Home » Maqaallo »

Dhallinyaradu Dhankee u Ciirsadaan | Ahmed-haadi

DHALINYARADU DHANKEE U CIIRSADAAN??

Dhalinyarada soomaaliyeed waxaa hareeyey dhibaato aan kala go’ lahayn tan iyo markii u dalkeenu burburay. qaar xabad baa la tagtay, qaar waa dhaawac, qaar gaajo bay la il daran yihiin, qaar badda baa liqday, qaarna waxay ku xirxiran yihiin xabsiyo wadamo shisheeye. Runtii dhibaatada dhalinyaradu waa mid aan indhaha laga qarsan karin, oo saameysay qoys kasta oo soomaali ah.

Wadanka Liibiya wuxuu ka mid yahay wadamada ay ku dhibaataysan yihiin dhalinyarada soomaaliyeed. Runtii dalka Liibiya aniga oo ka waramayo aqoonta aan u leeyahay wadanka iyo dadkiisaba madaama aan waxbarasho u joogay bilawgii 90 maadkii waa dal Soomaalida qofkii shaqeysanayo ama wax ka baranayo aad looga tixgaliyo markii loo eego wadamada carabta ah ee kale ee ay soomaalidu ka xoogsato ama wax ka barato, laakin soomaalida sanadahaan dambe waxa ay wadanka Liibiya u isticmalaan in ay uga soo tahriibaan yurub. Arintaasi waxay keentay in Afrikaan fara badan ay ku soo galaan magac soomaali iyo warqado soomaali ah taana waxaa ay keentay in wadanka Liibiya uu xooga saaro si uu uga hortago dadkaasi iyo dadka doomaha isticmaalaya oo badda isku guraya. Taas waxay kaliftay inay dad badan qabqabtaan kadibna xabsiyada ku guraan si ay ugu celiyaan wadamadoodii. maadaama ay adag tahay in tahriibayaasha soomaaliyeed lagu celiyo wadankoodii ayey sabab u noqotay in ay xabsiyada wadankaas buux dhaafiyaan dhalinyaro soomaali ah.

Waxaa mudnaan mudan in la xuso in dowrka safaarada soomaaliya ee Liibiya uusan aheyn heerkii la doonayay, waxaana wax badan ka soo yeera cabasho faro badan waxaana wanaagsanaan laheyd in masuuliyiinta safaarada Soomaaliya ee dalka Liibiya ay xil iska saaraan dhalinyaradaan ku dhibaataysan dalka Liibiya sidii xibsiyada looga soo deyn lahaa looguna heli lahaa waxbarasho iyo shaqo, waxaa kaloo xil ka saaran yahay masuuliyiinta wasaarada arimaha dibada ee Soomaaliya iney wax ka qabtaan ilaalinta iyo la socodka shacabka soomaaliyeed ee ku tabaalaysan daafaha caalamka gaar ahaan dhibka hadda haysto dhalinyaradaan ku xiran wadanka Liibiya, waxaana hubaa in wadanka Liibiya uu aad u tixgalinayo dalabka masuuliyiinta soomaalida haddii arinkaa la isu xilqaami lahaa.

Ugu dambeyntii waxaana dad badan oo waalidiin ah iyo dhibanayaal ah quud dareynayaan iney helaan cid soomaalinimo wax ugu qabata, sidaa darteed dadka magaca soomaaliyeed ku hadla oo masuuliyiinta ah waxaa laga codsanayaa iney waajibkooda si hufan u gutaan.

Ahmed-haadi Muhumad Ahmed
Odense- Denmark
haadi30@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

2 Jawaabood " Dhallinyaradu Dhankee u Ciirsadaan | Ahmed-haadi "

  1. walaal aad iyo ayaad ugu mahadsan tahay fikirkaaga saliimka ah waa arin aan laga indhaha laga daboolan karin maanta magaca soomaalida waa lagu dawarsadaa ee waxba looma qabto inshaa allaah waxaan rajeynayaa fikirkaaga inuu dadbadan badali doon waadna ku mahadsan tahay,

  2. Aad ayaad u mahadsantahay walal, sidaad dad kaaga aad ugu danqanayso dhibaadada ay kujiraan. waxaan aad uga helay sidaad uga hadashay xaqiiqda dhabtaa ee haysato dadka katahriiba liibiya, iyo dhibaatada kahaysata Xabsiyada liibiya.