Home » Warar »

Dagaalo lagu naafeeyey ciidamada gumaysiga Itoobiya oo saldhigyadooda lagu weeraray.

Barnaamijkii Radio Xoriyo  
07 September 2009.
 
Kulan balaadhan oo ku dhexmaray xarunta jaaliyada Denmark dhalinyaro u dhaqdhaqaaqda sidii ay caalamka ugu soo bandhigi lahaayeen tacadiga gumaysigu u gaysto dadka rayidka ah  iyo shacabka ogadenya ee kunool wadanka Denmark
 
Dagaalo lagu naafeeyey ciidamada gumaysiga Itoobiya oo saldhigyadooda lagu weeraray. 
 
Ciidanka gumaysiga Itoobiya oo waxyeelooyin kala duwan gaadhsiiyey dad shacab ah.
 
Ururka ka hortaga dambiyada dagaalka oo ku eedeeyey Males inuu dambiyo dagaal ka galay Ogadenya.
 
Waraysigii dhibane Xaashi Dhicis qaybtii 2aad oo kaga warbixinayo ciidamada qalabka sida iyo dagaalo uu goob joog u ahaa(Maqal).
 
======================      
 
  
Dagaalo lagu naafeeyey ciidamada gumaysiga Itoobiya oo saldhigyadooda lagu weeraray. 
 
Ciidamada qalabka sida ee xoreynta ogadenya  weerar ku qaaday kolonyo baabuur oo ay wateen ciidamada gumaysiga Itoobiya meesha la yidhaahdo Iriir oo ka tirsan gobolka Jarar 30-08-09.
Weerarkaas ayaa ciidamada cadowga lagaga gubay laba Uuraal oo kamid ahaa gaadiidkii ay wateen,waxaana halkaas ku basbeelay labadaas Uuraal iyo ciidan iyo qalab ahaa ee saarraa. Tirada askarta ah ee saarayd baabuurtaas la gubay ayaan faahfaahin rasmi ah weli laga haynin.
 
31-08-09 Meesha la yidhaahdo Dalahelay oo ka tirsan gobolka Nogob dagaal ka dhacay waxaa ciidamada gumaysiga itoobiya lagaga dilay 2 wayaane waxaana lagaga dhaawacay 4 kale.
 
101-09-09 Dikhsiile oo ka tirsan Degmada Baabili  dagaal ku dhex maray ciidamada xoreynta ogadenya iyo kuwa gumaysiga ayaa ciidamada cadowga lagaga dilay 4 askari waxaana lagaga dhaawacay 2 kale.
 
02-09-09 Deegaanka Faraaqiyaha oo ka tirsan gobolka Doollo dagaal ay ciidamada xoreynta ogadenya ku qaadeen kuwa gumaysiga itoobiya ayay kaga dileen 4 askari waxayna kaga dhaawaceen 6 kale.
 
Tuulada Xudur-Ayle ee gobolka Qoraxay labo weerar gaadmo ah oo ay ciidamada geesiyiinta ah ee xoreynta ogadenya ku qaadeen ciidan gumaysiga oo halkaasi ku sugnaa 02-09-09 ayay kaga dileen 2 wayaane halka ay 4 kalana kaga dhaawaceen.
 
03-09-09 Harcad oo ka tirsan Degmada Baabili  dagaal ka dhacay waxaa ciidamada cadowga Itoobiya lagaga dilay 4 askari halka 8 kalana lagaga dhaawacay.
 
04-09-09 ciidamada sooma jeestayaasha xoreynta ogadenya ayaa weerar ku qaaday xili habeen saldhiga ay ciidamada wayaanuhu ku lee yihiin degmada Dhanaan ee gobolka Shabeele ,weerarkaas mirta ayaa khasaare balaadhan oo laga dareemay magaalada loogu gaystay ciidamada cadowga balse aan faahfaahin rasmi laga haynin.
 
Isla 04-09-09 Tuulada shiniile oo ka tirsan Degmada Dhanaan  waxaa lagu miray ciidan gumaysi oo tuuladaasi ku sugnaa waxaana lagaga dilay halkaas 2 askari halka 3 kalana lagaga dhaawacay. 
 
Ciidanka gumaysiga Itoobiya oo waxyeelooyin kala duwan gaadhsiiyey dad shacab ah.
 
Waxyeelooyinka kala duwan ee ay ciidamada wayaanuhu u gaystaan dadka rayidka ah ayaa maalin walba sii siyaadayada kadib marka ciidamada wayaanaha lgu jabiyo goobaha dagaalka ee ay iskaga hor yimaadaan ciidamada qalabka sida ee xoreynta ogadenya: 
 
Ciidamada gumaysiga Itoobiya ayaa ku ndilay tuulada Yucub ee gobolka Doollo alle ha unaxariistee Sheekh Maxamed Cabdi
 
29-08-09 Tuulada Labileey oo katirsan  Birqod  waxay ciidamada guamysiga itoobiya jidh-dil ba,an ugu gaysteen:
 
1-Aaden Maxamed Macalin
2-Cabdullahi Siyaad Faarax
3-Maxamed  Cabdi Yuusuf
4-Furre Xuseen Cali
 
ciidamada gumaysiga itoobiya ayaa kufsi ugu gaystay Magaalada Iimay-da Bari iyo tuulada Ceel-Ogaadeen 3 dumar ah oo kala ah:
1-Shukri Cabdiraxmaan Maxamed
 
1-Xiis Maxamuud Aaden
2-Nimco Cabdi Ladane
3-Xamdi Maxamuud Rabaax
 
31-08-09 Ceel-Ogaden oo ka tirsan gobolka Qoraxay waxay ciidamada wayaanuhu ku xidheen
 
28-08-09 Massaaro oo ka tirsan gobolka Doollo  waxay ciidamada gumaysiga itoobiya ee dilka iyo laynta u jooga ogadenya ku dileen Alle haunaxariistee Rigaax Adeec Qaraf.
 
29-08-09 Deegaanka Leedileey ee gobolka Jarar waxay ciidamada cabudhisku si xun ugu jidh-dileen :
 
1- Bashir Cabdi Dhagoole
2- Fadumo Macalim Maxamed
3- Nasteex Ikhyaar
 
01-09-09 Qoriile oo ka tirsan gobolka Doollo waxay ciidamada gumaysiga itoobiya ka dhaceen Dahabo Axmed Dheel 3 neef oo adhi ah.
 
02-09-09 Ciidamada gumaysiga Itoobiya ayaa  siday dhagax ula dhacayeen nafta kaga qaaday deegaanka Gardiime oo ka tirsan Degmada Baabili  Alle ha unaxariistee  Axmed Maxamed Mahad.
 
Isla  02-09-09 Leedibuur oo ka tirsan gobolka Jarar waxay ciidamada wayaanuhu jidh-dil ba,an iyo dhac ugu gaysteen
 
1-Kaafi Sheikh Cabdi oo ay ka dhaceen adhi badan oo aanaan tiradiisa rasmiga ah weli helin.
 
2-Axmed Muxumed  oo isna sidoo kale ay ka dhaceen Adhi aanana tiro rasmi ahw eli ka helin.
 
 
Kulan balaadhan oo ku dhexmaray xarunta jaaliyada Denmark shacabka ogadenya ee kunool wadanka Denmark iyo dhalinyaro u dhaqdhaqaaqda sidii ay caalamka ugu soo bandhigi lahaayeen tacadiga gumaysigu u gaysto dadka rayidka ah  .
 
 
Xalay fiidkii 06 September 2009  ayuu kulan balaadhan ku dhex maray xarunta jaaliyada Denmark shacabka S/Ogadenya ee wadanka Denmark iyo  dhalinyaro u dhaqdhaqaada sidii ay caalamka ugu soo bandhigi lahayaeen tacadiya kala duwan ee ay ciidamada  gumaysiga itoobiya ee argagaxa ku caan baxay  ugaystaan dadka rayidka ah ee ogadenya si wax looga qabto.
 
Kulankan  oo ay kasoo qayb galeen dad aad u tiro badan ayay dhalinyaradu kusoo bandhigeen  qayb yar oo kamid ah filmka(Silent Cry = Oohin Qarsoon) oo xambaarsan  dhibaatooyinka kala duwan ee ay shacabka ogadenya kala kulmaan ciidamada gumaysiga itoobiya sida,jidh-dilka daldalaada,kufsiga iyo barakicinta oo ay dhawaan kaoso duubeen xeryaha qaxootiga ee degmada Dhadhaab ee wadanka Kenya.
 
Dhalinyarada ayaa habeenkii Axada ahaa sidoo kale midkan mid lamid ah kusoo qabtay magaalada Oslo ee wadanka Norway,dadkii kasoo qayb galay kulankaas ayaa aad uga argagaxay dhibatooyyinka iyo dayaca ka muuqday dhibanayahsaas kasoo barakacay ogadenya.
 
Waxaa sidoo kale shirka khadka telefonka kaga soo qayb galay gudoomiyaha jwxo Adm.Maxamed Cumar Cismaan oo  halkaas kasoo jeediyey warbixin balaadhan oo ku qotontay xaaladaha dalka iyo dadka iyo halka uu marayo halganku,wuxuu sidoo kale gudoomiyuhu bogaadin usoo jeediyey  dhalinyaradaas isu xilsaartay u istaaga shacabkooda dulman iyo jaaliyada ogadenya ee dibadaha wuxuuna kula dardaarmay inay halkaas kasii laban laabaan dadaalkooda.
Flimka xalay lagu daawday qayb yar oo kamid ah xarunta jaaliyada Denmark ayaa si buuxda logu daawan doonaa wadanka Denmark 02-10-09,isla markaana  ay dhalinyaradu soo bandhigi doonaan bandhig faneed maalinta sabtida ah ee 03 October 2009. 
  
Ururka ka hortaga dambiyada dagaalka oo ku eedeeyey Males inuu dambiyo dagaal ka galay Ogadenya. 
 
Warbixin cusub oo ay bishan September  soo saartay hay,ada   Internationaly Crises Group ayay shaaca kaga qaaday in xukuumada EPRDF ee uu hogaamiyo Meles ay go,aan rasmi ah ku gaadhay   in ay go,doomiso shacbiga reer Ogadenia,kadib markay shir khaas ah kuyesheen bishii April 2007 magaalada Harar Meles Zinawi, Abay Tsehay,Samora Yunis iyo ninka haysta ciidanka Harar
 
Warbixntan oo aad u dherayd ayaa waxaay sheegtay in arinta ay oogu wacantahay kadib markii Itoobiya ay ku guul daraysatay in ay soo afjarto dagaalka ay kula jirto Jabhaada ONLF.
Waxaa kale oo ay warbixintu sheegtay in ciidamada Itoobiya ay dadka kula kaceen dhibaatooyin kadhan ah xuquuqda bini, admiga iyo in cuntada caawimaada ah loo adeegsado arimaha dagaalka.
 
Hay,dda ka hortaga dambiyada dagaalka ayaa shaaca ka qaaday inay tahay in maxkamada dambiyada dagaalka lasoo saaro raisul wasaaraha itoobiya iyo qaar kamid ah madaxda ururka EPRDF.
 
 
 
 
Radio Xoriyo 
 
07 September 2009
 
Cabdinuur Sh. Maxamed
 
Radioxorio@radioxoriyo.com
Raadioxoriyo@yahoo.com
 
Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadaha 16 MB iyo 19 MB, iyo internetka Radioxoriyo.com,Ogaden.com  Habeenada Talaadada & Sabtida  20:00PM – 20:30  waqtiga

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

3 Jawaabood " Dagaalo lagu naafeeyey ciidamada gumaysiga Itoobiya oo saldhigyadooda lagu weeraray. "

  1. Maxamed Soomaali says:

    Walaalaheyn ONLF waxaan u rajaynayaa guul.

  2. cabdi xanaan y mubarak says:

    asaalamu caleeykum qofkasta o muslimah
    walaal waxaan u mahad cilinyaa dalinyarada isu xilqaantay dadkooda iyo dalkooda intaas kadib su aal waydiinyaa dhamaan dadaka ay quseeyso arinta ogaden state walaal dadka ma waxaa laynaya reer galbeed mise axmaaro,mase waxaan udacwoonaa midka amarkiisa lagugu xasuqayo ma waxaan xornimo karadinaa ka in gumaeeysaya waxa xuquuqda aad leedahay kaa hortaagan wakan aad u dacwoonayso ee malin walba filinka iyo tacatiyada ay geesteen wayaanaha aad tusayso waxa lagugu samaeeynayo waa waxa ay raali kayihiin dhaan reer galbeedka aad u sheegayso maalin walba waxa laguu dilayo waa mabda islaamka ee haysto maxaad u muujiwaydeen in islaamka lagu dagaalamo waxaan sugayaa jaawab qof walba oo quseeyso afeef waxaan u baahanahay qof aan jubaysnayan oo haya cali saliim ah oo lagu qanici karo waxaad iigu soo hajinkartaan e,mail kaygu wwa kan kor ku xusan

  3. BMW says:

    ethiopia way burburaysaa waqti aan fogayn inshalaah waxaana rajaynayaa inad jaaniskaa ka faaiidaysataan ilaahayna waxaan idiinka baryaynaa xoriyad iyo guul.dil kufsi, jirdil macaluul wax kasta oo dhiba waa in lafishaa waaayo waxaad la dagaalamaysaan cadow gaal ah oo gaalo oo dhana taageerayso ONLF way inay awooda saarto sidii ay taageero buuxda uga heli lahayd dunida muslimka
    jaaliyada ogaadeeniya waxaan idinkula talinayaa dalkiina u hura naf iyo maalba waad xoraybaysaan inshalaahu markay sahaydu meelay u marto waayaaan iyagaa iska carari doona inshalaahu wayaanuhu jidgooyada iyo M u badiya markay isu gudbi waayaan siday yeeli anigu waxaan aaminsanaahy inaad xoraybaysaan inshaalhu waana idiiin soo ducaynayaa shacabka ogaden ama somali galbeed