Home » Faallo »

UWSLF: Nina Guusha Kuma hanto Hilib Walaalkiise iga Hooya Caawey Waanadu Haybad leedahaye | Yaasiin Garaad

Mahad ideylkeed Illah baa leh Nabadgelyo iyo Naxariis Nebi Muxamed Korkiisa ha ahaato

Hordhac

Ugu horayn waxaan mahad balaadhan u celinayaa dhamaan walaalihii igala soo xiriiray Dunida daafaheeda kala duwan kadib markii ay akhriyeen maqaalkii aan ugu Magac daray “UWSLF Dillaal waxaad cunaysaan  intaan Dunida Joogaa”

  • Intii talo ii soo dirtooy, taladiinii waa aqbal, intii awoodeyda ah,
  • Intii isoo canaanatooy, canaantiinii kuma dhicin Dhago xiran oo aan waxba galin ee waxay kudhacdey Dhego furan diyaarna u ah inay qaataan Qaladkooda kana waantoobaan qaladka.
  • Intii iisoo Duceysooy Ducadiinii Illaahay ha ii aqbalo hana igu anfaco.

Intaa kadib Waxaan mahad gaara u celin lahaa walaalaha iyo hogaanka UWSLF oo ilasoo xiriiray su’aalo dhowr ahna isoo weydiiyey waxaana isku dayidoonaa inaan maqaalkan Jawaabo uga bixiyo su’aalihii ay isoo weydiiyeen.

Afeef

Ugu horayn UWSLF waxaan idiin sheegayaa haddii aniga dhibkiinu uusan idhibayn, dheeftiinuna Ifarxad galineyn waxba idinkama qoreen waxna idinkuma darsadeen laakiin waxaan idiin sheegayaa waxbaa naga dhexeeya oo walaaltinimo Islaam, mid wadaniyeed iyo mid Soomaalinimo ayaa naga dhexeeysa. Dhibkiinu waa dhibkeena, dheeftiina iyo wanaagiinu waa farxadeena, Guushiinaa Dugsi iyo wehel noo ah.

Aduunkana waxaan isku leenahay waano iyo walaalnimo Aakhira nin iyo Camalkii.

Jawaabaha

Walaaluhu marka hore waxay igu canaanteen inaysan aqoon ii lahayn, 18 sano oo ay Dagaal ku jireena aysan iga arag Maqaal taageera ah oo aan ka qoray, iskaba dhaaf taageero Gacmeede?

Jawaab: Dhaliishan waxaan kaleeyahay, ugu horayn inaad itaqaanaan qasab iyo muhiim midna maaha mana u maleynayo inaad taqaanaan Qofkastoo idin taageera, taageeraduna micno iyo noocyo badan ayey yeelan kartaa. Mida ah inaana maqaal idinka qorin waa sax laakiin anigu dhibka guud ee Soomaaliyeed ayaan lanoolahay asaga ayaana wax ka qoraa. Tusaale, ahaan markii Qab qablaashu wadanka Bur Burinayeen ayagaan wax ka qori jiray ama haystay, Markii Ethiopia ay Koonfur qabsatey arintaas iyo kuwii ugu kaalmeeyey inay qabsato ayaan dul saarnaa. Haddii idinka aan maanta idin haysto idinkuna maanta ayaad Miiska saarantihiin oo waxaad u gasheen kuwii Dalkeena baday dhibka haysta noona diiday Dawladnimo iyo inaan noolaano.

Heshiiska aad gasheena waa mid aan u arko iniidaan Mahadin doonin ee aad shaleyto iyo dhib ka kaqaadi doontaan. Waayo waxaa layiri kuwa aan Taariikhda ka faa’iideysan waxay ku cel celiyaan qaladkoodii hore, marka xusuusta UWSLF waxaad kasoo jeedaan asalkiina Urur wadaado ahaa oo lawada yaqaano. 1993 ururkaas oo aan  Ethiopia Dambi ka galin oo iska degan Soomaali Galbeed, Ethiopiana heshiis iyo nabad galyo kula nool ayaa Ethiopia hal mar weerar ku qaadey halkaasna ku xasuuqdey wiilal badan oo Hooyo Soomaaliyeed mudo dheer korinaysay. Natiijadiina waxay noqotay Hooyo Gablanta iyo Mid Asey madaxa ku qaada.

Maxamed C/lle Xassan oo ka gabyey Dagaalkii Jidbaale oo ay Daraawiishta badanu ku dhamaatay ayaa wuxuu yiri:

Maalintaan Gaane iyo Sheybe iyo Gaban la’iireebin, Maalintii Rageygii ku go’ay Galan gashuu jiifey, maalintuu Gabayraha Cabsida Galowgu(Shimbiruhu) eedaamay

Marka UWSLF xasuusta Gurboodkii Soomaaliyeed ee aad Garwadeenka u ahaydeen oo goor barqaa gagidii  [Halooye] iyo goobo kale oo badan Gawrac loogu jiiday maxay galabsadeen ood garan kartaan.

Gabyaa Soomaaliyeed oo la’oran jiray Maxamed Xaashi Dhamac oo ku magac-dheeraa (Gaariye) haduu dhintay Illahay ha unaxariisto haduu noolyahayna waa indheer garad Soomaaliyeed. Ayaa Gabay uu tiriyey 1980 yadii oo uga waramayey meesha xiligaas Dalkeenu ku socdey waxaa miraha Gabaygiisa kamid ahaa

  • “Dharaar baa iman doonta iyadoo is wada weyday ooda loo rogi doono
  • Dharaarbaa iman doonta Imaaraadka sidoodiyo ninba aag ku go’doomo
  • …Dharaar baa iman doonta Irsiqa laysku cidhiidhiyoo wax la uunto(cuno) la waayo
  • Dharaar baa iman doonta Mujrim oogo madowoo Islaam sheeganayaa agablaay hambadaada isa sii kaba raacsho… ”

Markaan Gabaygan arko waxaan soo xasuustaa waxay samayn jireen Qab Qablayaashii Degaalka ee haystay Koonfurta Soomaaliya iyo kuwa Dawladaha ama maamulada iyo Madaxweynayaash sheeganaya oo uu ku jiro midka maanta sheeganaya inuu Madaxweyne Soomaaliyeed yahay(Shariif)

UWSLF mawaxaad rabtaan in Taariikhdu idin nacalado, mise in Suugaan yahanada Soomaaliyeed idinku hal qabsadaan. Haddii maanta Ethiopia anta isbadal siyaasadeed kadhaco oo Dawlad cusub iyo Madaxweyne cusub qabsadaan aad heshiis gali lahaydeen sidii Soomalidu u qatalantay markii Mingusto Haile Mariam dhacay oo Melez Zenawe qabsaday. Waxaa la oran lahaa waxay lasaan qaadayaan Isbedelka cusub laakiin, warhooy Melez waa kiisii,

Warhooy kama caqli badnidin Soomaalidii tiri ama ku maah maahdey

Amxaar Afkuu kuugu qosluu kugu qaniinaa iyo Amxaaro iyo Dameeraba Oodooday cunaan.

Warhooy xasuusta Abwaankii Soomaaliyeed ee yiri “Nin Abeesa koriyoow adunbaa u aayinee, Axdi malahan Xabashidu lagu aaminaayee”

Warhooy Ethiopia waa tii Daqarada waa weyn gaysatee yaan Dawo laga raadin

Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa “Nin ku dilay Har kuuma jiido” warhooy Ethiopia waa tii idin dili jirtay waana idin dili doontaa ee is daba qabta.

Su’aalaha aad isoo weydiiseen waxaa kamid ahaa su’aashan

Bal waxaan jelcaan lahaa intaad booskayaga oo kale is dhigtid inaad noo sheegto waxaad samayn lahayd ama Mawqifkaad qaadan lahayd adoo og inaan 80wiil ka horgaynaynay 80malyan oo Ethiopiana mudo 18sano ah, Shacabkaagiina uu yahay mid qaxay & intii gudaha joogtay oo ay kala goosteen Jahli, Jiro, Juuc, & Jeel?

Jawaab: Ugu horayn inuu shacabkii Soomaali Galbeed ku dhaceen dhibaatooyinka aad sheegteen waa wax laga murugoodo Illaahayna waxaan uga baryeynaa inuu walaaleheen ka dulqaado dhibka uguna badalo Barwaaqo iyo Nabad galyo waarta(Aamiin). Dhibka intaas baan ka iri.  idinka waxaan idin leeyahay ugu horayn ma moogeydeen inuusan dhibkanu imaan doonin markaad ummadda Dagaalka iyo Halganka ku hogaamiseen in kastoo dagaalka laydin ku soo qaaday. Miyeysan wax iska cad ahayn in Dagaal kasta oo lagalo ay kadhalato dhibaato iyo xanuun sida Qax, Bur Bur, dhimasho ay dhintaan Dad lajeclaa. Ujeedada Dagaalkuse soo maahayn qasaaraha kadib in wixii soo haraa sharaf ku noolaadaan. Mise waxaa loo dagaalayey in maata Wasiirka Arimaha Gudaha Ethiopia ku faano markay kuleelka u adkaysan waayeen ayey isa soo dhiibeen argagixisadii. Maxaase lataaban karaa oo aad ku badalateen dagaalkii. Maanta madhahaysaan xorriyad baan keenay oo Ethiopia waa ka hoosbaxaynaa, malihidin intay doonto kadiba hanoqotee Dadka Gobolka Afti baa laga qaadayaa oo waxaa laweydiin doonaa waxay ayagu rabaan ayagaana go’aanka yeelan doona. Malihidin intii gardarada iyo dulmiga lagu xasuuqay iyo wixii hanti la bur buriyey ayaa Mag-dhaw laga bixinayaa. Malihidin qof dambe Ethiopia madili karto. Kaliya waxaad ku faanteen maxaabiis baa naloo siidaayey. Waxaan hubaa in kuwo badan oo maxaabiistaas ka mida Jeelasha lagu celindoono maalmo kadib markii saxaafada la tuso waana dhaqanka Ethiopia.

Gabyaagii Darwiish ka ahaa Ismaaciil Mire gabaygiisii uu ku hal qabsanayey shimbirkii Oonka iyo Kuleelka lo ooyayey waxaa gabaygiisa kamid ahaa meerisyadan:

  • Guuguulihiiyow haddaad, gugii u ooyayso
  • Haddaad mooday keligaa  inuu gubayo jilaalku,
  • Oo aad gamoorahakan(Baliga) maran gama’ la’aan diiday,
  • Ayna gocosho awgeed ilmadu, kaaga gobo’laysay
  • Guumays cirroobaan ahaye war aan ku gaarsiiyo,
  • Gartaa maaha keligaa inaad, gaar u cabataaye,
  • Diddigood addoomaha waxaa gaaray nabarweyne,
  • Abaar gaag mareebaa dhacdiyo, gaatamoo kale,
  • Geelii adduunka u adkaa, gobollo waydowye

Marka UWSLF waa Baahanahay baqtima looma cuno, gartiina maaha inaad kaligiin gaar u cabataan. Dhibtu Soomaali oo dhan wey haysataa haddii idinkii Ehlu Diinka ahaa oo larabay inay dadka ugu samir badnaataan aad Melez ugu hormartaana waa nasiib daro.

Waxaan xasuustaa hameen uu Sh. Ibraahim dheere iyo nin magaciisa ku sheegey Casoowe ay kahadlayeen barta Internetka oo ay Dadka ka codsanayeen in Heshiiska lataageero. Casoowe ayaa waxaan weydiiyey 2 Su’aalood oo kala ahaa.

(1)Waxaad tihiin Ururkii ama Dadkii ugu horeeyey oo inta Soomaali Galbeed halgan kagala hadana gala heshiis noocan oo kale ah taariikhduna waxay nabaraysaa in Ethiopia in badan Dadka Gobolka heshiis ay lagashey uga badaxdey sababla’aan dil iyo xarigna ugu badashey, Marka maxaad balanqaad u haysataan inaan Ethiopia idinkaga bixi doonin waxaad kula heshiiseen?

(2) Waxaad ku faanteen in Maxaabiis laydiin sii dayndoono anaguna waxaan ognahay inay Ethiopia u xiranyihiin Dad Soomaaliyeed oo meelo kala duwan ay kasoo qabsatay sida kuwo ay Kenya ka kaxaysatay, kuwo Koonfurta Soomaaliya laga soo qabsaday iyo kuwo Waqooyi Gableed iyo Waqooyi Bari ay ka soo qabsatay amaba Jabuuti. Marka kuwaasu maku jiraan mise inta UWSLF ah ayaa laydiin siidaynayaa?

Waa laga yaabaa inay maqaalkan akhriyaan dad badan oo kamid ahaa Dadkii hameenkaas khadka telephonka ku jiraye, wuxuu Casoowe iigu jawaabay su’aasha 1 aad “haday nooga baxaan heshiiska oo nala xir xiro ama aan dhimano idinkaa ku raaxaysan doona Dalka iyo Mirahaan dhalino”.

Su’aash 2 aadna wuxuu iigu jawaabay waan jecelnahay in aanaan katagin qof Soomaaliya ama Islaama oo xiran laakiin arintaas wali war kama hayo, raga odayaashaa oo aan hawsha isla wadnana warkeeda kama maqal wali.

Allahu Akbar, Akhristaha sharafta lahoow adigu iska dhig inaad tahay qofkii su’aashan weydiiyey Musuulkan kadibna iisoo sheeg haddii jawaabahanu ku qanciyeen.

Waxaan xasuustaa mudo aan filayo inay ahayd 1997 ayaa waxaan akhriyey sheeko uu Joornaal kasoo bixijiray Soomaali Galbeed gaar ahaan [Godey] Daabacay, sheekaduna waxay ahayd sidan:

Dawlada Ethiopia ayaa waxay xirtay nin madax uga ahaa Killing 5aad ama Soomali Galbeed markaas bay  mid kale u magacawday killinka. Kii lamagacaabay ayaa jeelkii wuxuu ku booqday kii xirnaa. Kadibna kii xirnaa ayaa talo siiyey kii lasoo magacaabay oo markaas madaxda ahaa wuxuuna kuyiri “War ninyohoow waan hubaa oo jeelkaan waad soo gali doontaa ee hada Dayactir ku samee oo sidan haku soo galin anigaa kusoo galaye, Jeelku Koronta malahan, Biyo malahan, Musqulo fiicana malaha, marka inta aad madaxda tahay wax kaqabo si markaad soo gashid aad ugu baxsatid. Kii madaxda ahaa kii xirnaa wuxuu ugu jawaabay war orod naga tag nin waalan baad tahaye. Maqaalkii sidaan u akhrinayey ayuu wuxuu ku dhamaaday sidan “Nasiib daro ninkii Jeelkii wuxuu galay asagoo aan waxba ka qaban Dayactirna aan ku samayn jeelkii.

UWSLF walaalayaaloow madoonayno mana jeclin in tanoo kale idinku dhacdo oo marka Ethiopia danteeda idinka gaarto Musqulaha idin ku gurto weyna yeeli doontaa oo waan hubaa.

Sayid Maxamed C/lle Xassan ayaa gabaygiisii Dar Daaran wuxuu ku keenay asagoo Soomaali lahadlaya Meerisyadan

  • Nimanyohoow Dantay baan hadlaye iga Daliil qaata
  • Dacwadeyda meeshaan udhigo fiira Dib uyeesha…
  • Nin ragay Dar daaran u tahaye Duxurku(Doqonku) yeelkiis
  • War waa iga dar daarane Ethiopia ha aaminina

Su’aasha qaybteeda ah 80 wiil ayaan ka horgayn jirnay 80 Million oo Ethiopiana: ayada waxaan kaleeyahay Dagaalada Aduunka ka dhacaa noocyo ahaan waa kala Duwanyhiin, Ujeedooyinka loo diriraana waa kala duwantahay. Tusaale ahaan Dagaalku asagoo dhibka iyo qaasaraha kasiman ayaa cida diriraysaa ujeedooyin kala duwan u dagaalantaa. Dadbaa Wadaniyad udagaalama (Nationalism), Dadbaa Diin u dagaalama, dadbaa Kheyraad u dagaalama (war of resources). Mar mar ka qaarkood wadaniyada iyo Diintu way is hoos gali karaan. Tusaale ahaan anaga Soomaali ahaan kuweena Taariikhda noo galay qaarbaa Diinta iyo Wadaniyadba isku watay sida Sayid Maxamed C/lle Xassan, Axmed Guray, Sheikh Xassan Barsame, iyo kuwo kale oo fara badan. Qaar kale waxay ahaayeen dad Muslimiin ah laakiin wadanimada meel kore ka joogay sida SYL, Leegadii, iyo xataa Nimankii Kacaanka qaarkood.

Laakiin guud ahaan Dagaalka Diintu Qadarin weyn masiiyo tirada dadka ay la diririyaan iyo Hubka badan ee ay haystaan midna laakiin wuxuu ixtiraamaa anigu Diinta aan u dagaalayo ma ka run-sheegayaa, wixii Illaahay iga rabay maku taaganahay, wixii tabartay ahna masameeyey. Sida laydin ku yaqaanay idinku waxaad ahaydeen Urur Diini ah markaad dagaalka galeyseena waad ogaydeen in laydin ka tira badanyahay, laydin kana Hub iyo Maado badanyahay 18 sano ayaadna sidaas ku jirteen marka why now?

Mawaxaad ileedihiin 80kii wiil ayaa dhamaatay oo hada 80 la’aan ayaan nahay? Hadii jawaabtu haa tahay taasu waxay marqaati u tahay nisbada/percentage (%) ka aad shacabka gobolka ka tihiin iyo in aydinaan matali Karin Dadka waayo waxaa ka tihiin shacabka number aad u yar. Sidaa daraadeed maba ahayn inaad dadka gobalka magacooda heshiis ku gashaan.

Su’aasha ugu dambaysa oo aad iweydiiseen waxay u qornayd sidan

Nin haduu $200 kaa dhoco oo uu ku yidhaahdo $100 hadaan ku siinayaa $100 kalana wada hadal baa ka furan maxaad samayn lahayd?

Jawaab: horta ma run baa in $100 laydiin ogolaaday ama aad hesheen?

$100 waxaad ladhihi lahaa waad hesheen markii Dhulka Soomaali Galbeed barki inta laga kaco laydin dhaho barkaasna qaata inta hartayna aan kawada hadalno. Ama laydin dhaho 5 sano kadib Dadka Gobalka Afti xor ah ayaa laga qaadayaa wixii ay rabaan ayaana looyeelayaa. Ama laydin yiraahdo Dhulka Soomaali Galbeed Askari Ethiopiana oo dambe masoo gali karo oo idinkaa is maamulaya inaad go’daana aan kawada hadalno laakiin bal idinku iisheega $100 oo aad qaadateen.

Inkastoo Dawladaha Military gaa ay sirdootu badanaa qarsoontahay oo aan si fudud loo helin oo ladhaho (Military Governments all information are mainly in secret). Waxaa igu maqaalaa xilli aan umalaynayo inuu ahaa 1976 oo markaas Dawladii Kacaanku inta Jabuuti Qasab ku xoraysay ay isku Diyaarinaysay inay Soomaali Galbeed Ethiopia ka xorayso ayaa Dawladihii Shuuciyada (Socialist States) sida Ruushka iyo Cuba waxay wadanka Yemen isugu yeereen labadii Madaxweyne ee Soomaaliya iyo Ethiopia waa Mingusto H. Mariam iyo Maxamed Siyaad Bare. Waxaana laga codsaday inaysan is-dagaalin. Dawladii Soomaaliya waxay soo istaagtey Dadka Soomaaliyeed ee Gobalkaas degan rabitaankooda iyo xornimadooda Ethiopia ha u ogolaato. Ethiopia waxay soo istaagtay ilaa Jig Jigga ayaan ka baxaynaa ee taa Badalkeeda Soomaaliya hanoo ogolaato Marin xeebeed (Deked) Markaasna waxay Ethiopia sheegatay in Zaylac ama Bar Bara looga ogolaado inay Deked ka helaan. Dawladii Soomaaliya waxay ku jawaabtay baan maqlay “Anagu Dalkeena, Dalkeena ku Gadan mayno oo labo dhul oo aan leenahay isku badalan mayno. Waayo aan Dhulkaaga kaaga kacee Deked isii waxay ahayd dhul dhul iiga badalo.

Hadii maalintaas Dawladii Soomaaliya go’aankaas yeeli lahayd waaba hadii arintanu run tahaye oo Ethiopia ka bixi lahayd ilaa Jig Jiga, arintan oo kale waxay noqon lahayd $100  isii midka kalana aan kawada hadalno. Laakiin idin ka oo aan waxba laydin siin inaad tiraahdaan $100 baa nalasiiyey idinkaa sharixidoona $100 ee aad qaadateen.

Sayid Maxamed C/lle Xassan oo Gabaygiisii Dar Daaran wax badan Soomaalida talo iyo tusaalooyin ku siiyey ayaa wuxuu lahaa

  • Afartaas antaan Deelka ka hikaadshey Daw ma qabadsiiyey
  • micnihiina maan dadine soo idinma deeqsiin.

UWSLF intaasu waxaan rajaynayaa in intaasu waano iyo tusaalooyin idin kugu filaan doonto.

Anigu hadaan idinka ahay maxaan yeeli lahaa

Maalintii Maxaakimtii Islaamku jabeen Ciidan ka Ethiopiana madaxa soo saaray labada Buundo. Waa Buundada Afgooye iyo Buundada Buulo Barde cid hor joogtayna aysan jirin, shaki kuma jirr in maalintaas qofkasta oo Soomaaliya oo Damiir leh ay u ahayd maalin Madow iyo Murugo kulan satay. Waxaa geesinimo iyo Guul ahayd inay Hogaankii Maxaakimtu inta Shir Jaraa’id ku qabteen Xamar dheheen Ciidankeenii waa Jabay, Maamulka iyo taladana waxaan ku wareejinay Shacabka. Ka warama hadii ay maalintaas dhihi lahaayeen waan jabnay ee ha lays-dhiibo oo Ethiopia iyo C/laahi Yusufna ha lala shaqeeyo soo xaal ku kama sii xumaadeen.

Natiijadii waxay noqotay in inta Shacabkii reer Muqdishu masuuliyad isa saareen Hubkana qaateen halgan dheer galeen. Halgankaas waxaa ku dhimatay Dad ay hayadaha Xuquuqda Aadanuhu(Human rights organizations) ku sheegeen tiradooda 18,000(sided iyo toban kun) waxaa ku barkacay 1.5 Million, caasumadii Soomaaliyana gabi ahaanba wixii ka harsanaa waa Bur Burtay laakiin mirihii wuxuu noqday in maalin cad Ciidamadii Ethiopia jilbaha dhulka loo dhigo ayna ku baryootameen waa baxaynaaye xabada hanala ka joojiyo(what a worthy and deserve struggle). Illahay baa mahad leh kadibna Dadkii Soomaaliyeed ee aan raali ka noqon in maanta Tigree ku Dabaasho Xeebta Liido iyo Jaziira. Intii halgankaas ku dhimatayna Illahay ha u naxariisto.

UWSLF maanta hadii ay runtiin tahay oo Ciidankiinii dhamaadeen dagaalkana aydinaan wadi Karin waxaa Geesinimo iyo Guul ahaan lahaa in aad dhihi lahaydeen Dagaalka ma wadi karno ee Dadka reer Soomaali Galbeed yey nagu xisaabtamin laakiin sharaf maahayn in aad dhahdaan Soomaali Galbeed anagaa ka wakiila Heshiis ayaana u soo qaadnay oo aad sidaas niyad jab iyo Garab ka bax ku keentaan dadkii walaalihiin ahaa ee halganka ku jiray ama aad Ethiopia u ol olaysaan (Advocacy) oo aad dadka ku waanisaan Ethiopia ha la raaco.

UWSLF xasuusta idinkaa Soomaali Galbeed ah, laakiin Soomaali Galbeed oo dhan idinka maaha. Waayo Dadka Gobolkoo dhan idinku ma wada matashaan. Mana jirto meel laydin ku doortay oo aad Codka dadkoo dhan ku  hesheen.

UWSLF haddii nacaybka ONLF iyo Al-Shabaab aad u yeesheen waxaad yeesheen xasuusta Maah Maahdii Soomaaliyeed ee micneheedu ahaa “Walaalo is nacay xabaalahooday badiyaan xoolahoodana waa yareeyaan” Sidoo kale xasuusta ONLF iyo Al-shabaab ayagaa Soomaali idinla ah, dambiga Melez Zenawe idinka galay mid ka badana u malayn mayo inay idin ka galeen.

Carays Ciise Kaarshe ayaa asagoo Soomaali fikar xumadeeda ka hadlaya wuxuu lahaa

  • Soomaaliyey Dhaga la’aay
  • qalbiga tii laga dhaqaay
  • Meel dheer taan dhawrineey
  • Dhagaxa tii ka adageey
  • Walaalkeed dhiigi iyo dhexdeeda u dhiiraneey

Ugu dambayntii waxaad ii sheegteen inaad wixii waano, talo iyo naseexaa aad qaadanaysaan waana kan hadalkiinii aad iisoo qorteen.

“walaal waxaan jeclnahay inaan yeelano qof Naasix ah oo na tusa hadba ceebahayaga waana diinteena Asalkeeda Naseexadu. waana taan anaga iyo ree galbeedku ku kala duwanahay waana asaaska hurumarka umada”

Hadii ay dhab idinka tahay arintanu waxaan idin kula talinayaa in aad maanta kafiirsataan heshiiska aad gasheen iyo go’aanka aad qaadateen. Waxaan kaloo idiin sheegayaa in kuwii idin kugu hambalyeey arintaas aysan ka talin wanaagiina iyo taariikh fiican oo aad yeelataan midna magacay rabaan hesheegteen ama ciday rabaan hanoqdeene(Culumo iyo Caamo).

Hadii aad taladayda qaadataan Mahada Illaah baa leh hadii aad diidaana kolay anigu naftayda kuma canaanan doono maxaad ula talin weyday walaalaha.

Ugu dambayntii waxaan idiin cadaynayaa hadii aad wanaag iyo kheyr ka soo hoysaan heshiiska aad gasheen anigu idin kama xaasidi doono waxaana qiran doonaa inaan anigu idin ka qaldanahay, laakiin hadii aad ku qasaartaan ha iga inkirina inaan idin ka saxnaa. Marqaatina waxaan gashanayaa intii maqaal kan aqrida.

Faraskayguna halkaas buu fariistan markan.

Yasin Jama (Yasingarad)
gara0022@gmail.com

Qormadii hore: UWSLF “Dillaal waxaad cunaysaan intaan Dunida Joogaa”

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

20 Jawaabood " UWSLF: Nina Guusha Kuma hanto Hilib Walaalkiise iga Hooya Caawey Waanadu Haybad leedahaye | Yaasiin Garaad "

  1. Mh Mohammed says:

    Ciid Mubaarak dhamaan bahda Somalitalk iyo guud ahaan Soomaalida iyo muslimiinta caalamkoo idil, kadib runtii waa maqaal aan dhihi karo waa talo iyo tusaaleyn xikmadi ku dheehan tahay kana soo burqatay qof banii aadam ah oo aad u maskax sareeya.

    Dhaliil way iman kartaa laakiin tusaale iyo wax tus baa muhiima waayo wax is weydin ma xumee wax is weydaarsi baa daran.

  2. ahmed says:

    aad ayauu umahad sanyahay qoraaga maqaalkan ,
    walee waana maqaal xaqa iyo baadilka kalasaaraya
    oo aad looga yaabayo . waana nin aad umaskax furan qoraagan
    aad ayan ugu mahad celinayaa wax yaabo badan
    oo iga daahnaa ayuu maqaalkani ifiyey,……..

  3. asalamu calaykum walaal,mahad dhamaanteed waxa iska leh allah subxanah watacaalaa,walaal waad ku mahadsantahay waanada aad u fidinayso walaalaha madaxda ah waana mid nalaga doonayo dhammaanteen hadii aan nahay dad muslimiin ah in aan iswaanino isaga digno waxyaalaha xun iskulana talino waxa fiican,walaal hadii aan talada fiican ay qaadanayan madaxdeena meesha aan tagaahay meenaan kasbaneen ee dadkeenii baa musiibo ku dhacday oo mar hadiiba madax noqdaan aad moodo in ay talo fican oo diinta ka turjumayaba aysan u baahnayn.allah asaagaa weyn wax walban awoodee dalka gacanta ha u galiyo maamulkiisa dad wanaagsan oo diinta ka run sheegi ,kitaabka ilaahaynaku xukumi dadka asc

  4. Mohamed says:

    Hafoow, muhiim ma’ahan in aad ogaatid qofku meesha uu joogo, ee waxaa mudan in aad wax ka tiraahdo qoraalka. Mansab ma ku yahay qoraalku waxa uu ka hadlayo. Ma runbaa, ma beenbaa, mase waa wax la’allifay. ka hadal arrintaas. bal waxaad ii sheegtaa macnaha iskaga xiran qoraalka iyo qofka qoray meesha uu joogo. Maxayse ka baddalaysaa arrinta qoraalku ka hadlayo oo ah UWSLF oo isdhiibtay, habase isdhiibtee, waxay isku dhiibtay kuwo aan aqoon wax innaba hayaraatee la yiraahdo AXDI ama WACAD.

  5. waxaan marka hore u mahadcelinayaa somalitalk, marka labaadna Yaasiin Garaad oo runtii qoray maqaal qofkii wax uun soomaalinimo ku danbeyso uu ku farxayo,daadxoorta daa. waxaanan kula socodsiinayaa in aan ku bargaranayo, aananse aqoon hoose kuu lahayn,maanta aad iiga midtahay ku markaan soomaalinimada quus ka gaaraba i xasuusiya in soomaalinimadii sharafta hugsaneyd aaney wali dhimanin.

  6. shafad says:

    asalamu calaykum, ma ihi dadka aad wax u qora laakiin maqaalkan iyo kii ka horeeyay ayaa igu khasbay inaan kuugu tahniyadeeyo xaqa aad ku taagantahay iyo sida waafiga ee waadixa ah ee aad ugu fara yaraystay qormooyinkaas, qoraaladan waxy noqon doonaan kuwo taariikhda gala walia baal dahabi ah, intaas ka dib fikirkaygu waxba kama duwana kaaga laakiin waxaan ku darsan lahaa, MA LA HUBAA IN SHEEKHU SI NABAD AH UGA SOO BIXI DOONO GACMAHA ETOOBIYA, waxaan odhan lahaa sheekhu waxba kama duwan intii horay loo xidhay inta la xidhayo iyo inta la xidhi doonaba, balse isaga ayaaba ugu dhaw in la dhigo jeelasha walaladii ku jiraan sababta oo ah waa nin caalim ah waanad ogtihiin meesha ay itoobiya caqiidadeena ka taagan tahay. ta kale melez ayaa riyoonaya aduun waynahana u sheegay inuu mucaarad jabhad ah la heshiiyay, sheekh ibraahim wuu joogay gudaha s/galbeed lakiin xaguu ka daalamay? muxuu barnaamij ah uu fuliyay kaas oo u ku naafaynayo cadawga? away siyaasadiisii dibada? hadii aynu soomali nahay waynu wada ognahay xaqiiqda, yasiinow waxaad ku calool fayoowata halagan ka socda gobolkaas wuu socon ilaa 5ta 6da amaba 8da malyan ee ku nool gobolkaas ee soomalida ahi ka dhamaanyaan walaal waa GUUL AMA GEERI…. dhalinyaro mar laab la kac ugu heestay..

    gumaysiga etoobiyaa kuwa gaaray jira.

    diri dhabe godey iyo kuwa gaaray jira

    gudcurkii yimaadana kuwa guuraya jira.

    mar labaad mahadsanid xaqa aad ku taagantahay..

  7. isha says:

    Ascww
    waxan rabaa inaan walakay A Nuur u nastexeeyo sabatoo ah waxbaa iskaga qaldan waa haduu rabo.
    markaan aqriyay rayigaaga waxa iiga muuqatay in dhibka jiraa uu yahay in horumar la gaadho sababta lagu gaadhi karana ay tahay in dadka halgamayo ay gacanta u soo galaan kuwa uu gumaystuhu samaystay.
    Arinkan waxan rabaa inaan kaa idhaahdo labo wax.
    1- wali lama arag umad xoriyadeda ku badalata horumar iyo aduun inay hesho.

    2- Umada somali galbeed amaba Somalida ogadenya ma,aha waxay u dagaalamayso in horumar la gaadhsiiyo ee waxay u dagalamaysaa oo kaliya sidii umadahii ka horeeyay in shacabkani noqdo mid isagu xor ah oo aayihiisa ka tashada.
    Waxa kaloo layaab leh fikirkan kale ee aad leedahay dadkii soomaalida ahaa yaa islaynaya oo layska horkeenay.
    Taa waxan kaaleeyahay waa takilya ee gumaystuhu ka siman yahay midabkuu rabo ha lahaado qaaraduu rabana ha ku noolaadee hadii sida aad u fakarayso ee ah dadkaa isku dhamanaya uu qofkale oo aan adiga ahayn u fakari lahana qof xor ah ma,aadan aragteen Tigreega umada soomaaliyeed saa u galyana halka ay maanta joogaan mayna imaadeen.
    Gabagabadii fikirkaygu waxay noqonaysaa hadii hadalkaad wado dacad kaa yahay kan gumaystaha lashaqaystaa soomaali ma ha ee gumayste kalkaal isagana gumaystaha ka xun aqirkana meelxunbuu ku dambeeyaa umaduna isga iyo waxlamid ah toona dankama laha diyaarna uma aha inay xornimadooda jid la dhisi lahaa ku doorsadaan ee ama iftiinka umadan u soo baxay dab ku darso ama gumaystaha soo raac.
    waxan kaloo kaa ilaaway waligii nin wadad sheeganaya soomaali uma soo gacan galinin cadawga umada soomaaliyeed ee iyaga cadowga dhalinyaro yar yar oo ka xamaalata maamul isku sheega ka jira soomaaliya farta ugu fiiqi jiray.
    Ilaahay umada soomaaliyeed quluubtooda ha isu soo jeediyo dhibkana nastexo ha ugu badalo, Inagana kuwii la yimaada camalfiican ilaahay ha inaga dhigo maxaa yeelay qof aan mutaysanin naxariista Ilaahay SW ma helo. AAMIIN.

  8. najaad says:

    asc salaan qaaliya kadib aad baan kuugu mahad celin hayaa yaasiin garaad sida gesi nimada lh ee aad maqaala da usoo gali say
    ku waasoo ah kuwii loo baah naa,waxkhtigii ugu munaasab sanaa walaal kay aad baan kuugu mahad celin hayaa halkaas kaga sii wad

  9. muwaadin says:

    asc waxaan mar kahore idin lee yahay ramadaan kariim,intaas kadib walaal dhamaan waan idin salaamay,
    gaar ahaan walaal kay yaasiin garaad,walaal waxaanaad oogu farax sanahay maqaala da aad qor tay ee kaga war bixin hay sid war ka dhab ta ah ee ja jira wadan keena,sogadenia,takale waxaan ku dhi karaa waxaad tahay qof daa cad ah ayaad tahay waayo waxaan arkaa sida aad waxa xaqaa iq da ah ushe gay sid,takale waxaan ku dhihi lahaa walaal waa sidaad u sheeg tay waxaan nahay walaalo waxaa inaga dhexe ya diin dad,iyo dal,waalaal waxaan kudhihi lahaa yay nan wax saa mayn ah kugu yee la nin hadii aad shaq siyaas wax aan kuu qal min kala kulan tid,takale inaad ka qor taa wdan wax kuma xirna ax ti hore inaad wax ka qori jir tay iyo kale aad baan walaal ku salaamihayaa halkaas kaga si wad

  10. geelbeele says:

    Yaasiin labdii qoraal ee aad qortey caadi ma ahayn suugaantana daa warkeeda.
    shiikh ibraahim waa shiikheenii aan jecleyn waxaan se kuu sheegayaa in ay dhamaatey casabiyadii iyo tacasubkii
    nin walba oo danbiile ah halagu qaado danbigiisa
    Guuleyso
    walaalahaana intaas uga har iyagaaba mardhaw soocararidoonee

  11. Abdalla says:

    Marka hore waxaan salaamayaabahda Somalitalk.com,marka labaad waxaan salaamayaa qoraaga aftahanka ah eeYaasiin Garaad oo runtii qormadiisu ka nasahan tahay cadiifad iyo tacasub.
    Kadib:inkastoo ninkii xaajo aan lasoconini uu indhaha karido,hadana waxaa ii muuqda dad naqdinaya qoraaga oo kusheegaya in uusan xog ogaal ka ahayn waxa wadanka Ogadenya (Somali Galbeed kajira),iyadoo markaas sida uu qoraagu sheegay UWSLF ay tusaale usoo qaateen 80 VS 80 million.
    Itoobiya dadmeedu in uu ka badan yahay kuwa Soomaaliyeed lagumaysto waa xaqiiqo,laakiin taariikhdu sida ay nabartay imisaa dad tiro yari ka adkaadeen kuwo tiro badan?meel fogba ha uraadinin ururkan ay UWSLF gacanta ugashay ee TPLF ee qabiilka Tigreega ku abtirsada miyaanu kamid ahayn qoomiyadaha ugu yar Itoobiya?mida kale Itoobiyada tirade badan ee ay dadka Soomaalida Ogaadeenya (Somali galbeed) ishayeen miyay qaateen taako kamid ah dhulka Soomaaliyeed.
    Quusashadu waa cudurka ugu xun eek u dhaca aadanaha,waana midka haleelay ururkii MJXSG oo noqday kuwii ugu horeeyay ee ogolaaday dastuurka Itoobiya taariikhda isla markaana cadawgii Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay daadinta dhiigga muwaadhiniinta dhulkooda daggan.
    Nin wiilkiisii la dardaarmaya ayaa waxa uu kuyidhi (Aabo rag hortii ha caban) waxaan taas uga jeedaa iyadoo UWSLF ay ogtahay in dadkii wadanku ayna isdhiibin oo ay dagaalamayaan isla markaana ay diyaar uyihiin dhimashada iyo gaajadaba ayay isla markaasna uu dagaalamayo urur Soomaaliyeed in ay uun iyagu naftooda la ceelalyoodaan,kadibna sheegaan in nabadgalyo lahelay,waa arin yaab lehe ciidamada Itoobiya ayay ahaayeen kuwii dadkalaynayay iyagiina wax tanaasulaad ahi kama imaanine ma UWSLF bay ahayd wixii dadka laynayay xagay nabaddu joogtaa?.
    Waxaa xaqiiqo ah dhibka ugu badan ee ururka UWSLF haysta waxa uu yahay waligood ma ayna yeelanin hadaf muuqda oo dadku ay garan karaan ee wakhtogoodii iyo dhiig badanba waxa ay ku daadiyeen in ay raacaan daad ayna ogayn meesha uu ku biyo shuban doono.
    Dadka Soomaaliyeed ee ay Itoobiya gumaysato waligood way halgamyeen wayna halgami doonaan,ninkii quustayna wuu iska hadhi doonaan.

    Wabillaahi tawfiiq

  12. Awgaab says:

    Qofkii alle Hanuuniyo Baa Hanuunsama Talo walaalnimo Ugu Filan Intaas Balse Su aasha Waxay Weeye Hadeer Maka Labaan karaan Inaysan Ceelka Saalkiisa ku Daadan? Sideyse u Xidaareysan karaan Kolay waa Hubaal 7 Bari ee Arooska Ka Dib In mid la xiro & Mid la Dilo inay Noqon Taas shaki kumaba jiree

  13. Shariif S. says:

    Waxaan si aad ah oola socday qoraaladii uu Garaadku ka qoray *Heshiis ku sheegii ay wada-galeen Ururkii la odhan jiray Al-itixaad (UWSLF) iyo Nidaamka Addis Ababa ka taliya ee Zenawi iyo qaabkii uu uga faalooday Labadaba.Waxaan sidoo kale,sababay inaan aad oogu sii dhag-raariciyo sheegashada Garaadka uu shaaca kaga qaaday Dhacdooyin iyo Hadalo Layaab ahaa oo uu Ibrahim dheere kaga soo horjeeday Hadday ahaan lahayd ONLF oo Markaas uu ku Tuhmayey inaysan *Jihaadka * (waa sida uu aamin sanaa markaase)aysan u wadin sidii xaqa ahayd(waa sida uu xaqa isagu u yaqaanee).Maantana sida qoraagu sheegay ay UWSLF qoraalo kala sixiixdeen Cadowgii soo jireenka ahaa ee Soomaaliyeed iyo Shacabka Soomaalida Ogadenia, ulana Heshiiyeen Nacayb ay u qabaan Halganka Gobonimodoonka ah eeShacabka Ogadenia Go’aansadeen inay naf iyo maalba kula diriraan Gumeysiga Beesha Tigreega ah ee Zenawi madaxda ka yahay.

    Waxaana aad ooga helay sadar(qoraal) kamid ahaa Maqaalka Garaadka oo uu kula talinayey (80kii wiil ee dhamaaday ee UWSLF kula jihaadaysa Zenawi) hadday baaba’een inay Shacabka kusoo Warceliyaan (waaba haday jiraan 80-wiil oo Somaali-galbeed matashee) una sheegaan inaysan isku haleynin,waa haday daacad ka ahaayeen jihaadka,Intay Magaca-diimeed ceebeynayaan ama ay Naca ay Shacabka Somaalida Ogadenia iyo Soomaaliyeed u qabaan ay Adeegayaal ugu ahaan lahaayeen.

    Waxaana ku raacsanahay Garaadka oo qoraalkiisa ah * Hadaad 100$ hesheen ma xuma ee sheega,daynta inta kale aan kawada hadalnee Malezow baan kala saxiixanay shaaciya.Waaxase muuqata Garaad inaysan Gaadhsiisnayn Nimanka is-dhiibay halka aad ka dayeyso(sida niman Itoobiya kala hadli kara.. afti halaga qaado shacabkayaga iwm) laakiinse ay yihiin Canaasir(kooxo daneystayaal isugu jira Wadaado iyo ashkhaas kale) ka fikir gaaban kana aragti kooban mararka qaarkood markay hadlayaan Haweenka iyo Caruurta(marabo inaan Haweenka iyo caruurta wax ugu dhimo halkan,balse aan u soo qaatay qaab isbarbardhigeed).

    Ugu dambeyntiina waxaan odhan lahaa nimanka isdhiibay ee Magacyada-wadaada wata meel xunbuu idin ka galay Hungurigaad Raadsanayseen,Rabi cabsidiina waad iska reebteen,Runtuna waxay tahay inaysan dhacaynin Xumaantaad Shacabka Ogadenia u siraadinaysaan, ee ay Guushu iyo Gobonimadu raaci iyaga,idinkana aan idiin wakiilanay inay idin ka gooyaan dhibkaad shacabka ku hayseen kuwaad gacalka moodeen(Zenawi iyo beeshiisa Tigreega ah).Waxayna ila tahay Nimankanu inaysan Mudnayn in wax laga qoro ama lawadwado,saa Hadalkaa ka qiimo badan.

    Waana mahadsan tahay Garaad iyo Bahda saxaafada xorta ah.

  14. Cabdi Nur says:

    ASC> Somalitalk way mahadsannyihiin. Yaasiinna khayr allaha siiyo.
    Dad marka ay halgamayaan dhawr arrimood ayay isku daraan. dadki dagaallami lahaa aya dhisaan mabda’ ahaan dhaqaale ay ku halgamaanna waa diyaarsadaan.
    sidoo kale dadkooda gudaha ah ayay ku xirnaandaan oo abaabul,taageero ka helid iyo ka dhaadhicin waxa loo dagaallamayo iyo meesha la higsanyo intaba waa la dhex socdaan ayaga oo wakiillo dhab ah ku leh dadka gudahooda.
    Sidoo kale waxay aad isugu dayaan inay xiriir la sameystaan caalamka qadiyaddodana meel mariyaan. dhaqaalana kasoo helaan caalamka ay kusii wadaan halgankooda.
    Nimankan anigu waxaan u arkaa arrinta ay sameeyeen waa doorasho ama choice aad u adag oo aad xasaasi u ah .laakiin dhawr arrimood ayaan leeyahay way sababeen.
    1. nimankani shaqadoodi kowaad waxay ahayd diin iyo dacwo inay dadkooda gaarsiyaan taasna hoos u dhac ad u weyn ayaa ku dhacay.
    2. xirrirki ay shacabka la lahaayeen oo gaabis sii noqonayay kol haddi magacyo sida argagixiso iyo xag jir loo bixiyey culays ka badan kan ururrada calmaaniga ahna ayaga focuska lagu sarey.
    3. meel walba oo somalibaa joogta ay yiraahadaan oo ay amni u raadsdaanba waa lasooqabtey oo loo gacan geliey raggii ay ishayeen.
    4. dadki ay u halgama islahaayeenna waaba ka tashadeen oo waa kuewaas maamulka kililka, ciidanka booliska, leo booliska asluubta, iskuulaadka samaystey oo ayaiba xabbadda ay dawladda itoobiya kasoo qaateen la goobaya.
    5. ururrada kale ee dagaalka kula jira waxa keliya oo la dagaallamaya waxay ahyd daw;adda itoobiya ,iyo marmar ay qabiilooyin si khlad ah isugu dhacaan laakiin nimankaan cadaw gudaha ah iyo mid caalami ahba waa u kulmeen meel kasta oo ay u ciirso is dhahaanna waa laga soo garbo duubay oo la gacan geliyey.
    Intaas markaan uga gudbo wixi ay ku muteen raggaan halganki ay dadkooda u galeen. haddan arrinta culimada ku saabsan. inta ay culimo u tageen may oran kaalaya noo iftooda oo caalmka u sheega waxa wanaagsan ee aan sameyney balse maqaal nin weriye ah oo culimo wareystey uu qorey baa muranki ka dhashay ilaa xadkaan gaarey.
    inay dadkooda la kulmaan oo u sheegaan sababta ay nabadda u qaateenna waa arrin gar ah sababtoo ah wqxay ahayen dad wax laga sugayay oo hawl ku maqnaa meeshi lagu ogaa meel ka fogna waa kasoo muuqdeen dadki fajac ayay ku noqotey waa inay dadka dejiyaan una shegaan wixi dhacay oo mawqifkoodi beddelay.
    Markaa waxan qabaa nimankaan inta aan xagga iska dhigno arrintooda oo halkaas ku gaba gabayno aan haddi aan ciil qabno wax qabadka gobolkaan usoo jeesanno dood sax ah oo furan oo aan ku eegeyno.
    1. Dagaalka ka socda gobolka inuu sidaan kusii socdo ma dan baa mise dan uma aha gobolka.
    2.Maamulka laga dhisay kililka iyo ciidamada faraha badan ee gobolka laga dhisay waxa dhisay waa dadki gobolka marka ninna inuu duurka dagaal kula jiro ninna ciidan intaa leeg dhiso oo soo dagaal geliyo dagaalkaas oo aysan la galayn itoobiya ama dal kale ee ay tahay inay la galaan jabhaddi dalka.labada dhinacna ay yihiin dadki gobolka iyo dalki sidey isu qaban karaan loogana aamusi karaa oo indhaha la isaga tiri karaa.
    3. maxaa horumar ah ama dibu dhac ah ama isbdel ah oo kusoo kordhay ama ka dhinmay gobolka mudooyinki ugu dambeeyey mase loo ictibaarin karaa wax isbeedel la dhihi karo oo wax lagu qiimaysan karo.
    5. Burburki Somaliya iyo soo ifbixii dagaallada caalmka ee dhulalaka bariga dhexe iyo islaamka ka taagan iyo kala shakiga jira ee caalmka ka taagan iyo ololaha muslimiinta addunka lagu hayo ayada oo la adeegsanyo argagixiso caalami ah ma saameyn karta socodka halgankii maxayse ka bedeli kartaa.6. dadka gudaha jooga ee dhibka dagaalku taabtey noloshoodi ay ku xirantahay wixi gobolka ka dhaca iyo dadka debedda jooga ee intey hoteel ku shiraan heeso qaadaan boqol doollar ama wax ka yar dhiibaan shaah iyo biyo qabow cabban kala taga oo qadiyadda inay u dagaalamayaan sheega ma isku xukun baa keebaase mudnbaanta mawqifkiisu leeyahay.
    Dawklaada itoobiya oo aad u heshay beer nugaylka dalalka addunka ugu dhaqaalaha weyn ama ugu cududda militiri roon marki sheekada argiagixiso la dirika billabatey oo aad mooddo in loo igmaday hawsha gobolka geeska afrika oo dhan haddana ku guulaysatey inay masuuliyiinta dhulka somaliyeed oo dhan gacanta ku wado dhigto oo meel somaliya ka mid ah oo ka madax bannan ay yartahay ma in sidi uun ab kasoo gaarka ee waa halgameynaa uun la yiraa oo lagu sodaa mise xaaladdu aad in dib u qiimeyn loogu sameeyo ayay u baahantahay.
    fadlan ninki talo haya haku biiriyo arrimahaas shakhgsi iyo dhawr shakhsi oo ayagu go’aan qaatey ay ka badin waayeenna yaan lagu mashquulin.hawshaan illin weyn oo ballaadhan ayaa ka furan ninki talo, caqli, iyo awood intaba isku haya.

  15. Mohamed says:

    Maashaa’allaah, Yaasiin shaqo fiican baad qabatay. Waxaan wax yar kuugu dari lahaa sida aan anigu aan ka maqlay Melez Zenawi in uu nafsadahaantiisa yiri sida “markay ku dhex badbaadiwaayeen shacabka dhexdiisa ayey argagaxisadu nabadda qaateen”. Taas markii wariye VOA-da ah uu weydiiyey sh. Ibraahim waxa uu ka leeyahay waxa Melez yiri, wuxuu ku jawaabay sidan “anagu waxa kasta ooo media-hu bixiyo faallo kamabixinayno, waxaanse kuu sheegayaa in aan nabad qaadannay”. Isku soo duuduub, nimankaan wax markii horeba gacan ugu jiray ma jirin. Haddana I think they are sitting in a deep xxxx.

  16. Bashiir says:

    Marka hore Waxaan salaamayaa Bahda somalitalk.com oo muujiyey dareen ku qotoma wadaniyad iyo fikir hiigsasho dheeri ka muuqato. Labada qormo ee uu qoray mudane Yaasiin Garaad si mug weyn leh oo degan ayaan u akhriyey. Waxaa iiga soo baxday in qoraagu yahay nin Eebahay xigmad dheer ku manaystay meesha uu damcana si aan DEELQAAF ku jirin uga hadli kara. Ka shaqsi ahaan waxaan iswaydiiyey nimankan UWSLF miyey gaadhsiisan yihiin heerkaas mufakirnimada ah ee Yaasiin Garaad u hadli kuwo fahmi kara; waxaan qabaa maya. Sababtoo ah nimanka ka dhigay heshiis meesha magacoodii lagu tir-tiray ee waliba iskula sii quman waxaan qabaa in uusan fahankoodu gaadhsiisnay in ay fahmaan qoraalkan qiimaha badan ee Yaasiin Garaad.

    Dhinac kale waxay Soomaalidu ku maah maahi jirtay ” Dibiga Doollood Indhihiisu Xumaan ma arkaan Dhegihiisuna wax wanaag ah ma maqlaan” haddiiba UWSLF ay heshiis ka dhigayaan isdhiibkooda islamarkaasna ay dhagaha iyo indhahaba ka furaysteen dhibaatad joogtada ah ee lagu hayo shacabka halkaas waxaan ka fahmaynaa inay danaysteyaal yihiin.

  17. hafoow says:

    wassalaamu calaa manitabcal huddaa. salaan ka dib ninka la yiraahdo Yaasiin Garaad, waxaan u maleynayaa in uusan la soconin waaqica ama uu yahay nin meeel kale u xaglinaya. ta kale waxaan aad u jeclaanlahaa in aan ogaado halka aad ku nooshahay?

    salaamun caleykum/

  18. mustaf says:

    YASSIIN GARAAD:
    Walaal waxaad tahay Nina Xaqa Ku Taagan,
    Ummada Soomaliyeed Meel kastoy Joogto marna isu dhiibi mayso Cadowga Soomaliyeed, Ciddii isu dhiibtana Yeelkeed.

    Halganku wuu socon, Xaquna waa sareeya.

    Mahadsanid:

  19. anigoo ah abdirisaaq sheekh cali waxaan halkan ka salaamayaa bahda somali talk waxaan sidoo kale halkan jeclayhay inaan ugu hambalyeeyo yaasiin garaad labadiisa qoraal ee uu heshiisskii UWSLF itoobiya la gashay uu sii xeeldheer uga hadlay runtii waa nin cajiib ah oo aragti xaqaaiq iyo taariikh iyo sugaan iyo daacadnimo xambaarsan ku ladhey talada dhabta ah ee uu nimankaas siyey ama uu qadiyadda somaaliyeed kaga hadlay ee soo jireenka ah from ahmed ibrahim guray ilaa iyo haddana socota walow UWSLF qaybteedii ay faraha ka bixisay haddana dad kale oo somilyeed ayaa u taagan, ta kale labadii sua’alood yaasiin weydiiyey jawaabta casoowe ka soobixiyey isma waaqasana mudaabaqna isumaha ma isma adaboolayaan kolka laga eego kuwii yaasiin weydiiyey micnaha weyn ee ku dhexqarsoonaa (implied)ka ku ahaa
    gabay aan tiriyey anigu oo isla qadiyadan khuseeyey oon waa tiriyey ayaa waxaa kamid aha baydkan soosocda
    ma duugoobo aayaha qof lihi dabagalayaaye

  20. YAASIIN GARAAD:jawaabaha aad bixisay waa kuwo waafi ah,waxaadna uhadashay sida uu uhadli lahaa nin doonaya in uu wax hagaajiyo. alle haku xafido waana maqaal dheer oo qiimahiisa leh,waxaana wax ka odhan lahaa su’aalihii aad weydiisay casoowe iyo jawaabihii uu bixiyey!!{maxay tahay waxa lagu raaxaysanayo haddayba wax ay soo kordhiyaan daaye, jeelasha loo taxaabo}kumana qanacsani sida uu hadalka udhigay oo maahan mid ay kamuuqato kafiirsasho waxa ay galayaan.haddaanayba kawarhayn waxa ay galayaan iyo dadka xidhan ama aanuba kamaqal cidina maxay tahay sababta kuriixaysa in ay guul sheegato UWSLF. maqaalkaagu waa waano ay kuladhan tahay,xeeldheerid aad usaraysa iyo fahamkaaga oo umuuqda mid meel sare kahadlaya.heshiiska UWSLF sida aad u aragto ayaanu annaguna kuula aragtaa. mahadsanid