Home » Qoraallada Halkudhegga "Ahmed-haadi"

Oday dhaqameedka, maanta ummaddaa magan u ah

Jun 25, 2012
Oday dhaqameedka Soomaaliyeed, magac kasta ha loogu yeeree, waxaa booskii iyo kalmadii ay bulsha weynta Soomaaliyeed ku dhex lahaayeen la wareegay, 50-kii sano ee u dambeeyay taariikhda Soomaalida, siyaasiyiin, iyo dagaal oogayaal, waxayna noqdeen aalad ku jirta gacmaha labadaa koox oo hadba dhanka ay doonayaan u weeciya, wuxuuna arinkaasi dhaxalsiiyay shacabka Soomaaliyeed, dhibaatooyin fara badan... 
Halkudheg:

Shacabka Jabuutiyoow yaanan qiiqa la idinkugu soo gaban | Ahmed-haadi

Mar 19, 2011
Wadanka Jabuuti waxuu ka mid yahay wadamada Afrika ugu dad iyo dhul yar laakin siyaasad ahaan waa wadan uu Alla ugu nimceeyay hogaan iyo maamul aragti dheer taana waxaa ay shacabka Reer Jabuuti dhaxalsiisay ineey ka badbadaan xasilooni darida ka jirto qaaradda Afrika guud ahaan iyo gaar ahaan qaska iyo qalalaasaha ka aloosan wadamada jaarka la ah ee loo yaqaan Geeska Afrika oo dhamantood saaran doon... 
Halkudheg:

Waalidiinta soomaalida iyo nidaamka waxbarasho ee reer galbeedka | Ahmed-haadi

Sep 12, 2009
Waalidiinta soomaalida iyo nidaamka waxbarasho ee reer galbeedka Inta badan waalidiinta soomaaliyed oo ay carruurtu u dhigato dugsiyada hoose/ dhexe ee wadamada ay usoo haajireen ee reer galbeedku, waxa ay la qabsan la’yihiin nidaamka waxbarasho ee ka jira wadamadaan, waxayna intooda badan u haystaan, in haddii ilmuhu maalin walba tagaan iskuulka sidii soomaaliya oo kale, uu illmahaasi uu helayo... 
Halkudheg:

Dhibka haysta Soomaalida dulmi ayaa asal u ah | Ahmed-Haadi

Aug 23, 2009
Dhibka haysta Soomaalida dulmi ayaa asal u ah Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa, [doqoni qufacday, meel laga gaarayna ma garaneyso], soomaalida intii ka horaysay dowladnimada waxay ahaayeen dad reer guuraa ah, waxayna ku dagaalami jireen daaqa iyo biyaha, ninkii xoog leh baana u hari jiray daaqa iyo biyahaba, ninkii laga xoog roonaadana wuu haajiri jiray oo wuxuu aadi jiray meel taaktii iyo tabartii... 

Dhallinyaradu Dhankee u Ciirsadaan | Ahmed-haadi

Aug 19, 2009
DHALINYARADU DHANKEE U CIIRSADAAN?? Dhalinyarada soomaaliyeed waxaa hareeyey dhibaato aan kala go’ lahayn tan iyo markii u dalkeenu burburay. qaar xabad baa la tagtay, qaar waa dhaawac, qaar gaajo bay la il daran yihiin, qaar badda baa liqday, qaarna waxay ku xirxiran yihiin xabsiyo wadamo shisheeye. Runtii dhibaatada dhalinyaradu waa mid aan indhaha laga qarsan karin, oo saameysay qoys kasta... 

Aaway masuuliyiintii Xawaaladdii Dalsan??| Ahmed-haadi

Aug 14, 2009
Waxaan wax badan maqalnaa dadkii Shirkaddii barakaat ay lacaguhu uga xayirmeen waxaa la ogeysiinayaa ama waxaa ay heleen in badan oo ka mid ah lacagahoodii. Haddaba su´aasha isweydiinta mudan waa xaggee ku dambaysay shirkaddii Dalsan? Ilaa iyo hadda dadkii wax ku darsaday shirkadan hantidoodii war iyo wacaal waa waayeen laga soo bilaabo bishii Abril 2006dii. Arintaa cid isu xil qaantay malaha, waana... 
Kafaalo
Mashruuca Isku-filnaasho Gaarsiinta Qoysaska Agoonta - Akhri / Ka qayb qaado...