Home » Warar »

Shiikh Shariif oo Daboolka ka qaadey in Gudoomiyaha Baarlamaanka uu si ula kac ah isu hor istaagey Ansaxinta Raiisul Wasaaraha

  • Qodobkan 40-aad ee Xeer-Hoosaadka Baarlamaanka wuxuu ku saabsan yahay marka loo codaynayo hindise sharci ee kuma saabsana kalsooni u qaadid Raysul Wasaare cusub iyo xukuumadiis toona.” Sidaas waxaa qoray Warsaxaafadeedka Xafiiska Madaxweynaha DFKMG…

Ka dib markii dhawaan uu Raiisul Wsaaraha la magacaabay hortey Golaha Baarlamaanka si uu u weydiisto Codka Kalsoonida ayaa waxaa dhacay in kulankaas ay isagu yimaadeen Golaha Baarlamaanka uu ku dhamaadey Qalalaase iyo Natiijo Laa’an ka dib markii la isku Khilaafey qaabka Codka loo qaadayo oo ah Qarsoodi iyo Gacan Taag.

Durbadiiba waxaa soo ifbaxay khilaaf u dhaxeeyey Madaxweynaha Dowladda Federaalka Shiikh Shariif Shiikh Axmed iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan Shiikh Aadan wuxuuna Khilaafkaas ka dhashey ka dib markii lagu kala dareerey Kulankii Baarlamaanka Aarbacadii Oct 20 ee Codka loogu qaadeyey Raiisul Wasaaraha la magacaabay Farmaajo oo la sheegey in uu ka dambeeyey Gudoomiyaha Baarlamaanka.

Madaxweynaha DFKMG Shiikh Shariif ayaa maanta (Axad Oct 24, 2010) soo saarey Wasaxaafadeed oo uu kaga hadlayo Gudoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan Shiikh Aadaan waxaana war saxaafadeedkaas lagu bayaaniyey in Gudoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan Shiikh Aadan uu is Hortaag ku sameeyey Codkii Kalsoonida ee loo qaadi lahaa Raiisul Wasaaraha la magacaabay Maxamed Cabdulaahi Farmaajo wuxuu War Saxaafadeedkaas u qornaa sidatan:

Warsaxaafadeed uu soo saaray  Madaxweynaha DFKMG:

***

War-saxaafaddeed: Aragti sharci ah oo la xiriita ansixinta Raíisul Wasaaraha la magacaabay

Sida ku cad Axdi Qarameedka Soomaaliya, Madaxweynaha ayaa leh awoodda magacaabidda ra’iisul wasaaraha (eeg qodobka 44-aad ee Axdiga DFKMG ah). Baarlamaankuna wuxuu ansixiyaa magacaabidda uu sameeyo Madaxweynaha.

Maadaama uu Baarlamaanku leeyahay awoodda ansixinta magacaabista uu sameeyo Madaxweynuhu, wuxuu kaloo awood u leeyahay inuu diido, sababtoo ah haddii ay jirto awoodda ansixinta, waa inay jirtaa awoodda diidmada.

Tan iyo markii la billaabay in Madaxweyne Soomaaliyeed uu magacaabo ra’iisul wasaare, sanadku markuu ahaa 1960-kii, lama hayo raad muujinaya baarlamaan diiday raíisul wasaare Madaxweynuhu soo magacaabay. Haddaba, waxay noqoneysaa arrin ugub ah oo aan hore u dhicin in Golaha Baarlamaanku is-hortaago raíisul wasaare Madaxweynuhu magacaabay.

Qodobka 49-aad ee Axdi Qarameedka wuxuu dhigayaa: “Ra’iisul wasaarihii uu magacaabistiisa ansixiyo Golaha Baarlamaanka, wuxuu shaqada billaabayaa marka uu dhaarto.” Sidaas darteed, shaqo billaabidda raíisul wasaaruhu waxay ku xiran tahay ansixinta Baarlamaanka.

14-kii October ee sanadka 2010, ayuu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya, wuxuu ra’iisul wasaare u magacaabay mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed, wuxuuna 20-kii October horgeeyey Golaha Baarlamaanka. Ra’iisul wasaaruhu wuxuu Golaha ka jeediyey khudbad uu ku sharraxayo barnaamijkiisa iyo qorshayaashiisa siyaasadeed.

Isla markii uu khudbaddiisa dhammeeyey ayuu Afhayeenka Baarlamaanku wuxuu shaaca ka qaaday in hayo laba mooshin oo iska soo hor jeeda. Mooshin ay 142 xildhibaan ku codsanayaan in raíisul wasaaraha loogu codeeyo hannaan bareer ama gacan taag ah. Iyo mooshin ay 45 xildhibaan ku codsanayaan in hannaan qarsoodi ah loogu codeeyo raíisul wasaaraha.

Axdiga DFKMG ah kuma cadda hannaanka ay tahay in Golaha Baarlamaanku ugu codeeyo raíisul wasaare lasoo magacaabay.

Qodobka 71-aad, faqradda 2-aad ee Axdiga ayaa qoraya in: “Dastuurka Jamhuuriyadda Soomaaliya ee 1960-kii iyo sharciyadii kale ee dalka loo isticmaali karo arrimaha aan lagu xusin Axdigan haddii aysan ka hor imaaneyn Axdiga.”

Haddaba, maadaama aysan Axdi Qarameedka ku caddeyn hannaankii uu Golaha Baarlamaanku ugu codeyn lahaa raíisul wasaaraha, waa in dastuurkii 1960-kii loo noqdaa, lana cuskadaa. Qodobka 82-aad, faqraddiisa 2-aad ee Dastuurkii 1960-kii, ayaa wuxuu dhigayaa in: “ Golaha Baarlamaanku uu codka kalsoonida siiyo, ama ugu diido, raíisul wasaaraha iyo wasiirradiisa, hannaan mooshin qeexan ah oo lagu meel-marinayo cod-bixin hal-dheeri ah tirada xubnaha fadhiya madasha taas oo noqonaysa cod bixin bareer ah (gacan taag) (by a simple majority in open vote).”

Haddaba, sida ku cad qodobkan, codka Baarlamaanka ee kalsooni siinta raíisul wasaaraha ama ansixintiisu, waa inay u dhacdaa hannaan bareer ama gacan taag ah. Sidaas darteed, mooshinka ay soo gudbiyeen 140-ka xildhibaan, ayna ku dalbanayaan in raíisul wasaaraha loogu codeeyo hannaan gacan taag ah, waa inuu hirgalo, mooshinka kalena waa inaan la meel-marin, maadaama si toos ah uga horímaanayo qodobka 82-aad, faqraddiisa 2-aad ee Dastuurkii 1960-kii.

Waxaase la yaaab leh, oo aan la fileyn, in Afhayeenka Baarlamaanka, isagoo aan ka fiirsan, inuu soo saaray goáan uu ku doodayo, in qodobka 40-aad ee Xeer-Hoosaadka Baarlamaanka uu dhigayo: in haddii laba mooshin uu midkood dalbanayo cod gacan taag ah, midna uu dalbanayo cod qarsoodi ah, in midka qarsoodiga dalbanaya uu dhaqan galo.

Qodobkan 40-aad ee Xeer-Hoosaadka Baarlamaanka wuxuu ku saabsan yahay marka loo codaynayo hindise sharci ee kuma saabsana kalsooni u qaadid Raysul Wasaare cusub iyo xukuumadiis toona.

Sidoo kale, waxa uu ka hor imaanayaa qodobka 82-aad, faqraddiisa 2-aad ee Dastuurkii 1960-kii, kaas oo isna si aan mugdi ku jirin u qeexaya in codka kalsooni siinta raíisul wasaaraha ama dowladdiisa loo qaado hannaan cod bareer ah (gacan taag).

Waliba, qodobka 40-aad ee Xeer-Hoosaadka Baarlamaanka, iyo goáankii uu qaatay Afhayeenka Baarlamaanka, waxay ka horímaanayaan qodobka 30-aad, faqraddiisa 6-aad ee isla Xeer-Hoosaadka Baarlamaanka, kaas oo caddeynaya in mooshinkii ka horímanaya Shareecada Islaamka, Axdi Qarameedka, Dastuurka …, inuu noqnaya wax kama jiraan. Waxaa sidaas oo kale qaba qodobka 98-aad ee Dastuurkii 1960-kii.

Sidoo kale, sida ku cad qodobka 30-aad Xeer-Hoosaadka, Afhayeenku waa in uu hubiyaa in motion-ka la keenay uu Axdiga iyo Dastuurka waafaqsan yahay, kaddibna waa in uu oggolaadaa in dood la galiyo, taasna ma uusan samayn.

Haddaba, goáankii Afhayeenka Baarlamaanka, waa mid aan sharci ku dhisnayn oo aan la qaadan karin, maxaa yeelay:

a) Go’aanka Afhayeenku wuxuu fulin waayay qodobka 82-aad, faqraddiisa 2-aad ee Dastuurkii 1960-kii, kaas oo ay tahay in loo noqdo marka ay soo baxaan arrimo aan ku caddeyn Axdi Qarameedka.

b) Wuxuu ka baaqsaday inuu u hoggaansamo, isla markaana dhaqan-galiyo qodobka 30-aad, faqradda 6-aad ee Xeer-Hoosaadka, kaas oo si cad u qeexaya in mooshinkii ka horímanaya Shareecada Islaamka, Dastuurka 1960-kii iyo shuruucda kale ee dalka, inuu noqonayo mid aan waxba ka jirin. Mooshinka dalbanaya codka qarsoodiga ah wuxuu ka horímaanayaa qodobka 82-aad, faqraddiisa 2-aad ee Dastuurkii 1960-kii, wuxuuna ku saabsan yahay oo kaliya marka hindise sharci la samaynayo.

c) Afhayeenka Baarlamaanku wuxuu ka baaqsaday inuu mudanayaasha baarlamaanka siiyo fursad ay uga doodaan labada mooshin, kaddibna ay fikraddooda cabbiraan, ama ay labada mooshin midka ay raacsan yihiin doortaan.

d) Afhayeenku wuxuu kaloo si ula kac ah isaga indha-tiray dhaqanka soo jireenka ahaa ee siyaasadda Soomaaliya, kaas oo ahaa in raíisul wasaaraha aan la is hortaagin isagoo aan shaqaba billaabin.

e) Wuxuu cabbiri waayey in uu qiimeeyo marxaladda adag ee uu dalku marayo taas oo aan qaadi karin khilaaf iyo is-qab-qabsi siyaasadeed.

Haddaba, Madaxweynaha Soomaaliya, wuxuu ugu baaqayaa Afhayeenka Baarlamaanka inuu sharciga ilaaliyo, isla markaana uusan iska hortaagin xildhibaannada Qarank ,gudashada waajibaadkooda dastuuriga ah, gaar ahaan xilligan xasaasiga ah ee uu dalku ku jiro dagaalka, loona baahan yahay xukuumad u istaagta wax ka qabashada howlaha adag ee horyaalla

Xarunta Madaxtooyada
E-Mail: media@sompresidency.org

###

Waxaa sidoo kale dhankiisa warsaxaafadeed ka soo saaray Guddoomiyaha Baarlamaanka AKHRI

Waxaa isku soo dubaridey
Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Warar la xiriira:

Xeer Hoosaadka Baarlamaanka FKMG:

Xeer Hoosaadka Baarlamaanka FKMG ah oo bishii September 2004 lagu dhamaystiray magaalada Nairobi, Qodobkiisa 43aad oo ku saabsan Noocyada Cod bixinta (Types of the Voting), oo ah qodobka uu cuskanayo guddoomiyaha baarlamaanka Shariif Xasan, qodobkaas oo ka kooban 14 farqadood, waxaa qaybihiisa  ka mid ah:

1. Codbixinnada waxay u kala baxaan:

  • (A) Codbixin Qarsoodi ah
  • (B) Codbixin magac ugu yeerid ah
  • (C) Codbixin istaag ama fadhi ah
  • (D) Codbixin gacan taag ah
  • (E) Aamus
  • (F) Sacab

2. Codbixinta qarsoodiga ah waxay ku dhacaysaa habkan:

  • (A) Guddoomiyaha wuxuu diyaarinayaa sanduuqa codbixinta
  • (B) Wuxuu fasirayaa nooca codbixinta
  • (C) Wuxuu amrayaa xaadirinta xildhibaanada iyo in loo qaybiyo xildhibaanada waraaqaha codbixinta
  • (D) Codbixinta qarsoodiga ah, guddoomiyaha ayaa xaqiijinaya tirada xildhibaanada codka bixinayay ama aan codka bixin

3. Codbixinta lagu ansixinaayo xukuumadda iyo barnaamijkeeda waa magac ugu yeerid.

4. Hindisayaasha Sharciyada codbixintoodu waa qarsoodi.

5. Codbixinadda kale ee caadiga ah waa fadhi ama istaag haddi ayaan codsan 10 xildhibaan in codbixintu noqoto qarsoodi.

6. Haddii ay codsiyo badan oo kala duwan yimaadaan waxaa mudnaanta iska leh codbixinta qarsoodiga ah.

Farqadaha kale ee qodobkaas 43aad ee xeer hoosaadka baarlamaanka FKMG waxay la xiriiraan qaabka arrimahaas sare ee codbixinta la xiriira loo maaraynayo.

. Xeer Hoosaadka Baarlamaanka FKMG ah Muxuu ka qabaa Noocyada Codbixinta Baarlamaanka KMG

. Khudbadii Madaxweynaha DFKMG Sh. Shariif uu kaga hadlay Qoraallada Farmaajo iyo 4.5

. Prof. Cabdi Samater “Buuga uu Qorey Raiisul Wasaaraha Cusub waa mid loogu gefey Labadii Madaxweyne ee ugu horeeyey Soomaaliya”

. Khudbaddihii Shariif Axmed, Shariif Xasan iyo Farmaajo ka jeediyeen Baarlamaanka iyo buuqii ka dhashay

Datuuradii Soomaaliya

. 1960 (Muqdisho): http://somalitalk.com/dastuur/1960.html
. 1979 (Muqdisho): http://somalitalk.com/dastuur/dastuurkii_1979.pdf
. 2000 (Carta): http://somalitalk.com/dastuur/dastuur2000.pdf
. 2004 (Edoret): http://somalitalk.com/dastuur/tfg.pdf
. 2007 (Baydhabo – Tarjumaada Dastuurkii 1960):  http://somalitalk.com/dastuur/1960_Charter_in_Somali.pdf

. Xeer Hoosaadka Baarlamaanka FKMG

. Buugga Thesis-ka oo Faramaajo qoray 01 June 2009 cinwaankiisuna yahay “U.S. STRATEGIC INTEREST IN SOMALIA: From Cold War Era to War on Terror” Ka akhri linkigan: http://somalitalk.com/2010/farmaajo/

Shariif Xasan iyo xariirka asaga iyo madaxweynaha

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

2 Jawaabood " Shiikh Shariif oo Daboolka ka qaadey in Gudoomiyaha Baarlamaanka uu si ula kac ah isu hor istaagey Ansaxinta Raiisul Wasaaraha "

  1. Abdo says:

    Runtii Soomalida labaatan sano oo dagaal sokeeye ka dib weli wax badan yaa ka sii qaldan, wax badan oo ilbaxnimo ah kama soo helin fowdadaaas,dhibkaas soo martay dalka iyo dadka Soomaaliyeed ee kaliya waxa sii batay dadka qaba cudurka madaxnimo-jaceelka, waxaa sii batay dad aan aqoon dhameestiran leheen oo si fudu ku yimaada miiska madaxda Jamhuuriyada, su’aasha snadahaan danbe is weydiin karo qof waliba oo Soomaali dha waaa SHARCIYOW MAXAA TAHAY, waa kan waalan madaxdii ugu sareesay dalka maalin walba qoodb leesku qabsanaayo, taas waxa ku tusinees in aysan iyaga aqrisan waxa ay nagu lugoonaaaya oo ah dastuurka iyo sharciga , hadana soomaaliyee xalka Ummada iyo dalka Soomaaliyeed kuma imaan karo sida hada muuqata is qabqabsi madaxdii ugu sareesay waa niyad jab iyo dib u dghac 100 sanno dib loo dhacay yaan qabaa eee CAQLIGA WANAAGSAN HA SHAQEEEEYO. dhibka ugu ween soomaliya wuxuuu salka ku haaya nidaamka la rabo mar walba in lagu qeebsado awooda dalka kaa soo mar walba loo fiiriyo qabiilo gooni ah taasna runtii lagama fili doonio in keeni karo isbedel deg deg iyo samo-bixin ummadann 20-sano dhiiga baxeysay.waxqabad iyo in la helo dowlad tayo leh waxa hortaagan waa nidaamka qabiilak ugu waaween ha kala qabsadeen jagooyinka oo aan loo fiirinin kartida iyo aqoonta qofka hadaba waxaa iga su’aal ah HADDII Danta iyo samata bixinta dalka laga helo qof aan eheen qabiilada dhaxalka u qaatay madaxweyno iyo raisul wasaare ilaa intee yaa loo xayirnaannayaa? qabiiladaas

  2. bandir says:

    dhibaatada oo dhan waa shariif sakiin goormo siyasada somalia soo galay ninkan meesha oo dhan wuxuu ka dhigay baqar lagu gadanayo salid ama saabto marka ninkan waa in laga ceeriyo baarlamanka sharaftii baarlamanka ayuu meel ugudhacay iskool uu ka soo baxay lamayaqaano ila iyo hada shacabaka somaliya waa ku wareer sanyihiin shariif sakiin.