Barnaamijkii Radio Xoriyo
21 August 2009.
. Maxamed Cabdullaahi Qorane oo ay tuugo hubaysani ku dishay Koonfur Afrika.
. Waxyeelooyin kala duwan oo gumaysigu u gaystay dad shacab ah.
. Jaaliyadda Ogadenya ee Suuriya oo ka qayb gashay kulan lagu qabtay Dimishiq oo lagaga hadlayay Darfur iyo Ogadenya.
. Barnaamijkii aragtida Halgamaaga(Guulaha bisha barakaysan ee Ramadaan).
======================
Maxamed Cabdullaahi Qorane oo ay tuugo hubaysani ku dishay Koonfur Afrika.
Tuugo budhcad oo hubaysan ayaa shalay (Aug 21) galabtii saacada Sotuh Africa abaarihii 6:30 maqribnimo ku dishay dukaan uu gadayay muwaadin u dhashay Ogadenya oo la odhan jiray Maxamed Cabdullahi Qorane ,marxuumkan oo lagu dilay degmada dispatch ee magaalada uitnahage ee gobolka BE aya wadanka soo galay bishii February ee sanadkan 2009.
Goobjooge taagnaa halka wiilka lagu dilay ayaa RX u sheegay in tuugadaasi 6 ahayd ay rasaas la heleen muwaadinkaas kadib markuu salaada marqib ka baxay wuxuuna intaasi raaciyey goobjoogahaasi inay tuugadii dilkaasi gaysatay carareen oo aan waxba laga qabanin,waxaa sidoo kale halkaas lagu dhaawacay nin Chine ah oo isna dukaanka ka shaqaynayay.
Boqolaal dad ah oo isugu jira soomaali iyo Sotuh African ayaa kusoo xoomay goobta uu dilkaasi ka dhacay,waxaana wajiyada dadka somalida ah ka muuqatay murugo iyo rajo xumo halka dadka wadaniga ahna ay farxad la dabaaldagayeen ,waxayna goobta ka lahaayeen iyagoo ku hadlaya luqada wadankooda xhosa ah HAMPA YUBETA SONGE hadaydaan katagin waa la idin wada layn
Sidoo kale isla magaaladaas uitnahage ayay tuugo hubaysani ka dhaceen wholesales weyn oo ku yaala suuqa lacag dhan 400,000 oo lagacta wadankaasi ah, wholesale kan oo ay isku lahaayeen laba wiil oo u dhalatay ogadenya oo la kala yidhaahdo Maxamuud Sheekh iyo Cabdullaahi Dheere
Wholesale kan ayaa sidan oo kale loo dhacay sanadkii 2006 dii ,tuugada dhacday dukaankaas weyn oo ahaa 7 nin oo hubaysan ayaa shaqaalihii qabtay kadib markay damceen inay dukaanka xidhaan,waxayna halkaas ka qaateen 400,000.
Ma ahan makii oogu horaysay ee uu dhoco fal noocan oo kale ah illaa 1998 ayay somalidu waxay lakulmaysay dil noocan oo kale ah mana jirto illaa hadda cid loo xukumay ama loo xidhay
Soomaalida lagu diley qurbaha: https://somalitalk.com/qurbe/
Waxyeelooyin kala duwan oo gumaysigu u gaystay dad shacab ah.
Ciidamada gumaysiga Itoobiya ayaa waxyeelooyin kala duwan oo isugu jira dil,xidhay,dhac iyo kufsiba u gaystay dad shacab ah oo aan waxba galabsanin,ciidamada wayaanaha ayaa dadka rayidka ah dib ugu soo laabta si ay u dhibaateeyaan markay is farasaaraan ciidamada qalabka sida ee xoreynta ogadenya amase lagu sheegaba agagaarka ay ka holw galaan ciidamada gumaysigu.
Waxyeelooyinkii ugu dambeeyey ee ay soo tabiyeen wariyayaasha Radio Xoriyo ee ku kala bahsan magaalooyinka iyo tuulooyinka Ogadenya ayaa u kala dhacay sida tan:
Deegaanka Qarjajabo waxay ciidamada gumaysiga itoobiya ku dileen alle ha unaxariistee Daahir Ibraahim.
06-08-09 Degmada Fiiq ee gobolka Nogob ciidamada anshaxa daran ee gumaysiga Itoobiya ayaa xili fiid ah degmada dhexdeeda ku kufsaday gabadh da,yar oo aanaan magaceeda u sheegi karin arimo la xidhiidha xaga nabadgalyadeeda,hasa yeshee aan u gudbinayno hay,ada ay khusayso.
09-08-09 Tuulada Xaraareey oo ka tirsan degmada Garbo ee gobolka Nogob waxay ciidamada cabudhiska itoobiya xadhig iyo dhac isugu dareen dadka kala ah:
1-Axmed Foodeey waxayna ka dhaceen hal qori oo uu xoolihiisa ku ilaashanayay.
2-Axmed Cabdiqaadir waxayna ka dhaceen 3 neef oo Adhi ah.
3-Xaawo Cabdiqaadir ,waxayna ka dhaceen 4 neef oo Adhi ah.
4-Axmed Sheekh Xaaji ,waxayna ka dhaceen 2 neef oo Adhi ah.
12-08-09 Tuulada Maraacaato ee gobolka Qoraxay waxay ciidamada gumaysiga itoobiya ku xidhxidheen dad aad u badan oo ay magacyadooda naga soo gaadheen:
1-Farxaan Axmed Abaale
2-Shukri Axmed Abaale
3-Muxyadiin Food Faarax
4-Kamas Faarax Warfaa
5-Axmednuur Ciilmooge
6-Xadiis Axmed Xaashi
7-Deeq Xuseen Cilmi Aar
8-Cabdi Mursal Faarax
9-Aabihii Mursal Faarax
Waxay sidoo kale ciidamada gumaysigu xoolo badan kasoo xareeyeen tuulada Galadiid ee gobolkaasi Qoraxay 13-08-09.
Ciidamada gumaysiga Itoobiya ayaa 14-08-09 jidh-dil ba,an ugu gaystay tuulada Gudhis nin la yidhaahdo Xasan Nuur Maqadin ,dhibanahaas ayaa siday u garaacayeen ciidamada gumaysigu miyir daboolmay oo ay uga tageen sidii mayd ahaan.
15-08-09 Tuulada Xudur-Ayle ee gobolka Qoraxay ayay ciidamada wayaanuhu ku xidheen dad aad u badan oo shacab ah,tuuladan ayay bishii lixaad ee sanadkan ciidamada gumaysigu gubeen laba jeer ,waxaana kamid ah dadka la xidhay:
1-Duulane Yuusuf Cali
2-Macalin Cabdi Maxamed
3-Nimco Cali Foog Muxumed
4-Faadumo Xasan Madoobe
5-Maxamed Cumar Dubbe
6-Shukri Qabdiid
15-08-09 Tuulada Cadaleey ee gobolka Jarar waxay ciidamada gumaysiga Itoobiya ka boobeen dad shacab ah hanti fara badan oo isugu jirta xoolo nool iyo lacag waxayna dadkaasi kala yihiin:
1-Faadumo Maxamed Xasan waxayna ka dhaceen 70 neef oo Adhi
2-Deeq Qabdiid Biixi ,waxayna ka dhaceen 1150 bir
3-Qabdiid Biixi Cismaan ,waxayna ka dhaceen 1200 oo bir
4-Khaalis Qabdiid ,waxayna kala wareegeen gurigiisii.
5-Nafiis Qabdiid ,waxayna ka dhaceen 300 oo bir
Jaaliyadda Ogadenya ee Suuriya oo ka qayb gashay kulan lagu qabtay Dimishiq oo lagaga hadlayay Darfur iyo Ogadenya.
Jaaliyada Ogadeeniya ee dalka suuriya ayaa ka qayb gashay kulan looga hadlayay wadamada ay dhibaatadu ka jirto gaar ahaan Dafur(Sudan) iyo Ogaden .
Kulankaas ayaa waxaa ka soo qayb galay wufuud badan oo isugu jira safiiro aqoonyahano, mas’uuliyiin ka socday dawlada suuriya iyo marti sharaf badan oo ay kamid tahay jaaliyada ogadeeniya ee suuriya.
Qoraaga weyn ee Axmed Abuu Saacda oo kulankaas ka hadlay ayaa ku iftiimiyey dhibaatooyinka ba,an ee ka jira Darufr iyo Ogadenya iyo sida ay wadamada carabtu arintaas uga hurdaan isagoo tilmaamay in lagarab istaago shucuubtaas ay dhibaatadu haysato waa sida uu hadalka u dhigay e, .
Suaalo badan oo ay safiiradii iyo aqoonyahankii kulankaasi kasoo qayb galay wax kaga weydiiyeen Axmed Abuu Sacda qadiyada iyo dhibaatada Ogadenya ayuu si waafi ah uga wada jawaabay ,kadib markuu muddo 100 maalmood ah soo joogay Ogadenya,wuxuuna soosaaray qoraagaasi buug uu ugu magic daray 100 kii maalmood ee Ogadenya.
Ugu dambayntiina Axmed Abuu Sacda ayaa kulankaasi ka sheegay inuu qaban doono kulan midkaas ka weyn oo uu kaga hadli doono Ogadenya.
Radio Xoriyo
21 August 2009
Cabdinuur Sh. Maxamed
Radioxorio@radioxoriyo.com
Raadioxoriyo@yahoo.com
Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadaha 16 MB iyo 19 MB, iyo internetka Radioxoriyo.com,Ogaden.com Habeenada Talaadada & Sabtida 20:00PM – 20:30 waqtiga
Bacda Salaam, Aan ku toosiyee, waxadd u hadashay sidii nin ehluddiin ah. Waxaase hadalkaaga laga dhedehnsanayaa ciil aad u qabto Ogaadeenya. Ogaadeenku waa badanyahee ma mid baa wax kuu dhimay. Intaad afkaaga ereyadaas khaldan soo marinayso haddaad inna damiir leedahay maxaad khariidaha adduunka aad u eegi wayday? Maxaad kuwa ilaahay cilmiga taariikhda baray aad u waraysan wayda.
Ka toos nacaybka aad qabtid ama waad la god gali waligaaaaaaaa.
SCW ALLAHA U NAXARIISTO INTA DHIMATAY INTA JOOGTANA S/A ALLE HA KA BADBAADIYO DULMIGA,NINKA MAQAALKA QORAY GEBI AHAANBA NIN CAADIFAD HAYSO BAAD TAHAY IYO WAXAAD MAQAALKA INOOGU SOO XIJISAY OO AAD INOO WARGALINAYSID WARAYSIGA RADIO XORIYO AANN KUU SHEEGO MID (OGAANDEENYA WAA QABIIL YAR OO ITHOPIA DEGA EE MA AHAN WADAN AMA QAARAD ADUUNKA KU TAALA TAASINA HADII AADAN QALBIGAAGA KA BIXIN CIMRIGAAGA INTA KA DHIMANM ADNA WAXAAD KU JIRAYSAA OGAANDENYA ITHOBIA BAA DULMISAY AMA DHIBAATO KU HAYSA.
WALAA ACLAM