Home » Warar »

Golaha Wasiirada oo Shir Deg Deg ah Isugu Yimid Galabnimadii Isniinta

iyo Wasiirka Dastuurka oo iska fogeeyay eedeyntii Gudigga madaxa banaan ee Dastuurka.

Warsaxaafadeed ka soo baxay DFKMG ayaa tibaaxay in kulan degdeg ah oo golaha xukuumada FKMG ay isniintii ku yeesheen Muqdisho in ay ku go’aamiyeen Inuu furmayo shirkii ansixinta Dastuurka 12, July, 2012 isla markaasna waxa uu goluhu ansixiyey Gudi Farsamo ee soo ulitaanka ergada oo magacyadoodu hoos ku qoran yihiin:

Warsaxaafadeedka oo dhan hoos ka akhri:

Golaha Wasiirada oo Shir Deg Deg ah Isugu Yimid Galabta

Muqdisho, Isniin, June 25, 2012 Waxaa galabta shir aan caadi aheyn isugu yimid xaruntooda Golaha Wasiirada, shirkaas oo uu shir gudoominayay Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka KMG ah Mudane Dr. Cabdiweli Maxamed Cali ayaa looga hadlay qodobo kala duwan oo ay kamid yihiin Dastuurka iyo Amniga

Ugu horreyntii golaha waxaa Ra’iisul Wasaare Dr. Cabid weli maxamed Cali Gaas uga war bixiyey shirkii saxiixayaasha Roadmap-ka kaas oo kadhacay magaalada Nairobi 20-22 bishan, Ra’iisul Wasaare Gaas ayaa sheegay in shirkaas uu ahaa mid taariikhiya oo u soo hoyotay ummadda Soomaaliyeed waxaana laga gaaray is afgarad nuqulkii ugu danbeeyey Dastuurka qabyo qoraalka ah.

Waxaa sidoo kale warbixin laga dhagaysatay Wasiirka Dastuurka iyo Dib-uheshiisiinta Mudane: C/raxmaan Xoosh Jibriil waxaana uu sheegay wasiirku in ummadda Soomaaliyeed ay maanta haysato Dastuur loona soo bandhigayo wakhti aan fogayn.

Waxaa kale oo warbixin goluhu kadhagaysatay Wasiiru Dowlaha Wasaarada Gaashandhiga waxaana uu sheegay wasiirku in ciidanka qaranku ay horumaro la taaban karo ka sameeyeen qaar kamid ah gobolada dalka, sidoo kale wasiirku waxaa uu sheegay in wasaaradu ay waday maalmihii lasoo dhaafay bixiinta mushaaradka ciidanka qaranka.

Dood iyo falaqan badan kadib goluhu wuxuu isku raacay qodobadaan soo socda.

  1. · Golaha Wasiirada wuxuu soo dhaweynayaa in ay dhamaatay shaqadii gudiga madaxa banaan ee dastuurka sida ku xusan go’andii kasoo baxay shirkii saxiixayaasha Roadmap-ka ee ka dhacay magaalada Nairobi 20-22 June. 2012
  2. · Inuu furmayo shirkii ansixinta Dastuurka 12, July, 2012
  3. · In shacabka loo soo bandhigayo Dastuurka 24 saac oo soo socoda iyadoo loo sii marsiinayo qaybaha kala duwan ee warbaahinta

Ugu danbayntii waxaa uu goluhu ansixiyey Gudi Farsamo ee soo xulitaanka ergada.

Magacyada Gudiga Farsamada

1. Bashir Warsame Jama

2. Engineer Abdirahman Mohamed Osman

3. Halima Ismail Ibrahim

4. Mohamed Ali Hayle

5. Fowsia Abikar Nur

6. Dahir Warsame

7. Jama Salad Mohamed

8. Sadiq Abshir Garad

9. Fadumo Jama Jibril

10. Faisa Mohamed Layli

11. Professor Abdullahi Hassan Hussein

12. Dr. Yasin Salah Ali

13. Dayib Mohamed Ali

14. Abdirizak Ahmed Farah

15. Showqi Ahmed Hussein

16. Hamad Hagi Ali Hassan

17. Hassan Ahmed Ibrahim

18. Abdiwahid Sheikh Osman

19. Salim Ma’ow Hagi

20. Abdulle Ahmed Yusuf

21. Abshir Warsame Jama

22. Professor Abdullahi Osman Hiireg

23. Engineer Salah Sheekh Osman

24. Mohamed Aden Ibrahim (Fargeto)

25. Qasim Iidow Ibrahim

26. Sheikh Qasim Ibrahim

27. Halima Omar Ahmed

—-DHAMAAD—-

Shir jaraa’id

Wasiirka Dastuurka oo iska fogeeyay eedeyntii Gudigga madaxa banaan ee Dastuurka.

Muqdisho, Isniin, June, 25, 2012———-Wasiirka Dastuurka Xukuumadda Soomaaliya, C/raxmaan Xoosh Jibriil ayaa maanta shir jaraa’id uu saxaafadda u qabtay ku beeniyay hadalkii ka soo yeeray Gudoomiyaha Gudigga Madaxa banaan ee Dastuurka ee ku aadanaa in madaxda dalka ay la timid Dastuur Cusub.

“Waxaan marka hore idin sheegayaa hadalkii ka soo yeeray Gudoomiyaha Gudiga Madaxa Banaan ee Arrimaha Dastuurka waa wax aad looga xumaado hadalkii ka soo yeeray waana mid laga been fariimay madaxda dowladda”.

Wuxuuna Wasiirku sheegay in 22, bishaan June, 2012 ay madaxda dowladda iyo saxiixayaashii Roadmap-ka intaba waxa ay saxiixeen Nuqulkii saxda ahaa ee ugu dambeeyay Dastuurka dalka, islamarkaana ku tilmaamay midka saxda ah ee la horkeeni doono Golaha Ansixinta Dastuurka.

Wasiirka ayaa intaa ku daray in 23,May,2012 shirkii ay saxiixayaasha Roadmap-ka ee Adis Ababa lagu saxiixay faalo ay soo galiyeen Dastuurka, Waxeyna magacaabeen Gudi dib u habeen ku sameeyo faaladii si sharciyeysan kadibna Dastuukii inta fiiriya oo ka bixiya wixii iska hor imaanaya.Waxaana uu gudigaads ka koobnaa 18 xubnood oo ay soo magacaabeen Saxiixayaasha Roadmap-ka. Wuxuuna sheegay in Gudiga Madaxa banaan ay howshooda dhamaatay islamarkaana ay wasaaradu soo gudbisay Nuqulkii ugu dambeeyay Dastuurka mar dhowna la horkeeni doono gudiga Ansixinta Dastuurka.

Sidoo kale Wasiirka ayaa tilmaamay in Dastuurka ay soo gudbiyeen Gudigga Madaxa Banaan lagu sameeyay Erey bixin balse tilmaamay in uu aad uga fiican yahay Dastuurkii ay inoo soo gudbiyeen marka loo eego dhanka Shareecada Islaamka.

Wuxuuna intaa ku sii daray in Gudigga Madaxa Banaan ay isku soo qaseyn sida qodobada ka hadlaya Sharciyadda ku saabsan Xisbiyadda, Diiwaan gelinta Xisbiyada iyo Shuruucda Gudiyada Doorashada oo ay faalo aad ah uga qoreyn, Waxeyna madaxda soo jeedisay iney ahaa yeen faahfaahin, waxaana la isla gartay in laga saaro.waxaana arrimahaasi oo dhan lagu soo gooyaa Shuruuc gaar ah oo ay leeyihiin Baarlamaanka.

Waxey kaloo inoo soo gudbiyeen Qodobo ka hadlaya Maxkamada Dastuuriga, waxeyna lee yihiin wixii lagu heshiin waayo ha la horkeeyo Maxkamada Dastuuri ah markii aan arrintaasi baarneyna kumaba yaalo Qodobka Maxkamada Dastuuriga ka hadleyso, waxaana garanay inaan qodobkaasi ku soo darno Dastuurka dalka.

Ugu dambeyntii Wasiir ku xigeenka iyo Wasiiru-dowladda Wasaaradda Dastuurka iyo Dib-U heshiisiinta ayaa ku eedeyay Gudigga Madaxa Banaan ee Dastuurka iney meel uga dhaceen madaxda dalka iyo dowladda islamarkaana si wada jir ah ugu eedeeyay Gudigga iney la soo daahayeen oo mar walba dib u dhigayay in la horkeena Odayaasha Dhaqanka iyo Umadda Soomaaliyeed Dastuurka dalka si ay uga doodaan. Islamarkaana tilmaamay in Shacabka Soomaaliyeed la hor keeni doono Dastuurka dalka ayna ku soo daabici doonaan Website-yada.

– DHAMAAD –
Abdinor Abdikadir Mohamed(Daacad)
Deputy of Communication Director Office of the PM
Tell: +252 615 244689

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.