Home » Warar »

Dastuurkii Lagu Soo Saxiixay Nairobi oo Muran Gelinaya Dhulka Jamhuuriyadda Soomaaliya

“Dhulka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee khilaafka soohdimaha caalamig ka dhasha in xallintooda loo maro tub nabadeed iyo iskaashi…” waa qodob lagu siyaadiyey Dastuurkii lagu soo saxiixay Nairobi Jimacadii June 22, 2012

Guddiga madaxa bannaan ee dastuurka qabyo-qoraalka ayaa shaaca ka qaaday in nuqulkii ugu dambeeyey ee dastuurka e lagu soo saxiixay Nairobi uu ka duwan yahay kii ay hore u soo saareen, sidaas daraadeedna ay ummadda Soomaaliyeed arrintaas ku war gelinayaan.

Cabdullaahi Xasan Jaamac oo ah guddoomiyaha gudiga madaxa bannaan ee dastuurka oo Isniintii waraysi siiyey idaacadda Codka Maraykanka ayaa wax laga weydiiyey nuqulka dastuurka ee Jimcadii Nairobi lagu saxiixay waxyaabaha uu kaga duwan yahay dastuurkii ay soo saareen.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in dastuurka lagu saxiixay Nairobi uu yahay mid laga saaray ama la laalay ugu yaraan 70 qodob. Waxa kale oo uu xusay qodobo uu kaga duwan yahay kii ay hore sida qodobka 7aad oo ku saabsan dhulka Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya.

Waxa uu sheegay in qodobkaas 7aad oo ku saabsanaa in dhulka Jamhuuriyadda Soomaaliya uu yahay laguma xad gudbaan “Waxay ku dareen saddex farqadood oo midda saddexaad ay tahay tan ugu dhibka badan, waxayna dhigeysaa ‘dhulka Jamhuuriyadda Federaalak Soomaaliya ee khilaafaadka Soohdimaha caalamiga ah ka dhasha in xallintooda loo maro tub nabadeed iyo iskaashi, oo wafaqsan qawaaniinta dalka u degsan iyo kuwa caalamiga ah.”

Waxana Cabdullaahi Xasan Jaamac hadalkiisa ku adkeeyey in farqaddaas saddexaaad ee lagu daray qaybta dhulka ee dastuurka lagu soo saxiixay Nairobi in uu keeni karo in “muran uu ka dhalan karo dhulka Jamhuuriyadda Soomaaliya, oo haddii dawlado kale ay yiraahdaan dhulka Soomaaliya khilaafaad ayaa ka jira, haddii qodobkaas la eego waxaynu ku khasbanaanaynaa in aan wada hadallo nabadeed la furno ayadoo la raacayo sharciyada dalka iyo kuwa caalamiga ah.” (dhulkaagii ayaad sheegtay in muran geli karo, oo kuna qortay dastuurkaaga).

Halkan ka dheegyso waraysigii VOA ee C/laahi Xasan Jaamac

[audio:http://somalitalkradio.com/cod/2012/dastuur_kudarid_jun12.mp3]

Qodobka kale, ayuu yiri,oo ay farqaddaas ku dareen waxa uu shigayaa “xuduudadaha  Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waa xuduudahii ku astaansanaa dastoorkii 1960-kii.” Laakiin, ayuu yiri Cabdullaahi Xasan Jaamac, markaan eegay dastuurkii 1960-kii laba qodob ayaa ka hadlaya arrimaah xuduudaha, oo ah qodobka 4aad iyo qodobka 6aad. Labadaas qodob midna ma sheegayo in xuduudaha la astaameeyey, marka iska hor imaad ayey keeni karaan.

Qodobada lagu siiyaadiyey qeexidda dhulka Soomaaliya oo muran la gelinayo

Tixraac: Nuqulka dastuurka ee lagu saxiixay Nairobi ee uu Faafiyey Mahiga

Sida ku qoran qabyo qoraalkii dastuurka

Tixraac: Qabyo qoraalkii dastuurka loo samaynayey Soomaaliya

Hadalka guddoomiyaha guddiga dastuurka madaxa bannaan markii uu so baxay waxaa durbadiiba Addis Ababa u dhoofay Madaxweynaah DFKMG. Waxaana dhanka kale shir degdeg ah yeeshay golaha wasiirada DFKMG oo sheegay “In shacabka loo soo bandhigayo Dastuurka 24 saac oo soo socoda iyadoo loo sii marsiinayo qaybaha kala duwan ee warbaahinta.”

Laakiin ka hor intii aan guddigaasi shirka yeelan waxaa isla markii Cabdullaahi Xasan Jaamac uu arrinta fashiliyey ayaa waxaa dukumiintigii Nairobi lagu saxiixay oo dhan email kufaafiyey ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobey uqaabilsan Soomaaliya, Magiga, kuna daabacay website-kiisa xafiiska Nairobi ee UN-ka, sida hoos ku qoran:

  • Joint Communiqué of the Consultative Meeting of the Signatories of the Process for Ending the Transition. [English] [Somali]
  • Protocol Establishing the Technical Selection Committee. [English] [Somali]
  • Protocol Establishing the Somali National Constituent Assembly. [English]  [Somali]
  • Protocol Establishing the Somali New Federal Parliament.  [English]  [Somali]
  • Protocol Establishing the Signatories Technical Facilitation Committee. [English]  [Somali]
  • Somali Transitional Government Decree Providing for the Transition to a new Federal Government For the Somali Republic.  [English]  [Somali]
  • Official draft of the provisional constitution for adoption by the National Constituent Assembly.  [English to follow] [Somali]

Dhanka kale waxaa warsaxaafadeed soo saaray Wasiirka Dastuurka Xukuumadda KMG, C/raxmaan Xoosh Jibriil uu ku beeniyay “hadalkii ka soo yeeray Gudoomiyaha Gudigga Madaxa banaan ee Dastuurka ee ku aadanaa in madaxda dalka ay la timid Dastuur Cusub.” Halkan ka akhri..

Sidoo kale mr. Xoosh waxa uu waraysi siiyey idaacadda Codka Maraykanka uu ku sheegay in guddiga madaxa bannaan ay hawshoodii dhammaatay.

[audio:http://somalitalkradio.com/cod/2012/dastuur_xoosh_jun12.mp3]

In badan oo kamid ah dadweynaha Soomaaliyeed ayaa rumaysan in ilaa maalintii ay xilka qabatay DFKMG ee uu madaxda ka yahay Sheikh Shariif (laga soo bilaabo 2009) in ay u xusul duubeysey sidii dhulka Soomaaliyeed muran loo gelin lahaa, taas oo kasoo bilaabatay heshiiskii Is-afgarad ee dhul-badeedka Soomaaliya bay-lahda gelinayey.

Arrintaas markii  ay baarlamaanka Soomaaliya is hortaageena in ay xukuumaddu ku dadaashey in baarlamaanka laga dhigo mid aan wax awood sharicyeed ku lahayn maqaamka DFKMG. Taas markii ay u hirgashay oo baarlamaankii DFKMG noqday mid aan jirin, ayaa waxaa hadda soo shaac baxay in qodobadan lagu soo siyaadiyey dastuurka ee muran gelinta dhulka Soomaaliyeed.

Sababta aan dastuurkii 1960 ku astayn xuduudaha ayaa odayaashii hore ee maahirka ahaa u arkayeen in ahayd maadaama Soomaalida uu dhul kaga maqan yahay NFD iyo Soomaali galbeed.

Dastuurkii 1960 waxaa oo ay qoreen Soomaali aragti dheer waxaa kuqornaa:

  • Xuduudda Dalka/Qaranka waa muqaddas lagumana xad-gudbi karo.
  • Xuduudda Qaranka/Dalka waxay ku fidsantahay xuduudda Qaaradda, Jasiiradaha, xuduud badeedka, qayb-dhuleedka, hawada sare iyo gabal Qaaradeedka.
  • Tixraac halkan
DFKMG lagama fileyn in ay si geesinimo leh dastuurka ugu qoraan baaxadda dhul-badeedka Soomaaliyeed (sida dalka Peru). Laakiin waxaa arrintaas ka sii daran noqotay in ay ku hawlan yihiin in ay muran geliyeen gebi ahaan dhulka Jamhuuriyadda Soomaaliya, taasna ku qoraan dastuurka jajuubka ah, ayadoo saxiixoodu si qayaxan uga muuqdo. 9EEG qoraalka Mahiga faafiyey oo ah: Official draft of the provisional constitution for adoption by the National Constituent Assembly. Ka Akhri.. [Somali]

 

 

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

9 Jawaabood " Dastuurkii Lagu Soo Saxiixay Nairobi oo Muran Gelinaya Dhulka Jamhuuriyadda Soomaaliya "

  1. shiino beder says:

    asc dhamman somalieeyee meel aad joogtaanba. intaas ka bacdi
    maanta waxay ku jira gumeysi isagga ayaaba is dhaamaanee waa kii igu xummaa waana mid madow . africa kuwii igu liitay ayaa maant inoo
    talinaya. itoobiy ugaadha. seeryaon.burdi. jauti . iyo kuwo kalo oo badan –
    badaddii hore ayaa loo iibeyey. dhulkiina waa la gaday .idinkkiina maanta
    ayaa yaldin gadaya. su,aasha – aan qabaa goormay ayuu soo bix aqoon -yahay somali ah ka dhiidhigyaa wax maanta taagan ilahay u gargaar ummaadda : ILAHAAHA AYAAGARGAARE LEH- hurdada ha laga kaco oo ha loo fekero sidii dhibkan ilahay inooga saar lahaa . r

  2. Dayiba says:

    Allahu akbar

    Raggi soomaaliyeed maanta ayay ubadkoodii ka dhigeen qaxooti joogta ah, oo xabashidii aan iskala hanwayneen ina raran doonta. Adoo xor ah in aad adoonsi ogolaata waa dulinimo. In aad naftiina iyo inta aad ka masuul tihiin sobob u noqotaan in qaarna la iska wato qaarna la adoonsado, waa dulinimo. Ragga nimadiini waxay ku dambeysey in aad idinku is fiirsataan, cadawgiina idinka faa´iideysto.

    Wallahu mustacaan

  3. Hassanow says:

    Waxaan layaabaa dadka ku hadaaqaya dowladnimaa la gaarayaa! War Soomaaliya goormaa lagala noqday dowladnimadii? Waxaan ognahay Soomaaliya inay xornimo qaadatay 26 June 1960 iyo 1dii Luulyo 1960. Sababta markaadii hore loo yiri Dowlad-Kumeelgaar waxay ahayd mid lagu daminayey raadkii dagaalkii sokeeye ee ma ahayn mid Soomaaliya lagala noqday dowladnimadii. Haddaba maxay tahay dowladdaan rasmiga ahee laleeyahay waa la gaarayaa. Dowlad rasmiya soow taan horey u ahayn laga soo bilaabo 1960s. Waxaaba taa kaaga daran dowladnimada lasheegayo in la gaarayo (haddayba jirtee) waxaa ka soo sokeeya nidaam Ismaamul Hoose (Interim Authority) kaasoo meesha ka saaraya sharciyaddii dowladnimadii rasmiga ahayd ee 1960s. Wixii kolkaa ka dambeysana cid ballan qaadi karto ma jirto in dib loo heli doono dowladnimadii rasmiga ahayd. War Soomaalaay ka fiirsada talaabada la qaadayo dalkaan yaan gumeysi hor leh la gelinin.

  4. Faduma A. Hassan says:

    Assalaamu caleykum
    Walaalayaal akhristayaal waan idin salaamay dhammaantiin
    marka xigta soomaliaya goormay xudduudeedu dhammaystirnayd, dhuildkeennii inta aynu jamhuuriyadda u naqaan in ka badan ama le’eg baa inaga maqana waan qabaa in aanaan sheegan inta xorta ah keliya waa haddii xiddigtu ay run tahay macneheeduna yahay 5ta loo qaybiyey dalka marka aan ka soo qaadno inaan dalku dhammayn waa sida runta ahe. mieyeysan jirin inaan dalkeennii gacantena ku jirin maase lagu daro faqrqa oranaysa qayubaha maqana hallagu raadiyo si nabad iyo wada hadal ah oo markaas ay fure u noqoto 3da maqana waa haddii Jabuuti na rabtee.
    intaas baan kusoo xiray tacliiqayga.

  5. salaanta islaamka marka hore s/c w wb,bacdu sallaan waxaa jirta in mediada ha ahaato joornaal internetsite, tv uu mid walba uu yahay difoose dhinac uu midwalbana kaa dhaahdicinaayo wuxuu asaga qabo oo ka fog runta gaar ahaan wargeeysyada soomaalida oo u badan kuwo qabyaalad ka dhex hadasho oo aan marnaba wadin danta dalka ee wada dano shaqsiyo ama qabiil gooni ah marka hadalka dulucdiisii waxaan rabaa in somalitalka aniga oo aan aqoon qabiilka ninka leh uga mahad celiyo pro soomaalinimda ka muuqata somalitalk oo ay ku difaacaan had iyo goor bada iyo bariga soomaaliyeed, ,hadaan u soo laabto arintan ku saabsan dastuurka war waxaan waxeey walaaqayaan wax socon doono maahee horta aan u deeyno qodobadan qabqabsiga keenay si aan u helno ama ay usoo noqoto kala danbeeyntii iyo nabadii marka hore hadii inta la helo dhulkaan waxaa imaan ragii lahaa oo soomaalida saxda aha ahaa oo aan ka amar qaadan doonin mahiiga &co ama adisapabe, marka waa iska meel gaar,ogaadana dastuurka qodobadiisa had iyo jeer in ay badali karaan awoodna u leeyihiin baarlamaanka matala shacabka iyo madaxweeynahaba.marka dastuurkan uu wato zanawi iyo mahiga afi dadki loogama qaadin sidaa darteedna mid waligeen aan ku dhaqmeeyno ma ahan doono oo marka nabad la helo afti ayaa la qaadi markaasaana la arki hadaan rabno mise diidanahay ,arimaha koowaad ee noogu daran waa in dhulka laga xoreeyo shabaab oo ciidanklii xooga dalka soomaliyeed awoodiisi helo uu ku difaaci kari lahaa ciida soomaaliyeed si aan uga maarano amisom in la helo dowlad buuxda oo rasmi si aan uga awood badnaano mahiga iyo ciidanka ka daba qaraabto,marka waxaan ula jeedaa saan aniga qabo marka hore shariifyo iyo tuugo oo dhan si aan isu dhaafino yaan buuqa la badin wixii wax yar ah hadhoow baan gadaal ka badali doonaa ee halaga gudbo hadii kale jaanis nooga dhow oo dowladnimo lama helaayo..wabilaahi towfiiq,,.

  6. Dahir says:

    WAAD SALAAMAN TAHIIN DHAMAAN UMADA SOMLIYEED
    ANIGA OO QABIIL IYO SHAQSI CAYMEYNIN WAXAAN
    JECLAAN LAHAA IN SOMALI AY IYADU GOD ISKU RIDAY
    WAAYO HADA WAXAAY JOOGTA DHULKIINA MURAN GALIYA
    BARINA XOOG INTAY KU QABSADAAN
    SIDII FALASTINA AAYAD 50 SANO WADA HADAL WAQTIGA LAGAG
    QAADI
    WAXAAN ARKO MA ARKAAN KUWA ISKU SHEGAYA DOWLAD
    MISE ANIGA AYAA AQLI DHAAMAN
    ITOBIYA WAXAA HADA KA DARAN WAA KENYA OO MUDO
    DHER KU MASHQULSAN BADA WEYNA KU GULEYSANDOONTAA
    ILAHAY HA U SAHLO WAAYO DADKII ISKA LAHAA HADII
    DAREN AMA FICIL KU JIRIN MAXAA LOGI DIIDA KENYA

  7. Mohamed Aden says:

    Anigu waxaan qabaa in mar un howsha Dastuurka ah iyo doodahiisu naga dhamaadaan, 2da dhinac ee is haysana hal dhinac guuleysto. whatsoever la isku diidan yahay cid un teeda ha loo yeelo.
    Haddii aan sidaas la yeelin looma dhamo iyo i jiid aan ku jiide laga baxaayo. Guddiga madaxa banaan iney naga hor wareegaan ayey dantu ugu jirtaa Somali, because raali ayey ka ahaayeen waxa socda oo iyaga markooda dibada la dhigey. Somalia way u jirtaa xaalad ah “Nin Qoyani Biyo Iskama Dhawro” waxii la naloo keeno aan qaadano, madaxweyneyaal aan la soo dooran iyo kuwa beesha caalamku wadato kuligood waa naloo keeney. maanta dastuur kmg lagu sheegey kama xumo kuwaas horey naloogu keeney. sidaas darteed, waan qabaa in la ansixiyo, dowlad timaado, nabad gacan ku rimis ah sida tan hadda jirta timaado, si inta badan ee nabada jecel ay howsha u dhameystiraan qowleysatana banaanka loo soo dhigo. Naga daayo i jiid aan ku jiid. ee hal dhinac aan howsha u wadno si un horumar loo gaaro.
    kalmada Ummadda soomaaliyeed ee shaqsi kastaa ku hadaaqaayo waxna ku hoos jiraan naga daayo horey baanu oga dheregnaye.

  8. Hassanow says:

    Dastuur baa la beddeli iyo dood aan dhammaaneyn
    Diiday kii yiraahdana dabin baa u qoolane
    Dibad joogtayaa iyo dalka gudihii kolay tahay
    Dareen kii qaba ogoow diirad baa ku saarane
    Dano qarsoon haddaanay jirin waa lay dooransiin lahaa
    Dirqi inaan ku ansixiyana dooddu may ahaateen
    Damac guracanoon la gaareyn dowladninadu maahee
    Doqon baa warmooge diirsanin abidee
    Dadkeygoow baraaruga

  9. osman says:

    waxan u mahad celinayaa somalitalk oo ah websayt ah dalka iyo dadka somaliyeed usoo jeeda arinteeda haday ahaan lahayd xaga qaranimada iyo jiritaanka somaliyeed waan idiin mahad celiyaa aad ayaan ugu xirnahay webseedakan runtii markaan ka hadlo dastuurka qabyadaha hade cadowgeena waa itoobiya mana ogola inaan madaxa kor u soo qaadno iyagaana kadanbayya arimahan in dalka lagoogooyo ayaa la rabaa aad ayaana ugu xumahay waxaan leeyahay somaaliyey toosoo toos oo isku tiirsadee halba kiina taag daranay taageera waligiinay