Home » Faallo, Maqaallo »

Huuno, Ma Xamaraawi ayaa tahay? – Berbera, Hargeysa, Jabuuti – Safarkii Dheeraa ee Gentleman

Bil ka hor July 3, 2010  ayaan ka safray Magaaladda Nairobi ee dalka Kenya anigoo ku wajahanaa dalkeena Soomaaliya waxaana raacay  Diyaaradda ay leedahay Shirkadda Juba airways ee sanadkii 1998 la aas aasay, saacad iyo Bar Duulimaad ah waxaan  muddo 45 Daqiiqo ah ku hakanay ama transit ku aheyn Garoonka Aden-Adde International Airport oo shaqo sidaas u sii badan aysan ka socon xilligaas.

Waxaan fursad u helay in Diyaaradda ka soo dago aniga oo Garoonka oo ay iiga muuqdeen Gawaaridda Ciidanka AMISOM aan isha mariyay dabcana Qalbiga ayaan ka  ilmeenayay waxaana niyada ka tiri “Taloow goormaad ka bixi doontaan Guuldarada idinku dhacday”. Caasimad Airport-geeda ay joogaan ciidan Ajaanib ah, dad aanan aqoon waxa ay isku dagaalayaan. Nasiib daro.

Xaafadda Buula Xuubeey oo Garoonka Aden-Adde International Airport aan sidaas ooga sii fogeyn garoonka oo ay waalidkeey, walalo iyo asxaaba daganyihiin waan jeclaa in aan soo maro balse waqtiga transit-ka ee aan heesanay  iyo amaandarada jirta darted ayaa kaliftay in aan ku hakado Garoonka.

Gabar da’ yar oo aan u gartay in ay qurbaha ka timid ayaa markii aan Garoonka Muqdisho soo caga dhiganay oo diyaaradii aan banaanka ooga soo dhaadhacnay iska ilmeeysay, dabcana waxaan dareemayay in dalkeedii uu dhibaatada ku habsatay ay tahay wax laga xumaado.

Mid ka mid ah dadkii diyaaradda aan wada saarneen oo ku sheekeesanay Garoonka Muqdisho kana yimid dalka Sweden ayaa igu yiri “Muqdisho waxaa iigu danbesay 1989, xilligaas oo aan u arkayay In dalka xaaladiisa aysan fiicneen, balse hadda garoonka waxaa iiga muuqda dhibaato, dhulkii Qurxoonaa ee Caasimada Soomaaliyana waa lagu ciyaaray”…. “Aad baan ooga xumahay waxa nagu dhacay”. Qof walba oo Soomaali ah waxa nagu dhacay ayuu la murugoonayaa balse ilaa goorma ayay dhibaatadan sii socon doontaa.

Intii aan joogay Garonka Aden-Adde International Airport waxaan ku arkay dad aan badnen oo aan waji garanayo balse wax dhibaato kale ah kuma aanan arag oo aan ka aheyn in Ciidan Ajaanib ah ay inoo waardiyaan Garoonka anaga markaan garan waynay in aan danaha guud si wada jir ah u ilaalino.

Magaaladda Berbera.

Saacad Duulimaad ah kadib waxaan soo caga dhiganay Garoonka Diyaaraddaha ee Magaaladda Berbera iyadoo xilligaasi Jawiga uu ahaa in ka badan 45°C  waxaana socotay dabeel kulul balse markaan wareestay dadka Deegaanka waxa ay ii sheekeen in hadda xaaladda ay dagantahay balse marka aysan dabeeshan kulul jirin uu jawiga yahay mid huur ah oo aan loo adkeesan Karin.

Magaaladda Berbera oo ah magaalo Qadiimi ah dabcan waa magaalo xeebeed ganacsiga iyo dhaqaalaha, waana goobta dhaqaalaha ugu badan ka soo galo Maamulka ka magac baxay Somali-(land).

Berbera iyo shaqooyinka ka socda?

Magaaladda Berbera oo ah magaalo dabcan Qadiimi ah taarikh dheerna ku leh guud ahaan dalka Soomaaliya waa Magaalo Istiraatiiji ah waxana ku taal Dekad Caalami ah shaqooyinka Dekadan ka socdana waxa ka mid ah.

1.Dowladda Ethiopia waxaa ooga soo daga Badeecado badan iyadoo Maamul-ka Somali-(Land) iyo Dowladda Ethiopia uu ka dhaxeeyo heshiis dhanka Dhaqaalaha iyo amaanka ah, waxaana Maamulka Somali-(Land) heshiiskan  ka soo gala dhaqaalo fiican.

2.Dekadda Berbera waxa laga dhoofiya Xoolaha Nool oo sidoo kalle Dhaqaalo badan guud ahaan Soomaalida uu ka soo galo dhoofinta Xoolaha nool.

Markii aan Berbera ka soo dagnay waxaan sii marnay Laanta Socdaalka ee Maamulka Somali-(land) waxaana la iska qaadaa lacago sharci ah anigoo  ku socdaalayay passport-ka cusub ee E-Passport ee Dowladdii C/laahi Yusuf laga dhaxlay inkastoo aanan laga aqoonsaneen Maamul-ka Somali-(Land) haddane waa lagu socdaalaa, waxaan dhiibay lacag $35 ah.

Kadib waxa la i waydiiyay su’aalo kooban ugu horeyntiba waxa la igu yiri ma Xamarawi ayaa tahay? Oo loola jeedo ma Muqdisho ayad ka timid, Su’aalaha kalle ee Laanta Socdaal-ka ay ku waydiineeyso waxaa ka mid ah sida Halkee ka timid?, Ujeedka aad Somali-(land)u timid maxay tahay?, yaad ka garaneysaa Magaaladda?.

Su’aalo iyo xogwareesi kadib waxaa la ii soo celiyay passport-kii waxaana la ii sheegay in aan Magaaladda Hargeysa gali karo, balse dadka Muqdisho ka yimaada ee Xamaraawiga ah meeshan lagama jecla gaar ahaan Dhalinyaradda ayuu igu yiri ninkii Migration-ka fadhiyay oo ah nin da’a ah balse markii danbe aan maqlay in uu ka shaqeyn jiray laantii Socdaalka ee Dowladdii Soomaalia ee uu Madaxwaynaha ka ahaa Allaha u naxariistee Madaxwayne Mohamed Siyaad Barre.

Kadib waxan soo wajahnay Magaaladda Hargeysa ee xarunta Maamulka Somali-(Land) oo dabcan aan ku faraxsanaa in aan arko.

Magaaladda Hargeysa iyo waxyaabihii aan kala Kulmay?

Magaaladda Hargeysa oo ah Caasimada Labaad ee Jamhuuriyada Soomaaliya balse haatan ah Caasimada Maamul-ka Somali-(Land) waa Magaalo Magac weyn ku leh guud ahaan Soomaaliya wax badana waan ku haminayay in aan booqdo ugu danbeyntiina waxaa ii suura Gashay Alle Mahadii in aan aniga oo caafimaad qabo aan booqdo si wanaagsana waxaana halkaas igu soo dhaweeyay asxaab qiimo badan leh.

Hargeysa waa Magaalo Mustaqbal Ifeeysa leh dadka ku noola waa dad ay ka go’antahay in ay horumar gaaraan, waxaa magaaladda ka socda Dhismayaal qurux badan, waxaad arkeeydaa goobo ganacsi dadkana waa dad diyaar u ah in ay heer sare ka gaaraan Nolasha.

Guud ahaan Magaaladda waxaan soo mariyay cagta, waxaan booqday Goobo taariikhi ah oo aan jeclaa in aan arko, xarumaha Maamul-ka Somali-(Land), Meelo taarikhi, Hotel-ladda Magaaladda ugu cansaan ee Ambassor iyo Mansoor oo aan in badan maqlay iyo astaamo badan oo aan sawir ahaan u arki jiray.

7 Maalmood oo aan joogay Hargeysa waxaan dareemayay farxad iyo in aan ku dhax noolahay Soomaali iyo dad aan is fahmeeyno, waxaan dareemayay in dadka Deegaankaas ku nool ay ka go’antahay in ay Nabadda ka shaqeeyaan, waxaan dareemayay in Nabad haddii ay jirto wax walba ay suuragalyihiin dabcan Maamul-ka Somali-(Land) si wanaagsan ayay ooga shaqeeyeen Nabada guud ahaan. Waxaana u rajeenaya nolal guulo intaas ka badan in ay gaaraan.

Markii aad gasho Maqaayadaha waxan dareemeeysaa in lagu dareemayo oo waxaa lagu oranayaa “Huuno ma Xamaraawi ayad tahay”

Hargeysa intii aan joogay wax dhibaato ah kalama kulmin, iyadoo Amaanka uu yahay waxa ugu muhiimsan ee aad dareemeeyso balse jidad la’aan ayaa ah dhibaatada ugu badan ee heesata.

Dalka Djibouti iyo Ma Xamaraawi ayad tahay?

Dalka Djibouti waa dal aad u yar dadkiisuna aanan tiro ahaan gaarin Hal Malyan oo qofood sidoo kalle waa dal ay xarumo Ciidan ku leeyihiin dalalka Faransiisa iyo Mareekanka.

Dalka Djibouti waa dal amaan ah, Dowladda iyo dadwaynaha waxa ay ka wada shaqeeyaan sidii amaanka loo xoojin lahaa isla markaana dalka horumar loo gaarsiin lahaa inkastoo shaqo la’aan baahsan ay ka jirto guud ahaan dalka Djibouti iyadoo dadka ay dowladda farta ku fiiqayyaan iyo in ay jiraan wax is daba marin “corruption”.

Djibouti marka aad timaado waxa la garanayaa in aad Soomaaliya ka timid inkastoo dadka luuqada ay ku wada hadlaan ay tahay Af Somali, Franch iyo Luuqada Carabiga oo dad badan ay ku hadlaan, luuqada Soomaaliga wa lagu wada hadlayaa balse lahjada ayaa lagu kala duwanyahay midaas ayaa cadeeneeysaa in aad tahay qof meesha ku cusub mana jirto cid ku dhaheeysaa maxaad halkaan u jeedaa ama ka qabaneeysaa.

Huuno, Ma Xamaraawi ayaa tahay?

Berbera, Hargeysa iyo dalka Djibouti marka aad ku hadasho af Soomaali iska caadi ah… waxaan ula jeedaa aysan ka muuqan lahjad ama gobal gaar ah…. waxaa lagu fahmayaa meesha aad timid in ay tahay Koonfurta Soomalia, waxaa lagu fahmayaa in aad tahay qof meesha ku cususub sababtuna waa dadka deegaadan ku nool waa dad isku Lahjad ama isku qaab u hadla intooda badan, waxaa jiro erayo badan oo ay wadaagaan oo haddi aadan aqoon ay  dhib noqon doonto in aad is fahamtaan.

Markaan Garoonka Berbera ka soo dagay waxa la igu yiri “Oo ma Xamaraawi ayad tahay” sidoo kale marka aan imid magaaladda Hargeysa marka aad tagto goobaha wax lagu iibiyo waxaa lagu leeyahay “Xamaraawi”, balse Djibouti waxa lagu leeyahay reer Soomaaliya.

Dalka Djibouti oo aan dhanka Dhulka ka soo galay oo aan marayo xarunta ugu danbeysa ee ciidanka Maamul-ka Somali-(Land) ay joogaan ee la yiraahdo Lowya Cadde waxaa su’aal I waydiiyay nin ka tirsan ciidanka xadka jooga ee ka tirsan Maamulka Somali-(Land)  wuxuuna igu yiri “Qabiilkee tahay” markaas ayan ku tiri waxaan ahay Somali kadib inta uu iga aamusay buu igu yiri “Xamaraawi ayaad tahay soo mahan” si hoose ayaan u dhahay in aad tahay Xamaraawi ma danbiyaaa.. Ilaahey Amarkiis…

Sidoo kalle intii aan Djibouti joogay dad aan badneyn aya ku oranaya ma Xamaraawi ayad tahay sababtuna waa marka aad I fahmi waysaan balse sida meelaa qaar aan ku soo arkay way ka wanaagsaneyd Djibouti.

Erayada aan la yaabay waxaa ka mid ah.

  • Laxoox= oo loo yaqaan Canjeeladda la cuno.
  • Fooq= waxaa loo garanayaa Dabaqa ama dhismaha isi saarka.
  • Kaniif= waxaa loo garanayaa Musqusha mararka qaarna Suuliga waa loo garanayaa.
  • Biyo la laaqay= waa biyo la qasay sida Canaas, canje orange ama wixii la mid ah.
  • Xab-xab= waxaa loo garanayaa Qaraha la cuno.

Waxaa jiro erayo badan oo intan ka badan balse erayadan waa kuwii iigu badnaa ee aan soo arko meel walba oo Soomaaliya ka tirsana waxaa dabcan ka jira Dhaqan iyo Lahjad ay dadka isku fahmaan.

Gunaanad.

Dhibaatadda ka jirta Koonfurta Soomaaliya gaar ahaan Magaaladda Muqadisho waxa ay keentay in dad badan ay u arkaan xal in ay yiraahydaan magaaladda Muqadisho ma aynaan iman ama Koonfurta Soomaaliya uma dhalan.

Haddii dhibaatadda sidan ay ku sii socoto waxaa ii muuqaneeysaa in Soomaalida intooda badan ay is nacaan oo Dadka ay u kala qeyb samaan deegaan deegaan ama Qabiil Qabiil.

Intii aan safarka ku jiray wax dhibaato ah lama kulmin meel walba oo aan tagana waxaa igu soo dhaweenayay asxaab wanaagsan.

Mahadcelin.

Waxaan u Mahadcelinayaa.. Ibraahim Abdi “Geele”, Mohamed All-man, Shiekh Osman iyo Abiib oo si wanagsan iigu soo dhaweeyeen dalka Djibouti… sidoo kalle waxaan u mahadcelinayaa Musse Cadde, Fu’aad iyo asxaabta kalle ee si wada wanagsan iigu soo dhaweesay Magaaladda Hargeysa.

Salamat.

Ibraahim Da’ud Abdalle

sayfudiin@gmail.com

Kuala Lampur, Malaysia.

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

15 Jawaabood " Huuno, Ma Xamaraawi ayaa tahay? – Berbera, Hargeysa, Jabuuti – Safarkii Dheeraa ee Gentleman "

  1. waxaan salaamayaa dhamaan bahda somali talk
    intaa kadib ibraahin waxaa uu soo qorey maqaal fiican laakiin waxoogaa waxaa kujira in aanu libinta ama guusha ay gaadheen walaaluhiisa somaliyeed ee ah dalka somalinad uuna aad u iftiimin tusaale maxaa ka lifay inaad magaca soamliland qoraalkiisa dhamaystirto

    Aan dhamaantiinn idin xasuusiyo wakhtiga ay somali baa badey 1988 waa markii hargeysa ay duqeeyeen xoogagii qarankii somaliyeed diyaarad intey ka kacdo magaaladeedii hadan duqeysa waa tan astaanta qarankii samaliyeed

    isa sii hamba raacintii waa 1991 markii dawladii faassiistuhu burburtay ee qabiilooyinku sida axmaqnimada ah wax ugumaadeen waliba qabiilooyinka koonfurta oo aan kala eegin biri mageydo sheekh dumar caruur tusaale waxay dileen pro: abyan oo ahaa nin aqoonyahana

    halka kuwa somaliland ay kuwii sika soo horjeeday wadahadal lagaleen oo ay nabad iyo wadan gaara ku qaateen magaalda burco
    waa halkan halka ay sirtu ka qudhuntay
    insha allah waan soo gudbin doonaa qoraalo kale oo idiin ifiya halka ay somlai ka burburtey

    qaran ayaan doontee qudhun miyaan afka uga galey 1960

    c/raxmaan cali nuur(bulshawi)
    hargeysa somalialnd
    bulshawi82@hotmail.com

  2. Waxan aad ula yaabay qoraalka Ibrahim Daud, wax u qoray sidii isaga oo u waramaya dad aan wax aqoon ah ulahayn Somalia iyo magaalooyinkeeda, waxaa ii soo baxay wiil xamaraawi ah oo ku indha daraan daray Horumarka gobolada Somaliland iyo Djibouti. Aniga ruuxayga waan maray goboladaas hadda ka hor, waan arkay in dadku reer Xamarka sas iyo baqdin ka qabaan, waxaa la arkay foolxumada ay Somalia gaarsiiyeen, dadkuna waxa ay aamin san yihiin in meeshii ay istaagaanba ay bambo iyo qarax wataan, waa la idinku arkay walaal xamaraawina umaddu naftooda ayay uga baxaan, maxaadse ula yaabtay hadii Somaliland iyo Djibouti lagula yaabay goortii aad tiri ” ABOOWE INTEE TELEPHONE KA DIRSADAA NOOOH!” waxaan jeclaan lahaa in aad ogaato meesha sartu ka quruntay, waa xamar iyo dadka hadda deggan oo dugaag iyo dad loo kala garan waayay, aniga afka Somaliland-ta iyo kan Djiboutian ka midna kuma hadlo, cidina iguma oran Huuno ma xamaraawi baad tahay, waayo afka Somaliga caadiga ah ayaan ku hadlay, waanna iska ilaaliyay wax afka xamar u dhow si umaddu aayan iiga jaacin, Ibrahim Airportka Adan cadde hadaad gaalo mad madow oo qoryo la taagan ku aragtay sow reer xamarka maaha kuwa sidan wax ka dhigay… Maxaad ciidanka Amison ugu arki wayday Hargeysa iyo Berbara, sow dhul Somali yeed maha, sidoo kale maxaad ugu arki wayday Puntland hadii aad macluumaad ka hayso, waayo waa dhul nabad ah oo nololi ka jirto.. warka waxaan ku soo koobi lahaa reer Xamar dib ha isugu noqdeen…. Xumaan ha u qaadan hadalkayga aniga Somalilander ma ihi laakiin waan jeclahay Somaliland waayo waa dad nabad iyo nolol u horseeday degaankooda…

  3. YOSNIS says:

    marka hore waad salaaman tihiin,gaar ahaan bahda soomalitalk, marka xiga waxaan dhibaatada jirata abuurayaa maaha dadka ee waa ninmankani calan casta ah ee ka tagay london ,kuusi ayaan fitna kasta abuura oo ku dadaalay inay shucuubatani isku afka ah ee isku diinta ee isku dhaqanka la kal fogeeyobeera, waxaa nasiibdaro ahin Magaaladda Hargeysa oo ah Caasimada Labaad ee Jamhuuriyada Soomaaliya ,uu cadowga soomalyeed dhinac kast juga baxo una soogalo, halka qofka soomaliga sidaa laa imtixaamayo ee loo maraan maro.

  4. Abdi Rahman says:

    Waxaan idin leeyahay dhamaantiin ramadaan kariin intaa kadib anigoo doonaya in aan usoo dhaa dhaco jawaabta ugu quman ee aan ka bixin karo qorallkan ama fikrada uu halkan inoogusoo gudbiyey walaalkeen
    Ibraahim da,ud waxaa weeyaaan horta sxb waxa aan odhan karaa waxa keenay in eraygaa laguugu yeedho ama lagu yidhaa ma xamaraawi baad tahay run ahaantii waa dadkii oo ka daalay ama nacay dadka ka yimaada koonfurta somalia iyo xamar oo noqotey meel sheekadeedu ma dhamaato ah dadkii waxay taasi ku beertey naceyb fara badan iyo in ay ka faanan ama dhibsadaan reer koonfureedka aan horu socodka aheyn

  5. Waxaan ahay nin reer Sanaag qoraalkana maa xuma waxaase fiicaan in laa iska saaro dhaqanka somalida uu gaarka iyo siyaasida. Dhaqanka dadka Waqooyi (ama Somaliland) waa dad aad isdhexgalay oo aan marna xumaan uu arag in laa weydo qof kale qolodiisa ama degmadiisa. Waa arrin iska caadi xageena maaha waxaa laa dhibsaado ruuntii.

    Hadalaaka Salmaan aad baan uu taageersan ahay.. wax maanta somali isku keeni karta maa jirto haba yarte somalinimadan aad kaa sheekeynaysaan waxuu ba’baay 1988. Somaliland maanta sida Jamhuuriyaada Jaabuuti gooni uu tahay ee ayaheedi kaa talineyso bey rabta , reer Somalia waxaan leeyahay hadeey walaalnimaada idinka dhab tahay wadaada uu fuur Somaliland ineey noqoto dal madaxbanaan sida Jaabuuti.

    Waxaan qabaay in hadeey Somalida kale Somaliland uu dacaad noqdaan in wax walba uu hagaagi doono dadku isjaceylaan donaan . 5 dowladood oo Somali oo UNta inoo fadhiya ! Sida Arab League and European Union. It is my dream.

    Salaama

  6. Waxaa waxlagu farxo ah in aad soomartay Hargeysa,Berbera iyo Jabuuti oo dhamaantood aad ku martay amaan iyo nabad .

    Nabaddaas kuma iman ciyaar ee waxay ku timid rabitaanka shacabka degaanadaas jooga .

    Markaa waxaan ilaah ka baryayaa in dadka Muqdisho gaar ahaan dhalinta iyowax garadku dareemaan in nabaddu tahay qaali, loona baahanyahay in gacmaha la is qabsado oo la midoobo .

    Ilaah ayaan taas ka baryeynaa isagaa weyn oo keli ah .

  7. Ali says:

    ASC

    Getelman waad ku mahadsanathay sida dhexdhexaadka aad warbixinta safarkaada aad usoo gudbisay.
    Aniga reer xamaraawi ayan ahaa, waana garanaayay ereyada sida, Loxox iyo fooq…….katan

  8. aniga waxan ahay reer lasanod waxana wada ogyahay in lasanod ay tahay waqoyi markan burco tago wa la garanay inan ka imi laaska xata intadan gadhin burco sababtuna wa somalida oo qaabka ay ku salaysantahay nolosheda ay tahay qabiil marka kala duwansha afkana wax sabab u ah kala durugsananta iyo isdhexgalka bulshada

  9. nuur surcad says:

    A/c Gentleman inta aad soo martay & in kaleba waan soo maray sida galkacyo, garowe, boosaaso, jig-jiga, dirir dhabe intaba waa dhul soomaliyeed marka sxb waana ahay nin ku dhashay muqdisho waliba waaberi lkn la soco areyga ( ma xamarawi baad tahay) in badan waa dhagaheyga waa ku soo dhacay waana la igu yeeri jiray hortaa ama horteenba somaliya oo dowlad ah & somalia oo bur bursan.. Maxaa yeelay gobol walbo lahjad ayuu leeyahay marka xamarawi waa tan aan ku hadalno taasi dhib malaha oo anaga markii xamar inoogugu yimadaan waxan dhihi jirnay qowdhan, carabka yuusan muruq kaa galin Etc … Marka sxb waxba ha u bixin.. Puntland,Somali-land,Ogaden,NFD, Djibouti SOMALIA Ilaahay intoobda nabad waarta is is jecel ha nagu wada nooleeyo somaliweyn ha noolato…..

  10. salmaan says:

    waa idin salaamay dhamaantiin, hadii aynu xal uhelno dadka cuqdada qabiilka ah qaba waxaynaan xal uhelayn dad soomaaliyeed oo ah dadkii xasuuqa ka badbaaday ,tusaale ahaan dadkii hargeysa iyo burco ay ku rusheeyeen diyaaradihi iyo madaafiicdii millaterigii jamhuuriyadii soomaaliya waxba ku fali mayaan soomaalinimada iyo qiirada idin haysa, xataa hadii ay ka noqdaan gooni isutaaga wax apetite ah uma hayaan somalia, ama dadkii iyagoo guryahooda iska jooga xamar dhegta dhiiga loo daray iyagoon waxba galabsan, xataa qaarkood ay calamada lulayeen markii maxamad siyad barre la riday iyagoo leh haddaan dawlad fiican helaynaa, anigu shakhsiyan waxaan kasoo jeedaa mudug , waxaan joogay xamar january 1991 waxaa la dilay laba walalahay iyo abtigay aniguna waa cararay, marka ninkii dadkiisa aad dishay hantidiisana aad dhacday adigoo sidii dulmigii ugu jira hadii ilaah alshabab madaxa intay kasoo garaceen adoo qax ah aad u timid oo leh qabyaladii waa dhamaatay soomaliya allaha mideeyo, waa fiican tahay waa duco wanaagsan laakiin wax apetite ah qofkaasi makuu hayaa, marka dadka yiri soomaali waa kala tagatay waa runtood .

  11. Omar Said says:

    Saxiib gentlemann ninka la baxahey waa ogtaheey si ficaan inaa ee Somali kala taagteey markii hadaa nabad jecesaheey dhalkaa joog. Adigu nin xeer xamar ba tahey markaa ku eekow kononfur isgaa daa Somaliland amba butland ama Djibouti. wa talo waayoo somali 1991 bey kala tegtey .
    Mida labaad adigu nin safar ubaxey tahaa markaa siyaasad iska jooji.

    Umar Said

  12. Sayfullah says:

    Ayayaaaaaaay maxaa aw maqaal Fiicana haa sida dhabta ah webkaan aad ayaan u jeclahay waana web Aqoonyahano ninka maqaalkaan soo qoray sayfudiinw alaal waxa ahaboonayd in aad Bari tagtid walaahi halkaas ayaa wax kala soo kulmi lahayd ani waxaanba qaba awaa lagu soo tarxiili lahaa hadii aad Bari tegi lahayd lol..,,

  13. somali says:

    sallama calleykum soomaliyeey,mida koowaad waxaa calool xumo ah in dhul soomaliyeed maanta laisleeyahay uma,aadan dhalan ama lagaama jecla hadaa reer xamar tihiin,waa wax laga calloolxumaado ama laga ilmeeyo runtii,mida koowaad anaga hadaan reerxamar nahay ama soomalidii xamardagi jirtay nahay hal qabiil maaan aheey oo waxaan laheeyn qabiil walba sida ninka garoonka hargeeyso fadhiyey 20sano ka hor kii xamar ama waaxda socdaalka somaliyeed buu u shaqeeynayey,marka see u dhihi kartaa dhul soomliyeed oo shalay ka shaqeeysay meelwalba una shaqeeysay qaransoomliyeed maxaa ksoo raadisay soamli land ama puntland,jawaabtu waa fududahay coz anigu soomaali baan ahay igamana xigtid puntland ama somaliland meeshaan doonaana tagi istaagina hadii uu maanta qabiil ootay maaha in aan taageerayno qof walboo soomali ahna wuxuu xaq u leeyahay in uu istaago seexdana dhulkii uu doono oo du=hul somaliyeed ah,aniga anoo cidna necbeeyn ilaahna igu ogyahay laakiin waxaan diidanah in dhul somaliyeed lakala googooyo mana ogali bari iyo maanta midna coz somali waa somali waxaana aaminsanahay soomali weeyn sida PROF SAMATAR oo ah somali dhalad ahba sheegay somalia xuduud maleh ilaa ogaadeeniyo ilaa dhulka waqooyi bari kenya(NFD)ilaa lowya cade ilaa raascaseeyr waxaa muqadas ah in qofka somaliga ah tagi karo si xoriyad ah meelwalbo oo ka mid ah dhulkaas aan soo tilmaamay.
    soomaaliya ha israacdo hana guulaysato. waxa wax lalayaabo ah aduunka qofka ugu doqonsan hadii uu shalay dab ku gubtay wuu ka cararaa bari hadii uusan waalneeyn dabcan marka soomaaali ayadoo qabyaalad saaa aad aragtay ay ka dhigtay beey maanta wali daba socotaa,marka doqonka ayaa na dhaam miyirka ayaan la,nahay ama waa waalnahay saad doonto u fasiro taasna waa runta coz qof miyirleh saan uma dhaqmado,
    NABADEEY

  14. Omer, Uk says:

    Somalitalk aad ayey u mahadsanyihin qoraaladooda xikmadda badan eee ay noosoo gudbiyaan. Qoraalkaan oo aan aad oola socday waxabadan ayaan ka faa’iideysatay. it nice I never see like this words in somali language, really I thank the writer and website administration.

  15. Waa ku salamay sxb sidaan si la mida ayaan kala kulmay mar aan ka baxay mogadishu 2007 marki amxaaradu timid xamar lkn sxb wali waxaa kuu dhiman putland. Sxb somalis wey kala tagtay DAA’IM ha isku soo dumo. Waan salamaa shaqaalaha webka