Home » Badda, Warar »

Qarammada Midoobey oo Shaaca ka Qaaday in Heshiiskii Is-Afgarad ee Badda (Somalia & Kenya) uu yahay Waxba kama Jiraan

Waa guul u soo hoyatey Shacabka Soomaaliyeed oo ka dhiidhiyey is daygii in dhulkooda lala wareego…

Qoraal kooban oo March 12, 2010 lagu faafiyey shabakadda rasmiga ah ee Qarammada Midoobey (UN) ayaa shaaca ka qaaday in Heshiiskii Is-fahamka (MOU) ee dhex maray DFKMG iyo Kenya “in Baarlamaanka Federaalka kumeelgaarka ay diideen is-afgaradkaas, sidaas daraadeedna waa in loo tixgeliyo mid aan lagu hawl geli karin ama la cuskan karin“. Qormada kooban ee UN-ka ayaa u qornayd … SII AKHRI….

Sidee ku suurtagashay in UN aqbasho go’aankii Baarlamaanka Soomaaliya? …. AKHRI….

Warbixinta marka aad akhridid hoos ku qor aragtidaada…

Mahad celin:

Bahda SomaliTalk.com waxay u mahad celinayaan dhammaan akhristayaashii dhambaalada noo soo diray. Mahadsanidin.

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

133 Jawaabood " Qarammada Midoobey oo Shaaca ka Qaaday in Heshiiskii Is-Afgarad ee Badda (Somalia & Kenya) uu yahay Waxba kama Jiraan "

  1. abdi gele says:

    Waad salaamantihiin bahda somalitalk. Waad ku mahadsantihiin hawsha taariikhiga ah ee aad u qabateen dadka soomaaliyeed. Waxaan idinka baranay in isbedel la samayn karo oo haddii qof ama group aan badnayn ay masuuliyad isa saaraan ay soomaaliya oo dhan ka badbaadin karaan dhbaatada ku habsatay haddii rabbi la garab galo,,,Haddaba waxaan idiin rajaynayaa barwaaqo iyo guul.

  2. waxaan aad ugu fraxsannahay aniga iyo saaxiibadeyda xubnaha baarlammaanka ku meel gaarka ah marka hore in UN ay tixgelissey goaankii Baarlamaanka, iyo qayladhaanti shacabka Somaliyeed, marka labaad waxaan u hambalyeynayaa guud ahaan Somaalida meel kasta oo ay joogto ka dhiidhissay in la iibsado dhulkeeda gaar ahaan waxaan si gaar ah ugu hambalyeyneynnaa ( Webpage-ka Somalitalk group) dhallinyarada Somaaliyeed oo educated-ka ah wadaniyiinta ah oo aan qabno amaba ay tahay in la,aantood baddaas la qaadan lahaa ayada oon shacabka la ogeyssiin, lakiin mahad ha ka gaarto Somalitalk taariikhda ayaa idin sheegi doonta waxaanan idiin rajeynayaa in ilaahey hoggaanka qaranka Soomaaliyeed uu gacanta u geliyo adinka iyo kuwa sidiinna oo kale u fakaraya oo garanaaya dal iyo dad waxa ay isku yihiin
    waxaan idinka codsanayaa in aad soo gashaan siyaasadda oo aad isi soo aruursattaan inta uussan dalku naga dhaxal wareegin.waayo dalkeenna waxaa uu dhibaatada uga bixi layahay waa kaliya hoggaan la,aan (lack of leadership).
    mahadsanidiin

  3. CAWIL says:

    KHAYR ALE HASIIYO INTII KA QAYB QAADATAY JOOJINTEEDA. INTII GOYNTEEEDA KU DADAALAYSAYNA ALLE HASOO HANUUNSHO HADII UUSAN HANUUN U QORNAYNA SHARTOODA ALLE HANAGA KAAFIYO.

  4. ACWW.

    Mahad & Xamdi noq Ilaahbaa leh,waxaa kaloo mahad balaaran oo aanan
    qoraal lagu koobi karin iska leh bahda Somalitalk,waxa kaloo mahad gaar
    ah mudan qofkasta oo ay ku jirto damiir islaamnimo & mid wadaniyadba,
    waxaa kaloon u mahadnaqeynaa Aniga & bahda somalitalkba mudanayaa-
    shii intay diideen markii laga hoosqaadi waayey hadana dib isu xilqaamay
    ee qoraalka diidmada ah udiray Un.

    hadaba qorasyaasha qiimaha badan ee Somalitalka waxaan idinku dhiiri-
    galinayaa hawshaa baaxada leh ee aad umaddiina uqabaneysaan haka –
    daalina waligiin,abaalkeedana ilaahay adtiisa,Ummadda Soomaaliyeed &
    Dadka Rer Jubbalaand oo aan ku abtirsadaba waad naga heleysaan in-
    shaa Allaahu.

    LONDON UK

    WABILAAHI TOWFIIQ
    Cabdiwahaab Sanweyne

  5. s/c walaal waxaa mahad isla leh alle subxaana watacaalaa ilaahna ha ka abaal mariyo dhamaan dadkii isku dayey in ay ka soo horjeensadaan heshiiskii waxashnimada ahaa ee lagula kacay umada somaaliyeed ayna ku damcsanaayeen in ay ku gataan bada soomaliyeed kuwo wax magarto ah oo aan wadin danta dadka iyo dalka somaaliyeed allahana ga soo gaaro caada qaatayaash waan mahadsanyihiin inta isu taagtay in aan wadankooda badihiisa lagoosan waxaan ka codsanayna beesha caalmka in aan arntaas gacan laga laaban oo wax muuqatah laga geesto mahadsanidiin

  6. A/C

    UGUHORAYN WAXA MAHAD ISKA LEH ILAHAY WAYN SW

    ARINTAAN JOOJINTA HESHIISKI ISFAHAMKA LA INOOGU SHEEGAY WAAGUUL U SOO HOYAATAY UMMADDA SOMALIYEED.

    WEB SITE KA SOMALITALK WAXAN LEENAHAY WAXAD TIHIIN MUWADINIIN KA DHIDHIYEY WAXLA LA HADOODILAYEY EE AY TFG DU SUBAGA INOO MAARISAY.WANAD KU MAHAD SAN TIHIN SIDA WANAGSAN EE AD ISUGU HAWSHEEN SOO URURINTEEDA XOGIHI AAD NOO SO GUDBISEEN.

    DHAMAAN UMMADDA SOMALIYEED WAXAN LEEYAHAY AYNU ILAASHANO WADANKEENA MAR UNBAYNU XAL GAADHI DOONA E.WAXANA UGU DARDARMAYAA IN AYNA RAJJADA KA QUSAANIN DAWLAD WAYNU HEELI DOONA IDANKA EBBE.

    QORE CABDIQANI CUMAR DUCALE-HARGEISA

  7. S.O.M.Ali says:

    ASC,
    Waxaa aad noogu weyn inta dareenkoodu ku danbeeyo damqashada runta ah ee qaranimo. Balse kuwa damac qurunku la degay weligood wey jireen sida Ibleys iyo ubakiisa, laakiin dad iyo dal jiraa kuwa doonay inay raqiis ku duudsiyaan xitaa haddii ay dalabaan cafis aniga ra’yigeyga cafis ma lahan.
    Goor ay ahaataba xukuumad u bisil waajibkeeda dalka iyo dadka wey heli doonaan caddaaaladdana ninkii qofkii shaki ka qabow Illaah baa ballan qaaday in la oogayo ifka iyo aakhiraba.

  8. A Barre says:

    Waad salamantihiin, Ilaahay haka abaalmariyo nintii ku dadaashay oo u howl gashay joojinta iyo kahortaga Danbigaas jariimada iyo khiyaamada ah
    ee ummada Somaaliyeed lala damacsanaa, waxaase ay xaqiiqadu tahay in
    aysan joogsanayn danbiyadaan noocaan oo kale ah, ayadoo aa lagala xisaab tamin dadkii masuulka ka ahaa iyo intii ka qayb gashay oo dhan.

    MAXAA LAGA HELI BIRIBA WUU DHUMIYE.

    GEEL NINKII DHICIN LAHAA DHACAYO YAA DHICIKARA.

    Inta Somalidu ay kala garan:- Kanaan garanyaa iyo kanaa wax garan kara
    danbiyada noocaan ah iyo dhibtu way socon.

  9. Dahir says:

    Dhammaan, assalaamu Calaykum,ka dib
    Ilaah baa mahad leh u hiilliyay ummadda Soomaaliyeed oo u muuqata xilligii ay ugu tabar darnaayeen. Ka dib waxaan mahad iyo abaal ballaaran u soo gudbinayaa bahda somalitalk oo arrinta heshiiska badda uga hadlay si cilmiyaysan. Ummadda soomaaliyeedna u caddeeyay danaha cadowga ee la xariira boobka dhulkooda. Waxaana leeyahay jazakumulaahu khayran.

    Sidoo kale waxaa xusid mudan in xubnaha baarlamaanka ee arrintan ka dagaallamay ay ummadda u qabteen adeeg aad u wayn, wayna mahadsan yihiin.

  10. Omar Mohammed Barre says:

    Anigoo ka faa’iideysanaya fursaddaan qaaliaga ah, Salaan Guud kadib, bahda Saxaaafaddu waa mahadsan yihiin gaar ahaan bogga Somalitalk iyo warbaahinta kale ee muwaadininiinta ahba oo qaybta weyn ee lama illaawaanka ah ka qaatay baraarujinta shacabka Somaliyeed iyo shirqoollada loo maleegayo, waxanna ka codsanayaa in ay halkaa hawsha ka wadaan siina laban laabaan oo ay isha ku hayaan dhagarta maldahan ee ay soo abaabulayaan damiir laawayaasha damiiniinta ah ee dhiigga ummadda u oomman.
    waxaaan si gaar ah ugu mahad celinayaa boqolkiiba kun jeer xubnaha Barlamaanka Somaliyeed ee Federalka ka tirsan oo yididiilo iyo rajo nageliyey kana daba tegey oo naga dhaqay dhibaatadii ay abuureen iyo denbigii weynaa ee bareerka ahaa oo gar iyo garowshiiyo laga waayey khaladkoodii oy ku talllaabsadeen niman xanbaarsan magaca xukuumad Somaliyeed, waxaana yaab noqotay sida ay ugu dhiirrdeen in ay bixiyaan oo har-cad qalinka ugu duugaan dhul badeed Somaliyeed waddanka Kenya oo awalba gumeystihii caalamiga ahaa dhul iyo ummad somaliyeed si khasab ah loogu gacan geliyey, oo aan hadda aan la gararayn Dacwad iyo dagaal kii lagagala soo noqon lahaa, waxaase mucjiso noqotey in maanta loogu sii daro hanbadii gumeysigii ka badbaadey dhul badeed qaaliya, kuwa sameeyey oo arrintaas ku fekerey kuna tallaabsadey waxaan ku tilmaami karaa koox Dallaaliin raqiis ah oo amarka Ilaahay Cirka laga soo tuuray, aanan garanayn irridda ay naga soo galeen, balse aan Ilaahay ka baryeyno in dhibtooda uu intaas noogu ekeeyo, iska daa in aan wax wanaagsan ka rajeyno waxaa nooga daran xilliga ay nala eegteen iyo Jillaafada ay nagu turun turreeyeen oo aanan ka soo waaqsan lahayn haddii aan barlamaan jirin, iimaan darrada ka muuqata waa ka weyn tahay inta aan u malaynayno waxaan u malaynayaa in ay madaxtooyada Villa Somaliya iibsan lahaayeen haddii la weydiisto, waxaa habboon in la dhiso guddi Somaliyeed oo muwaadiniin ah oo qarsoodi ah oo daba gala nimankaan Shaabadda iyo qalinka Jeebka ku sita oo hadba Hotel wax lagaga saxiixanayo , iyo in xubnaha Barllamaanka Somaliyeed ee arrintaan ka daba tegey in magacyadooda baal dahab ah lagu qoro oo ummadda la baro waayo waxay sameeyeen wax aan laga malaynayn waana in aan ogaanna in Barlamaanku ka wanaagsan yahay xukuumadda, lana taageero jiritaankiisa, kuwa ay caddaato in ay u saxiixeen baddeenna iyo berrigeenna dal shisheeyey waa in magacyadoodana lagu qoraa musqulaha madaama ay mutesyteen, waxayna xukuumad u yihiin dalalka shisheeye oo ay dhulk badeedkayaga u xasiiseen, waxaan soo xasuustey tix abwaan yiri: …………..Toddobaatan (70) jeer haddaad toobad soo celiso marna calanka iyo ciiddu ku cefinmaayaan….!!!!!!!!!!!!!!!!

  11. Osman says:

    Assaalmu caleykum,salaan kadib waxaa mahad oo dhan leh allihii badbaadiyey baddeenna,mahadda alle kadib waxaan mahad usoo jeedinaayaa bahda shabakadda somalitalk.com oo dadaal weyn ku bixiyey iney ummadda soomaaliyeed ku baraarujiyaan khatarta uu lahaa heshiiskaas,waxaa kaloo aan mahad usoo jeedinaayaa intii kalee kaqeyb qaadatey sidii uu ufashilmi lahaa heshiiskaas.
    Waxaan leeyahay soomaaliyey gacmo wadajirbey wax ku gooyaan ee umidooba badbaadada dalkiinna iyo dadkiinna,kana hortaga caada qaatayaasha raba iney dalka iyo dadkaba gataan,wassalaamu caleykum.

  12. RUNSHEEG says:

    ASC.

    Dhamaan Ummadda Soomaaliyeed, Salaan ka dib Aniga wali kuma kalsooni go’aanka UNta/QM waayo waxaan dareensanahay inay had iyo jeer UNtu taageerto cadowgeena nooc kastoo uu yahay.

    Waxaan Mahad iyo Hambalyo u soo jeedinayaa Wadaniyiinta u dooda xuquuqda Soomaaliyeed ee ka howlgala wargeyskan Somalitalk.com. Waajibkiinii waad gudateen KHEYR IYO WANAAG badan Alle ha idiin kuugu bedelo (AAMIIN).

  13. Abdi Farah says:

    waxaan ku siganay dhaxal wareejin, ilaahse waa aqbalay waana abaal mariyey intii ka gilgilatey dulmiga kenya iyo dabadhilfnimada kuwo somali sheegtay lakiin dullobey. waxaa ila habboon in fakarkeena an ka ballaarto guusha an helnay oo u gudubno suulinta duruufaha keenay in dalkeena hawsto in la dhaco dadkeenana lagu tacadiyo ayado wax kasta loo soo marayo imaan laaweyaal somali sheegta. duruufaha suurtogaliyey arrimahaas waa kala qaybsanaanteena iyo dagaalkeena oo runtii wax nagu jirrabaya iyo dano waaween oo dadka somaliyeed ay isku diidayaan ayna jirin.
    waxaan ka dhex arkay qoralladii ka dagaallanka arrinta isku-daygii bixinta bada somaliyeed, dad badan oo an ku ogahay mowqifyo kala duwan oo la xiriira xallinta arrinta somaliya lakiin si an kala harlahayn uga ada qayb qaatay diidmada bixinta bada somaliyeed.
    waxaan haddaba ku talinayaa inta ku midowdey ka hortaga bixinta bada somaliyeed ( oo qaarkay gaari kartey somalitalk.com u bandhigtay guusha soo hoyatay)in ay horseed u noqdaan u olololaynta nabada dalkooda iyo xojinta waxa dadka mideynaya, diidaana waxa dadka somaliyeed kala geeynaya.
    Nabadaynta iyo walaalaynta dadku waxay meesha ka saarayaan cadawga iyo caadeqateyaalka dhib kastaa ka soo askumayso.
    waxaan ugu dambayn u mahadcelinaya
    1-shacbigii somaliyeed ee muujiyey ka dhiidhiga iyo diidmada adag ee dhaxalwareejintii la isku dayey
    website-ka somalitalk.com sidu arrintan ugyu soo bandhigay shacbiga somaliyeed
    Xildhibaannada ayagoo cadaadis, laaluush iyo cabsigalin lagu hayo yeeshay damiirka iyo geesinimada in ka horyimaadaan jariimadii ay wadeen xubno sheeganaya ka wakiilnimada shacbiga somaliyeed.