Home » Siyaasad »

Reer Galkacayo iyo Sharciga Yaa u Garnaqi Doona | Aw-Osman

Dhacdoonyinka mudoonyinkii ugu danbeeyay ka dhacay Magaalada Gaalkacayo waa mid dadka inta samaha jecel ku noqotay fajaciso iyo dhabana hays, waa arin u baahan in maamulka Puntland iyo Shacabkuba ku eegaaan ilgaar ah, waa dhacdooyin taxane ahaa taas oo lagu gumaadayay indheer garadka, cuqaasha iyo siyaasiyiinta, waa arinta aan hore loogu arag dhaqanka reer Puntland, ahayna mid aysan dadka deegaamadaasi caado hore u lahayn.

Fidmada iyo fowdadani wa arin u baahan in laga hortago oo aan sidaas lagu sii fiirsan, maxaa yeelayn waxay abuuri kartaa jawi kala shaki, waxay horseedi kartaa colaad aan lagu xamdin, waxay sajaran kartaa indheergarad iyo aqoonyahayn aan waxba galabsan.

Marxuum Seefta Banaanka uguma horay qof lagu dilo magaaladaasi, balse rag aan magacyadooda halkaan kagu soo koobi Karin oo isugu jira saraakiil, cuqaal iyo takhaatiirba yaa ku nafwaayay magaaladaasi. Sidaa awgeed shacabka reer Mudug guud ahaan gaar ahaana jamaahiirta ku dhaqan Gaalkacayo waxay istaahilaan ama xaq u leeyihiin inay nabad waarta helaan, arintaasna waa mid looga fadhiyo maamulka curdinka ah ee Puntland, wana arin taageerada shacabka gudo iyo dibadba u baahan.

Hadba waxaa iswaydiin mudan xalka mushkilada, iyo wadiiqooyinka lagu gaari karo nabad iyo nolol lagu badhaadho inay deegaamadaasi helaan.

Maxaa la Gudboon Maamulka Puntland.

* Waa in dhamaan gacan ku dhiiglayaashii laayay wasiirka iyo ilaaladii ka horaysayba lasoo qabtaa, maadaama ay dileen xubno dowladeedoo shaqadoodii gudanayay

* Waa in dhamaan shaqaalaha dowlada gaar ahaan inta muranku ku jiro, kalsoonida shacabka reer Mudugna aan haysan shaqada laga joojiyaa

* Waa in Gobolka Mudug, gaar ahaana Magaalada Gaalkacayo lagu soo rogaa Xaalad degdeg ah inta loohelayo maamul lagu midaysan yahay aqoon, karti iyo cadaaladna lagu soo xulo

* Hadii aysuurto galtahay waa in ciidan aan dhalasho ahaan ka soo jeedin gobolka la keenaa si cidwalbaa kalsooni iyo wada shaqayn u siiso, loona arki karo ciidan dhexdhexaad ah

* Waa in dowladu bedeshaa hab dhaqanka ku salaysan jahliga iyo qabiilka ruujinada ah, kaas oo ah in qabiil dhaxal u helay jago uusan jirin, sidaa awgeed waa in dowladu aqoon maamul, kalsooni shacab, iyo daacadnimo shaqo ay ku soo doorataa afraada xilalka ay u dhiibanayso

* Si dowladu aysan ugu sifoobin madax ka nool waa in maamulada tuulo, degmo iyo gobolba dib loo eegaa , talo gelin la siiyaa dadka islawada degga deegaamada, dabadeedna la sameeyeeyaa ama la saxaa maamul fiican oo tayo iyo tabar leh, kaas oo si daacadi ku jirto ugu adeegi kara shaqanka

* Waa in dowladu la timaadaa takhdiid siyaasadeed ,ciidan iyo maamul kaas oo lagu wajahayo waxa laga yeeli doono koonfurta Gaalkacayo

* Waa in dowladu qaramaysaa ciidamada huwan magac qabiilka dabadeedna xeryo difaaca gobolka ah uga samaysay goobo ka baxsan Magaalada Gaalkacayo

Maxaa la Gudboon Reer Mudug :

* In dhamaan qabiilada lagu tuhunsan yahay ama ay ku cadahay gaysashada dhacdooyinkii ugu danbeeyay dowlada u soo gacan geliyaan gacan ku dhiiglayaasha, soona saaraan qaraar ay ku cadaynayaan in beeshu aysan ku dhaqaaqin aargoosad iyo aafo sii hurisa wixii dhacay

* Waa in gudi isimo iyo aqoonyahan oo isku dhafan kana kooban dhamaan dadka wada degan Mudug iyo Ciid laga sameeyaa Mudug kaas oo noqon kara marjac iyo gole samakatalis, kaas oo si toos ah ula shaqaynaya hadaba cida maamulka Puntland haysa

* Waa in ciidamada magaca qabiil huwan ee aan ka tirsanayna kana amar qaadan dowlada Puntland laga saaraa magaalada, loona sameeyaa xuduud aysan soo dhaafi karin

Maxaa la Gudboon Qurbajoota :

* Inay taageeran xal u helista mushakiladaha ka aloosan Puntland sida Mida Gaalkacayo iyo Ufaynba

* Inay xiisadii iyo xamaasadii dal iyo dad jacayl ay kor u sii qaadaan , ogaadaana in codaw badan oo isbiirsaday uu ka danbayn karo dhacdooyinka iyo imtixaanaadka socda , sida keliya oo looga gudbi karona ay tahay isku duubni iyo kalsooni in la muujiyo

* In qurbojoogta ka soo jeeda beelaha ishaysta ama khilaafaadku ka jiraa shiraan, soo saaraana qaraaro iyo talooyin nabadood oo wax ku ool ah, una gudbiyaan jaalkooda gudaha dalka ku sugan

* In qurbojoogtu laba jibaarto taageerada ay la garab taagan yihiin maamulka curdinka ah ee dhawaan u curtay Puntland , iyagoo aan talooyinka lagala bakhaylin (ilayn caqliga kaamaqani walaalkaa buu ku jiraaye)

* Inay u jawaabaan cidkasta oo qalin iyo qoraal kula dagaalamayna jiritaanka iyo aayaha Puntland

Farah Aw-Osman
awosman@gmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: , , , ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

2 Jawaabood " Reer Galkacayo iyo Sharciga Yaa u Garnaqi Doona | Aw-Osman "

  1. Puntland hooyada soomaaliyeed.
    Faroole Abbaha soomaliyeed.

    Waxaa la yaab leh in magaalada Gaalkacyo ay ahayd meeshii ay ka bilaabatay dhibaatooyinka maanta haysata soomaaliya meelkasta iyo cidkasta oo soomali ah.
    Sidaa darteed waxaan oran lahaa haloo aqoonsado in ay tahay furhihii colaadda iyo nabadda soomaaliya.

  2. Samadoon says:

    Gaalkacyo Iyo Sharci!!!!!!!!!!Koonkaan eynu ku noolnahay laba isdisha waxaa ugu horeeyay Qaabiil Iyo Haabiil Soomaaliyana labo nin oo reer Gaalkacyood ah.

    Qofka reer muduga ah ama qurbo joog ha ahaado ama dalkii ha joogo waxaa la gurtaa hadii la yiraa ” war waxan sharci maaha” intuu hareeraha eego si indho qabsi ah isagoo ismaqiiqaya ayuu wixii sameeyaa. Kacaankii dalka ka talin jiray uma sineyn kacaan diidayaasha reer mudug iyo soomaali inteeda kale. kuwa reer Mudug wuxuu kacaanku ogaa ineey mucaaradnimo ka ahayne ay madax adeyg ka tahay. Reer Puntlandow waa walaalihiine ee sidaad iskula xisaabtantaan oo kale iyaga ha ula xisaabtaminee ka qafiifiya.