Home » Faallo »

Gefefkii diblomaasiyadeed ee ka dhashay booqashadii Madaxweynaha Soomaaliya ee Guriga Downing Street

Maxamed Xaaji (Ingiriis)
London, UK
ingiriis@yahoo.com

Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa toddobaadkii la soo dhaafay socdaal rasmi ah ku yimid magaalada London ee dalkan Ingiriiska. Booqashada Madaxweynaha ayaa, marka laga eego diplomatic category, waxay ahayd mid salaan ah (courtesy visit). Is-aragga noocan ah ayaa aalaaba wuxuu yahay mid kooban. Ujeeddada socdaalka Madaxweynaha ayaa wuxuu ku saleysnaa in Ra’iisal Wasaaraha Ingiriiska Gordon Brown iyo xisbigiisa Labour-ku ay ku muujiyaan inay diyaar u yihiin inay gacan ka geystaan sidii ay wax ula qaban lahaayeen dowladda Soomaaliya.

Booqashadan oo kale ayaa dowladda Soomaaliya waxay u tahay fursad ay adduunka ku weydiisato kaalmo caalami ah. Hase ahaatee, intii ay socotay ayaa waxaa dhacay fadeexado gef ku ah dhaqanka diblomaasiyadda. Kulankii Sheekh Shariif Sheekh Axmed uu Gordon Brown kula yeeshay guriga 10 Downing Street ayaa waxaa buux-dhaafiyey dad ku dhow labaatan qofood oo isugu jiray wafdigiisa, xildhibaanno iyo dad sheeganaya inay Madaxweynaha u yihiin la-taliyeyaal iyo gacan-yareyaal, kuwaasoo isku dayey dhammaantood inay isla sawiraan Ra’iisal Wasaaraha Ingiriiska.

Waxaa shaashadaha laga daawanayey iyada oo dadkaas gacmaha la soo qabanayo, lagana soo celinayo agagaarka Gordon Brown. Waxaa kaloo la arkayey dad gacmaha ku sita jaakadaha dhaadheer ee qabowga laga xirto (overcoat) oo ag taagan Sheekh Shariif iyo Gordon Brown oo damacsan inay sawir wada galaan. Waxaa kaloo dhacday in markii uu Sheekh Sharif gacan-qaadayey Gordon Brown ay is fahmi kari waayeen billowgii hore, oo ninkii turjubaanka u ahaa Madaxweynaha uu gooni u istaagay, oo uu u dhaqmay sidii inuu yahay nin Wasiir ah, iyadoo markii dambe uu soo dhaqaaqay nin Soomaali ah, si uu uga tarjumo. Waxaa kaloo dhici weyday inuu Ra’iisal Wasaaraha Ingiriisku iridda ku soo dhoweeyo Madaxweynaha Soomaaliya.

Gefkaas protocol-xumada ah ayaa wuxuu la mid yahay waxyaabihii uu buuggiisa la yiraahdo Safirka kaga sheekeeyey Danjire Peter S. Bridges oo ahaa Safiirkii Mareykanka ee fadhiyey Soomaaliya sannadihii 1984-86. Laba jeer oo wafdi ka socda Waaxda Gaashaandhigga dowladda Mareykanka ee Pentagon ay la kulmayeen saraakiil ka tirsanayd taliskii Maxamed Siyaad Barre ayaa General Maxamed Cali Samatar oo ahaa Wasiirkii Difaaca wuxuu ka codsaday Ambassador Bridges inuu uga tarjumo wafdiga. Wuxuu yiri Bridges, “Wuxuu Samatar ku hadlayey af-Talyaani, wuxuuna iga codsaday inaan ka tarjumo maadaama aan Talyaaniga bartay intii aan ka shaqeynayey safaaradda Mareykanka ee Rome. Markii hore oo uu Samatar i weydiistay inaan ka tarjumo waan ka carooday, waayo shaqada aan u joogay Soomaaliya ma ahayn turjubaannimo. Hase yeeshee markii hadalka Xoghayaha aan af-Talyaani ugu rogayey Samatar waxaan ku dhex darsaday kelmado aan jeclaa in la ii yiraahdo.”

Si kasta ha noqotee, shaqaalaha xafiiska Gordon Brown ayaad mooddaa markii ay arkeen qaabka ay wax uga dheceen guriga 10 Downing Street inay go’aansadeen in Ra’iisal Wasaare Gordon Brown uusan sii sagootinin Madaxweyne Shariif, isla markaana aysan wada qaban shir jaraa’id iyadoo markii horena la shaaciyey inay ku jirtay qorshaha socdaalka Madaxweynaha. Waxaa la arkayey Xoghayaha Arrimaha Dibadda Ingiriiska, David Miliband oo sagootinaya Madaxweynaha, iyada oo si qaab darro ah, oo aan lahayn wax tixgelin ah, u salaamayaan dadkii kale ee la socday Sheekh Shariif. Qaab-darradaas ayaa waxaa ka mid ahaa; iyagoo gacanta ka salaamayey Miliband iyagoo sii jeeda oo sii eegaya Madaxweyne Shariif oo sii galaya gaarigii lagu siday. Waxaa la moodayey inay Madaxweynaha u kala firxanayaan oo ay is leeyihiin ‘yuusan idinka fakan’ ama ‘yaan meesha la idinkaga tegin.’

Gefefka kale ee dhacay ayaa ahaa; in Wasaaradda Arrimaha Dibadda Ingiriisku ay u sameysay Madaxweynaha muddada uu joogo dalkan Ingiriiska koox ka mid ah shaqaalahooda oo isugu jira rayid iyo ciidan. Qaybta rayidku, waxay mas’uul ka ahayd howlaha Madaxweynaha iyo xiriirkiisa, halka qaybta ciidankuna ay u xilsaarnayd ammaankiisa. Shaqaalahan ayaa waxaa laga dareemayey jahawareer ka haysta dhanka xafiiska Madaxweynaha, oo ay kala garan waayeen shaqooyinkooda (job description) iyo waxa ay ku kala magacaaban yihiin.

Fadeexadaha noocaas ah iyo isku dhex-yaaca intaas le’eg ayaa wuxuu, si caddaan ah, u muujinayaa in Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed ay xafiiskiisa maamulayaan dad aan wax aqoon iyo khibrad midna u lahayn protocol-ka dowliga ah iyo xeerarka diblomaasiyadda. Waxaa kaloo intaa dheer inay yihiin dadkii shaqa la’aanta ku ahaa Europe iyo America. Waxaa yaab leh in nimankaas qaarkood ay Madaxweynaha ugu magacaaban yihiin Chief of Staff iyo Chief of Protocol, iyaga oo aan weligood horey uga soo shaqeyn howlahaas dowladeed. Marka la eego cilaaqaadka caalamiga ah iyo qaanuunka diblomaasiyadda, protocol-ku waa qeybta ugu muhiimsan xafiiska Madaxtooyada, taasoo ay waajib tahay in laga fogeeyo qardajeex.

Tusaale, habeenkii Arbacada ayaa waxaan ka mid ahaa dad kala duduwan oo Madaxweynaha kula kulmay hoteelka uu ku soo degay. Wuxuu u muuqday nin daalan oo aan haysan wax ka caawiya howsha xafiiskiisa. Isaga ayaa hadalka furanayey, isla markaana xiranayey. Shaqaalaha xafiiska Madaxweynaha ayaa nala fadhiyey kuraasta iyagoo aad mooddo inay ka mid yihiin dadka uu qaabilayo. Kuwo kale ayaa taagnaa gadaashiisa, waxaana lagu jahawareeray inay yihiin waardiyeyaal iyo inay yihiin gacan-yareyaashiisa. Markii la gudbinayey talooyinka, ma jirin cid u qaadeysay note ama wax u qoreysay xafiiskiisa ama xitaa hadalka qeybinaysay, taasoo keentay inuu Madaxweynuhu hadalka qeybiyo.

Sidoo kale, khudbadihii uu Sheekh Shariif ka jeediyey mac-hadka Chatham House iyo theatre-ka Whitechapel ayaa iyaguna waxay ahaayeen kuwo aan lafa-gur dheer lagu soo sameyn. Madaxweynaha ayaa hadalkiisa oo aan qornayn iyo isaga oo dadka la shaqeeya aysan u soo qorin note uu mawduuca ka tixraaco awgeed, waxaa mar kasta ka muuqatay inuu raadinayo hadalka, ayna ku adag tahay inuu xusho sadarkii uu rabay inuu yiraahdo iyo ereyadii uu doonayey inuu isticmaalo. Haddaba, waxaa Madaxweynaha la gudboon inuu dhug iyo dhego u yeesho wax ka qabashada xafiiskiisa inta aanu u hanqaltaagin wax ka qabashada xasaradaha ka socda Soomaaliya – “Oodi sida ay u kala korreyso ayaa loo kala qaadaa.”

Maxamed Xaaji (Ingiriis)
London, UK
ingiriis@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

30 Jawaabood " Gefefkii diblomaasiyadeed ee ka dhashay booqashadii Madaxweynaha Soomaaliya ee Guriga Downing Street "

  1. Unitymarch! says:

    Qoraal iyo wax dhihid ceeb ma leh,balse sida uu asigaba ku so gabagabeeyey Mr Ingiriis(qof ingiriis ah ayaa wax noo sheegaya) in ooda sida aay u kala sareeyso ayaa loo kala qaadaaye,qalinka wax intaa dhaama ma waayey oo wax laga qoro. Waxaa la yiri hadii sacu caanaha diidan yahay maqaarka ayuu meelo daloola ka eegaye.
    Ingiriisow qoraalada aad qori jirtay ee ku aadanaa cadawga dagaalka lagula jirayweli ma hilmaamin – dhinacaas raac taas ayaa ugu dhow wax shaqsiyadda dhisee,ee ha ku mashquulin dad dal laga kala tegey yiri dawlad ayaan u aasaasaynaa!!

    waxaay mudan yihiin in inta ka dhiman in aan halkan uga gudbino garabaatiyadana iska khafiifino lana dagaalano kuwa ka soo horjeeda ee in aay burburiyaan masaakintaan aad ku sheegayso in aaysan aqoon borotokoolka.
    Abdullahi,

  2. Max’ed Xaaji Igiriis eebow mugga hore waan kaaga mahadcelinaynaa fariintaan culus ee ad u soo jedisay madaxwaynahay, hase ahaatee waxaa xanuun nagu ah qaabkaad u soo gudbisay adigoo heli kara siyaabo kale aad madaxwaynaha ku gaarsiin karto mise adigooba qarin kara ,,, any way,, maqaal xiiso badan lana wada jeclaystay runtii micno wayna ku fadhiya,,,,,,

  3. cabdilahi diiriye says:

    Tani waxay ka turjumaysaa dhibaatada haysata soomaalida ee ah in aan qfoka lagu shaqaalaysiin waxaa uu yaqaano ee lagu shaqaalaysiiyo qolada uu yahay.

    Waxaan u malaynayaa hadii walaalkay is odhan lahaa taladan u dugbi madax waynaha in ay ku adkaan lahayd sabatoo ah dee youu ugu hagaagaa waxa uu ka sheekaynayaaba waxay tahay in aan la aqoon dadka madax waynaha u shaqeeyee waxay qabtaan. in ay hor ordaan mooyaane

  4. Funny says:

    Walaahi hadalkaas waan ku raacsanahay wiilkaan ka qoray,runtii waa sida ay soomalidu u dhaqmaan ,oo taas mid iga qoslisay weeye
    dadka soomaaliyeed waa dad arrogant ah oo aan la garan karin waxay tahay waajibkooda oo meelo dhoow iyo istustus inay wax u sameeyaan maahane aan ka fiiri danta kale ee muhiimka ah.
    alaaaah yasturnaaaaa
    waxyaalaha wiilku ka hadlayna waa waxyaalo ay caan ku yihiiiiiiin dadka soomaliyeeeed ,maxaa hada brown oo maxaa sawirkiisa laga helayaa somalida buu wax wayn layahaye ,maxase kalifay in ay iska dhoowraan waxyalaaha lagula yaabi karo oo guriga brown laiska dilayaa ma waxaan khamri ahayn baa yaaaal, subxaana laaaaaaah

  5. Marka hore waan uu mahad celinayaa shaabka qorey maqaalkan oo waxbadan uu fiirsadey arinkaas hase hase ahaatee talada aan u soo jeedinayo walaalka qoray maqaalka waxa ay tahay in ay wanaagsanaan lahayd in uu isku dayo taladan si toos ah in uu u gaarsiiyo xafiiska madaxweynaha intu ceebaha madaxtooyada Somaliya ku faafin lahaa bogaga shabkadaha caalamka.

    Tusaale ahaan hadii qormadaan loo tarjumo luuqdaha caalimga ah waxa foolxumadas ay ku soo laaban lahayd Ani iyo Ingiriis iyo Somalida kale.

    mahadsanidin..

  6. Qaran says:

    Asc!
    Waxaan aad ula yaabey ninkan kahadlaya protokolka in magacaagu ingiriis laguugu yeero xagee kaga jirtaa protollnimada.Mida kale adiga ayunbaa lagaa hayaa ma aqoonsani inay dowlad soomaali ah jirtayceydeed hortiis ” gadaashiisba,marka shariifka anaguu madaxweyne nooyahay ee noodaa saa maba aqoonsanide:

  7. muxsin says:

    As Cal

    Mawduuca uu Ingiriis ka hadlay waa muhiim si cilmi ahna wuu uga hadlay
    wuuna ku mahdsanyahay, mana aha in loo fahmo inuu shariif ama cid kale weerarayo, si ahaanteedana waxaa habboon in si laab furan loo fikiro taasi waxay keenaysaa inaad wixii wanaag ah cid kastaba ha ka yimaadee ka faa’iidaysatid, gaar ahaan khaladkan waa khalad dawli ah oo ku dhacaya qaran ee ma aha mid ashkaas kaliya ku eg, dibloomaasiyadu waa cilmi aan laga maarmin aduunkuna ku wada shaqeeyo.

    waxaan aad uga digi lahaa dadka qaar ka mida _alaha hagaajiyee- waxay aragtidooda ku dhisaan rabitaankooda shaqsiga ah, taasina waxay ku keentaa in aragtidiisii ay si buuxda uga lunto halkii looga baahnaa.

    tusaale: talo guud ayaa la soo jeedinayaa waxaa la rabay inuu ka eego taladu ma toosantahay, aqoon iyo cilmi ma ku dhisantahay, umadda faa’iido ma u leedahay, dhinacyadaasoo ale inuu ka eego ayaa loo baahnaa, laakiin wuxuu isla markiiba la aadayaa ninka talada soo jeediyey waa qabiilkee ama waa ururkee ama waa kooxdee, sidoo kale ninka taladu ku socoto waa kuma waa qabiilkee.

    haday dhacdo jihada ay taladu ka timid iyo isaga inay wada wadaagaan qabiilka, kooxda ururka iwm wuxuu taladiisa ku dhisayaa si aan leexad lahay waa sax 100% hadiise dhinaca kale arintu noqoto iyaduna waa caksi oo taladaasu waa qalad 100%.

    waxaa meeshaas ka cad qofkaasu inuusan ahayn qof xor ah oo maskax xor ah wata.

    s/teed waxaa haboon in qofku marka hore ka xoroobo afkaarta qaloocan ee uurkiisa ka buuxdo iskana faaruqiyo, markaas ka dibna uu si hufan oo nadiif ah oo daacad iyo cadaaladi ku jirto wax u miisaamo.

    Tawfiiqda allaha na waafajiyo.

  8. Asalamu Calaykum Waraxmatulaahi wabarakaatuh,
    Hadan fakirkeyga dhanka protocol-ka madaxdeena ka dhiibto waxaan oran karaa waa sax oo wuu jiraa qalaadad la rabo in la saxo inagoo ogsoon xaalda cakiran uu dalkeena ku jiro hadana waa muhiim in madaxda lagala taliyo waxa sumcad daro u keeni kara. Madaxda aduunka training aya la siiyaa inta aysan safar galin loona sharaxaa habdhaqanka dalka ay markaas u socdaan oo (ceeb maahan) waxaana jirto nidaam duwali ah oo la tiigsado dhanka protocol-ka madaxda. Maxamed Xaji waa nin dhlanyara ah oo fakirkiisa ka dhiibtay balse isgana waxaan ka codsaneenaa in uu qaab qoraal ahan ugu gudbiyo madaxda dowlada oo uusan shaacin. Soomaalaay waxbadan ayaa qaldan ee Allaha tofiiqda nawaafajiyo. Aamiin. Peace for ever. Yasir Baffo-Malaysia

  9. Jamaal says:

    Ingririis miyaanu ahayn ninkii Cali khaliif galeyr wadada u joogsadey ee yiri wuxuu xadey jeeg, ee jeebkiisa sare ka soo saara. Anigu waxaan ogaa isagoo ah qorayaasha dadka wadada u istaaga ee arrimaha xasaasiga ah ee qabiiliga ah ku takhasusey. Goormuu bartey nidaamka iyo kale dambeynta qodobeysan ee daadaxda ah. Areey maba liito hadduu khaladkii uu sameeyey wax ka bartey. Laakiin waa inuu marka hore cafis codsadaa inta aanu cid kale wax ka sheegin. Siiba waa inuu odeygii adeerkii ee Galeyr waraaq furan ugu diraa war baahinta.

  10. Cadde Caamir says:

    Waad salaaman tihiin marka hore. marka xigta waa iska jirtaa in la sambariiraxoodo lkn muhiimaddu waxay tahay sida madaxweyne shariif dalka ingiriisku ay u qaabileen iyada oo aan muddo labaatan sano ah sidaan oo kale uusan jirin raggii talada dalka sheeganayey burburka ka dib in loo soo dhaweeyo.
    Ingiriis waxa uu qorayo waa iska wax toosh ku iftiimin ah inta aan goob joogga ka ahayn soo dhaweynta madaxweyne shariif waxa ay kala socdeen saxaafadda caalamiga ah, intaas oo dhanna waxa uu sheegayo haddii ay jirto xitaa cid kaloo ka hadashay malaha isaga maahee.
    marka sxb Ingiriisow haddii aad jago rabto kaalay madaxtooyada oo madaxweynaha doonistaada u bandhigo. haddii aad doonayso xataa Madada Baratakoolka ee Xafiiska Madaxweynaha. arrintaan cid kaa xigta ma laha 4.5kaaga dhacso sxb intaad madaxweynaha iyo ragga la shaqeeyo aad rif rifi lahayd soo dhawoow isku shaandhaynta soo socota dhagaxaaga dhigo, ergana u dirso xafiiska madaxweynaha waa la tixgelin doonaa aragtidaadee.

  11. Saylici says:

    Waxaan aad oola yaabay qaar kamid ah dadka dhiibtay aragtidooda ee dooda ka keenay qaabka uu u analys-gareeyey Mr.Ingriis booqashadii Mad.Somaliya ee 10-DownStreet.Xitaa qaarkood inay oola kaceen sidii gaf laga galay alle oo kale oo shariifku waa uu katoobad keeni karaa qaladkaas Diplomasiyadeed yidhaahdeen,qaarkood oola kaceen cudurka somalida aafeeyey ee qabiilka ugu xidhiidhiyeen,qaar kalena waxayba u geysteen ceebayn shaqsi oo ay yidhaahdeen Mr.Ingriis jago ayuu shariifka kawaayey sidaas buuna usoo qaatay 20-kii nin ee koodhaadhka gacmaha kusitay ee shariifka hareer yaacaysay.

    Waxaase iila yaab badnaa kii yidhi Sxb ingriis :shariifbaa dhinac maray iyo shariifbaa bartikool xun iska daaye kolay sow gaal maaha meesha laga istaago: Waxaana odhan lahaa Xili kale ayaad nooshahaye sow kan kanaad gaalka kusheegeyso loo yaacayo loona ordayo xagiisa, adiga marka qalad bayba kugu tahay in aad akhriso periticol iyo waxa uu yahay.

    Ugu dambeyntiina jaahilnimadii iyo qabyaaladii yeynaan kudarsanin aflagaado iyo cay haddii wax laga qoro Baraticoollis-ka aduunka u dhigan ee maaha wax Madaxweyne shariif lagu durayo ama uu gooni u leeyahay.

    Waxna barta Soomaaliyee (waxbarashada xalaasha ah ee waxa fiican dadka tusta,xumaanta si iyo dhaliishana kala saarta),waaya arkana,dadku siduu u nool yahayna isku daya inaad u noolataan ugu yaraan iskana daaya nolosha iyo dabeecadaha xayawaanka qaar kamid ah ee idinku soo maaxda.

    Wabilaahi Tawfiiq.

  12. xuseen says:

    waan rabay madaxweyne somaliyeed in taas ku dhacdo waayo dadka waxaa laga celin waayay madaxweyne raadis .hadii aad raadiso wax aadan aqoon waxaad la kulan taa wax aadan filayn

  13. hirajire says:

    Sallaan, maxamed xaaji ingriis waayahan , ma arkin faalooyinkiisa, ee run ahaantii waayahii hore waan xiiseen jirey , waqtiyaddii ma quuste & tigree ay wadeen gumaadka shacabka , waxuuna ku ahaay mucaarad wuuna ku sexsanaay sidaas , maanta marka maxaa u badalay shariif marka mr ingiriis adigu cid kaste ma mucaarad baa ku tahay ? taasi iskuluma yaabtid miyaa maxaa loo arki waayay cid aad taageersan tahay ? waxaan jeclaan lahaay ingiriis in uu taasi maqaal ugu jawaaba waad na mahadsantahay !

  14. mohamed gedi says:

    asc waa wax laga xumaado dadka hor boodaayo shariifka inaysan lahayn wax aqoon ah oo ku aadan shaqadooda lakiin sidaan u fahmay waxa lagu so xulay yaa inala reer ah iyadoo aan u malaynayo reerahoodu inaysan waligood qaab madaxweyne u istaagin oo xitaa aysan la kulmin madaxweyne reer yurub ah marka lalama yaabo tusaale Madaxweynihii hore ee cabdullaahi yusuf waxa uu ahaa nin aan isagu kala jeclayn cida muumulaysa laakiin kaliya doonaya in hawshu sidii loogu talo galay u socoto qaabka protokolka mana ka arkin intii aan arkayey wax protokol xumo ah LONDON , USA , BELGIAM, IYO FRANCE waxa uu ahaa nin u dhaqmayey qaab madaxweyne ragiisuna koobanayen. Marka nidaamka hala barto shariifkuna hade waa nin macalin dugsi ahaa ilaahayna darajadaas siiyey wabillaahi tawfiiq

  15. بسم الله الرحمن الرحيم
    السلام عليكم ورحمة الله وبركاته، وبعد
    Mr. Ingriis ayaan aad ugu waafaqsanahay sida uu u fasiray protocol xumada Shariifka. Dhinaca kale, Shariifka keligiis ma aha ee madaxda Somalida oo dhan ayay ka dhacdaa oo waxa fadeexad weyn ka dhacday shirkii ergooyinkii Xamar laga qaaday Sucuudiga ku tageen(waqtigii Claahi Yuusuf) iyo meelo kale oo badan.
    Si kastaba ha ahaatee, nidaamka diplomaasiyadda iyo xeerarka protocoolada waa culuum la barto adduunkuna ka simanyahay loona baahanyahay in la barto sida loo barto xisaabta iyo fisigiska.
    Macasalaama;
    Gaarhaye

    G

  16. Nasiibdaro intaad magac ka dhigato Ingriis aad hadana noo micneyso Protocol oo kasoo jeeda luqada Ingriska ,Sheikh sheriif baa sidaa u istaagay iyo sidaa buu usalaamay waxaa kahoreysa inaga protocolkeena waxey aheyd inuu yiraahdo Asalaama caleykum ww kuwii hanuunka qaatay korkooda ha ahaato ama Maxaad ku barideen,Mr Ingiriisi inuu isla wanaagsanahay waxaa ka muuqata sidu sawirkiisa usoo bandhigay isagoo kale baana Somalia meeshaas dhigay isla fiican umadda kalena la qaldantahay kuna faanaya Dhaqanka iyo xadaarada reer galbeedka uu shalaydii dhoweyd yimi welina hooyadiis ka caano deyn inuu Somaliweyn oo dhan u iftiimiyo ninbaa xaga laga istaagay,maxaa laga faaidi karaa waxaad soo qortay bal fiiri Umaada 20 sano Dawlad la”nta maxey ka faaidi kartaa? Cadowga Alle meeshii larabo halaga istaago mid naxariis Somali u haya maaha.
    Ilaahay xaqa hana tusiyo

  17. Walaalkeen ingriis wuu ku mahadsanyahey khaladaadka protokool oo uga muuqday booqashadii madaxweenaha. Waxaana haboon in madaxweenaha laftiisa loo gudbiyo arrintan si uu uga fiirsado mustaqbalka. Hawshaana (gudbinta) waxaa u qaabilsan saffaarada soomaaliyeed ee ku taalla dalka Britain , waa hadii ey jirto.

  18. Sagaaradu waa cabta iyo ma cabto ayaad isku haysaan. Waa maxay protocolka uu ka hadlayaa ingiriis soomaliya aya maqan oo kuntay 20 sano.

  19. Muxaafid says:

    As/w waxaan lee yahay qof dhamaystiran ma jiro qof walba qalad waa yeeelan karaa oo madaxda waa wayn ayaa qaladaad ka dhacaa laakin bilaahi calaykum saan miyaa noo dan ah inaan qofkii yimaada aan wax ka sheegno calaashaan ama reerkayga madax maaha ama jago ayuu isiin waayay iwm war wixii qaldan adiga ayay kaa qaldameen, laakin brotocol male hadaad maqasho meesha waxaa qarsoon aniga maa la ii dhiibo anaa aqaan, war hadaad taqaan Brotocolka sug waqtigaaga iyo aqoontaada halaga faaidaystee laaakiiin arimahaan oo kale waa laga xishoodaa saas ayaan lee yahay ee niman yahw wadanka haloo daneeyo xukun jacaylka aan iska dayno waa iga dar daaran Taas waa qoraaga, midda kale somalitalk hadaad daacad tihiin maxamed xaji ingriis waagi ethopia joogtay wadanka oo abdulahi keenay Maqaalo isdaba joog ah ayuu qorayay oo lid ku ah ninkaan ethopia soo hogaamiyay maxaad waagaas maqaaladiisa usoo bandhigi waydeen Timir laf ayaa ku jirta wa billaahi tawfiiq

  20. waaryee wiilka la leeyay ingriisow dee waxaan kuu sheegayaa waxan aad sharrifka ku dhaliishey dee walaal waa run lakiin nimankan xamar degan iyaguu sidaas ayay jecel yihiin dawladnimaddana u yaqaaniin,waar ninyohow marka hore dawladnimadda xaal baan siiyay,xamar lafteedana xaal baan siiyey,iyaganna ilaah bay dee leeyiin e ha loo duceeyo, dee maxay kale!!!

  21. Jowhar says:

    Habar walba walba haddii aay waxa Pratacolka yahay eey na bareeyo waa cajiib. Waagii aan yaraa ayaa sidaas waxaa wax looga sheegi jiray Madaxweeyne Siyaad barre. ilaa markii dambe propagandada lagu soo daray in dhaho wuxuu awoodi waayey musqul uu galay sidii looga soo bixi lahaa, marka warkaas waa kii habrahee, maxaad u dhihi weeyseen shaah loo shubay ayuu cabi waayey. bun in loo dubo ayuu sugaayey. IWM.

  22. Ibnu Banna says:

    waxaa wax lala yaabo ah oo kale in shariif markii uu la kumayay haweenadya wasaarada arimaha dibda ugu saraysa dalka maraynka markii uu Nairobi kula kulmay in oo dhinaca calamka maraynka damcay in uu istaago balse ay hellery Cilinton ka soo qabtay oo ay dhinaca calka somalia ku soo leexisay

    nin sida magaalo joog ka yahay isla markaan siyaasad sidaa ay ka tahay aya waxaa uu rabaa in uu umda xukumo war shariif adeerow waad fashalinta siyaasad aqoon diin cali ahaan dhamaan ee meesha u banee iminka ha ku fariistaana hogaamanka Al islaax iyagaa xal u ah somalia

    fikirka wasadiyah aya lagu dhamayn karaa dhibka iyo xaajadaan murug san
    Qabiil kuma diidin ee qaran doone ayaan ahay

  23. Marka hore waad salaamantihiin dhammaan inta ku raacday iyo inta ku mucaaraday mr ingiis maqaalkiisa ana aan idiin raaciyo fakarkayga.

    Mr ingiriis waa nin muwaadin soomaaliyeed waxaan mr ingiis u sheegayaa inuu iska jooojiyo mucaaradnimada uu wado maadama uu madaxweynaha dowlada midnimada qaran ee soomaaliya (Shiiq Shariif shiiq Axmed Shiiq Maxmuud Shiiq Muuse Cigalle) uu booqasho maalmo gaaban ku joogay magaalada london asagoo si qota dheer uga hadlay xiisadaha kajira dalka. marka waxaan ogaaney in mr ingiriis aad karabtay dowlada jago balse aad ka weyday sidaasana mucaaradnimadaada bogaga internetka la badigoobeyso.

    ee hadii aad dooneysid jago fiican umar nadaamkeeda waayo hadii ay kaa ahaan laheyd talo waxaad u jeedin laheyd walaalaha howsha gacanta ku haya hadaba qaabka aad waxaad ugu yeertay gefef diblumaasiyeed ugu faafisay wakaaladaha wararka ma qaab anshax iyo brotikool baa mise aniga Mr ingiriis ayaa saxsane ee hala I arko ??!!!!!!!

  24. walaalo anigaa waxaan ka yaabay nin oo la dhahaayo waa madaxweyne oo wax barnaamij ah oo macquul ah dad kiisa u sheegin!yaab maahinoo?run ahaan madax weynaha waan ogeyn in khibro ka maqantahy,lakiin waxaan aad uga naxay dadka uu soo urursaday oodhan maxaas kibrad dawlo u diiday,run waaye qofkaste waa arkayey in meesha layska imaaday! runahaan anigu aad ayaan unaxay,waayo waxan wax badan fiirsaday Milees oo yimid oo hadlaayo,hadda anigu aad ayaan uga naxay shariifka alla hasoo ururiyo.

  25. saeed sawaxili says:

    salaan dabadeed.
    Anigu arimaha baratakoolka ee uu kahadlay Mr. Ingiriis waxan u arkaa in waxbadani ka jiraan, tusaale qudbadii uu jeedinayay sheikh shariif ma ahayn qudbad cilmiyaysan oo soomali wax barnaamij ah u siday waxay iska ahayd qof sheeko doondoonaya oo kale.
    Marka waa run in haddii meesha madaxweyne marayo in bratakool jiro,diyaar garownna jirro.

  26. Abdullah says:

    Abdullah Adam
    walaal ingris waan aqriyey maqaalkii aad kaqortay Shariif iyo koox dii la socota. Laa kiin aan ku waydiiyee ma wax kale ayaad ka sugaysay?
    Jawaabtu, waa maya kulli good waa ragii mawlaca laga keenay

  27. A.Abanur says:

    ASCWW,

    Salaan ka dib, runtii markaan akhriyey maqaalka uu soo diyaariyey Mr. Ingariis, waan ka naxay, waana la yaabay, waayo Ingariis wuxuu isku magacaabaa Aqoonyahan, annigu waxaan aamin sanahay qofka isku sheega in uu Aqoonyahan yahay aana loo baahneyn in uu ka hadlo arrimaha uu Mr. ka hadlay, anniga waxay iigu muuqataa in uu Mr. Ingariis muujiyey qof aanan qofka walaalkiis Somaaliga ah aanan waxba u ogoleyn, midda kale Mr. Ingriis asaga waa isa jir, annigu waxay ila tahay in uu runtii anniga iga da’ yar yahay sidee uu ku dhalliili karaa hab maamuuska uu ka hadlayey, taasoo aan asaga ahayn qof arrimahaa aanan weligii soo arag, kaasoo aan filayo in uu ahaa dhallinyaradii kacdoonka ku soo barbaaray, ma aha in uu markasta iska dhigo qof khabiir ah oo asaga mahenee qof kale aanan waxba garaneyn. Waxaan filayaa in ay ninkaasi ka muuqatay Xasidnimo iyo in uu asaga aska dhigay qof kaligii wax yaqaano.
    Haddaba, waxaan ku leeyahay Mr. Ingariis maqaalkaaga wuxuu ahaa mid ka muuqatay in aad addigu howshaa ku habooneyd, waxaan filayaa in aadan si kale u fahmin, waxaan ahay qof neceb Xasidnimada.

    A.Abanur

  28. mahamaed says:

    walaal waad ku mahadsantahay inta aad u kuurgashay ceebahay dowlada somaliya ahna mida matasha jamhuriyadii somaliya ee qeyb ay rabto go,itaan aan u dan ahey ayna cadeysay iyo mid la gamban go,ida iyo mid xal gaari la,intaas ayaa laga sugaa in ay mideeyaan .tan aan rabo in aan u dhaadhaco waa tan booqashadii madaxweyne sharif shiikh axmad hab dhaqanka diplomasiyadeed wuxuu u baahnyahay in aad ku taqsustay ama aad qibrad u leedahay ,qaldaa waxaa laga rajeynayaa in uu saxo adigane in aad isku daydo in aad iyaga talo ahaan ugu sheegto hadii ayba wada sax yihiin waxaan aad soo qortay asc

  29. Muse says:

    waa war macquul ah, laakin walaale anugu waxaan ka yaabanahay meesha sare ee aad ka filaysay team-kaas, arimahaas waxay fadeexad noqon karaan markii dowlad rasmi ah oo ixtiraam leh ay ahaan lahayd, laakin raggan waxaas iyo wax ka darab waa laga filayaa.

    anyway, waad mahadsantahay.

  30. Yonis says:

    Waad ku mahad santaha sida wanaagsan eed ugu ifisay Qaladaadki ka dhacay, dabcan Aadanaha o dhami woow gafaa hadane waxaa haboon in mar kaleaysan kugu so laaban qaladkii hore kaaga dhacay ookale. waxaase ila fiicnaan laheyd haddi laga heli karo in waanada fiican ow qaato si ay barri ugu noqoto midow ka fiirsado,
    Mahad sanidiiin.