UNICEF AYAA SHEEGTEY IN NAAS-NUUJINTA BARAXTIRAN EE ILMAHASOOMAALIYEED AY BADBAADIN KARTO KUMANAAN NAFOOD SANAD KASTA
NAYROOBI, KENYA, 31 Luulyo 2009: Dalka Soomaaliya, oo tobankii carruur ahiba uu midkood dhinto inta uusan sanad jirsan, ayaa naasnuujinta barax-tiran ee lixda bilood ee ugu horreysa ay ahaan lahayd mid ka mid ah waxqabadyada ugu waxtarka badan ee nafaha lagu badbaadiyo oo ay helaan kumaannaan carruur ah.
Sidaa waxaa qabta Wakiilka UNICEF ee Soomaaliya Marwo Rozanne Chorlton. Iyada oo ka faallooneysa bilowgii Toddobaadka Naasnuujinta ee Adduunka (1 – 7 Agoosto) Marwo Charlton waxa ay tiri, “Naas-nuujintu waxa ay ka mid tahay tallaabooyinka ka hortagga ee ugu muhiimsan ee lagu yareeyo nafaqo-xumada, geerida iyo cudurada haleela carruurta Soomaaliyeed ee yaryar. Xaqiiqadu waxa ay tahay in ay arrintu aad u ba’an tahay, iyada oo lixdii carruur Soomaaliyeed ahiba ay mid ka mid ahi hayso nafaqo-xumada ba’an ayna haysato dhibaato kaga timid maqnaanshaha biyo nadiif ah iyo xaalado fayadhowr oo ku filan,“
Halkudhegga Toddobaadka Naas-nuujinta Adduuka ee 2009ka waa ‘Naas-nuujintu, waa Waxqabad Degdeg ah oo Muhiim ah’ waxaana jirta in xaaladda degdegga ah ee Soomaaliya ay UNICEF iftiimineyso muhiimadda ay naas-nuujintu u leedahay badbaadada iyo koboca carruurta Soomaaliyeed ee yar yar iyo kuwa roonroon.
Iyada oo ku dhowaad kalabar dadka Soomaaliyeed ay u baahan yihiin gargaar bani’aadamnimo oo degdeg ah, ayaa naas-nuujintu tahay waxqabad degdeg ah oo muhiim ah oo awood u leh in looga hortago 13 ilaa 15 boqolkiiba geerida carruurta 5 jirka ka yar. Xaqiiqooyin lagu ogaadey cilmi-baaris sayniseed oo ku soo baxay majalada Lancet ayaa qirey in naas-nuujinta barax-tiran ee lixda bilood ee ugu horreysa ay keeni karto saameynta ugu badan ee badbaadada carruurta oo dhammaan waxqabadyada badbaadadu uu mid kasta goonidiisa u yeelan karo. Wixii ka dambeeya lixda bilood, naas-nuujinta oo la raaciyo cuntooyin ku habboon oo dhammeystira, ayaa kaga qaybqaadaneysa boqolkiiba lix kale yareynta geerida carruurta ka yar shan jirka.
Sahamada qaranka ee Soomaaliya laga sameeyey ayaa tusinaya in wax ka yar toban boqolkiiba carruurta ay da’doodu ka yar tahay lix bilood ay helayaan naas-nuujin barax-tiran. Ku dhowaad dhammaan Soomaalida oo ay caado u tahay in ay qubaan caanaha ‘dambarka’ ah (caanaha ugu horreeya, oo ay ka buuxaan nafaqooyinka ugu muhiisman iyo difaaca jirka), oo ay daahiyaan in carruurta loo bilaabo naas-nuujinta ayna isticmaalaan caanaha carruurta loogu talogalay iyo caana-booraha oo si aan nadiif ahayn loo diyaariyey, ayaa ah cunsurrada ka qaybqaata heerarka nafaqo-xumada guud ee Soomaaliya oo ah 18.6 boqolkiiba: taas oo aad uga sarreysa nisbada la filanayo marka ay jiraan xaaladaha degdegga ah oo ah 15 boqolkiiba.
Waxyaabaha sababta u ah heerarka hooseeya ee Naas-nuujinta ee Soomaaliya waxaa ka mid ah iyada oo aan aqoon loo lahayn muhiimadda naas-nuujinta, iyada oo si xooggan loo xayeysiiyo caanaha carruurta loogu talogalay iyo jiritaanka macluumaad aan sax ahayn oo ay ka mid tahay ku-tiri-ku-teenta sheegeysa in hooyooyinka nafaqo-xumadu hayso aaney naaska nuujin karin, kuwaas oo keena in uu naasku guro (caano lahaan waayo), ama kuwa sheegaya in carruurta ka yar lixda bilood loo baahan yahay in la siiyo biyo.
“Waa arrin welwel leh iyada oo faa’iidooyinka aadka u badan ee naas-nuujintu leedahay ay jiraan, haddana in caadada naas-nuujintu ay maalin kasta hoos u dhacayso Soomaaliya,“ ayaa ay tiri Marwo Fitsum Assefa, oo ah Khabiiradda Nafaqeynta ee UNICEF Soomaaliya. “Caanaha carruurta loogu talogalay iyo caana-booraha ayaa laga yaabaa in ay yihiin habab dadku u badan yihiin in ay ku quudiyaan carruurta yaryar iyo kuwa roonroonba, laakiin waa in ay dadku ogaadaan in caanaha carruurta loogu talogalay iyo caana-booraha aaney jirka difaaci karin ayna dhibaato ku keeni karaan hababka is-difaaca ilmaha, taas oo carruurta ka dhigeysa kuwa u nugul caabuqa, gaar ahaan Soomaaliya oo xaaladaha nadaafadda iyo kuwa fayadhowrku ay aad u liitaan. “ ayaa ay raacisey Marwo Assefa.
“In kasta oo waxqabadyada lagu higsanayo in lagu dhiirigeliyo naas-nuujintu ay aad muhiim ugu yihiin badbadada carruurta, haddana waxaa nasiib-darro ah in xaqiiqadu ay tahay in muhiimad iyo maal-gelin ku filan aan waxqabadyadaas lagu siinin Soomaaliya,” ayaa ay tiri Marwo Chorlton, oo ah Wakiilka UNICEF Soomaaliya. “Waxa aad muhiim u ah in bulshooyinka iyo qoysasku ay ku taageeraan ayna ku dhiirigeliyaan hooyooyinka in ay naaska nuujiyaan carruurtooda ayna hubiyaan in hooyooyinka naftooda la wanaajiyo oo la daryeelo. UNICEF waxaa ay ku dadaaleysaa in ay isu keento kheyraad lagu ballaarinayo dadaallada lagu dhiirigelinayo laguna taageerayo naas-nuujinta, iyo in ay diyaariso barnaamijyo muddada dheer ah oo joogto ah oo arrinta siinaya muhiimadda ay leedahay.”
Wixii macluumaad dheeri ah ama codsi wareysi ah, fadlan kala soo xiriir:
Iman Morooka, Sarkaallada Isgaarsiinta, UNICEF Somalia, Email: imorooka@unicef.org, Phone: +254 714 606 733
________________________________
Iman Morooka
Communication Officer
UNICEF Somalia Support Centre
P.O. Box 44145 Gigiri, 00100 Nairobi, Kenya
Phone: +254 (0) 20 7623 950 (ext. 214)
Mobile: +254 (0) 714 606 733
Website: www.unicef.org/somalia
comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.