Maanta ayaan akhrinayey 31/07/2009 qormo af gaalaad ku qornayd oo aad kaga hadleysey sahaminta shidaalka ee Puntland oo aad u bixisay ‘hoggaamiyayaasha Puntland oo weli kulamo qarsoodi ah la leh shirkado shidaal’.
Waa run Mrs Ruqiya in kulanku Dubai ka dhacay, in meel dhexe oo shirkadaha iyo dawladda Puntland u sahlan la isugu yimaadona ceeb ma aha, sidoo kale kulankani wuxuu geba gebo u ahaa safarradii uu madaxweynaha Puntland ku soo maray galbeedka, horta taas ogow in shir lagu yeesho Dubai aanu xaaraan ahayn.
Ta kale, Nugaal iyo Dharoor waa labo dooxo oo mataano ah ciladna ha gelin haddii faroole Nugaal ka soo saaro shidaal reer Dharooreedna way ka faa’iidayaan ama way ku xigayaan.
Waxaa kale oo aad xusuusnaataa in dalka iyo dadka sharci ahaan ay dawladduhu mas’uul ka yihiin, dawladdana uu qofka ugu sarreeyaa uu mas’uul ka sii yahay, marka heshiiska uu Faroole la galo shirkado si macaadin looga soo saaro dalka waa mid ay ku gawracan yihiin dalka Puntland raallina ay ka yihiin waayo shalay iyagaa doortay wixii uu u go’aamiyo oo dhinaca horumarkana waa in lagu taageeraa.
Intaa kadib maxaa haray oo aad tebeysaa, ma odaygaa diidan tahay mise in khayraadka dhulka hoostiisa ku jira la manaafacaadsado? haddii aad diidan tahay adiga iyo Somalitalk in saliid iyo macdano kale oo qaali ah laga soo saaro dhulkaas, dadkuna ay gaajo iyo shaqo la’aan ugu dul dhintaan markaas dhulka waxa ku jira iyo dadka ku kor nool kee qiima badan, waxa uunka korkiisa dul soconaya oo dhan sow tii uu Ilaahay bini’aadamka ka karaamo yeelay, marka yaad u ilaalineysaan waxaa dhulka hoostiisa ku jira adiga iyo somalitalk?, haddii aad dawlad dhexe rajo ka qabtaan eega waxa Xamar ka socda kuna quusta’ sow kuwa aad ka ilaalineysaan ma aha dadkii xaqa u lahaa?.
Sidoo kale in qof kasta lagala hadlo heshiiska ma aha ama saxaafadda la yiraahdo halkaasaanu marineynaa iyo waxaas baannu ku wada hadalnay, haddii ay idiin sheegi lahaayeenna cillado iyo madmadow baad tilmaami lahaydeen.
Ugu dambayntii anigu Faroole lama qabiil ahi qaabkaasna ku difaaci maayo dhulka Puntland khayraadka ku jirana waa loo siman yahay, waxana qabaa in lala soo baxo in ay haboon tahay oo aan la cilladayn heshiisyada qofkii doonaa wax ha ka faa’iidee.
Nafiso Jaamac Nuur
nafisonalka@hotmail.com
Wa bilaahi Towfiiq
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan
Nafiso Jaamac Runta loo maleynayo in aay ku hadleyso waxaa ka weyn burburka ku imaanaya Soomaali Weyn, taas oo Gobol kasta uu gooni ula noqonayo kheyraadkiisa, nabadgalyadiisa iyo xuduudiisa.
Arrrintaas mid loo dulqaadankaro ma ahan.
Puntland arrintaas ha ka fiirsato inta aaysan burbur hor leh abuurin.
Haddii aay doonayaan in aay dowladda hoggaamiyaan wax yar ha sugeen Shariifka iyo Dowladdiisu waxba fara kuma hayaane.
aad iyo aad ban u tagersanahay hadalka wanagsan ee walashay nafiso qortay wa lobahan yahay in laga fa,idaysto khayradka kujira dhulwaynaha puntland oo ay ka faidaystan dadka reer puntland iyo dhaman somalida kale inta smaaha jecel oo rabta inay tubta nabada soqado waxan lenahay puntland waxay haysa wado wanagsane somaliyey anagana nogu hanbalyeya adina nagu dayda wtfq
masha alaah sifiican baad u dhigtay nafisa walal, wixi wanaag keenaya in la taageeraa wanaagsan, wax badan baynu xumaan isku garan galnay, bal dhinaca wanaaga markay aynu isku taageerno somalitalk iyo ruqiyow