Home » Warar »

Dowladda Federaalka oo Difaacday Soogalida Ciidamada Itoobiya ee Hiiraan

Dowladda Federaalka oo soo Dhaweysey soo gelitaanka Ciidamada Itoobiya ee Gobolka Hiiraan

Prof. C/raxmaan Xaaji Aadan Ibbi oo ah Raiisul Wasaare Ku xigeen ahna Wasiirka Kalluumeysiga Dowladda Federaalka ayaa si weyn u difaacay ama soo dhaweeyey talaabaddii ay Ciidamada Itoobiya ku soo galeen Magaalada Baladweyne ee Gobolka Hiiraan.

C/raxmaan Ibbi ayaa tilmaamay in Dowladda Federaalka la socoto soo gelitaanka ciidamada Itoobiya ee Hiiraan isla markaana ay halkaasi u soo gaareen sidii ay gacan u siin lahaayeen Dowladda Federaalka oo dagaal kula jirta xoogga ka soo horjeeda.

C/raxmaan ayaa ka gaabsaday haddii ciidamada Itoobiya dowladdii ka sii garab siin doono qabsashada gobolo kale oo haatan ay gacanta ku hayaan kooxaha mucaaradka ah, waxa uuna sheegay in ciidamada Dowladda ay awood leeyihiin isl amarkaana ay gacanta ku dhigi karaan goobo badan.

Ciidamada Itoobiya dhibaatooyin ka gaystay Magaalada Baladweyne, waxa uuna C/raxmaan Ibbi sheegay in arrintaasi ku timid isfaham daro isla markaana ay u saareen guddi soo baara

Fadlan Daawo/Akhri Qoraalkan iyo xusuustan laga hayo Proff. Ibbi intuusan Wasiirka noqon

Taariikh Xusid mudan: Prof. Ibbi (2007) vs Prof. Ibbi (2009)
(22 Jun 2009 … (Qoraalkani waxa uu qayb ka ahaa warbixin dheer oo SomaliTalk 2007 ka qortay booqasho Ibbi iyo xubno ka tirsanaa Isbahaysigii casmara ay ku yimaadeed Maraykanka)

Dhinaca kale Warar lagu kalsoon yahay ayaa waxay sheegayaan in saakay qaybo ka mid ah cutubyada Ciidamada Itoobiya ee dhawaan soo galay gudaha Magaalada Baladweyne ay faaruqiyeen xaafado ka mid ah Baladweyne.

Goob joogayaal ayaa sheegaya in ay arkayeen ciidamada Itoobiya oo wata gaadiidka dagaalka oo isaga baxaya Xaafadaha Magaalada Baladweyne, inkastoo aan si rasmi ah shaaca looga qaadin goorta ay ka wada baxayaan magaalada Baladweyne.

Ciidamada Itoobiya ayaa kal hor ka soo gudbay Xadka iyo gobolka Hiiraan la wadaago dhulka ismaaulka Soomaalida ee Itoobiya, waxayna maalmilihii ugu dambeeyey isku fidyeen xaafado ka tirsan Magaalada Baladweyne gaar ahaan Xaafadda Hawl-Wadaag oo ay ku sugnaayeen xoogga ka soo horjeeda Dowladda Federaalka oo iyagu markii dambe halkaasi isaga baxay si nabad ah.

Goobihii ay faaruqiyeen Ciidamada Itoobiya ayaa lagu soo waramayaa in ay ku sugan yihiin ciidamada Dowladda Federaalka, iyadoo kooxaha ka soo horjeeda Dowladdana ku sugan yihiin Duleedka Magaalada Baladweyne.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com.

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

13 Jawaabood " Dowladda Federaalka oo Difaacday Soogalida Ciidamada Itoobiya ee Hiiraan "

  1. jaaaleyaal dhamaan nin walboow iyo gabar waliba oo sopomaali ku abtirsata waxaa ku saaran xil kaana saaran dalka iyo dadka ,waa in aad isxilkhaano coz waxaa wadankii ku haray waa dad waalan oo miyir khabin oo alle ka bakhin marka yaan hadal heeyn sanad walba yuu sanad noo dhiibin ee aan anaga goaanka gacantayada ku khaadano hana is dhihin aniga qof kaliya ayaan ahay ee see wax u khabataa xulufo ayaad ka sameeyn kartaa meel walba oo joogtid iyo dhaqdhaqaaq yaa ragaan maanta soomaaliya ka digdigleeya doortay oo xukun u dhiibtay ayaga istaagay oo yiri saan baan khabnaa oo qori khaatan marrka anaga waa in aan buugaag iyo file weeyn u khadanaa .marka callaa kuli xaal aan is xilkhaano lana abuuro dhaqdhaqaayo wadani ah koleey kuwa uunbaa ka kobci.KACAAN CUSUB ,WAA CUSUB.INTA XALLAASHA AH

  2. Ali Husen says:

    Asc,salaan kadib.
    Shalay markaan Mucaaradka ahaa Itoobiya waa laga soo horjeeday Maanta oo Madaxwayne la yahayna dabada ayaa loo ruxayaa Itoobiya oo la leeyahay soo dhawaw, taasi waxay muujinaysaa in ragga hadda Muqdisho jooga ee dawlad isku sheega ah ay yihiin dad khiyaanoolayaal ah oo umadda dhibaato ku haya, Itoobiya markii ay dawladii hore soo galisay waxa Shariifyo ka yeeray waa la ogaa, maanta oo ay joogaana meeshana way u yeerteen taasi maxay muujin.

    Labada Shariif Umadda Koonfureed waxa ku dhacay ee dhib ah iyaga ayaa la waydiin waana in Maxkamad loo diyaarshaa, Shalay markuu Jawhar qabsanay {2006) waxa uu yiri jihaad ayaan ku jirnaa Allahu Akibar markii dawlada ay la dagaalamayeena Waxa uu Shariif ku baaqey Jihaad isagoo naftooda diley dhalinyaradii Schoolada Xamar iyo meelo kale.

    Ninkii maalintaas Al-shabab ka darnaa oo Itoobiyaanka la dagaalamayay ayaa maantana soo galinaya, Waxkasta haday soo ifbaxeen Shariifku inuu yahay Jaajuus waa la ogyahay shalayna American ayaa ka qaadey Xuduuda Kenya oo geeyay Asmara maantana isagaa wada oo yiri IToobiya u yeero.

    HANOO SHEEGIN SHARIIFOW DIBINDAABYADA AAD WADO<Soomaaliyaad Arkaay}.

    Waa isagii ku bilaabay IIBSIGA BADDA SOOMAALIYA ,wax walba wuu iibsan laakiin waanu la dagaalami doonaa isgaa iyo waxa la socda ilaahay idankii

  3. horta waa wax aad u yaqyaqsi badan , waxa uu ku hadlayoh ibbi , khaladku maahan ciidamada itoobiyoo dalka soo galay , ee khaladu wuxuu ku jira nin bila ka hor nacnacdiisa aan ka aamusi waynay , oo itoobiyaanka caayayay maantanah wuxuu ninkii hore ku haystay ku hadlayah , ((illow badanaa ma umul baa)) . xattaa waa la afeeftaayeh , hadii uu oran lahaa waagii hore jaahil baan ahaayoo waan ku khaldamay c/llaahi yuusuf waa gar , waxba waxbay dhaamaane.

    laakiin waxaa xusid mudan in dhamaan waxyaalaha soomaaliya ka dhacayah , ama xabashiyi ha soo gasho , ama amisom ha joogto , ama maraykan iyo balo kaleba ha soo gashee masuuliyaddeeda waxaa iska leh kooxahaan mufsidiinta ah ee alshabaab iyo xisbul islaam nimanka la baxay ((islaamku waa ka bariyeh))

    khaladaadkii horoo dhacaynah waxaa masuul ka ahaa maxaakiimta nimankii la baxay, iyagaa dalka xabashida soo galiyay,c/llaahi yuusufnah waa ka bari

    waxaanah wanaagsan in waxyaalihii dhacay , muraajaco lagu sameeyoh , oo la saxoh , in indho la,aan lagu soccdaayi sax maahan……….

  4. said says:

    asw, waan idin wada salaamay meel aad joogtaanba Ramadaan kariim.
    maxaad ibi kaliya kala yaaban tihiin kooxda shariifka dhamaantood laga bilaabo shariif ilaa kan ugu hooseeya, waxay shalay ku hadlayeen iyo maanta waa kaaf iyo kala dheeri. ibi waxa uu ahaa ninkii odhan jiray ninkii itoopiyanka la socda xiligii dawaladii c/laahi yusuf ninkaa gabadhiisu guur malaha, su’aasha maanta taala waxa weeye talow yaa guursan gabadha c/rahman ibi. ileen gabadha aabaheed ayaa sharcigaas dhigaya ay hada gabadhu ku guur beeshay…. waa yaab iyo yaab. maxaanse ku aaminaa siyaasiga somaliga ah. aan tasho somali ahaan dalki iyo dadkiiba waa baa’baeen. wabilaahi tawfiiq.

  5. garyaqaan says:

    asc
    illahow aduunkana hanugu kashifin,hoostiisana hanugu cadaabin.
    shariif iyo ibbi aduunkiibay ku fashilmeen.
    afkaan amxaar ku caayey miyaan maanta ku amaani karaa. war wuxuu damiir xumaa.la yaabi maayo waxey arkeen shacab hayin iska ah oo xumaanta iska qaadi karin. {Miskiinbaa miska la fuulo leh}.
    wax ka daranbaa imaan doono hadaan sidaan la iska qaban.maanta alshabaab iyo dawlad baa nahaysta barina wax kale ayaan sugaynaa. ilaahow sidii roon.
    wcswr

  6. Muwaadin says:

    bismillahi Raxmaan Raxiiim Waxan difaacayaa ibbi iyo shariif waayo waaa geesiyaal u soo halgamay wadanka kana saaray amxaarada shalay wadanka marka hadaad abaalkooda ka dhigteen in aad daadisaan dhiigooda waa ay is difaacayaa waxa ayna kuu soo wadanayaa cid walba oo aad adiga ka cabsanayso maxaa yeelay hadaad soomaali aragtaan hubka ayaad ula soo cararaysaan wadna gowraceysaan waliba midi aan af lahayn hadaad gaala aragtaana waad ka cararaysaan hadaad qabataan waad gadanaysaa diinta halkee ayay uga taala in soomaalida la laayo gaaladana la iibsado ethopia marki la maqlana xaarka la ceshan waayo hadaad marki dawlada shariif muqdisho ay timaaday aad gacma furan ku soo dhaweyn laheyndeen ma ethopia ayaa soo laaban lahayd shariif iyo ibbi guul iyo inta dawladnimada jecel inta dawlad diidka ah iyo inta amxaara marki ay maqlaan kabahooda ka carara naarta ha kuu waaraan aduunkana duli nimo iyo afduub ha ku dhameeystaan haday run sheegayaan maxay afka u duubtaan bulshada inta ugu wanaagsana u laayaan wax aan idin ku tilmaamo ma aqaano khawaarij diinta rasuulka ka been sheegtay ayaa tihiin guul daro waa idiin danbeysaan mar kale in aad ku laabataan kudhaa iyo meel ka xun

  7. Mire says:

    Ac
    Soomaaliyeey ibbi kursi raadisuu ahaa hadana kursigiisu difaacayaaye waxaase isweydiin mudan ama wax lala yaabo ah in aan inaga shacabka ah is ogeyn oo aan ubadanahay maqane/jooge isxisaabi intaan lagu xisaabin oo hadii aad soomaali nabadeeda ka welwelsan tahay ibbi waa aragnayee inagu aan wanaaga kashaqeyno oo badbaadino ummadeena.

  8. Nuur says:

    kan inuusan khayr soo wadin waa hore ayaan gartay ee iska daaya ragga Ibbi wax ka dhigayao ayaa ka sii daran

  9. ahmed farah says:

    Habar Jeclooy muuse waa kaa, ila arka Hawiye shalay inay ina Yuusuf yey ay qabiil ku diidanaayeen oo cidna aysan mujrimsaneen Ibbi iyo inta la shaqaysata diintu iyo maryaha cascas ay ahaayeen gabaad.ku waan Alshabaab la yiraahdo iyaguna raadimayaan fursadooda ay ethiopia u soo horkici lahaayeen.

  10. abdi says:

    waxaa waxaa lala yaaba ah in maanta shariifka iyo xulufadii sii uu ka mid yahay ibb oo shalay lahaa itoobiya waa cadow maatana ay yiraahdaan itoobiya waa walaalehhen anagay gacanta nasiinayaa goormay runta sheegayaan

  11. geele says:

    anaa lilaah wa inaa ilaaraajiciin]]waar ilayn qof dhintay masoo noolaado aduunka ]umalayn maayo dadkan quluubtu dhimatay inuu qoraal wax tarayo umalayn maayo dadkan kitaab kii eebe tuuray in qoraal waxka tarayo [ waar ilaahay ayaan ku dhaartee hadii aad fahan san tihiin amxaaro waxay idinla damac santahy inaydaan kala tagteen cudurka idin hayaa hora waxuu usoomaray reer andulis waxuu hore usoomaray reer shawa waxuu hore usoo maray reer harer waar ilaahay halgha cabsoodo dadka iyo umadana haloo tudho ninba calanyar intuu meel kataago dadka yaan been loosheegine .waxaan umalaynayaa in ujeedada uu fahmi karo waxgaradku www

  12. ahmed says:

    SCWWB.
    Subxaanalaah , war Ibbi dadka waraysanaaya ayaaba ila qaldan , waxaana ku talin lahaa saxaafadda noocyadeeda kala duwan ( ileen waa wada private e) inaysan ummadda ugusii kaalamayn buunbuuninta kuwaan dambiilayaasha ah ee lumiyay,
    Walaalayaalow bal arka nimankaa shalay Ethiopia waxay ka qabeen iyo waxy dhihi jireen Kasoo Bilaw Shariif iyo xulafadiisa – All ARS- waad haysaan Kaydkii maqal , muuqaalo iyo qoraalo intaba.iyo maanta halak ay ka joogto.
    War shacabyahaw ii sheega waxa Cabdullahi Yusuf ka xarimi jiray Ethiopianka oo Culumo caamoo dhan la qaylin jirtay maantana Shariifka u xalaaleeyay,
    Ogaado , Shacab waliba dawladuu istaahiluu helaa. taariikhda dib u eega. Fircoonba markuu cabsi galiyay shacabkii bay adeeceen, muxusse allah ku magacaabay inay Faasiqiin ahaayeen.
    War Ibbiyaw , waysoo Galeen way baxeen baa xigta , Alshabaab& xisbul islaam baa qabsadenn misna ku xigta, waxa baabaya saw dakeenii maaha masaakiinta ahaa, xageese ku taal awooda aad ku faanayso aad goobo badan ku qaban karto nin Baraxaddii wardhiigley aan tagi karin, oo wadada Maka Almukurama dacalkeeda hoosoo dhan ee hawlwadaag iyo hodan aan u taalabi karin baan hadal rabo inuu wax ku ahaado. Naga xishooda waanu idin naqaan ehel uma tihiin nidaam dawli ah ku naqda mihinadihiinii.

    Walaalayaalow , intaan ukala safanayno fikaradaha wada qaldan, oo xabishidaan loo kala cararaayo, ogaada inay tahay jizaa an wifaaqan in Shariif lasoo ganay iyo Shariif isganay iyo Ibbi oo miiran nalaku salidaayo iyo kuwa kasii daran.
    Ilaahaw tawfiiqda waafaji umadaan , Goormaad wax garataanm Goormaad wax garataan, Goormaad wax garataan, Goormaad wax garataan!!!!!

  13. Mustae says:

    Asc,, Salan ka dib waxaan waydiin lahaa Ibbi, maanta waa isaga difaacaya soo galtaanka ciidanka itoobiya ee soomaaliya, dowladii cabdullahi yusuf uu madax waynaha ka ahaa markii aay dalbatay ciidanak itoobiyanka ahaa si aay amaanka wax ugala sugaan wuxuu ku andacoon jiray oo waliba aduunka iyo soomaalida oo dhan oron jiray xabashi baa wadankii qabsatay, oo waliba uu ku sheegi jiray dabo dhilf yaal madaxdii dowladii cabdullahi yusuf, marka IBBI sow isagu ma aha maanta daba dhilif amxaarada qiil u sameeynaya, markaygana waa hagaag mar kale waa wax kama jiraan, miyaa sheekada IBBI,, soomaalida waxaan u sheegaya IBBI shalay wuxuu aduunka ka lahaa iyo waxa uu manta ku difaacayo way diiban yihiin oo waliba iyagoo cod ah baa laga helayaa website soomaalida, iyo http://www.youtube.com.

    Aduunka waxaa udaran qofka aan laheeyn mowquf uu wax ku naqdiyikaro, IBBI,, waxaa kula qurux badneeyd afkii aad shalay itoobiyanka aad ku maagaysa ama aad ku caayeeysay in aad manta ku amaanayso, ceeb taas ka weyn ma aay jirto,, itoobiyanka u soo galay Baladweyn in aay ku xasuuqan shacabkaa soomaaliyeed in uu yiraahdo IBBI anagaa raali ka ah in aay dadka gumaadan waa arin cajiib ah, shacabka soomaaliyeed waxaa ugu baaqayaa dadka noocaas oo kale ah in aay iska ogadaan, IBBI hada ka hor shir uu ku qabtay Canada wuxuu wax kaga sheegayey rag xaasaskood, uu ku sheeg in aay itoobiyanka la shaqeeyan, marka shalay miyaad walneeyd mise maanta baad fiyoowdahay, IBBI, waxaad ku fiican tahay in aadan ka hadlin in aad mowquf yeelatid,
    dhibtuse waxay tahay cida aan ku aqoon.