Home » Warar »

Dastuurka Qabyada ee Cusub oo Shuruudaha Madaxweynaha aysan ku jirin in uu ahaado Muslim

Dastuurka Qabyada ah ee Cusub oo la soo bandhigay oo aad u Khafiifiyey Shuruudaha laga doonayo qofka Madaxweynaha u noqonaya Qaranka Soomaaliya…

Guddiga Dastuurka Federaalka Soomaaliya ayaa Khamiistii August 26, 2010 waxay soo bandhigeen “Qabyo Qoraalka Dastuurka la Tashiga” si loo geliyo la tashi dadweyne. (Nuqulka Dastuurka cusub kala soo bax linkiyada hoose).

Dastuurka Qabyada ah oo ah PDF ka akhri halkan:
Af-Soomaali ama English

Dastuurkaas “Qabyada” ah oo ka kooban 179 qodob, kuna qoran Af-Soomaali iyo Af-Ingiriisi. Waxana qormada Af-Soomaaligu ka kooban tahay 69 bog. Sidaas daraadeed waa Dastuur u baahan in si xeel dheer ay u eegaan, ugana baaraan degaan si ka fiirsi leh culimada, sharci-yaqaannada, aqoonyahanka iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ka hor inta aan lagu socodsiin ama lagu dhaqan gelin ummadda Soomaaliyeed. Markaasna caddeeyaan mowqifka ay ka taagan yihiin.

Taas oo jirta ayaa haddana durbadiiba indhuhu qabayaan Qodobka 95aad oo ku saabsan Shuruudaha qofka Madaxweyne u noqonaya Soomaaliya, qodobkaasi waxa uu dhigayaa sidan:

  • Waxaa loo dooran karaa xilka madaxweynaha muwaaddinkasta oo soomaaliyeed oo ay da’diisu gaareyso 40 sano, lehna sumacad sare, waayo aragnimo iyo heer aqoon oo ku haboon hogaaminta xushmada qaranka.

Halkaas waxaa ka cad in shuruudahaas aysan ka mid ahayn: in uu Muslim yahay, in dhimmirkiisu dhan yahay ama in maankiisu fayaw yahay, in aan horey loogu xukumin dembi culus ama dambi ka gelin qaranka. Shuruudahaas oo sida aan hoos ku arki doonno ku qornaan jirey dastuuradii hore ee soo maray Soomaaliya, laakiin “Qabyo Qoraalka Dastuurkan cusub” shuruudahaas waa laga reebay.

Haddaba maadaama Guddiga “Madaxa Bannaan” ee Dastuurka Federaalka Soomaaliya ay sheegeen in “Qabyo Qoraalka Dastuurka” uu yahay “la Tashi” la weydiinayo dadweynaha, waxaa muhiim ah in ay qodobkaas degdeg u saxaan ayagoo ugu yaraan tixraacaya waxyaabihii ku xusnaa dastuuradii hore ee Soomaaliya.

Haddii aan xusno qodobkaas ku saabsan Shuruudaha laga doonayo madaxweynaha Soomaaliya waxyaabihii ku qornaa dastuuradii hore waa kuwan:

Dastuurkii Soomaaliya ee 1960 lagu sameeyey Muqdisho, qodobkiisa 71aad:

  1. Muwaadin kasta oo Muslim ah, Aabihii iyo Hooyadiina ay labaduba yihiin muwaadiniin asal ah oo xaq u leh in uu cod dhiibto/bixiyo, da’diiso aysan ka yareen afartan iyo shan jir, waxuu mudnaan u yeelanayaa in uu noqdo Madaxwaynaha Jamhuuriyadda. Qof lama dooran karo in kabadan laba xilli doorasho oo isku xiga.
  2. Madaxwaynaha Jamhuuriyadda ma qabi karo, mana guursan karo haweenay aan asal ahaan muwaadin Soomaali ahayn muddada uu xilka xafiiska hayo.
  3. Muddada uu xilka xafiiska hayo, Madaxwaynaha Jamhuuriyadda kama qayb geli karo shaqa kale ee guud ama dadwayne oo aan ka ahayn xaqa in uu wax doorto, kamana qayb qaadan karo wax meherad xirfadeed oo shaqo, ganacsi, hawl warshadeed ama dhaqaale ah.

Dastuurkii DKMG ee 2000 lagu soo sameeyey Jabuuti, qodobkiisa 23aad:

Madaxweynaha waxaa cod qarsoodi ah ku dooranaya xubnaha golaha shacabka. Qof kasta oo buuxiya shuruudaha hoos ku qoran ayaa loo dooran karaa jagadaas:

  1. Waa inuu yahay muslim ku dhaqma diinta, labadiisa waalid yihiin Somali dhalad ah; horena uusan u guursan, haddana qabin oori ajnabi ah.
  2. Waa in uu yahay muwaadin Jamhuuriyadda Soomaaliya, da’diisuna ka yarayn 40 sano.
  3. Waa in maankiisu fayaw yahay, dambina ka gelin qaranka.
  4. Waa inuusan qaban masuuliyad xafiiseed ama ganacsi oo abuuri karta iska hor imaad danahiisa iyo kuwa qaranka.
  5. Waa in uu leeyahay aqoon iyo waayo aragnimo ku filan.

Dastuurka DFKMG ee 2003 lagu soo sameeyey Kenya, qodobkiisa 40aad:

1. Qof walba wuxuu xaq u leeyahay inuu isu sharaxo jagada madaxweynaha haddii uu buuxiyo shuruudaha soo socda:

  • a) Inuu/inay yahay/tahay muwaadin Jamhuuriyadda Soomaaliyeed.
  • b) Da’diisu ka yareyn afartan (40) sanno.
  • c) Inuu/inay yahay/tahay Muslim kuna dhaqma/dhaqanta waalidiintiisuna/waalidiinteeduna yihiin muwaadin Soomaaliyeed.
  • d) Shisheeye qabin, inta xilka uu/ay hayana/haysana guursan shisheeye.
  • e) Dhimmirkiisu dhan yahay, horeyna aan loogu xukumin dembi culus.
  • f) Leh akhlaaq wanaagsan.
  • g) Leh karti, xilgudasho iyo waayo aragnimo uu ku gudan karo waajibaadka Madaxtinimada.

Halkaas waxaa ka cad in shuruudo waafi ah ay hor oolaayeen qofka madaxweyne ka noqonaya qaranka Soomaaliya sida: in uu Muslim yahay, dhimmirkiisu dhan yahay, maankiisu fayaw yahay, aan horey loogu xukumin dembi culus, dambi ka gelin qaranka, karti leh, xilgudasho, aan qabin ajnabi, uusan ahayn danayste, iwm.

Haddaba aan mar kale is xasuusino waxa uu arrintaas ka yiri “Qabyo Qoraalka Dastuurka”  cusub ee la doonayo in 2010 loogu sameeyo Jabuuti, qodobkiisa 95aad:

Qodobka 95aad-Shuruudaha Madaxweynaha

  • Waxaa loo dooran karaa xilka madaxweynaha muwaaddinkasta oo soomaaliyeed oo ay da’diisu gaareyso 40 sano, lehna sumacad sare, waayo aragnimo iyo heer aqoon oo ku haboon hogaaminta xushmada qaranka.

Arrintaas (shuruudaha laga doonayo madaxweynaha) waxaa muhiim ah in si degdeg ah loo xasuusiyo Guddiga “Madaxa Bannaan” ee Dastuurka in ay ku daraan waxa ka dhiman ama saxaan ama ka laabtaan qodobkaas. Sida ay u saxeen qodobkii ku saabsanaa diinta dalka, kaas oo hordhacii ay soo saareen bishii May 2010 ku qoreen “Islam is the official religion of the State“, balse hadda (August 2010) ay qodobkaas bedeleen kana dhigeen “Islam is the religion of the Somali Republic” sida ku cad qodobka 2aad ee Qabyo Qoraalka Dastuurka cusub. Inkasta oo tarjumada Af-Soomaaligu ee qodobkaas ay u baahan tahay sixid waayo waxaa ku qoran “Islaamku waa Diinta Dawladda.” Halkii laga dhehi lahaa “Islaamku waa Diinta Jamhuuriyadda Soomaaliya” ama “Islaamku waa Diinta dalka.” Waa hadal macne ahaan asalka ku kala duwan ama sii kala xeel dheer.

Waxaa xusid mudan in ay qodobkaas 2aad, farqaddiisa 2aad ee “Qabyo Qoraalka Dastuurka” uu adkeynayo diinta Islaamka, waxaana ku xusan “Diin aan ahayn Islaamka laguma faafin karo dalka,” taas oo ay guddiga “madaxa bannaan” hawshoodii ama xilkoodii gudanayeeen. Sidaas daraadeed waxaa loo baahan yahay in farqadda 1aad ee qodobkaas 2aad la saxo. Haddii la saxi waayona aan “dasrtuurkaas” lagu dhaqan gelin Soomaaliya, oo la qaadaco.

Qodobka 2aad ee Qabyo Qoraalka Dastuurka cusub oo ku saabsan Dalka iyo Diinta waa kan (English iyo AfSoomaaliga isu eeg)

Article 2. State and religion

  • (1) Islam is the religion of the Somali Republic.
  • (2) No religion other than Islam can be propagated in the Republic.
  • (3) No law which is not compliant with the general principles and with Shari’ah can be enacted.

Qodobka 2aad: Dawladda iyo Diinta

  • (1) Islaamku waa Diinta Dawladda.
  • (2) Diin aan ahayn Islaamka laguma faafin karo dalka.
  • (3) Lama soo saari karo sharci aan waafaqsanayn Mabaadi’da Guud ee Shareecada Islaamka iyo Maqaasiddeeda (ujeeddooyinkeeda).

Waxaa halkaas ka cad in qodobka 2aad laga soo qaatay dastuuradii hore ee Soomaaliya oo la soo jamciyey ama la isu keenay. Haddii aan is xasuusino waxyaabihii qodobkaas ay ka yiraahdeen dastuuradii hore waa kuwan:

Dastuurkii (1960) qodobkiisa 1aad, farqadda 3aad waxa uu dhigayaa:

  • Diinta Islaamka ayaa noqonaysa Diinta qura ee Dalka.

Dastuurkii (2000) qodobkiisa 2aad, farqadda 2aad waxa uu dhigayaa:

  • Islaamku waa diinta qaranka, dalkana laguma faafin karo diin kale iyo afkaar kale oo ka soo horjeedda diinta Islaamka

Dastuurkii DFKMG (2003) Qodobka 8aad, waxa uu dhigayaa:

  • 1. Islaamka ayaa ah diinta Jamhuuriyadda Soomaaliya.
  • 2. Shareecada Islaamka ayaa saldhig u ah shuruucda qaranka.

Haddaba; Maadaama Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya uu yahay astaanta qaranka iyo hoggaaminaya xushmadda qaranka, waxaa markaas muhiim ah in shacabka Soomaaliyeed ee Mulimka ah qofka Madaxweyne u noqonayo uu buuxiyo shuruudo ay ugu horayso: in uu Muslim yahay, iyo dabcan in dhimmirkiisu dhan yahay oo aanu dambi ka gelin qaranka, oo aanu ka qayb qaadan xasuuqii ka dhacay dalka 22-kii sano ee ugu dambeeyey, iwm. Sidaas oo kale waa in shuruudahaas oo kale ay buuxiyaan Ra’iisul Wasaraha iyo Guddoomiyaha baarlamaanku. Taas weeye in ay ku baraarugaan Guddiga “Madaxa Bannaan” ee Dastuurka u samaynaya Soomaaliya.

Sida uu dhigayo qodobka 174aad oo ku saabsan dhaqangelinta dastuurka “Dastuurku wuxuu dhaqan-gelayaa 90 maalmood kaddib markii lagu ansixiyey Afti Dadweyne”  ama haddii si kale loo dhigo Dastuurkani ma dhaqan gelayo haddii aan dadweynuhu aqbalin.

Gabagabadii shaacabka Soomaaliyeed waxay is weydiinayaan “xaggee kudambeeyey xeerkii uu baalamaanka DFKMG ku ansixiyey in dalka Soomaaliya lagu dhaqo Shareecada Islaamka, mase waxa uu ahaa awr ku kicin.”

Dastuurka Qabyada ah ka akhri: Af-Soomaali ama English

LINKIYADA “Qabyo Qoraalka Dastuurka Cusub”

Af-Soomaali: http://somalitalkradio.com/2010/aug/draft_constitution_somali.pdf

English: http://somalitalkradio.com/2010/aug/draft_constitution_english.pdf

LIFAAQ 1:

Muddada Xilka Madaxweyne oo laga dhigay 6 sano: Dastuurkan qabyadaha waxaa ku xusan in muddada uu xilka madaxweynaha haynayo ay noqonayso 6 sano, sida ku cad Qodobka 98aad oo dhigaya: “Madaxweynaha Jamhuuriyaddu wuxuu xilka haynayaa mudo lix(6) sano ah.” Halka Dastuurka hadda ee DFKMG uu dhigayo in xilka madaxweynahu yahay 5 sano. Waa madaxweyne soo taagnaan doona 6 sano oo dheer haddii aan qodobkaas wax laga bedelin. (FG:  qodobka 81aad ee Dastuurka Qabyada ah uu dhigay” Muddada xilka Golaha Shacbigu waa 5 sano.)

LIFAAQ 2:

Dhismaha Baarlamanka: Qodobka 72aad waxa uu dhigayaa: Barlamaanka Federaalka Soomaaliya wuxuu ka koobnaan doonaa labo Aqal: Golaha Shacabka iyo Aqalka Wakiillada dawlad-goboleedyada. (Q.75aad: Tirada xubnaha Golaha Shacbiga waxa ay noqonaysaa 200 ilaa 300).. (Q.76aad: Xubnaha Aqalka Wakiillada dawlad-goboleedyadu waxa uu ka koobmaa ergo 10 xubnood ah oo ka kala imaanaysa dawlad-goboleed kasta.)

Tixraac: Dastuuradii hore ee Soomaaliya

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

29 Jawaabood " Dastuurka Qabyada ee Cusub oo Shuruudaha Madaxweynaha aysan ku jirin in uu ahaado Muslim "

  1. alisalxa says:

    asc dhaman umada somaliyen melkasta oo ay ka aqrisanayaa shabakada calamiga ah ee u sahashay inay si fudud kala socda arimahooda meelkasta oo somali iyo dhacdo isku helaan,waana uga mahad celinayaa,
    balse bulshada waa afduubantahay oo afti iska daaye noloshii ayay gabeen oo madaxdii ayaa qurtub is tiri mar hadii ay danhooda iska arki wayaan, waxanba qaban fakir ahaan in isaga dhan laga so horjeesto ,.. sabata qabyo loo yiri waxa waaye ana tijabino bulshada hadii ay mari karta hala marsiiyo hadii kale aan hadhow wax ka badalno , waa ciyaartii jar ka boodada aheyd ee si fiican ugu si baraarujiya maqal iyo muqaal wali

  2. somali says:

    dastuur badal waxa laga bilaabaa matahay masa may??
    maxaa kalifay in dastuurka la badalo ta hore??
    yaa dastuurka loo badalayaa ?? somali daraadeed mise cido kale??
    arinta ka dambaysa dastuurka badalkiisa waa fogtahay ?? \
    sanad kadib ayaa waxaa imaanaya unka oo ay hogaaminayso usa
    sharikada la wareegtay garoonka iyo dikada waxay u fulisaa hawlaha qarsoon usa army lasocda taas
    misneheedu waa la soo socdaa maadaama ciraaq laga soo baxay
    ciidamada afrikaanka ah oo somaliya jooga danta laga lahaa waxaa waaye inay meesha ku sii ahayaan dawalad ku meelgaarka ah inta looga imaanayo ee maahan inay dalka u qabtaan . hadiise ay dawladu dhimato sidee un-ku ku imaanayaa

  3. maslah hurre says:

    Salaan ka dib , somaliyee waxii wax akhrin karow oo dareen somalininmo ku jiro si fiican u akhriya oo is barbardhiga dastuurkan jabouti lagu soo dhoodhobay iyo kii lixdankii qodob qodobna u akhriya waxaa ku soo baxaya in aysan somali shaqo ku laheen qorista dastuurkan kana urayaan gacmo shisheeye . sida xulashada madaxwenaha , ra’iisul wasaraha iyo afhayenka barlamanka wax sharoouda adaga ah laguma xirin lama xadadin heerka aqoonta ay leeyihiin waxaan dhici doonta kuwii 20 kii sano shacabka soomaliyeed hasuuqaaye ,barakiciyo oo dowladaha shisheeye dhabrka ka riixayeen
    in ay kaga soo dhigaan madaxweyhne ileen dalkan waa loo taliyaaye
    2- qodobka somaliyeenta ku xusan waxuu qorayaa qofki somaliya 5 sano oo xariir ah joogay waxuu xaq u leeyah in uu dalbado in la soomaliyeeyo. bal u fiirso lama xadain diinta qofku haysto teeda kale somaliya waxaa ku dhex nool 1 milyan oo ethiopian iyo ajnabi kaleba ah xeerkaas waxa uu fasaxaya in si toos ah ethiopiankaas u noqdaan shacab soomaliyed .
    Xeerkas waxuu sidoo kale xusaya in lamanaha is qaba hadii qof ka mid ahi yahay somali caruurta ay dhalan ee noqonaya somali asal ah lasoco wali lama xadadin diinta ilmaha dhalanya .
    sido kale 5 sano somali kunoqo waa fikrad shisheeye waxa la abuuraya shacab kirtishtan ah oo waqtiga dhow nakala qaybiya . 20 kii sano ee lasoo dhafay somalidu waxaa xeeryo loga ooday xuduudaha ay lawadaagto dalalka deriska ah maxy uu siin waayeen jinsiyadahooda sababtu waa caday waa dad muslim
    waxaad kadhex dareemi kartaa qabyo qoraalkan in ay qoreen qorbo joog ku dhex milmay dalalki ay qaxootiga ku ahaayeen lona soo miin guuriyay dastuurkii dalalka ay joogeen . sidaas darteed qabyo qoraalkan waxa uu u bahanyah in la saxo waxii ka khladan oo dhan hadii la sixi waayo waa in la diidaa lagan hortaga “SOOMAALIYA SOOMALI BA LEH CIDKALE UMA OGOLIN”

  4. sagal says:

    salaan kadib waxay ilatahay dhibaatada somaalia kama bilaaban dastuur hadana xal uma noqondoono dastuurkanu waxaa uun wata waa dadkii markii hore isku kaayadiray nuguna kalifay inaan jabino kuna tumano dastuurkii dalka u yaalay. Waxaan oran lahaa markahore dalka ha u istaagaan inta fayoow ee wax garanaysa iyagoon ka tala qadanayn shisheeye iyo dabadhilif halla damiyo colaada si loo helo umad isku fikir garanaysa cadawgeeda markaasa waxla diidi karaa amala qaadankaraa laakiin maanta wixii gobol diido waxaa soo dhowaynaya gobolkale waana sida cadawgu doonayo. Dastuurna waxaa noogu filan midkii rabbi inoosoo dajiyey WABILLAAHI TAWFIIQ

  5. Cabdalla says:

    Asalamu Calaykum

    Marka hore dadku inay dastuur, sharci iyo kala danbayn yeeshaan waa arin lagama maarmaan ah, la’aantiisna lama wada noolaan karo, waayo hadii kale sidii xayawaankii ayuu midba cunayaa midkuu ka taag roon yahay ama la iskugu tagayaa midkii la iskugu tagi karo (sidaan khibrad ahaan usoo aragnay 20 sano iyo kabadan cariga Soomaliyeed).

    Laakin intaan dastuurow matahay dastuur lagu dagaalamin, waxaa iswaydiin leh, dal noocee ah ayaa dastuur samaysan kara? Halkee dastuur lagu samaysan karaa? Yaa weeye cidda loo samaynayo? Yaa weeye cidda u samaynaysa? Aqoon ma u leeyihiin? ma yihiin dad xora oo u fakari yaqaan si mandiq iyo cadaalad kusalaysan? Yaa loogu roonaan oo maslaxada kujirtaa dastuur samaysashadu? Wakhtigee ugu haboon dastuur samaysasho? Maxay yihiin qodobada la doonayo in dastuur laga sameeyo? Yaa hirgelin kara dastuur?

    Qofka Soomaliyeed ee fakaraya, joogana da’ ‘mature’ ah arimahaas iyo kuwo kabadan ayuu iswaydiinayaa, jawaabaha usoo baxa ayuuna wax ku qaybsan, diidmo ama taageero. Sida ay iila muuqato, horta Abdirisaaq faaladiisa ayaan waxbadan ku waafaqsanahay, waayo su’aalahaas kama wada jawaabi karno, laakin hadaan kuwooda ugu culus iswaydiino, kadibna isha marino dastuurkaan, waxbadan ayaa kuu baxaya.

    Bal qof yahow Soomaliyeed fakaroo, iswaydii mee dadka iyo dalka loo samaynayo Dastuurkaas? Dalkaan iyo dadkaan kala tagaybaa? Mise dadkale ayaa bahalkaan samaysanaya oo kaleh ujeeddo fog oo aysan haleeli karin inbadan oo kamida dadkeena? Middaan danbe ayaa fiiro gaara ubaahan! Teeda kale meeday awoodda hirgelin karta ama dad afti ka qaadi karta? Maxaase kii qornaa loo badalanayaa, dalkiiba isma badalin ama isagiiba wax kahirgalay ayaaba iska yare?

    Ma iswyadiisay dadka hawshaan wada, koleey 30-ka qof ee Soomaliyeed, hadii la tilmaamo waad xanaaqaysaa oo ina adeerkaa ayaa kujiri kara, laakin meel fog ila eeg oo ah kuwo hawsha wada kharashkana baxsha ee ah ajaanibta iyo hay’adaha ku ceyilay burburka Soomaliya. Dadkaas qaarkood sida ninka Faransiiska ah (Charles) waxaa faragelin doqonimo ah looga soo eryay hadda kahor dalka Burma, labada haween ee Maraykanka waxbadan ayaa laga qori karaa background-kooda.

    Isku geeyoo, markaad u fiirsato hadaladoodi ay kasoo jeediyeen Jabuuti ee Somalitalk soo baahisay, waxbadan ayaa kuu cadaanaya ee articles-kaas dib u raac. Markaana adiga ayaa go’aanka leh waxaad taageerayso iyo inaad si xaal dheer ufahanto Waayo Dastuurkaan looga boodboodayaa arimo gundhig ah, sida tilaamaha Madaxwaynaha, saldigga Shareecada iwm.

    Dadka Soomaliyeed ee wax qorqoraya dastuurkaan waxba ka sheegi maayo, waayo qof walba oo Soomaliyeed waxaan la doonayaa horumar iyo wanaag, laakin taas ii diidi mayso inaan ognahay Somalida dadka horkacaha waayahaan inay yihiin.

    Dad aan lahayn aqoon fadhida
    Dad aanan lahayn hadaf fog
    Dad aanan isku kalsoonayn
    Dad aad naive u ah oo isku dayya inay qanciyaan dadyowga kale
    Dad aanan jaclayn dadkooda, iyaguna hishiis karin
    Dad aan aqoon maslaxadooda iyo waxa interess ugu jiro ama ugu jirin
    Dad aanan haleelin hadalka kiisa wanaagsan meelaha caamka ah iyo media-ha
    Dad fakhfakh badan oo qofkii isagoo diploma watta ama farbarasho maraya, hogaan iyo madaxnimo isku qaadayo

    Tilmaamahaas dhan waxaad ka heli kartaa inta badan ee Soomalida matasha, maaha dhamaan, laakin badankood si wanaagsan ugu fiirso, meel fog adigoo aadin, kuwo jooga community-ga aad kudhex nooshahay eeg.

    Waxa hadda meesha kamuuqdana, arimahaas sidaa ugama sii foga, marka maadama ka shacabwayne ahaan aanan awood lahayn, wajiga noo furan waa inaan aragtideena ka hadalno. Walow cid ixtiraamaysa aragtida Soomalida ay iska yartahay oo dalkoodaba la iska boobo, markaana waxay ku fiican tahay in la isku daayo dadka danaha gaarkaa watta iyo ragga dadka birta saara ee dalka jooga, koleey kala amaan heli maayaane.

  6. oday cali says:

    ninka yiri oday baan ahay oo oday cali baan u jawaabaya horta maad jawaabine waad caytantay,taasina jawaab ma ahan ,cantarabaqash yar iyo inyaroo cay ah baad isku dartay, suaal baan ku weydiinaya, qodobka ah qof waliba wuxuu xor u yahay diintiisa iyo aayada ilaahay ee ah ” laa ikraaha fi diin”? wax macno ah oo ka dhaxeeya ma jira?
    waxaad ila aaday qar iyo buuroh aan laga hadlin sida qof diintisii ka tagay , qofku markuu muslin ku dhasho oo badalo diintiisa waa xukun kale taasna lagama hadlayn,mneeshana mowduucaasi ma oolin, waxaan maqli jiray markii geel loo heeso bay goroyo u heestaa!
    iyo hasho ay diidan tahay meel ay ku xoqato ma weydo! qofku haduu la qabsan waayo waxa laga hadlay in laga gudbo warkiisa ayaa quman …

    nabadeey, fiiri gaar ah , nin shariif xukunkiisa difaaca ma ahi laakiin wararka sida xun loo adeegsado ayaanan jeclayn.

  7. abdirisaq says:

    ASC. Dal marka ay mashaqo ama aafo rabbani ah ka dhacdo ,ama dagaal adag uu galo, ama Cabsi dagaal oo adag ay jirto waxaa la geliyaa xaalad degdeg ah. Waxana loo wada jeestaa xallinta arrintaas ilaa laga gudbo dhibaatadaasna waa la laala wixi kale ee hawl ah.
    Waxaan anigu aad ula yaabbanahay sida maskaxda dadka Somaliyeed isu beddeshay iyo dareenkoodiba.

    Waxa iyana kasii yaab badan sida shisheeyahu ay igu jees jeesyayaan garaadkeenna una muujinayaan laciifnimadeenna.

    Bal aan isweydiinnee marki madaxtooyadi qaranku xabbadu kusoo hoobanayso oo mayd laga gurayo iyo dhaawac dhexdeeda. heerka halista dagaalku ay gaadhay isla markaa aysan jirin hal gobol oo toos ay dawladdu u maamusho haba yaraatee.
    In gobollo qabaail samaysteen oo aan xitaa dagaalka ay dawladdu gashay oo heerkaas gaarey hal askari oo maamulladaas soo direen uusan ka iman dagaalka oo aan wax canshuur ah ama dhaqaale ah oo kasoo galaa jirin oo afka uun ka sheega inay aqoonsanyihiin dawladda iyo xaafad keliya oo muqdisho ah inta xaashiyo lala tegfey la yiraa dastuurki dalka ayaa loo bandhigay shacabki Somaliyeed.waa waxa aan rabo inaan ogaado waxa loola jeedo. waxana aan isweydiinayaa:

    1. Ma in dunida loo muujiyo ayaa la doonayaa inaanan dad jiraba ahayn oo sidi la doono lanaga yeeli karo.
    2. Ma dad meel hawl ugu jarantahay oo aan waxa dhacayaba aan shaqo ku lahayn dantooduna tahay meeshi ay rabeen inay wax gaarsiiyaan hadday kun dhintaan iyo kowna aan dan ka lahayn baa hawsha wada.
    3. Ma qolo mashruuc cuntey oo lacagtiisi ku tagtey baa xilka uun isdhaafiya intaan la kansalin oo lacagti lagula xisaabtamin oo si qar iska tuurnimo ah isugu soo maqiiqday meesha. kollayba waxay maanta iga taagantahay maahmaahdi ahayd : Hashu maankeyga gaddaye ma masaar bay laqday?

    intaananba ka hadlin xagguu la’yahay iyo muxuu ka koobanyahay iyo waa caynkee; waxaa ka horeeya; goorma iyo meelma ayaa la ama loo sameeyaa dastuur???!!!!!!!

  8. asc dhamaan waad mahad sna tihiin somali talk a runtii aniga wax ana la yaa banahay danta laha leeyahy dastuur dastyyr majirio ilaa hadii uu jiri waa kitaabla ilaahey kitaabkana waa ka dhan yahay in qari xiligaan waayo somaliay oo dhan wa ey ka buuxaaan culuma diinta islaamka taqaano kuna xukunto dalka dhamaan waxaa xaqiiqa ha in hadii la dhameystiro dastuurkaan laga heli doono wax yaabo ka mid diinta christanka waa xaqiiq war keykaas meel halagu qaro waana la arki doonaa lkn wax aan ugu baqaa dhamaan shacabka somaaliyeed in ey ka soo hor jeestaan hadii lagu arko wax yaabo kabax san diinta islaamka datuurla la sheegaayo anigase ama aamin sani in uuu waa faqsan yahay diinta islaamka asc all

  9. Soomaalidu waxay tiraahdaa quraankii alif ka halaabo albaqra kama tooso, ee dastuurkaan gundhiggiiba ka qaldamay inta kalana wey kasii daran tahay ee yaanaan qodobkaas kaliya ku mashquuline aan isaga dhan is ka diidno.

  10. Cumar says:

    Asc,
    Lama koobi karo sida aan raalliga uga nahay dadaalka Somalitalk ee marwalba noo soo gudbiya arimmaha aadka xasaasiga u ah, sidoo kale sharciyaqaanka dastuurka qabyoqoraalka darsay abaal weyn buu leeyahay miyaan la soconaa waxakan macmalka ah ee goldaloolada wata sida la rabo in loo meel mariyo (waxay damacsanyihiin radiopohone iyo telefon in ay shacabka ku codeeyaan) ka dibna … idinkaba iska garta ………?

  11. Ma idinla tahay in nin gaal ah doorasho madaxweyne u soo istaagi doono? Ka dibna Soomaali dooran doonto?

    Dadoow maskaxdaad deb ka rabtiin. Gudigga dastuurku wuu ilduufaye haloo cudurdaaro hana la soxo. Laakiin hadalka meel waali ah yaan la geeynin.

  12. Abdiqani Ali says:

    walaalyaal waad salaamtihiin dhamaan reer somalitalk web.
    hadaan ugudagalo dulucdayda walaalayaal waxaan la yaabanahey dastuur sidiisaba wuxuu ku soo aadaa dal nabad ah oo is qabsi ka jirin in la badalo sharuudahiisa sida kenya ka dhacdey hada lakin anikii oo is heysano maqrib iyo maqshib dowlad goboleedyana la soo taagan goobkasta sidee dastuur noogu saamixi karaa aan sameysano mida kale dagaal ayaa umadeenii rakaadshey gees walba oo dalka ah qutul yoon xitaa ma heystaan qaarna badahuu ku dhamanayaa qaarna dalalka dariska ah ayaa xoolo camal loogu xirtaa ee marka waxaa iiga fiicneed in la raadiyo qilaafka dalka meesha uu ka jiro xalintiisa iyo isku keenida somali oo idil in laga shaqeeyo ee dastuur xiligaan hala keeno ama hala daayo waxba nooma aha naftaa na heyso xiligiisa hala gaaro wcs…

  13. Gundiid says:

    Asc wr wbr Marka Hore Salaanta Islaamka Marka Xigta waad mahadSantihiin bahda Somalitalk
    Su,aal ban qabaa intaanan Uba gelin Dastuurka Iyo Sheekadiisa , Ciddan Soo qortay Dastuurka Horta Yaa DirsadaY Yaa Qarash Garaynaya Yaay la tashadeen Yaa wakiishay Maxay ahayeen Ma Muslin Mise Gaalo Su,alaahas oo dhan ban u bahanay
    Tariikhdu Beri Hore dhacday wax hadda Taagan Uun bay ka hadasha, Waxaynu wada Ogsoonahay Gaalkii weyna ee Sameeyey Masjidu Diraar ee Doonayay In uu Ku majara habaabiyo Dawladii Islaamka ahayd ee Nebi Mohamed Csw Hor Kacayay Iyadoo waxyigii Samawiga ahaa Lagu Soo Rogayo Loogana Digayo Umadda Muslinka ah dhagarta Gaalada baynu ka wada dheregsanahay
    bal ka warama dhagarta gaalada iyadoo hadda wax waxyi ah Soo degayn waxyigiina Iayno Soo dhamaystiray oo uu Inoo Yaallo
    Ma wanay ina dhagri karin hadaynaan qadanin Kitaabka alle Iyo Sunada rasuulka
    Waman lam Yaxkum bima Anzala laah Fa ulaaika humul fasiquun , Manay jirin karin kuwo somali sheeganaya oo gaalo ah oo Gaalo Biisho oo qarash garayso oo Hadana wax ku Soo mal malmaluuqaya , manay dhici karin Sidii ka dhacday eldort ee ay qolo Gaalo ah Oo Somali sheeganaya Yimadeen oo Yirahdeen qaybtayda parlmanka hanala Siiyo
    war anigu Somaliyeey mid baan idin leeyahay , Dastuur meesha ma Yaallo ee wax kala Jira Nimayow ee bal fekera , Waxan xasuusta gabay uu Lahaa , GUUGULIHIIYOW INTAAD GUGA U OOYAYSO , ASAAD MOODAY KELIGAA IN UU GUBAYO JILAALKU ABAAR GAAGMA REEBA DHACDIYO GAATAMO KALE E , GAAGABSO OO JOOG WAR HOOY YAAN GAADH LAGA QABNE
    Waxan u sheegaya in ay dunida Muslinka dulaan lagu Yahay somaliyana ka mid tahay Oo ay samaysay abaartaas gaalnimadu oo la doonayo in gaalo Loo gacan geliyo
    ee Somaliyaay idinka laydin gaadaya gooshkan dabadii markii falastiin sidan Loo galay aad u jeedan eee tashada ,
    FALASTIINA HALKII LAGU DAGAY BAAN DAAQAD KA ARKA
    WSC

  14. cabdala says:

    waxaan u mahdcelinaa walaalah noo saamaxay inaan fikirkeyna aan ka dhiibano dastuukaan,
    waxaase ila yaaba dadka isku mashuulinaayo dastuur iyo wax la mida ayadoo aanan laga fekein dhibaatada haysato shacabkeena meelkastoo ay joogaan dibada iyo dalkanba war miyadan ogaynina in shacabki ku la,anayo madaafiicda lees waydaarsanaayo oo ay u dheer tahay baahi aan laga kaalmaynaynin .waxay ila tahay in loo baahan yahay in marka hore la raadiyo sidii amaanka shacabka lagu sugi lahaay si loo badbaadiyo dhiiga macno lahaanta ku daadaanaayo ,dastuurkaana waxan u arkaa maaweelo ama filin la jilaayo ee yaanan lagu mashquulin ee ilahay intaad ka baqdaan shacabka u daneeya kana daaya dhibaatada joogtadaa

  15. oday ciise says:

    waad salaaman tihiin dhammaan iyo akhyaarta soomaalitalk.

    Oday waxaa loo raadiyaa oday kale. Waxaan u jawaabayaa Oday Cali. oday marka hore waxaa hadalkaagu u dhacayaa in aadan lahayn aragta ka durugta computerka aad carada kula kuftay adigoo xaqa iska indha saabaya, sida aad u aragti gaaban tahay aan kuu bayaamiyo gabaygan yan:

    lixdankii dastuurkii,
    sida uu cadeeyee,
    caalamkuna aqbalayoo,
    lagu suntay shuruudaha,
    Madaxweyne noqon kara,
    Muslinimadu kow tahay,
    Jinsigana rag yahay.

    Saacadda hore u sii qaad
    Jabuutii shir qabatoo
    dastuur kooban lagu qoray
    oo kaa hore u dhaw,

    Saacadda hore u sii qaad
    Kenyaa la yimid oo,
    shirkalaa agaasimid iyo
    dastuur xeeladaysan
    ku siyaadi dumarkana
    madaxweyne noqon karo

    Saacadda hore usii qaad
    toban sano hore usii soco
    Jabuutina ku soo noqo
    Markale ayey qori
    Markaan waa hodheel dheer
    xeelad sii agaasiman,
    Markan waa bedelid qodob
    madaxweyne iyo xeer
    Shuruud loo yagleeloo
    laga reebay diintii.

    Aragti gaabnidaan ka digayaa,
    nin jeclaysigaan ka digayaa,
    Caliyoow sidaas garo.

    Oday cali waxaan filayaa in aad fahamtay. balse haddii aadan fahmin aan kula faaleeyo hadalka aad cuskatay ee ah sidan:
    (1) Qof kastaa wuxuu xor u yahay in uu ku dhaqmo diintiisa.
    (2) Qofka Muslimka ah kama bixi karo Diintiisa.
    (3) Diin aan ahayn Islaamka laguma faafin karo dalka.

    Marka hadalkaas la eego qofku waxa uu xor u yahay diintiisa sow sidaas ma aha. Marka kaasi waxa uu bannaynayaa qof diintuu doono in uu haysan karo mar haddii uusan markii hore ka bixin diinta Islaamka. Marka saaxiib ka waran qofka isagoo carruur ah soomaaliya ka haajirey dagaalka ka dhacay awgeed oo gaalo la soo koray kuna garaadaday sidaasna gaal ku noqday, laakiin aabihiis iyo hooyadiis muslim ahaayeen sidaasna muwaadin Soomaaliyeed ku noqonaya, waxaan ka hadleynaa waa 40 sano kabacdi. Qqofkaasi marka uu kusoo laabto soomaaliya sow xor uma ah diintiisa. Maxaa qofkaas ka hor istaagaya in uu madaxweyne noqdo haddaan dastuurka lagu cadayn in madaxweynaha ay ku xiran tahay shuruud ah in uu ahaado Muslim.

    Caqligaagu inta uu leegyahay waxaa iiga muuqataa xitaa kalsooni in aadan ku qabin waxa aad qoreysey. Cid inta aad eedayneysid isku noqo oo khalkhalka ka daa dadka xaq iftiiminaya, bal halagaa maqlo jawaab ilaa waxaad cuskatay lugo kuma taagnayn’e.

    Waxaan maalin dhoweyd akhriyey qoraal ka hadlaaye calamadaha doqonka ,waxaa ka mid ahaaa in uu iska aqbalo wax u baahana fikir xeel dheer, marka Oday Cali, gabagabaddii:

    Horta Oday haddaad tahay,
    Da’du waa saldano eebe,
    oo waaya aragnimo
    iyo khibrad siyaado ah,
    laga kororsadaaye,
    Oday Caliyoow,
    Odaynimo ha ceebayn,

  16. oday cali says:

    alxamdulilaah rabil caalamiin, wasaalatu wasaalamu cali asharafil mursaliin nabiyuna waa xabiibuna maxamed csw
    horta salaan asc salaan kadib umaleynmaayo inaad soo bandhigi doontid qoraalkayga, laakiin aniga xaqa isaaran waxa weeye inaan adiga iyo inta kale meesha wax ku qortayba usheego aragtidayda,mar hadaad adigu akhridid igu filan dan igama hayso inaad soo daabacdid iyo in kale.
    horta ugu horeyn anigu ma ahi nin dawladaan raacsan ama runtii jecel shariifka hogaamiya waayo waxaan u arkay inuu yahay labo wajiile.laakiin hadana somalitalk ma jecli waayo iyaguna waa labo wajiile(arin sahlan ma ahan), waxaan in yar ka akhriyey dastuurka aad halkaan qodobka uga soo qaadatay isla markiiba waxaan gaaray qoddob 22 oo sidan u qoran Qodobka 22aad-Xorriyadda Diinta iyo Caqiidada
    (1) Qof kastaa wuxuu xor u yahay in uu ku dhaqmo diintiisa.
    (2) Qofka Muslimka ah kama bixi karo Diintiisa.
    (3) Diin aan ahayn Islaamka laguma faafin karo dalka.
    qodobkan firqadiisa saddexaad waxay leedahay diin aan islaam ahayn laguma faafin karo dalka hadaba meel aan din kalaba lagu faafin karin sidee madaxweyne gaal ah u hogaamin karaa? common sense!, waxaan ku odhan lahaa ilaahay ka baq wa ramadaan ha u qorin wax si umada isaga horkeentid ama u raadisid gol daluulo sahal ah oo maskaxda kan garaadka yar khalkhalinaysa, waayo ilaahay baa ku eeganaya.

    wcwwbrkt

    alhusseini, Toronto

  17. Cabdicasiis says:

    Asalaamu caleykum!
    Waxaa mahadoo dhan leh allaah, kadib bahda somalitalk oo marwalba iftiimisa hagardaamada weyn ee lagu haayo dalkeena soomaaliya.
    Dadka soomaalida ah oo hor boodayo gaalada oo doonayo in dalka si dadban gacanta loogu geliyo gaalada, waxaa maanta u taagan dad uu ilaah u kiciyey inay ka hor tagaan dadka noocaas oo kale ah oo xumaanta diidya doonayana in Kitaabka alle uu noqdo dastuurka kaliya ee la isku xukumo oo maanta naftooda iyo maalkoodaba ay u hurayaan, haloo duceeyo kuwaas ayaga ayaa guuleeysanayo kitaabka alle ayaa la isku xukumayaa haduu ilaah yiraahdo.

  18. waad mahadsantahiin somalitalk.com, waxan iswaydiinayaa in qaladaadka ay ulakac yahay ama wax lasaxi doono? lagayaabaa in lagu qasbay. waayo dowladaha kaalmada siiyo raali kumanoqayaan sikale

  19. Mire says:

    Ac

    Banda SomaliTalk waa kumahadsan yihiin sida ay marwalba noogu iftiimiyaan qaladaadka laga gelaya shacabka iyo qaranka Soomaaliyeed.

    Soomaali nabad waa jeceshahay iyo horumar hadana waxay sameynayaan waxyaabo aan suuro gelinayn in nabad iyo horumar gaaraan.

    Dastuurku waa in uusan ka hor imaan xukunka alle. Waxaan akhristayaasha xasuusinayaa Africa oo idil malahan dastuur madax banaan waxaaba la Oran karaa malahan wax qaanuun ah waxay wali wax kuu qiimeeyaan Qabaail iyo Qowmiyado sidaas ayaa sababaysa in ay hogaamiyaan dad arxan daran oo calooshood u shaqeystayaal ah.

    Gudiga Dastuurka u sameynaya waxaa kaabo u ah nin madax ka ahaan jirey Norwey iyo reer galbeed qabiir ku ah Dastuurka bilaa diinta ah marka maxaad fileysaan markay ku yiraahdaan inagu Diinta iyo Dawlada waa Kala saarnay sidaasaan horumar ku gaarnay ee hadaad nabad iyo horumar rabtaan idinkuna kalasaara miriheediina waa wada aragnaa.

  20. cabdiboqor says:

    Nasiib darro Ummadeenan qorsho dhow iyo mid foqba waa laga leeyahay,raga na horboodayana maanata, maaha kuwo aqoon iyo waayo aragnimo eey ku gartaan ama wadaniyad iyo tabar eey wax ku diidaan iska leh-waa hadeyn fahmi karaan waxa socdee-Waana nasiib darrada ummadeena heysata.Waxa Mustaqbalka dheer uumadeena U tashadey wadamo daris, wadamo iyo Hey’ado Gaalo, iyo Calooshood u shaqeystayaal Damiir, Diin iyo Dadnimo toona aan laheyn.Waxaase Allaah mahadiis ah in eey jiraan Ummada wax fahamsan, u taagan danaha ummada, sidan oo kalana markasta umma ugu soo bandhiga hagardaamooyinka. mahadsanidiin Somalitalk.

  21. YAABANE says:

    SCM.
    Waxaa yaab ah in Dal islaam ah iyo dowlad islaami ah la yiraahdo dastuurku kuma qeexna ama kuma cada in uu madaxweynuhu muslim yahay, fiyoowyahay oo uusan ku dhicin qiyaano qaran. Ilaahbaan idinku dhaarshee dowlad islaami ah madaxweyne gaala ma hogaamin karaan Soomaaliyase gaalo xukun doon ah ma joogtaa, nin waalan qaranka ma hogaamin karaa ama qkiyaano qaran soo galay?

  22. sahra says:

    waa wahadsantihiin shaqaalaha soomali talk soo bandhigidiina arintaan waa arin aad looganoxo in islaan nimada laga cararo oo dastuur gaalnimo keenaya lasamaysto waxay doonayaan inay dalka iibsadaan iyo diinta balse ilaahay baa ujeeda kana aargoosanaya waxay rabaan siday shisheeye ugu beerilahaayeen dalkeena qaaligaa balse waawax aan noocuntamaynin alaha qabto dhgar wadayaasha diinta nacay

  23. ali says:

    war kuwan hada jooga haku daalina waa dad wadanka hada ku cusub oon lagaranaynin meel ay kayimadeen {uguyeedha somalida aynan garanynin

  24. guest says:

    Dastuurkani gaalnimada ah maxaad uga doodeeysiin anagu Muslim baan nahay sharciga Illaahay baanu qaadanay oonu dooranay.

  25. CABDULAHI says:

    DASTUURKA WAXA AAMINSAN IYO KUWA JACELBA WAA DAD DIIDAN INSHAREECO LAGU DHAQO DADKA MUSLIMTA AH WAA DAD REER GALBEEDKA UJANJEERA KUWA ISKU SHEEGAYO CULIMO OO HADANA DASTUUR WADO INEY ANSAXIYAN TAASI WAA NASIIB XUMO IN CULIMO LAGU SHEEGO WAA CULIMO DHAQAALO RAADIS AH OO AY MAREYKANKA KAGA BAHAN YIHIN KUWA TAAGERSAN WAA KOOXAXA RIDADA OO GAALADA UDABADHILIFEYA OO DIINTOODA RABA INEY IIBSADAN INASHA ALLAHA TAASI WAXAA KAHOR ITAAGAYA MUJAHINTA AL-SHABAAB WAXAAN MUJAHINTA UGU DUCENAYA INUU ILAAHEY XIFDIYO .
    MUJAHINTA AL-SHABAAB ALLAHA DHOWRO AMIN AMIN…

  26. Dastuurkii Soomaliya ee 1960 maxaa loo badalayaa ? ma is waydiiseen Soomaaliyeey ? anigaa jawaabteeda idin haya waxaa la rabaa in dad aan asal ahaan soomali ahayn in wadanka lagu abuuro oo aan noqono dad lagu maamulo wadankooda oo ay u taliyaan dad shisheeya ah. waxaan u soo jeedin lahaa Soomaliweyn in ay haystaan Dastuurkii la sameeyay 1960 oo ay iska daayaan la shaqaynta shisheeyaha qarashka faraha badan ku bixinaya in la badalo dastuurkayaga rabana in uu la wareegaan dhulkayaga .

  27. muraad says:

    Asalamu alikum
    waxan aad ula yabanahay wakhtiga intaas le’eg in lagaliyo shaqo aan loo dirsan..
    waxaan raba aqof walba oo caqli usaaxiib ah oo MUSLIM dhab ah inaan waydiiyo SU’AAL ah:
    Dadkaan la leelayahy dastuur ayaa loo samaynayaa ma ayagaa abuuray mise ALLAAH jala JALAALUHU ayaa abuuray?
    hadya jawaabtu tahay HAA ha usamaystaan waxay doonaan oo DASTUUR ah

    haday jawaabtu tahay MAYA oo dadka Allaah abuurtay(waana sida saxad ah) ha udaayeen Alalahii abuuray oo usoo diray Rasuulkeena SSCW MUhammad una soo dajiyay DASTUURKII lagu dhaqi lahaa oo ah AL-QUR’AAN AL-KARIIN iyo SUNNADA SAXIIXDA AH

    waxaa lasoo dajiyay 1431sano kahor alhamdulilaah wax in laga badalo ama in lagu darona ma lobaahna…
    ummadda soomaaliyeed ee Muslimka ah waxaan uga digaya inay ka fogaadaan aaminada wxaan loogu yeeray DASTUURKA waayo wa agaalnimo cad in aad dastuur aan kii Allaah ka ahayn qaadano ama aad dajiso..waxa kaliya ee wax sahrciyeen kara waa ALLAAH JALA HALAALUHU..

    waxaan rajayn in la fafiyo tacliiqaan
    waad mahadsantihin dhamaantiin
    wasalamu alaikum

  28. Xassan Yare says:

    Aad ayaad u mahadsantihiin Somalitalk sida qaayaha leh ee aad wax noogu sharraxeysaan. Waan qabaa in DASTUUR la diyaariyo, laakiin
    sidee looga dhaqangalindoonaa dalkan kala daadsan (GOBOL-GOBOL) oo aaysan ictiraafsaneyn baarlamanka foudada ah laga billaabo GUDOOMIYAHA.
    Waxaay ila tahay Soomaalida maantay in aaysan kala jecleen sameeynta
    Dastuurkan sababtoo ah waxaayba la-yihiin qutul-yoonkii, nabadgalyadii
    iyo kafantii lagu duugi lahaa, Kii dad xabaala hela baa nasiib leh maantay.

  29. Ani waaye says:

    Ma xuma dastuur waynu u baahan nahay umad ahaan,balse isweydiintu waxay tahay xagee lagu dhaqayaa dastuurkan? Weli waxaad moodaa umadda soomaaliyeed inaysan garowsan heerka uu le’eg yahay khilaafkeena umaddeed iyo wadada mugdiga ah ee aynu qaadanay 1991 kii sida ay u fog tahay oo aysan u sahlaneyn in si fudud looga soo laabto.