxda Dowladda ugu saraysa, sababtoo ah, ayuu yiri, arrimaha badda ayey ahayd su’aashii iigu badnayn ee la i weydiiyay, waana su’aal na wareerisay oo buuq badan wadata, laakiin waxaan balan qaadayaa maadaama aan ahay Masuul dowladda ka tirsan in aan Su,aalaha aad qabtaan aan dowladda u gudbiyo gaar ahaan wasiirada Heshiiskaan saxiixay.

SomaliTalk si ay u hesho xaqiiqada hadalkii Juurile, waxay raadisey dad goob joog ah kulamadaas.


C/laahi Cali Farah

Hadaba Waxaan Waraysi la yeelanay C/laahi Cali Farah oo loo yaqaan C/laahi Dheere oo aan kula Kulanay Hotelka ay Minneapolis ka deganaayeen waftiga DFKMG. C/laahi Dheere waxa uu u shaqeeya State-ka Minnesota , gaar ahaan Maxkamada.Waxuuna ka mid yahay Xubnaha u doooda Xuquuqda Aadamaha ee Magaalada St Paul. Dhinaca kale C/laahi waxuu markhaati ka yahay Hadalkii uu Wasiirku ku weeraray Shabakadaha wax ka qoray badda iyo heshiiskii is-faham, taas oo wasiirku xusay in madaxa la isu geliyey laba Map. C/laahi Dheere waxa sawir Cellphone kaga qaaday Wasiirka Boostada DFKMG oo sharaxaya khariidadaha uu sheegay in la is dhexgeliyey.

Waraysigii SomaliTalk ee C/laahi Dheere Halkan ka dhagayso.


Juurile oo sharaxay wax uu ku sheegay khariidado la is dhexgeliyey (cellphone photo/ Oct 3)

Su’aasha la xiriirta badda waxay noqotay wixii ugu badnay ee reer Minneapolis weydiiyaan qofkii ay ka arkaan waftigii DFKMG. Dadkii hoteelka uu deggan yahay kula kulmay madaxweynaha DFKMG Sheikh Shariif ayaa sidoo kale isaga toos u weydiiyey su’aashaas. Dadka su’aasha weydiiyey waxaa ka mid ah mar uu la kulmay xubno ka socda masaajidda Minnesota ayaa su’aashaas toos loo weydiiyey.

Haddaba Sheikh Cabdi Nuur oo ka mid ah maamulka masjidka Rowda ee Minneapolis oo goobta su’aasha lagu weydiiyey joogey ayaa SomaliTalk wax ka weydiisay sidii uu su’aashaas uga jawaabay Sheikh Shariif. Waxaana la sheegay in su’aasha badda markii uu ka jawaabayey madaxweynaha DFKMG in Shariif Xasan uu tacliiqiyey.

Waraysiga Cabdi Nuur halkan ka dhegeyso ama soo rogo (mp3)


Shariif Xasan oo warbaahinta laga ilaalinayo, Minnesota, Oct 4, 09

Warbaahinta Soomaaliyeed ayaa isku deyey in ay arrimaha badda si toos ah wax uga weydiiso Ra’iisul wasaare xigeenka DFKMG, maadaama uu ahaa kii tacliiqinayey ama ku kabayey jawaabaha ku saabsan badda Soomaaliya marka uu madaxweynaha DFKMG u jawaabayey dadkii ku booqday hoteelka ay deggan yihiin.


Ibraahim Abuukar oo horjooga St Paul Hotel , Oct 4, 2009

Isku soo duub oo, su’aasha ku saabsan heshiiska ay DFKMG la gashay Kenya ee ku saabsan xadka badda Soomaaliya ayaa ahaa su’aasha ugu badan ee ay reer Minnesota weydiiyeen. Laakiin ma helin jawaab lagu qanci karta. Khudbada Sheikh Shariif meesha uu arrinta badda kaga hadlay ayaana daliil u ah sida xukuumaddiisu ay isugu deyeyso in ay arrimaha badda ku jaah wareeriso shacabka Soomaaliyeed.

Baaxad bad oo dhan 116,000km2 ahaa Soomaaliya ku waayi kartaa heshiiska is afgarad ee DFKMG la saxiixatay Kenya. Taas oo aan la garanayn sababta ay xukuumadda Federaalka kumeelgaarka ugu adkaysaneyso heshiis aan wax dan ahi ugu jirin shacabka Soomaaliyeed.

……….
Sept 29, 2009… Goobaha lagu qabanayo Mudaharaadka looga soo horjeedo Sheikh Shariif oo Minneapolis lagu wado in uu yimaado, mudaharadaaka oo la qaban qaabinayo Axadda Oct 4, 2009, meelaha aan la ogolayn iyo akhbaar ku saabsan waqtiga mudaharaadkaas la isugu imanayo, ayaa waxaa waraysi arrintaas ku saabsan waxaa bixiyey Cusmaan Axmed Sheikh.

Halkan ka dhegeyso Waraysiga..

MAP-ka goobta mudaharaadka Halkan ka eeg (Google Maps)

Dhanka kale, kulan September 27, 2009 ka dhacay xarunta lagu magacaabo Brian Coyle Community Center oo ku taal Minneapolis, oo looga arrinsanayey sidii loo soo dhawayn lahaa waftiga uu horkacayo Sheikh Shariif, ayaa kulankaas waxaa ka dhacay buuq iyo faro isku taagtaag. Inkasta oo markii dambe ay xaaladii degtay.

shsh2

shsh3

Intii kulankaasi socdey ayaa nin dadkii meesha joogey inta uu istaagey waxa uu kor u taagey cajalad DVD-ah, isagoo sheegay in cajaladda ay beel Soomaaliyeed kaga baxday 22-kun oo doolar (inta beesha magaceeda xusay). Markaa ayaa durbadiiba waxaa istaagey mid ka mid ah masuuliyiinta Telefishanka Somali Mai TV, oo sheegay in uu isagu cajaladdaas leeyahay oo aan lacag laga siin, ayna ku qoran tahay cajallada korkeeda in aan la duuban karin.

shsh1

Cajaladda waxaa duubay SomaliMaiTV bishii February 2009, waxayna ku saabsanayd xaflad loo sameeyey doorashadii Sheikh Shariif. Waxa uu sheegay in uusan ahayn beesha la xusay, ee uu cajaladdaas u sameeyey Soomaali ahaa, oo sidaas magaalada ku geliyey, uuna leeyaha xuquuqda cajaladaas, oo aan lagasiin wax lacag ah.

Hadalkii ninka sheegay in 22-kun cajalad kaga baxday halkan ka dhegeyso

Hadalkii Liibaan Somali Mai TV oo beeniyey taas halkan ka dhegeyso

shsh4

Liibaan (Somali Mai TV)

……

Washington D.C Metropolitan Area Somali Community welcomes the Somali delegation led by President Sh. Sharif Sheikh Ahmed

…..

(Shiekh Shariif waxaa u qorshaysan Minneapolis in uu yimaado October 4, 2009 oo Axad ah)

“Shariifka iyo ragga la socda Shacbiga Soomaaliyeed waa arkaan waxay samaynayaan, waana u diyaar garoobayaan sidii ay uga hor tegi lahaayeen oo mudaharaad ugu samayn lahaayeen, adduunkana u tusi lahaayeen in aysan ahayn niman dawlad ah ee ay yihiin niman burcad ah…. ” Waraysi Cusmaan Axmed Sheikh…

halkan ka soo rogo waraysiga (mp3)

ama Halkan ka dhegeyso

….

Cusmaan Axmed Sheikh oo ah madaxa Riveside Plaza ee magaalada Minneapolis ayaa sheegay in reer Minneapolis aysan jirin wax wanaag ah oo ay ku abaal marin karaan Sheikh Shariif oo lagu soo dhaweyn karo, balse la qaban qaabinayo in mudaharaad lagaga hor yimaado, gaar ahaan ayadoo laga soo hor jeedo heshiiskii Is-afgarad ee Kenya iyo Soomaaliya ee ku saabsanaa badda Soomaaliya.

Cusmaan waxa uu ku celceliyey in xukuumadda Sheikh Shariif ay bixisay qayb ka mid ah dhulka Soomaaliya oo ay siisay Kenya, gaar ahaan badda Soomaaliya.

Waxa kale oo uu ka hadlay warqaddii Cumar C/rashiid loo saxiixay ee loo gudbiyey Qarammada Midoobay.

Cusmaan Axmed Sheikh waxa uu sheegay in loo baahan yahay in dadweynuhu ay muujiyaan wadaniyaddooda.

Cusmaan oo ka hadlayey sida ay ugu diyaar garoobayaan mudaharaad lagaga hor imanayo imaatinka waftiga Sheikh Shariif ee Minneapolis waxa uu yiri “annagu waa abaabulay dadkii aan isku fikirka ahayn, badaanaa dadka magaaladuna waxaan og-nahay in ay Shariifka ka hor imaanayaan, oo mudaharaad kagala hor imanayaan…”

osmanahmed

Cusmaan Axmed Sheikh

halkan ka soo rogo waraysiga

October 4, 2009 ayaa Sheikh Shariif waxa uu la hadli doonaa Soomaalida Minneapolis

Madaxweynaha DFKMG waxaa la filayaa Axadda October 4, 2009 in uu Jaamacadda Minnesota kula hadlo jaaliyadda Soomaaliyeed ee reer Minnesota, sida ku cad flier-ka hoose.

shriiif1

Cumar C/rashiid oo Qarammada Midoobay u Gudbiyey Waraaq Burinaysa Go’aankii Baarlamaanka, Kenyana u ogolaanaysa Badda Soomaaliya ee ay Cabiratay. Warqaddaas oo aan ilaa hadda xukuumadda DFKMG cadayn in uu Cumar Cabdirashiid ansixiyey iyo cidda uu u wakiishay haddii uu asagu ansixiyey… Akhri Halkan…

Sheikh Shariif oo Imanaya Maraykanka xilli ay dhici karto in UN ay Goaan ka Gaaraan heshiiskii Isfahamka ee Kenya-Somalia... Sheikh Shariif Soomaalida deggan Maraykaanka ma u sharxi doonaa sababta xukuumaddiisa ku kalliftay in heshiis aan wax dan ahi ugu jirin shacabka Soomaaliyeed ay la galaan Kenya… AKHRI...Sheikh Shariif oo Imanaya Maraykanka xilli ay dhici karto in UN ay Goaan ka Gaaraan heshiiskii Isfahamka ee Kenya-Somalia… Sheikh Shariif Soomaalida deggan Maraykaanka ma u sharxi doonaa sababta xukuumaddiisa ku kalliftay in heshiis aan wax dan ahi ugu jirin shacabka Soomaaliyeed ay la galaan Kenya… AKHRI…

Cilmibaaristii, warbixinadii, wararkii iyo maqaallada la xiriira badda Soomaaliya iyo heshiiskii is-faham Halkan ka akhri…

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

27 Jawaabood " Minneapolis iyo Sheikh Shariif… "

  1. zaki says:

    Waxaan kula talinlahaa walaalaha reer minneopolis in ku banaan baxaan murtadkaas magacooda ku qaraabanaya sunuud doonka ah.. runtii qofkasta oo soomali ah oo diin iyo wadaniyad kujirto uma baahna in loo sheego wuxuu kala hortagi lahaa murtadkaas. laakiin waxaa jirta kuwa qabyaaladi
    indha- dabooshay kuwaas ayaga ah oo ayagu taagan gaalkeena raacsanaay,

    kuwaas waxaa oranlahaa adeer kuwa hore oo aad daba socoteen oo diintoodii iyo dalkoodiiba gatay ma’iswaydiiseen meeshay hada jiraan?.aaway kii geedi lalahaa,aaway nuur-cade aaway oday c/laahi.aaway dagaal oogayaashii duligaas dhan markii lagu danaystaa latuuray kana mardhaw waa latuuri,qoryashaashii lookeensaday gaalo waa ufilinwaayo tabaraa udiiday isagoo diintiisii iyo badii soomaliya kaliya usuurta gashay inuu gato..

    diintiisa uu gatay aakharuu kawar-heli,,badana soomalibaa leh calooshooda ushaqaystayaal magadan karaan…insha’allaah way soo noqon doontaa..

  2. yonis says:

    War shariifka sidaan Virginia ugu soo dhawaynay iyo sika fiican halo soo dhaweeyo nimankinaan reer manesota ee isqarxinayaa fadlan shariifka haloo qaleeyo

  3. lasanod says:

    halagu mudaharado oo halagu jihaado maxa wacay wa danayste iyo daba dhilif oo shisheeye jecel dalkana geliyay dagaal aan laga soo kabsanaynin mida xigta ma ah madaxwayne sharciya waxuna ku tagrifalay hantidi wadanka ee rasmiga ahayd wa khayraadkibada iyo dhulkii oo uu gaday

  4. JAWAAB says:

    NIN SHARIIF KAROON KEEN HEEEEEEEEEEEEEE WAAADIGA UMADA MADFACA KULEEYNAA MARNA ADIGU ISKULEEYNAAYO BARI SHARIIF WAQTIGIISU HADII AWDHAMAADO MAXAAD XALA OOD UMADA UHAYSAA MISE WAA IGA HORWAREEG AAN XAARAAN TA ISKA CUNEEEEEEEEEEEEGURIGAAN AANAN KUDHIDIN IYO XOOLA AANAN LAHAYN AYAAN HAYSTAA IN LAIGA QAADANA MARABOXALKU WAA DOOWLAd laaan yaan laila xisaab tamin

  5. JAWAAB says:

    a,c walaalayaal alakabaqa wax walba hadii 222dinee aanwada tashano wada tashameeyno .aan kuutaliyo iitalimeeysid ,adigu iitaliwalaal kuutalimaayo aan kalatagno kalatagimeeyno hadalkaadu waasaas kan mudaaharaadayoow alakabaq.ac.w.w

  6. WALIYOW says:

    YAABKA YAABKIISA, WAR HEEDHE DUULYOHOW HABOWSANI, SHARIIFKA MARKII LAGU BANAANBOXO, C/LLAAHI YUUSUF LAGU BANAANBOXO, CEYDIID KU BANAANBAXDEEN, CALI MAHDI KU BANAAN BAXDEEN, SIYAAD BARRE KU BANAANBAXDEEN, HALKEE LA IDIIN WADAA.

    WAR ALLE KA CABSINA WAAD IS FARSAAN HADDANA WAX ALLE KA CABSADA UMA JEEDO, ILLAAHOW UMMADDAADAN MUSLINKA AH QULUUBTEEDA ISKU SOO DUM.

    WAXAAN HUBAA NINKAAN KOOFIDA SOO GASHTAY IN UUSAN ALLE KA ACBSI U GASHAN WALAALOOW WAXAAN KU LEEYAHAY WAX LA DIIDO UUN KALIYA HA U OLOLEYNINEE WAX LA DHISO U OLOLEEYA QABIILKA IYO QOLO QOLADANA ISKA DAAY.

  7. Akaaka Ukuuku says:

    Warkan waa uu hagaagsanyahay waa in lagu mudaaharaadaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaa!

  8. asc dhamaan.aniga ahaan waxaan qabaa ragaan ay wallashay tiri waxeey u dhinteen diin iyo dal oo aakhiro ayeey doorteen,allaahu yaclam oo illaahey ha ii danbi dhaafo laakiin makula tahay ragaan sheeganay ineey diinta alle u adeegayaan hadana maanta kismaanyo ku heshiin la, in ay diin difaacayaan ilama aha,sabab qofku haduu wanaag wado geed dheer iyo midgaaban ba wuu u u kori siduu wanaag u keeni lahaa laakiin ragaan alshabaab/xisbul islaam ilam aha in diin wadaan ee waa kursi iyo shillin doon sida sxbkood sheekh shariif,bari hadii loo dhiibo alshabaab kursiga waxaa dagaalamay sheekh shariif /xassan daahir oo leh gaalo ayaa loo dhiibay.marka waa in horta raga hadeey kacaan (mid diimeed ama mid shacabeed ba)wadaan ay isla meel dhigaa kadib markeey meesheey rabaan gaaran qofkii amiir ama leader noqolahaa ee maaha sidii usc da in la iska yaaco oo hadhoow mid walba uu yiraa anaa madaxweeyne noqonaya.marka wa in ay kow wax isku ofgartaan doortaana hal hogaamiye.

  9. soomaaliwakuma says:

    Madaxweyne sh shariif MPLS waa soo dhaweenaysaa waliba si diiran. wax mudaaharaad ah oo ku saleysan rabitaanka jaalyida minesota ma jiro, laakiin kuwa iyagu qilaafka shacabka ku caan baxay ayaa meelaha la taag taagan. laakiin uma babac dhigi doonaan duufaanta shacabka jaaliyida ee ay udiyaarisay soo dhaweynta madaexwaynaha.

  10. Maxamed Soomaali says:

    Sheekh Shariif wuxuu madaxweyne u yahay reer galbeedka maxaa umada Soomaaliyeed sanka looga gelinayaa dhiigyacab walba oo raba shacabka inuu xasuuqo , shacabka Soomaaliyeed waxaa laga rabaa inay kacaan oo iska qabtaan qolo walba oo qandaraas la soo siiyo. reer galbeedka waxay doonayaan in Soomaali la cirib tiro waa la ogaa markii ay C/laahi Yusuf soo siiyeen qandaraaska xasuuqa oo shacabka soomaaliyeed ka diideen inay is dhiibaan waa ay ka qaadeen qandaraaska C/laahi Yusuf waxay ku badaleen Shariifka si ay kacdoonka shacabka u yareeyaan yaan la idin sirin Soomaaliyeey iska qabta cadowga idinku soo duulay.

  11. mohamud kenya says:

    Walaashay maymuun waa sax waxay kahadlaysaa ummaddu arintaa weeye waxa looga baahanyahay iyo qofkastoo sidaa qaba waayo Somali waxaa kamaqan wixii guud siday ugu midoobi lahayd oo ah Dalka Soomaaliya yaa leh maqaran mise qabiil maxaase kadhexeeya soomaalida oo ay wada ilaashan karaan wada asturan karaan sida qofka marka maradu kadhacdo uu isu asturo maxaa inaga dhexeeya taas qof kastow bal horta iswaydii intaadan cidna taageerin waad mahadsantihiin

  12. a/c walalay khilaafku waa mida aan mela uqabsan la nahay oo nakala googooyey allena halaga cabsado oo ogada in un malin gabri mugdiya lagu geen oo aad un latagi xagaa camalka ad adunka kashaqesatey wana fursad ee halaga faideysto hehel waa saa hebel waa saa iska daya oo noqda dad muslinimada kadhab tahay intaa waa garsiin cidii qaadata falakilaahil xamdi cidididana alle hatuso hanuunka amin amin amin www

  13. zubeyda says:

    waa runta–ninka dalxiis lee xiiso uqabay labada sano aduunka dhan soo mar weeye shekadiisa– shriifka itaqi allah ragan aad cadwga uga yereeyso waa ragii axamaro wadanka kasaray wa ragii adigu markaad aduunka dooratay ayagu akhro doortay qarna ku dhinteen difaca diinta qarna sugayaan maxad tahay adiga waxba – diinta dad difaco weeysimeymo-adiga iyo mujrimiintii shalay isbarada dadka u dhiganyey eeee manta dawlada kulah waa ladinka guuleysan insha allah

  14. lul ahmed says:

    asalamu caleekum
    walaalayaal ninkasta oo madax noqda wax ba ma sameyn karo. maxaa yeeley soomaaliya waxaa laga xukumaa maraykan sidaa daradeed, mid walbaa oo qayr laga filaaba waxaa ku imaanaya wax uusan filaynan. marka miskiinka hala yaabina isagaa yaabane. waa in yar inta isaga la diri doono sidii kiwii ka horeeyay oo kele. balse hala dhagaysiiyo cajaladihii uu duubi jiray inta uu maxkamadaha u jiray.
    yaana la dhibaateynin ileen madaxweyne kele hada ma lihinee.

  15. Macruuf says:

    Asc,
    Saaxiibkay Osman Axmed Sheekh maaha nin karaama leh ama credibility. Shalay buu u ordayay taageerada dawladdii C/Lahi Yusuf oo quraanka ku furayay xafladda markii boos kale oo uu ciriirsado ka waayay. Anigu Shariifka iyo dawladdiisa lama dhacsani laakiin waxaan u arkaa dawladda Shariifka tii C/Lahi Yusuf oo koofiyad loo galiyay. Maadaama aan tii C/Lahi taageersanaa tana waa taageersanahay oo sabab aan ku diido uma jeedo. Labadaba waxaan ku taageersanahay bal inay ummadda dhan un u jiheeyaan dhibaatadaan dabada dheeraatayna soo afjaraan intii karaankooda oo ay ummadda gaarsiiyaan meel ay iyagu aayahooda kaga tashan karaan.
    Waxaan layaabanahay qolada dawladdii C/Lahi diidanayd oo hadda Shariifka u sacaba tumaysa iyo qolada tii C/Lahi taageersanayd oo raba inay Shariik-ka ku mudaharaadaan. Labadaba waxaan leeyahay mabda’a ma lihidin cuqdad iyo qurun baana idinka buuxa ee is waansada, isku xishooda, wanaagana ka shaqeeya.

    Mahadsanidiin

  16. umma says:

    asc
    waxay aniga ila tahy hadaan soomaali nahay in aan joojino eedaynta badan iyo dhacaynta. shariifka malaa’ig maha waa bilaa’aadam. suaasha hada meesha taa waa ninkan asaga ayaa maamulka haya sidee baa loola xisaabtamaa, marka aniga waxa ay ila tahay intii aan jidadka taagnaan laheen wax aan hormar keenan, ee waqtiga galino wax bulshada soomaali waxtar u ah haday tahay wadanka dibadiidsa ama gudahiisa. waxaa kaloo aan dhihi lahaa ninkan mudaharaadka diyaarinaya maxuu hada ka hor uga hadli waayay, madaxda putland oo ayagaba wadanka galay qaldo badan. taariikhda waa qoran tahay marka waxaa dhihi lahaa nikan taariikhda madaxda putland gadaal u fiiri ilaa ayaga qiyaamo qaran baygaysteena.calaa ku li xaal aad ugu xumahay in soomalida waxa ay ka shidaal qaadato qabiil iyo siyaasad ku fadhisa reer hebal.

  17. May muum Aadam says:

    assalama alaykum Wr Wb.

    soomaali ha noolaato inta QABIILKA IYO CUQDADDU DISHAY ALLAHA soo hanuuniyo ,, hadaan Alle hanuun u Qorina ummada haka Qabto aamiin (qof kastow hadaad is hubto aamiin dheh).

    walaalha soomalitalk midbaan lee yahey :

    Qalinku waa wax aad xukunto inta aadan bulshadda usoo bandhigan waxa kaa dhex guuxaya ,, balse hadaad soo dhex dhigto bulshadda ,, waxa uu hadalkaagi noqan karaa SUN ama MALAB ,,

    Haddaba waxaan MAGACA ALLE DARTII idinku waydniinayaa oo ,, khiyaamaha maalin aan cidna wax QARIN karin karin la idin su aali doonaa …

    MA WAX BAAD DHISAY-SAAN MISE WAX BAAD DUMINAYSAAN

    ( maxaa idin kulmiyey ,,, adinka iyo OSMAN SHEIK oo aad rabtaan in aad BERI ummada u sheegtan ” osman sow ninkii MASJIDKA HALA XIRO LAHAA MAHAA ,, WAXAA LAGA DIRAY CARUURTII SOOMALIA AADAY E”……

    RUNTAA REERKA U ROON ( Ma idin la tahey in dhibic MALAB ah oo aad DAAWO ahan ummada usiin kartaan in aad SUN ugga dhigteen) ,, dhamaanteen sharifka iyo colkiisa wax baanu ku khilaafsanahey balse ,, OSMAN sheik iyo adinku in aad isku DHUFAYS ku jirtaan ,, MA FAHMIN?

    BULSHADA soomaliyeed waxaan lee yahey 3 amuurood:

    walaalayal ,, Rag biyo hoostood iska laadaya yeysan na dan seejin “sharifkii cidii soo dhawynasaa soo dhawee ,, tii ku mudaharadysaa adiguna samee laakiin waa in ” MAB’DA’A ay amuurtu kaa tahey NOT reer HEBAL IYO URUR HEBAL (salafiyo iyo ikhwaanul muslimiin ),, walaahi baan idiinku dharanayaa sheekadu SHARIF maaha.

    walaalayaal ragga soomaaliyeedow ,, hadaad qofka kala fikir noqotan ,, ama aad kala aragti duwanaataan ,, is colaadintu maaha xal qofku waa in uu MAB’DA KA DUULO.

    walaalyaal ,, SHARIF KU WUU TAGI ,,AMA TUUG DHUL GATEY MA TAAJIR XOOLO DHACAY WAXA UU AHADABA ,, QOF WALBOW ISKU LAABO ,, MAXAAD UGGA DUWAN TAHEY KAN KALE ” MAB’AAGU MUXUU YAHAY ”

    waad mahadsantihiin ,,
    Maymuun Adam
    Ohio

  18. ahmed says:

    ninkaan isagu ku haya soomalinimaa looga soo horjeesana shariifka oo bad buu gatay ku haayo isga sow mareykan ma aha?yuu u sheegayaa soomalinimo ?qabyaald iyo qilaaf uunbuu ku dhiman calooshiisana ka buuxda ha waddo cuqdadiisa iyo fekerkiisa ..qabyaald ka muuqata halkaas waa reer puntland uunbaa ka buuxa miniapolis waana ka badan nahay kuwa kale nuxurkiisa waa intaas..aniga soomaali ah uu ku dhahayaa..war hooy isku xishoo waalidiinta caruurta ka tegay mareykanka ee tegey xamar si ay u dagaalaan uu isticmaalayaa ooo wergeysyada kula ordeyaa iyo shoping mall aan madax u ahay..welee xumaantaas ayaa laga dhahaa..

  19. ahmed says:

    SCCWWB
    Ceeb allaha asturo Hadaad ma qasho Ceebi ma astura. war qabiil iska daayo ilaah baan idinku dhaarsheee.
    Shareecada islaamkiyo Ninkii diinta sheegaayay, Sharaxaad quraan iyo ninkii shiinka tabinaayay, shanta waqti cibaadad ninkii nagu shallaadaayay, Shiikhii magaalada dadaw sharaftidii beelyay.
    war shariif taariikhduu naga dilay bal fiiri:
    Golaha loo dhanyahay markuu ka hadlaayay xitaa Maraeykanka uu ka daba nashlaynaayo hal second kama soo saarin muuqlkiisa CNN ta, kow dheh, Golaha markuu tagnaa Kuraasi buu la hadlayee Cid dhagaysanaysay ma jirin oo eeg sawirada.
    Hub iyo ciidan iyo cunaqabatayn ha layga qaado waxaan ahayn lama soo shirtagi.

    MAA ASHABAHA LAYLA BIL BAARIX- war Cabdulaahi muxuu ka duwanyahay, Cabdulaahi dalka ma hibayn. Mesoufi, wasiikii debadaa ee ethiopianka baa siduu kafiil naga yahay ku baayactamaaya somaliya. Eeg xitaa sacuudiga markuu jiray MUSAVEENI baa u raacay oo lacag AMISOM loogu barya tagay.

    Taariikhda dib u Eega ” Shariif addun sumcad kuma laha Aakhiradiisiina wuu gatay ” Walaahi waxuu fuliyay waxaa ugu xun Islaamkii buu magac islaam kula dagaalamy ‘ oo uu qanciyay Yuhuud .
    Waligeed ma la maqlay Yuhuud oranaysa Somaliya iyo Xukuumadda shariif ha la taageero. Liberman baa ka yiri Kampala maruu joogay.
    war Muduloodaw, hanoqonina Qawmu Fircoon uu ilaah yiri FA ADHAACUUHU INAHUM KAANUU QAWMAN FAASIQIINA.

    Dadka halkaas joogow ku Mudaaharaada oo ka horimaada oo xitaa ka joojiya inuu idin soo horistaago.Ninkii soo dhaweeyaa ha ogaado inuu ilaah hortiisa la tagi doono dambi uu qabiilnimo ugu taageeray Tuugo dalkoodii dhacday, Diintoodii iibsaday.
    KUUNUU MACAL XAQ XAYTHU KUNTUM WALAAHU MACAAKUM.

  20. Maxamed Soomaali says:

    Sheekh Shariif iyo xulafadiisa dalxiis ayay ka dhamaan la’yihiin waa yaab ragan madaxda isku sheegaya maxay umada soomaaliyeed u qabteen ma iswaydiiseen.

  21. wardhere says:

    dadka ka soo horjedo sharifka maxay rabaan aniga waan layabanahy somalida waxay rabaan waan soo dhaweyneynaa sharifka riverside way soo dhoweyneysaa wuu iska hadely ayaan aminsanahay ninka layirado osman

  22. Jamal Ali says:

    Asc.wr.wb..walaalayaal..dowlad somaliyeed oo manta ka shaqeyneysa..Somalia majirto…mantana shacabkii wuxuu u ooman yahay Dowlad dhaqaaleysa oo Dib u soo celisa sharfta iyo Dagaanta ummad somaliyeed ee la xasuuqa..sidaa Darteed waa inaan Toosinaa Dowlad oo badalnaa sarnana mid dhaanta dowladaan..insha allah..Soo dhaweenta uu ku tagay new yourk sheikh shariif sheikh Axmed waxay tussalle la mid ah Midee C qaasim ,,markaa waa in loo badhigaa isga ayaa ah manta madaxweyni somaliyeed..inuu qabto..dib u hashiiseen cusub oo u soo bandhige doono..cululmada iyo wax garadka somaliyeed ee ku sugan wadankee..kuwanaga jooga dibada ee loo yaqaan Dispore..waa iney ka Qeyb qaataan wadahadaladaas..sidaas ayaan ku nijaaxi doon haduu eebo idmo…wabilaahitowfiq..asc.wr.wb

  23. Jamal Ali says:

    jazkl.kheer..sida wanaagsan ee nogu soo bandhigtiin iyo Horumarinta Diinta islamka…baraklaahfikum

  24. sallaama caleeykum dhamaan ,bacdu sallaan waxan ka oran laha waa waajib in lagu mudaaharaado oo waliba aduunka la tuso in ay ragan shacabka ay sheeganayaan in madax u yihiin dibad iyo gudo ba alaga taageersaneeyn,anigoo ka fayoow qabiilka waxaan oran lahaa wallalheey inta qabiilka jecel waxaan aheeyn dadkii caleemaha iyo calamada lulay markii jabuuti lagu xilsaaray sheekh shariif laakiin wauxuu noogu badalay xabad iyo qiyaamo qaran oo cad oo been ahayn lahayana cadeenteedii marka waa mukhadas in laga hortagaa lana ogaysiiyaa in aan ognahay taariikhduna dhigi doonto waxa ay dowlada uu amiirka ka yahay ku kacday,
    wabilaahi towfiiq.

  25. mahamed says:

    waxaa wax lala yaaba ah in laba shariif lagu abaal mariyo dadkii ay xasuuqeyn iyo dalkii ay gateyn iyo magac xumada ay badeyn shacabkii somaaliyeed kuwa soo dhaweynaya ma jagooyin ayey ka rabaan mise qabiil iyo qaraaba-nimo ayaa riixaysa mise waxeysan ka war hayn danbiga ay ka galeyn shacabka somaaliyeed ee ku nool gudaha dalka iyo dibadiisam waxaa nasiib daro ah in somalidii la rabay in ay la xisaabtamaan laba shariif ay guulwade yaal noqdaan ayaga oo jooga meel ay xuriyad ku haystaan.
    Mahamed, Mogadishu

  26. AbuGaalaeri says:

    ASC.

    Waxaan marka hore bogaadin u dirayaa madaxa R.Platza C. Axmed Sheekh howsha uu isu xilsaaray oo lagu tilmaami karo mid waajib muqaddas ah in laga dagaallamaana ay waajib tahay.

    Marka 2aad, waxan Bulsha weynta Soomaaliyeed ee carrigaas ku nool ku guubaabinayna in ay ka hortagaan in dadka dambiilayaal iyo khaa’imiin qaran halyeeyo loogu sawiro.

    Waxaan ugu dambayntii uga digeynaa kuwa iyaga qabiilka iyo qabyaaladdu ay miyir tireen in aysan ku kadsoomin kuna sirmin doontan sii dageysa ee uu naaquudaha ka yahay wiilkna waashay ee Shariif.

    Waan idin la jirnaa walow aan idin ka fog nahay, laakiin quluubtayadu way idiin dhowdahay.
    kuunuu macal xaq xaythu kuntum, kaana Allaahu macakum.

  27. mohamed says:

    Anigu waxaan layaabanahay ninka Shariifka ku casumaya in uu yimaado Minneapolis, manin xoogaa lacag ah reer gaar ah ka urursadaybaa, mise waa qof dhibka soomaaliyeed jecel oo raba in uu sii socdo dhibka iyo jabka umada iyo boobka dalka soomaaliyeed. Hadaba Shariif reer iyo daltoona dhib maahee dheef umahayo. Soo dhoweyn haduu rabo Boosaaso iyo Gaalkacayo hatago iyaga ayuu madaxweeune u yahay uma aha nin jinsiyada maraykan haysta, kukelifimaayo in uu tago jawhar oo ay joogaan ragii uu balanta kagabaxay una sheegimayno balanbaxo waxa uu yahay. Reer minneapolis Khrajka burcada aad siineeysaan u dira maatada iyo masaakiinta joogta soomaaliya, walee nin aan camalkiisu meelmarin reer wax mataro.أللهم إهدى قومى إنهم لآ يعلمون
    Maxamed