Home » Faallo, Warar »

Dhulkii Safaaradda Soomaalida ee dalka Kenya halkuu ku danbeeyay? Yaase iibsaday?! Q.1aad

Warbixin: Gurigii Safaaradda Soomaalidu ku lahayd Nairobi ee la iibsadey burburkii Soomaaliya kaddib, ciddii iibsatey, taariikhda dhismaha gurigaas iyo xilligii dawladdii Soomaaliyeed iibsatey…..

– – –  ***- – –

Dowladaha Ethiopia, Uganda, Kenya, Burundi iyo Dowladdaha reer Galbeedka Sida Mareekan-ka waa Cadowga koowad ee Soomaaliya Qarnigan 21-aad.” Ibrahim Da’ud Abdalle

Asalaamu calaykum waraxmatulahi wabarakaatuhu.

Kahor inta aanan u soo wareegin dalka Malaysia oo aan u imid in aan wax ka barto waxaan mudo afar sano ah ku noolaa dalka Kenya oo intii aan joogay  waxbadan ka bartaya Siyaasada Soomaaliya ee Maanta,Cadowga Soomaalida, Siyaasiyiinta Soomaalida iyo guud ahaan dhibaatada Soomaalida ku heesata Qurbaha gaar ahaan Geeska Afrika….Cabsi, Qaxooti iyo rajo la’aan waa nolasha Soomaalida geeska Afrika ku nool!

Qoraalkani waxaan ugu tala galay in aan waxyar ka iraahdo halka uu ku danbeeyo dhulkii SafaaraddaSoomaaliyeed ee dalka Kenya iyo cida iibsatay, Sida loo iibsaday iyo Magacyadda dadkii iibsaday..”Somaaliya Cidna Uma maqna ceelna uma qodna”.!

Sidoo kalle dhibaatadda Soomaalida ku heesata dalka Kenya iyo soomaalida Qaxootiga ku ah dalkaas ayaan waxyar ka dhihi doonaa Insha Allah.

Soomaaliya iyo Kenya.

Dowladnimadu waa Sharaf!

Inkastoo dalalka Afrika ay intooda badan xoriyada qaateen 1960-kii ayay sidoo kalle Soomaalida xoriyada heshay sanadkii 1960-kii halka Kenya ay xoriyadeeda heshay sanadkii 1963-kii, waxaana halkaas ka ogaaneeysaa in Soomaalida ay xoriyad aheyd dalka Kenya oo gacanta Gumeestaha (British) ku jira. —Maantana dhibaatada iyo dowlad la’aanta ina heeysa iyo horumarka ay hiigsanayaan shacabka reer Kenya waa kaaf iyo kala dheeri–!

Dalalka Soomaaliya iyo Kenya waxaa ka dhaxeeya muran dhuleed sida in dowladda Kenya ay  Maamusho (Gumeesato) Gobalka Waqooyi Beri (NFD) ee dalka Kenya oo ay daganyihiin dad Soomaali ah kadib markii Gumeestihii dalka Igiriis-ka ee dhibaatada badan kaga tagay dalal badan oo afrikan ah uu ku wareejiyay Gobalka NFD ee Soomaalida ku nooshahay si la mid ah sida dowladda Ethiopia loogu wareejiyay dhulka Soomaali Galbeed.

Shacabka Soomaaliyeed ee ku nool Gobalka Waqooyi bari waa dad wanaagsan kana muuqda shacabka ay la noolyihiin ee dalka Kenya, waxaana loo garanaya magaca “Somali-Kenyan” iyadoo waliba ay ka muuqdaan qeebaha kalla duwan ee bulshada gaar ahaan  siyaasada dalka Kenya sida Farah Macalim oo a Gudoomiye ku xigeenka  Baarlamanka dalka Kenya, Yusuf Xaaji oo ah wasiirka Difaaca, Ahmed Isaaq oo ah Gudoomiyaha Gudiga doorashada dalka Kenya iyo dad kalle oo magac iyo maamuusba ku leh dalka Kenya iskugna jira, Siyaasiyiin, Saraakiil, Ganacsato iyo aqoonyahanba.

Soomaalida aanan haysan sharciga dalka Kenya ama aanan ku dhalan Gudaha dalka Kenya waxaa loo garanayaa “Soomali Waryaa” inkastoo mararka qaar Soomaalida guud ahaan kuwa ku dhashay iyo kuwa yimaadayba loo yaqaan “Waryaa”. Sababta magacan loo bixiyay ayaa lagu sheegaa in dadka Soomaalida marka ay isku yeerayaan ay isugu soo jeediyaan Oraagda “Waryaa” sida Afafka Qalaadba ay u isticlaamaan {Tacaal, Af Carabi}, {Kuuja Af Kenyan}, {Come, Af English} iyo intaas iyo ka badanba oo Soomaalida shanta Qaaradood ee Duniga joogto ay aqoon u leeyihiin gaar ahaan caruurta ku dhalatay dalalka Soomaalida ay u kala qaxeen.. Allow dadkeena oo nabad ah iyo dadkiina oo si nabad ah ku wada noolaada.. Aamin.

Kenya iyo Soomaaliya  sidoo kalle waxaa ka dhaxeysa Xuduud Badeed balse dowladda KMG ee ay Hogaamiyaan Shariifyadadda (Shariif Xasan iyo Shariif Axmed) ayaa isku deyey in muran galiyaan kadib markii C/rahmaan C/shakuur oo dowladda KMG wasiir-ka Iskaashiga ka ahaa ka hor inta uusan iska casilin xilka Wasiirnimo ee Dowladda KMG ee Soomaaliya  uu magaaladda Nairobi kula saxiiday Wasiirka Arrimaha dibadda ee dalka Kenya Muses Watangula heshiis loogu magac daray is faham balse ugu danbeyntii ku dhamaday fashil iyo fadeexad.

Dowladda Kenya waxa ay xorun u tahay Dowladdo, Xafiiska UN-ka, Safaarado, Heyado iyo shaqsiyaasad intaba daneeya arrimaha soomaaliya iyadoo magaaladda Nairobi ay ka dhacaan shirar, aqoon is weedaarsiyo, Siminaaro iyo dib u heshiisiin ay lacago badan ku baxdo taas oo dhamaantood aysan ka soo bixin wax xal ah oo Soomaalida ka saarta dhibaatada 20 jirsatay ee ka socota dalka tan iyo wixii ka danbeeyay Allaha u naxariistee Madaxwayne Maxamed Siyaade Barre.

Magaaladda Nairobi waxaa lagu cunaa Malaayiin lacag ah oo loogu tala galay dalka Soomaaliya iyadoo xafiiska ugu weyn ee Heyada Qaramada Midoobay qaaradda Afrika ay ku leedahay dalka Kenya. Waxaana u shaqeey shaqaalo fara badan, waxana ku baxa Malaayiin lacag ah oo aanan dhaafin Magaaladda Nairobi.

Goormaa la furay Safaaradda Soomaalida ee dalka Kenya?

Dabcan ma ahi Siyaasi, dublamaasi ama shaqsi wax badan ka garanaya xiriirka laba dal ee Kenya iyo Somaaliya balse waxaan is leeyahay mar walba xiriirka Soomaalida iyo Kenya ka dhaxeeyay ama ka dhaxeeya hadda uu yahay mid ku dhisan is faham iyo taxadar sababtuna waa muranka dhuleed ee labada dal u dhaxeeya.

Sawirka Gurigii Safaaradda Safaaradda Soomaalida ee Nairobi

Dhulka Safaaradda Soomaalida ee dalka Kenya waxa uu ku yaalaa caasimada dalka Kenya ee Nairobi gaar ahaan xaafadda Westland ee ka mid ah xaafadaha ugu Amaanka badan, ugu qurxoon uguna qaalisan magaaladda Nairobi waxaana inta badan daga dadka hodanka/lacagta heesta.

Marka aan taariikhdiisa dibu raacno, Guriga ay markii dambe noqday Safaaradda Soomaalida ee Kenya waxaa markiisii hore iibsaday 1930-kii nin Cadaan ah oo la oran jiray Will Kardon kadibna waxa uu ka iibsaday nin kalle oo cadaan ah iyadoo ninka cadaanka ah ee la yiraahdo Will Kordan uu guriga ku qaatay deyn ama waxa afka qalaad lagu yiraahdo “loan”.

Gurigan waxa uu ninka Cadaanka ah iibsaday xilligii Gumeestaha Ingiriis-ka uu gumeesan jiray dalka Kenya iyadoo kadibna uu ka iibiyay nin cadaan ah iyadoo markii ugu danbeeysay uu nin u dhashay dalka India uu la wareegay guriga. Ninka Hindiga ah ee guriga iibsaday waxa la oran jiray Harban Sin isagoo ugu danbeyntii sanadka marka uu ahaa 1969-kii ka iibiyay Dowladda Soomaaliya oo 9 sano jirsatay.

Sanadkii 1969 marka ay dowladda Soomaaliya iibsatay kadib waxaa biloowday Dhismaha, sharciyeenta iyo dhameestirka Dhismaha cusub ee Safaaradda Dowladda Soomaaliya ee dalka Kenya.

1969-kii Dowladda Soomaaliya waxa ay ninka Hindiga ah dhulka kaga iibsatay aduun lacageed oo gaaraya 550,000 Ksh lacagta dalka Kenya , 550,000 Ksh iyo 1969 dabcan lacag qiimo leh ayay aheyd taas oo xilligaas marka Dollar loo badalo ay noqoneeysayo $77,000 doolar (FG. Xilligaas waxaa $1 Doolar qiimahiisu ahaa 7.14 Kenya Shilling)

Lacagta ay dowladda Soomaaliya ay Dhismahan ku iibsatay waxay xilligaas ahayd lacag qiimo badan, Shilin Soomaaligu uu qiimo lahaa marka loo barbar dhigo Doolarka, balse waxaan filayaa in ay jiraan dad joogay xilligasi oo xasuusan kara.

Qaybta 2aad waxaan kaga hadli doonaa sida loo sii iibsaday ee uu dhismahaasi hadda uga maqan yahay Soomaalida iyo cida iibsatay Dhulkii Safaaradda Soomaalida ee dalka Kenya.? AKHRI

Qaybaha Qormada ka akhri: https://somalitalk.com/tag/safaarad/

  • FG. Sawirada Safaaradda waxaa asalkii qaaday ETN TV lehna xuquuqda. Waxaa faafiyey SomaliTalk.

Ibraahim Da’ud Abdalle

sayfudiin@gmail.com

Kuala Lumpur, Malaysia.

Tixraac: Sarifka: http://www.tradingeconomics.com/kenya/

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

16 Jawaabood " Dhulkii Safaaradda Soomaalida ee dalka Kenya halkuu ku danbeeyay? Yaase iibsaday?! Q.1aad "

  1. horeeye says:

    ugu horrayna waxaa mahad gaar ah iskaleh ALLAH: waxaan si gaar ah uga mahadcelinayaa u adeegayaasha ummada soomaliyeed ee SOMALITALK.
    intaas kadib haddii aan fikradayda kadhiibto arrintan: waxaan dhihi karaa ilaahay ayaa wax walba og runtii anigu goobjoog mahayn markii wax laka gadanayey laakiin sida aan maqlay inbadanna dhegahayga kusoo dhacday arrintani ma sahlana, waxayna kamid tahay dhibaatooyinka kadhasha markii dal burburo waxayna kadhacday wadamo dhawr ah oo Africa kamid ah. inbadan ayaan dhalliilayaa dadkii ficilkaas bilaabay haday magac dawladnimo huwanaayeen iyo hadday dulaaliin ahaayeenba, waxaa intaas dheer Kenya saffarada ma gadane shaqsi baa iibsaday qofkana waxaa lala gelikaa gorgortan ah inuu dhulkaasi yahay hanti qaran oo aan la iibin kari illaa dawlad go’aan gaari karta 100% lahelo, waxaa looga iibinkaraa dib haddii arrimaas la isku fahmi waawo

  2. abdirisaq says:

    ASC khayr Allaha siiyo dal jiryada ka hawlgala websiteka Somalitlak. Taariikhda Somaliana baal dahab ah ayad ka gasheen.
    Arrinta guriga waa tuug xaday umaddi Somaliyeed hanti ay leedahay oo weliba huwan magaci iyo sharafti ummadda Somaliyeed.
    Walayaal sida haddaba aad aragtaan nimanka tuugada ah ee safaaradda gaday waxay la yimaadeen dokumenti ay u ekeeysiiyen in waxani yihin hanti dawldeed oo duruufo adag oo yimid loo xaraashayo.
    wayna dhacdaa addunka hadii ulays dhaqaale shirkad ama dawlad ku dhaco in la kala diro shirkaddii hantideedina la xaraasho.Maalinkas dawladdii Somalia waa dhacday, awood sharci ah oo wax iibineedna ma jirin laakiin qofki ajnabi ah oo loo sheego in la xaraashayo gurigaan oo dawladdi somalia iska xireyso safaarado ay ka mid tahay midaan Kenya waa aaminayaa.
    Waxa haddaba aan arkaa in la dhacay umaddi Somaliyeed, isla markaas la qatalay o la dhacay masaakiin hindi muslina.
    Haddaba laba xaq ee ah gurigii umadda Somaliyed u iibsatey in umada loogu shaqeeyo iyo hantidi dadkaas masaakiinta ah ee la sirey ayaa maqan dadki falkaas ku kacayna wa daaqsanhayaan oo ku nabad qabaan.
    dawladda iyo shacabka Somaliyeedba meel ksta oo ay joogan waxa la gudboon in tabarruc la iska ururiyo oo dib loosoo celiyo hntidaas lana eego in ay sahlantahay maskiinki la dhacay in xoolihiisi loo celiyo waxna loo saaro oo maxkamadaha iyo looyarada qaaliga ah oo aan goaanka lahayn la iska daayo ama in laga sabro sidi looga sabray wershadihi sonkorta marereytii itop, tii baastada,tii sigarka iyo taraqa,tii kallunka laasqorey,tii hargaha iyo samaha muqdishotii lebenka afgoye tii systemki isgaarsiinta qaranka dhan ee wasaaradda boostada,idaacaddii radiyo muqdisho,dhamaan wasaaradihi iyo bankiyadi qaranka oo dhan.oo ku jiraan xooggi korontada dalka,iyo wakaaladdi biyaha xamar iyo qalabki ADC ee qaaliga ahaa qalabki wasaaradda hawalha guud,qalabki iyo hubki xoogga dalka Somaliyeed.woo ay ku jiraan raadaradi casriga ahaa ee qaaliga ahaa,qalabki isgaarsiinta ee siisii,gantaallhi bangaala ee dayniile iyo balcad iyo gaadiidki tirada aan lahayn ee xoogaa dalka Somaliya.
    waxa iyana maqan qalabki iyo jaamacadda umadda Somaliyeed,ki wasaaradda caafimaadka iyo isbitaaladu lahaayeen .Waxan hubaa inaanay jirin dawlad noo timid oo naga dhacday hantida intaas le’eg. waxa qaatey ama burburiyey shakhsiyaad iyo kooxo Somaliyeed. kuwaas oo maantana ku raaxaysanaya daafaha dunida cid la xisaabtantayna aysan jirin.
    Giigaan marka waxan qabaa haddi lasoo iibin karona ha la isugu tago waa sahlantahay wax la isugu tegeye haddi kalena hantidaas ayu ka mid yahay dadki dhacay uun halla raadiyo hana la xiro.

  3. wiilwaamo says:

    wallahay maxumo in gurign laga hadlo lakiin wax yaabo badan oo kamuhiimsan ayaa jira
    Waxaa is waydiin mudan maxaa gurigan arrintiis aay oog ahadli waayen
    Dowladdi Abdullahi yusuf oy kenya soo dhistay
    Dowlddan Shariif
    macnaha Safiir markaad maqasho waddan jooga Dowladdas way isku fiican yihiin
    waxaad kahadleesaan GURI 15000,000 JOOGA aaway BADDII lagatay?
    Guri Safaradeed Dowlad unbaa gadi karto 1994 Dowlad majierin.
    waa in la,iswaydiiyaa sababta looga hadli waayey????????????????
    Hawsha waa inuu safiirka lawareegaa
    haddii aysan wax kale jirin????????????????????
    WAXAAN RAJEEN IN SOMALIDA HADDAY ISKA DHAAFAAN WASIIR NALAMA SIIN IYO SIDII WAX LAGU QAYBSAN JIRAY AYAA LABEDDELAY
    In markaan wax haggagi doonaan insha allah

  4. Abdullrizak says:

    Aslm.alleykum. Markale waad ma hadsantiin somalitalk.com

  5. Aslam.caleykum ayaan leyahay dhammaan ummada somaliyeed gar ahaan bahda webkan somalitak. Anigu arakti ahaan waxan u arkaa guri ama safaarad burcad iibsatay in eey san wax weeyn aheen hadaano xal u helin dalka ama ma mandi qadaa wax laqaban karaa eey san jirin. Guri iska dayaaya ee waxa dhacan dhulkii ama lakala iib san rabaa inta hartay ee ah biriga.igana raali ahaada xaga iyo af somaliga ceer ayaan ka ahay bye frm abdirizak hassan

  6. maxamed says:

    waxaan marka kobaad umahadcelinayaa illaahaygii waa fajiyay ibrahin qoranlka caynkan oo kale ah marka labaadna waxaan umahadcelinayaa ibrahim oo ku ixiyaya dadaalka dheeriga ah sidi uu udareensin lahaa umada somaliyeed sida ay wax uga maqantahay, hadii ay ahaan lahayd safaradii qaranka ee laduudsiyay,hadii ay ahaan lahayd wadanka kenya oo naga xornimo danbeyay oo aan manta hoos fadhino anagoo had iyo goor dab iyo baasin ku ah jiritaanka wadankena iyo dad nimadeena illa iyo hadana aanaan arkayn wax mujinaayo inaan ubislanay qaranimo anagoo soo aragnay fahanay waxa aytahay qarannimo, hadana aan kadarnay oo aan diintii anagoo sheganayna aan dadka qoorta kajareyno meshiin aan soo dhawayn lahayn wax ushegi lahayn qofkasta oo aqoon dinta ulahayn wax kasta uu aminsanyahayna waxaa kawayn islanimada inaan ku xaq dhorno. marka waxaa iga talo ah war somaliyey ilahay aan ka yaabno oo dalka iyo dinta iyo dadnimada aan u hagar baxno intaan danaha gaarka ah iska dayno aduun waa labo galine. waadna mahadsantihin

  7. Axmed says:

    A/W/W salaan kadib ALLAA mahad oo dhan leh qoraaga warbixintaan qorayna waxaan leeyahay khayr ALLE haku siiyo hana kadaalin howla haan oo kale oo bulshada wax tarka u ah. waxaan intaas ku dari lahaa ha goraaga in aan ogaysiiyo in dhibta soomaaliya kajirta iyo boogaha ku yaala meel kamida in aad taabata intii kalena kuu harsan yahiin.

  8. Abdi Hassan says:

    Scw
    Safiir Hebel Safaaraddii Somalia ee wadan hebel ayuu gatoo waa nin raga kol haddii wadankii burburay isagaa xaq u leh inuu safaaraddaas bililiqaysto,Hebel iyo hebel ayaa qandaraas ku soo qaatay in ay sun ku duugaan meel hebla iyo deegaan hebla,Hebel wuxuu lacag fiican ka helay xooggaa Wadaado dugsi Quraanka ka dhigi jirey meel hebla oo uu qolo Hebla u dhiibay,hebel baa ka xariifsanaayoo isagu koox cadcad(Carab,Reer Xamar) ah ayuu Itoobiya u dhoofiyey,Hebel wuxuu ka taajirey Fiilooyinkii korontada iyo telefoonada ayuu Qandaraas ku qaatay,Hebelbaa ugu khatarsanoo isagu badda ayuu burcad badeedda u diray,hebel Argagixiso la dirikiisaa ugu mushahar badan oo Dawlad heblaa kharashka dhiibta iyo Hebel iyo hebelbaa hebel u diray inuu badda soomaaliya soo xaraashoo Arintii baab waa u bixi la`yahay,
    Intaas iyo in ka daranba waa waxyaalaha dhegaha dadka ku soo dhacayey labaatankii sano ee xawliga loo burburay,Waxa yaabka lihi waxa weeye intaas oo qof oo dembiilayaal ahi waxay si wanaasan ugu nool yahiin Dalkii iyo Dadkii ay sidaas u galeen waliba sacabka loo tumayaa.
    Nin warlordkska Somalia ka mid ah ayaa la sheegay in la weydiiyey Maxay dadku idiin taageersan yahiin idinkoo dadkii iyo dalkiiba baabi`iyey,wuxuu ku jawaabay haddii shacabku dad fiican yahiin madax fiican ayaa xukunka iman lahayde noo daaya aan madaxa ka fuushannaanee(Run buu sheegay).
    Waxaa Allah mahaddii ah inay jiraan dad Soomaaliyeed oo wax diiwaan geliyey(diiwaangelinaya) xilliyada aynu ku jirnay Burburka,boobka iyo barakaca waxaanna qormaysa taariikh laga sheekayn doono.
    Waxaanna Orankaraa Inay Somalitalk Buuxisey qayb ka mid ah baahida aynu u qabno helidda Xoggaha dhabta ah iyo waxa ka dhacaya dalkeenna iyo derikeenaba.
    Markale ayaan u hambalyaynayaa Somalitalk kaalinta mugga leh ee ay kaga jiraan baraarujinta Bulshada dhinacwalba,iyagoo ku bilaabay Simple Website haddana maanta aad ka heli karto macluumaad badan oo dhinackasta leh,waxaanna u rajaynayaa inay mustaqbalka dhow noqon doonaan Search engine aan ka daalacanno duruus iyo macluumaad badan.
    Thanks
    Abdi Hassan

  9. Magan says:

    Waxaan ku darsan lahaa Dhalinyarada mustaqbalkoodii looga ciyaaray ee qaarna qaarna dagaalada sokeeye la galiyay, qaarna badaha ku dhinteen qaarna saxaraha lafahoodii yaalaan qaarna xabsiyada xubnihii jirkooda lagala baxay oo silic iyo saxariir ugu dhinteen xabsiyadaa,inta badana ay kaamaka ka buuxaan oo magacyadooda dawladaha qaar ku taajireen. waxaas oo dhan isku soo wada duub dhib la idiin reebtay ma jiraan.waxaan u soo jeedinlahaa intiinii dhibkaan ilaahay ka badbaadiyay ka fogaada wax qabiilka la dhaho waa sun loo adeegsada in wadanka oo dhan lagu kala kaxeeyo oo gobolaysi iyo land waxa hadda socda oo ethiopia ay dabada ka wado.wadanka waxaa u maqan idinka idinka ayuu badbaado idinka sugayaa ka fogaada wixii idinkala gaynaaya soo qora fadaeexadkasta oo wadanka waxloogu dhimaayo ceebeeya tuugta wadanka iibsanaysa xitaa haddii uu qabiilkaaga yahay waad mahadsan tihiin

  10. meegaag says:

    qof walboo soomaali ah oo wiil iyo gabarba u u baxsaday magac rarbeed wallee in uusan kaheleyn shaqo akma wax barasho soomaaliya taa hala ogaado mustaqbalka dhow waxaase loogu diidayaa si farsameysan waxaase qiimaynta koowaad la sii nayaa magaca soomaali ninka wata

  11. meegaag says:

    adan abuu zuhri ninka sheegtay waayo wuxuu cuqdad ka qaaday magaci ay u baxsadeen hooyo iyo aabe wuxuusa door biday magac carbeed marba haduu rabo in uu ka ag dowaadao muu yiraaho aabihii warsame iyo wax lamid ah

  12. Eid Wanaagsan akhyaarta maqaalkan lasocota ee saaray tacliiqyada kala duwan. Waad kusaxantihiin inaad dheeri galisaan qoraaga Somaliyeed laakinse kadaaya faragalinta waxa uu qori doona.

    Dhulka la iibsaday, dadka lakala gatay iyo safaaradaha loo maamushay sidii guri nin leeyahay intaba sigooni ah ayaa looga hadlaya haddii kale waxaa imaanaysa in layirahdo: Safaarad ayaad kahadlaysa, meeyey dadkii iyo dalkii lahaa safaaradan! Kadibna qofkii wax qorilahaa uu halkaas kuniyad jabo.
    Aniga shakhsiyan aad ayaan uxiisaynaya sheekadan waayo Kenya ayaan joogay markii lakala iibsaday; waxaana laygu yiri nin aan qaraabo nahay ayaa iibsaday(inkasta oo waxba iga siin lacag)!
    Waxaan sugaya inuu qoraagan baaritaan kusameeya arintaan, inuu soo saara waxyaabo badan oo dadka caadiga kaqorsoon oo kabaxsan inta aan BBCda kamaqalnay, waxa dhicikarta inaay farta kusoo godanta dadkale aan hada sheekada! Waxaan aaminsanahay howshaan oo kale inuusan qof kali ah ku kicikarin. Waxan sugayna inaay wasiiro, madaxwaynayaal iyo qab-qablayaal badan salka kuhayso!!
    Waxaan sugaya inuu qoraaga si professional ah udabagala isagoo adeegsanaya wixii archive taariikhta ee arinta laga haya, gaar ahaan qoraaladii maxkamta iyo raggii uhoreeyey ee arintaan u istaagay!
    Aad ayaad umahadsantahay!

  13. nuur says:

    Magan iyo maxamed

    Aad ayaad umahadsantihiin , baraarugaas aad niyada ku haysaan.
    qalin iyo af ku dagaalama
    culumo , dhalin yaro iyo aqoonyahnamada. cilmaaniyadu imaan malaha , uma naxaan dad iyo duunyaba , spot ha la soo dhigo
    dadkii soomliyeed meel ealba ay joogaan dhib ayey ku jiraan, hal tusaale
    inoo sameeya meel aynu ku soo bandhigno xaladaha iyo dhibka soomili haysata. tusaale: ha lasoo galiyo barmaamij taxane ah xalada qooxootiyada soomilyeed meel kastoo ay joogaaan , soo galiya sawiradooda , warbixin ka soo diyaariya , hana daalina, corruptionka ka jira wadanka iyo munafiqnimada aduunka soo dhiga banaanka , kolay emailkayga waad haysataan wixii aqoon haynu is waydaarsano

  14. Magan says:

    Ascw somalitalk waad ku mahad santihiin hawsha aad shacabka somaliyeed u haysaan intaa ka dib Daauud waad ku mahadsan tahay Qraalkan .
    waxaan ku darsan lahaa maanta waxay joogtaa in iska daa dhul la gato in dadnool oo somali ah ethiopia laga ii biyo markaa arimahaas iyo wixii la mid ah wax oo qaran dumis, xasuuq,hantida dadka somaliyeed oo la lunsado , dhul iyo bad lagato . waxaas oo dhan waxaa wanaagsan dhalinta wax baratay ay qalinka uga aar sadaan .

  15. Mohamed says:

    Asalamu laikum

    walaalkey Ibraahim Da’ud Abdalle aad ayaan kuu salaamayaa, xaqiiqdii Ibraahim hadey dadka somaaliyee ay u fakiri lahaayeen sidaada camal waxba nagama halaabeen.
    Ibraahim runtii arrinta aad ka dhawaajisay oo ah in safaaradii Somalia ee Kenya aysan faro Somaliyeed ku jirin, waa run arrintaas lakiin mid ogow Ibraahimow waligaana dareensanow Somalia oo dhan waa la gatey gacanteenana kuma jirto marka yeysan arrintu safaarad kaliya ku ekaane Somalia oo dhan aan Raadino way naga maqan tahaye

  16. nuur says:

    somalidu dux iyo imaanba male siiba cilmaaniyiinta
    Kenya iyo ambsadorada markaynka , waa meesha soomalya ayka socon laadahay, qoxootiga faraha badan kenya danbaa ugu jirta, soomalida ganacsiga leh danbaa ugu jirta, raysal wasarihii hore cali maxamed geedi lacagtii dadka masaakiinta loogu talagalay , guri ayuu ku gatay, ethiopia ka daran, markaa walaal aad ayaad u mahadsantahay runtii sidaad u soo qortay.
    lakiin daka soomalida dhalin yarta wax bartay , ha badiyaan qoraalda ay daboolka ka qaadayaan meesha soomalida laga shirqoolo

    number one ha saaran diirada qoraladan
    Kenya iyo amansadarada, europeanka, cilmaaniyiinta soomalida iyo hayadaha wax ku cuna
    Number two
    magacyada raga umada dhameeyey ha la soo qoro gaar ahaan iyo mulinba
    cali geedi?? shariif xasan oo ah snake in grass.
    dadkeena meesha wax yaqaana soo badiya diiradana saara, all deep correption of political elites. Pdf ka sameeya .

    culumadu habadiso bararujinta waxay naiorbi ay nagu hayso, aqoonyahan dhalintu ha badiyaan warbaahinta iyo qoraaalda. media waa af dagaal.
    walaal kheyr Allahaa ku siiyee dabagalkan , hadii aad taqaano dhalin kale oo ama aqoonyhanda soomaliyeed ku baraaruji , sidii bada u soo dhiciseen oo kale .